Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹
Walaalow, waan ku baryayaaye, reerka aan dhaqd oo ii ceeb-qari, Allaha ku asturee”. Inta fiiriyey, oo u- cabbaar fekeray, ayuu waxa uu ku yiri “Raaxo, ree dhaqasho ma jirta e, laakiin waan kuu ceeb-qarin All Idinki”. Raaxo, inta naxday ayaa Afkii juuqda gabay.
Wiilkii Bile ahaa, markii uu arkay in uu laba bil ku s’ dhaw yahay, ayuu waxa uu go’aansaday in uu iska bax
Sidii uu ballanta kaga qaaday, waxaa uu talo ku gaaray, in uusan gabadha fashilin, laakiin markii uu muddo dibedda ku maqnaado uu soo furo. Sidii buu yeelay. Waa baxay, gabadhana wax buu u soo diri jiray. Muddo sideed bilood kaddib-na, warqaddeedii ayuu u soo diray. Sidii bay iyadiina markaa aqalkii ku xaraashatay, oo reerkeedii dib ugu laabatay.
Runtii, reerihii oo dhan waa ka xumaaday dhaqankii wiilka, waxa* ayna qoyskii u sheegeen Raaxo, in uu ku dhacay Nabsiga wiilkii Geelle ahaa, ee isaga oo daba ordaya, ay meesha cidlada ah uga tagtay.
Geelle, maalintii ay Raaxo ka dal-doorsatayba, go’aan ayuu gaaray. Waxa uu maankiisa ka saaray Raaxo. Waxa uuna guddoonsaday, in uu gabar kale raadsado, noloshiisana uu dib-u-habeyn ku sameeyo.
Habaryarti oo markaas ka timid Sucuudiga, oo inaqashay arrinta ku dhacday Geelle, ayaa inta dhiiggeedii kacay siisay gabar yar oo jirtay 15-sano, oo la yiraahdo larxiya, oo markaas ay Sucuudi ka soo kaxaysay, oo fasax u keentay Boorama.
Waa gabar sidii ay Jallaato u dhuuqeysay, Casiirna u cabbaysay Shukulaato iyo nacniciini u ekaatay, oo haddii ay kaa soo hor-baxdo aad ku indha-daraan-dareyso. Ma suureyn karo e, waa Qalanjo aan isha loo dhammayn karin. Maba malaysanayn Geelle, in uu gabadhaas heli karo ama la siin kare e, waa ka aqbalay Habaryarti, waana lagu meheriyey.
Cid iska ladan ayuu ka soo jeeday e, aqal daahyo weyn ayaa loo amaamuday, halkaas ayuuna la galay gabadhii yareyd, oo aan – shaw – weligeed laga dhiijin, markaas buu ayaamihii hore la yaabi jirey sawaxanka ka yeeri jiray, taas oo uu markii dambe, gadaal ka ogaad sababtaas. Alle waa u barakeeyey Qoyska, carruurna w loogu deeqey isla markiiba.
Raaxo, habeenkii koowaad ee uu u tagay Bile, ka dambeeyey, daaqad rafaad nololeed ah ayaa u furanta Muddo dheer isla hadal hoose ayey wadday, oo gaarsiiy in ay dhaban-shubanto. Waxaa ayse nafis yar hesh markii uu Bile u ceeb-asturay, taas oo ay marar badan u duceyn jirtay Bile.
Laakiin Bile, markii uu soo furay Raaxo ay eheladiisii oo dhan la yaabtay. Marar badan oo ay wax weydiiyeen sababta u gabadha u soo fureyna, waxaa uu leex-leexan jirey jawaab toos ah in uu bixiyo. Sidii uu u qarin jiray, ayaa maahn dambe hadal ka fekeday, uu ku s’ qarsaday wiil ay qaraabo ahaayeen, kaas oo sidii uu ballamay ka beyray, oo faafiyey sirtii. Markaas baa war1 soo gaaray xaafaddii Raaxo, waxa ayna taas murugo aad xun ku beertay Raaxo iyo qoyskeediiba.
Raaxo, marar badan ayey fekertay, waxa a^ ogaatay in laga soo raacey wiilkii u dhimanayey ee beenta ku madadaalin jirtay ee Geelle ahaa. Mar kas isaga ayaa ku soo dhaca oo ay aayaheeda ka fekert Waddo hadda ugama bannaana, oo iyada ayaa ka tagt isaga oo u baahan, haddana waa xaasle qaba gabar indhihiisa ka jecel yahay, oo u leh laba wiil. Waa liibaanay, oo adduunyadii wanaaggeedii oo dhan u dh tahay.
Marka ay aragto, ayaa waxaa soo gala qoomamo r xoogaa maseyr ah. Ayaan ay talo rog-rogays kaddib, ayaa waxaa ay is-tustay in ay soo ceshato Geell xaaskiisa Farxiyana ay ka furto, sidaasina ay ula so wareegto.
Go’aankaas markii ay gaartay, ayey sidii ay uga fun lahayd lalankeedii gashay. Muddo haddii ay is-weydiinaysay shaxdii ay uga furi lahayd, ayaa waxaa ku soo dhacay in ay l ooxiso iyo faalla-lawu tagto, oo ay Farxiyo fasho.
Inta taladaasi la-wacnaatay ayey subax hore, waxa ay ku jarmaadday Islaan ‘Ilyar’ la yiraahdo, oo sheegata in ay llalalow iyo Halabooqad Rooxaanta joogta ay xukunto iyo mlay kale oo ay hawlahaas ku wada qaraabtaan, oo isna cuan ah, oo la yiraahdo ‘Yooead’. Iyada oo hadiyad ay u wadday ag dhigtay, ayey u sheegtey Ilyar iyo Yoocad danta meesha keentay. Ujeedku waa in Farxiya la falo, oo Geelle laga ceyriyo.
Haddii ay saas tahay, Armay-ba ka heshaa, in meelo gaar ah, oo aan waaridkeed arkayn, in ay dhallinyarada kula haasawdo?. Bilaa ay jamataa Shumiska, Tuu-tuujinta, Salaam, Xoodiska iyo Fara-fareynta?
Raaxo, halka uu ka marayo Jacaylka Geelle, kama gaarsiisana iyadu. Waa iskala sheekaysataa, waxa ayna lustaa in ay jeceshahay, oo aad bay ugu sii abuurtaa jacayl aan iyada ku jirin, waxa ayna u sheegtaa in ay mutaqbal ka danaynayso, axdiyana waa la-gashaa, kolkaas buu inta isa sii siiyo, sii gashaa mar waliba filasho badan iyo oddoraso dhab ah.
Raxmo jacaylkaasi waa ka afka e, waxaa ay leedahay oo heshaa saaxiibbo kale oo uusan miskiinku ka war-qab’ Xitaa qoyskeedu lama socon saaxiibbadeeda kale, oo Gee1 keliya ayey ku og yihiin.
Saaxiibbadeed, kuwo Mag weynta Boorama ayey ka shukaansataa, kuwana dibed ayey kala haasawdaa. Kuwa ay Boorama kula sheekeysat waxa aan loo ogayn, meelo gaar ah iyo guryo gaar ah oo ugu tagto, ayey kula soo haasawdaa.
Geelle, markii uu idleeyey Dugsigii sare, a Jaamacad ma aadine, waxaa uu iska sugay, inta dhammeynayso Raaxo Dugsigaas, oo awal hore ayey sida Axdi ku galeen.
Markii ay Raaxo soo af-meertay Dugsi sare, oo uu Geelle doonayey in uu doono, oo uu reerkii ku war-geliyo jeceylka gaammuray ee isaga iyo Raaxo dhexeeyey iyo in la gaaray xilligii loo dooni lahaa, ayuu war-helay in Raaxo la soo doonay.
Arrintii markii uu maqlay, waa u qaadan waaye kolkaas buu isma uusan shiddayne, waxaa uu u tag Raaxo oo uu weydiiyey sheekadaas, waxa ayna u sheegte in wiil ay qaraabo yihiin, uu Austraha ka soo doonay.
Wuxuu weydiiyey, jacaylkii muddada dheer kala dhexeeyey uu wax-barashadiisii sare ku seegey iyo sida ay damacsan tahay, waxa ayna ugu war-celisay, in waaridke arrintaas ay u soo jeediyeen.
Inta hadalkaas ka naxay, oo illin uusan ku tala-j ku soo joogsatay, ayuu Raaxo codsi u jeediyey, waxaa u ku yiri “Raaxooy, Walaaley, muddo dheer ayaan ku jecla adiga ayaan ku sugayey in aad dhammeyso Iskoolka, gab oo dhanna dartaa baan uga go’ay, waadna og taha Walaaley, waan ku baryayaaye, sidaan ha iiga tegin.
Wa og tahay qoyskayagu waa ladan yahay, waxa aad rabt aniga ayaa kuu qabanayee, xitaa cidda na dhoofiya ani ayaa ka dhaadhicinayee, haddii aad dibed rabtid, ee walaaley jacaylka yagii qaddari, oo sidaas ha uga tegin”. “Walaalle, waa sax e, laakiin waalidkay ma dhaafi karo”, ayey misena ugu jawaabtay.
Geelle, markii uu arkay in aysan Raaxo diir-naxayn, ayuu isku sii daayey Raaxo hooyadeed oo uu yaqaanay. Maaddaama ay tiri “Waalidkay ayaa ila jeclaaday”, ayuu damcay, in uu waalidkeed dhankooda ka maro, oo hooyadeed oo uu yaqaanay oo ay isku fiicnaayeen, arrintaas doonay in uu kala hadlo.
Hooyadeed Naado ayuu u tagay, oo ay markaas la fudhidey walaasheed ka weyn ee Jamiilo. Waxaa uu weydiiyey warka in la soo doonay Raaxo, markaas bay u sheegeen, in ay iyadu u keentay wiil Australia jira, oo ay (jaraabo yihiin, iyaduna naga codsatay in wiilkaas lagu daro, oo ay muddo sheekeysanayeen. “Hooyo, ma isaga ayaa idin ka soo dhacay, mise iyada ayaa idiin keentay?”, ayuu isaga oo is-celinaya yiri.
“Annagu xiriir maannaan lahayne, iyada iyo isaga ayaa wada sheekeysan jiray, markii ay is fahmeenna, iyada ayaa nagu soo xirtay”, ayey ugu jawaabtay Naado. Markii uu xogtii helay ayuu, waxa uu sheego inta aqoon waayey, iska tagay.
Naado iyo qoyska oo dhan, waxa ay Raaxo la jeclaayeen Geelle, hase yeeshee, markii ay keentay wiil dibedda jira, qoyska oo dhan han adduunyo iyo armay gabadhu dhooftaa baa gashay, oo horey ayaaba wiilkii laga soo dhaweeyey, gabadhiina loogu farxay tillaabada ay qaadday.
Gabadha iyo reerkuba, dibedda ayaa qaadday iyo u han-qal taagga carrada shisheeye, markaasey hilmaameen wiilkii wanaagsanaa ee Geelle ahaa, oo muddada dheer gabadha daba taagnaa, ciddana qaddarinta iyo wanaagga hayn jiray.
Caku, qofku haddii uusan garan karin qumai jacaylka! Caku, haddii uu u-hanqal-taagidda adduunj kala weynaato jacaylka. Caku se, haddii waalid aanan go ahayn, oo meel soke wax ka eegaya, wax laguugu daro!
Lasoco Qaybta 2aad
Ka ufooda naaguhu ragow, malahan iimaane.
Intaa kadib, Axmed telephonekii ayuu isa saaray ayado weli khadka ku jidha, markuu cabaar joogay uuna fekerayay ayuu go’aan wuxuu ku gaaray in uu iska hilmaamo Nasiib kana calool goosto jaceylkeeda nabarrada u geystay.
Axmed sidaas ayuu yeelay, wixii ka dambeeyayna Nasiib ma uusan la kulmi jirin, ma wici jirin, meel ay joogtana cag ma uusan saari jirin.
Axmed markuu muddo uu joogay Nayroobi, xoogaana ka soo fiyoobaaday Nabarradii Nasiib ayuu waxa uu aaday Dalka Somaliya iyo reerkiisii ilaa iyo haddana meesha ayuu joogaa.
Dhanka kale Nasiib iyo balaakii arrintoodii ma aysan sii socon in muddo ah waayo Balaakii awalba waxay ka aheyd gabadhii waagii kugu daadisay adna mar jayga ka dhig oo ka arso, sidaas ayay ayana ku kala ahareen.
.........DHAMAAD.........
Axmed sharqantii yeedhaba wuxuu madaxa kala soo baxayay albaabka harqaanka asagoo moodayay Nasiib, wuxuuna ka walwalayay meesha ay ku maqantahay jaceylkiisa Nasiib iyo xaaladda ay ku sugantahay mar walbana wuxuu saaxiibkii Cabdi Xassan ku lahaa
“Nasiib waligeed gurigeeda xilligaan oo kale kama maqnaan ee ma askar ayaa qabatay mise talow tuugo ayaa dishay!!, halkee ayay ku maqanahay saacadaan, waxaan ka baqayaa inaysan fiyoobeen”,
Cabdi Xassan ayaa ugu jawaabayay niyaddana ugu dhisayay “Saaxiib waxba haka welwelin, wey imaan doontaay ee waxaa laga yaabaa ina jirto meel kale ”,
markii cabaar la joogay waqtigiina uu dabayaaqa sii yahay ayuu Cabdi Xassan ku yiri Axmed “saaxiib waa xilli dambe oo waa kaa salaadii subax loo addimayo ee orod oo iska hoyo, subaxii marka ay ii timaadana aniga ayaa kula soo hadalsiinaya”, Axmed wuu yeelay hadalkii saaxiibkiis wuxuuna iska aaday gurigoodii.
Axmed wuxuu soo gaaray gurigoodii wuxuuna isku tuuray sariirta asaga oo kabihii iyo dharkii qaba kana fakaraya weli xaaladda ay ku sugantahay gacalisadiisa, kana sugaya saaxiibkiis Cabdi Xassan teleefan, isna oranaya muxuu ku soo oron doonaa saaxiibkaa.
Markii la gaaray saddex saac subaxnimo ayaa waxaa soo wacay saaxiibkiis Cabdi Xassan oo uu ka dhowrayay teleefonka wuxuuna ku yiri saaxiib wey fiicantahay haddana Nasiib wey ila joogtaaye la hada. Kadibna Nasiib ayaa teleefonka qabsatay oo la hadashay Axmed:
#Nasiib : Sidee ayaa tahay Axmed?
#Axmed: waan fiicanahay ee xalay halkeed jirtay?
#Nasiib: Guriga Ayaan joogay ee ma hurdo la’aan ayaa ku heysay
markaad xalay oo dhan isugaysay aniga waxaan u maleynayaa
xalay oo dhan ayaad soo jeeday oo hadda ayay habeen kuu noqotay anigana hadda ayuu waagii ii baryay ee hurdo wacaan walaalle”.
Intaas Markey tiri ayay ku damisay teleefankii, Axmed asagoo weli teleefankii dhagta ku haya ayaa waxaa horay usoo dhaafay illin aad u fara badan oo barkintii uu barkanaa wada qoysay, wuxuuna u qaadan waayay kana xanaaqay sidii uu uga fekerayay Nasiib iyo sidey u gashay.
Asagoo weli seexan ayuu soo baxay horayna u soo qaatay qaadkiisii si uu isugu mashquuliyo wuxuuna soo aaday guriga Bahjo wuxuuna u yimid Maama Cadar, markey aragtayna wey ka naxday waayo indhihiisa waxay ka soo jeedeen god waxaana wajigiisa ka muuqatay diif aad u badan.
Waxayna ku tiri ‘Axmed manta waxaa laguu maleeyaa qof 30 sano ku xirnaa jeel oo aan cunno la siin jirin”,
Axmed ayaa ugu jawaabay “Maama waa runtaa oo waxaan ku jiray Jayl eey I galisay gabadhaan aduunka u jeclaa, jeelkaasina ma ahan jeelkii caadiga ahaa ee waa jayl jaceyl, jaylka jaceyl iyo midka caadiga ahna waxaa daran midka jaceylka anigana midka jaceylka ayaa ku jiraa”
Kadibna Maama Cadar ayaa tiri “Kaalay horta, cabaar seexo hadhow ayaad qayileysaaye”.....
Lasoco Qaybta 6aad....
Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 5-aad
Waa qaybtii Afaraad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen.
Axmed eedadiis ayaa fiirisay wiilka la isku tilmaamayo, waxayna ku baraarugtay inuu yahay wiilkeedii Axmed, ayadoo naxsan ayay u yeertay waxayna tiri
“Axmed maxaa kugu dhacay eeddo?, waa maxay sidaad u taallid iyo diifta kaa muuqata, dadku waxay kuu qabaan inaad waalantahay”,
Axmed oo eedadiis kala baqay inuu u sheego runta ayaa wuxuu ku yiri “Eedo, waan fiicanahay, wax dhib ahna ma jiraan” , kadibna waxya ku tiri “Orod aad xaafadii, hadda Ayaan kaa daba imaanaya”.
Kadibna waxay ugu timid xaafadda, waxayna horay u soo kaxeysatay wadaado si ay Axmed u quraan saran.
Axmed asagoo ku haya miyaan waalanahay maxaa quraan la ii saarayaa ayaa quraankii horay looga bilaabay asagoo hadalkii wada weli. Markii lagu dhameeyay quraankii ayuu waxuu usoo baxay banaanka tiriyayna tixdaan gabayga ah:
Siinka gabayga anigoo yar baa, laygu saacidaye.
Saddex iyo anigoo laba jira, saabka ii galaye.
Sambabkeyga iyo feeruhuu, sadar u yallaaye.
Sayid Maxamed iyo raage yaan, iiga sareenayne.
Saamigii qamaam baan ihiyo, suxufiyaashiiye.
Salaan iyo sidii qaasim baan, sahal u sheegaaye.
Suldaan tima cadiyo waxaan matalin, saygii caliye dhuuxe.
Sarbeebta iyo arartaba abwaan loo sahlaan ahaye.
Bal saadaasha manta aan dayo, subaxba waa ceyne.
Nin haween la saayiray rag un, saxalki weeyaane.
Siyaadiyo marbuu ku arkayaa, wuxuu suluugaaye.
Inayse saar jaceyl galinayaan waa, saxiix qorane.
Sirna laguma aamini kariyo, sawdaad leedahaye.
Waa sabi dhalaan oo kaloo, samir ma yeeshaane.
Mar hadey sidaas kuu dhugtaan, waa allow sahale.
Anigana suntey igu dureen, saaqday badankiiye.
Markaan seexa maagaba, hurdada waan ka salalaaye.
Sahwi baan I galayoo qalbigu, saaxil noqon waaye.
Nin sarqaansan lay mood markaan, suuqa maraaye.
Dadku yiri sidee tahay baryahan, waad silloontahaye.
Suuradaha qurankiyo wardiga, maalmo lay saarye.
Subxaan-laah iri dumarku waa, suniyo waabanye.
Kadibna Axmed wuxuu soo aaday guriga Bahjo wuxuuna soo qaatay qaad badan,markii uu fadhiyay muddo badan oo uu ka shaqeeyay maskaxdiisa wuxuu ogaaday muddada uu daba socday Nasiib in ay tahay mudo aad badan oo uusan ogeyn sababta ay uga carareyso inay jaceyl wadaagaan, aysanna u sheegin sabab uu ku qanco.
Axmed wuxuu go’aan ku gaaray in uu ka codsado Nasiib inay noqdaan dad walaalo ah maadaama uu jaceylkeeda waayay, wuxuuna u sameynayay arrintaas si uu uga ag dhawaado Nasiib,
kadibna wuxuu u wacay Bahjo iyo Yaasmiin wuxuuna u sheegay inuu yahay nin nasiib xun waayayna jaceylkiisii uuna doonayo go’aanna ku gaary in ay asaga iyo Nasiib noqdaan dad walaaalo ah oo aan salaanta la isla dhaafin wadooyinkana aysan uga leexan,
runtii way layaabeen, waxayna u qaateen in uu Axmed waashay, waxayna ugu jawaabeen waan la soo hadleynaa oo anaga ayaa ka soo dhameeneyna hadda,
kadibna waxay u kaceen halkaas iyo gurigii Nasiib waxayna ugu tageen ayadoo gurigoodii jooga, waxayna u sheegeen go’aankii Axmed kana codsadeen in ay ka yeesho, Nasiibna way ka aqbashay.Intaa kadib waa la isa soo raacay oo waxaa la soo aaday Axmed oo weli jooga gurigii Bahjo,
Axmed markuu arkay Nasiib aad ayuu u farxay oo wuu qoslay, salaan kadibna waa la heshiisiiyay Axmed iyo Nasiib oo gacmaha ayaa la isku saaray.
Axmed oo u qaadan la’ ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa inaa riyoonayo, waayo uma maleyneyn in ay Nasiib ila hadli doonto ama ay ila fariisan doonto”, markuu hadalkaa yiri ayaa Bahjo oo Axmed garabka ka dharbaaxeysa lana kaftameysa ayaa tiri “Axmed naga daa hadalkaas, hadda waa maalin faraxad iyo reynreyn”.
Kadibna waxay noqotay xilli dambe, Axmed wuxuu soo kaxeeyay Nasiib wuxuuna keenay gurigeedii weyna is macsalaameeyeen, asagana wuxuu aaday gurigoodii asagoo aad u faraxsan una qaadan la’ heshiiska Nasiib. Axmed habeenkaa wuxuu seexday hurdo aad u macaan oo uusan seexan inta ay kala fogaayeen Nasiib.
meeshii uu farxad, dabaal deg ama shumis ka sugayay lagu yiri waa kuu kaligaa, asagiina uu jaceyl la'aan iyo xaas la'aan ay isugu darmatay.
Bahjo waxay u yeertay Nasiib ayadoo canaananeysana waxay ku tiri:
#Bahjo: Maxaad damacsantahay oo aad ka wadaa waxa aad sameysay?
#Nasiib: Aniga ma aan hayo cadeyn ama wax aan uga kalsoonaaddo Axmed arrinta uu ii sheegay
#Axmed: (Asagoo is celin la ) oo maxay tahay cadeynta aad raadineyso? Ma adiga Ayaan ku furayay mise adiga Ayaan markhaati ahaan kuugu kaxeysan lahaa, shalay aniga ayaa kuu sheegay oo waad aamintay, manta maxaa jira oo aad igu aamini laïdahay inlee qofkii shalay kuu shegay unbaan ahaye?
#Nasiib:al-xaasil, aniga waxba igama gelin.
#Bahjo: (oo xanaaqsan) waad khaldantahay Nasiibey, maxaad Damacday?
#Nasiib: Aniga ayaa jecleystay sidaan.
Axmed mar kaliyah ayay xaadu kor u istaagtay, wuxuuna u qaatay inuu riyoonayo waayo kama uusan maleyneyn hadallada noocan ah in ay kasoo baxayaan Nasiib oo uu xaaskiisa daraadeed u furay, asagoo is madax dhaafsan garanna la'meel uu wax ka bilaabo ayaa tixdaan ku soo maaxatay:
* Gabar yahay bukaanka iyo, adaa beeray caashaqa.
* Bartiisa adigaa igu dhigay iyo , boogta igu taalla.
* Basaastiyo adaa iigu wacan, baahidaan qabaye.
* Boholyoow adaa igu riday iyo ciil aan baxaheyne.
* Ballantaanu dhiganay iyo adaa buriyay qowlkiiye.
* Adaa iiga baxay sheekadeenii, baaxada lahayde.
* Bilcantaan qabay iyo markaan, buriyay xaaskeyga.
* Booraan adaa ii qoday iyo, boholo dhaadheere.
* Axdigii adaa buriyay , beenshay wacadkiiye.
* Jaceylkuna birweeyoo kalabixin, aan jabine.
* Waa baaxad wayn yahay haduu, laamo bixiyaaye.
* Badanka iyo haduu galo wadnaha laga biskoon waaye.
* Boodhari sidii uu u dilay waa, bayaan qorane.
* Buda iyo qabriguu la galay, baanna muu heline.
* Aniguna bartii inuu I dhigo yaan , ka baqahayaaye.
* Baad iyo anfaco waan ka tagay, waana baahnahaye.
* Barkin taan ku seexdiyo hurdo, iima baxayaane.
* Bindhaantaada goortaan arkaa, la I badalayaaye.
* Beer ku taallada iyo uurku way, balbalayaane.
* Barta aad ku noo shahay igee, waan bogsanayaaye.
Intaa kadib, Nasiib ayaga oo taagan meeshii ayay ka tagtay, Axmedna asagoo calool xumo la caga jiidaya, tacbaanna ah ayuu gurigiisii iska aaday.
Habeenkaas wixii ka dambeeyay waxaa u bilowday kharaarkii nolosha wuxuuna noqday sidii qof waalan, wuxuuna bilaabay inuu dib ugu laabto balwad uu horay isaga daayay asaga oo ka dhiganaya madadaalo iyo wuxuu isku hilmaamsiiyo nabarada soo gaaray,
wuxuuna isku dayay inuu ogaado sababta keentay inay ka fogaato gabadha uu jecelyahay ama ay ku nacday waayo wuxuu garan waayay sida naxariis darrada ah ee ay ula dhaqantay,
Nasiib darrase maalinba maalinta ka dambeesa Nasiib way kasii fogaaneysay Axmed, asagana wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu xalliyo arrinta, gacalisadiisana dib u hanto.
Axmed badanaaba waqtigiisa wuxuu ku dhameysan jiray guriga Bahjo asagoo uga dhawaan jiray si uu arko Nasiib, bahjana mar walba wuxuu ka codsan jiray inay caawiso, waxayna mar walba niyadda ugu dhisi jirtay inay ku jirto arrintiisa ayna xallin doonto laakiin ilaa hadda aysan helin wax ay Nasiib tabaneso ama ay damacsantahay.
Axmed maalinba maalinta kadambeysa xaaladiisu way sii xumaaneysay balse habeen habeenada ka mid ah ayaa Nasiib iyo Bahjo ayaa yimid gurigii Bahjo ayagoo ka yimid magaalada, waxayna ugu yimadeen Axmed oo guriga ku qayilaaya.
Markii ay fariisteen ayaa Bahjo waxay tiri “waxbaan soo ilaabay oon soo qaadanayaaye isuga” ayadoo ula jeedkeedu ahaa si ay jaanis u siiso Axmed si uu ula hadlo Nasiib.
Axmed wuxuu Nasiib waydiiyay sababta ay u silcineyso iyo dhibka uu u geystay ee ay ka aarsaneyso. Nasiib oo dareentay in Bahjo bixitaankeedu uu ahaa mid horay loo qorsheeyay ayaa Axmed ugu jawaabtay “aboowe suuliga Ayaan kasoo laabanayaa kadibna waan is wareysaneynaa”
Mxaa waaye waxa kaliya laga dhaadhicin karin
Читать полностью…Intaa kadibna ayagoo wali isfahmin ayay isa soo raaceen waxayna soo aadeen guriga Nasiib, suuqaana macmanaan horay looga sii gatay, waxayna tageen xaafadii waxaana la joogay xaafadii ilaa iyo habeenkii saq dhaxe, kadibna waxay soo dhaweeyeen Axmed oo waxay keeneen meel u dhow gurigooda,
kadibna Axmed iyo Nasiib ayaa ubaxay gooni waxuuna waydiiyay arrintii galabta oo uu u qabay kaftanka oo aheed in ay baxayso, waxayna ugu jawaabtay “maya waaniska kaftamay”, kadibna way is macsalaameeyeen.
Kadibna Axmed waa uu soo tagay waxuuna soo aaday gurigoodii, Axmed subaxii mar kuu kacay ayuu waxuu soo aaday guriga Bahjo waxaana joogay Bahjo iyo Nasiib salaan kadib, Axmed waxuu u gudbay gudaha, asagoo daawanaaya telefishin ayaa waxaa u soo galay Bahjo waxayna ku tiri “na sii sug oo hanaga tagin, Nasiib Ayaan alaab lasoo gadayaaye”
Cabaar kadib, Axmed waxaa soo wacay saxiibkii Cumar oo u sheegay in uu walaalkii shil galay, Axmedna waxuu u cararay goobtii walaalkii uu shilka ku galay, waxuuna kasoo laabtay hal saac oo habeennimo waxuuna soo aaday guriga Bahjo oo uu ku ogaa gacalisadiisa, waxuuna ugu yimid Bahjo kaligeed waxuuna yiri
"Abaayo sidee tahay” Bahjo ayaa tiri “waan fiicanahay ee maxaad nooga tagtay” Axmed ayaa ku yiri “abaayo walaalkay oo shil galay baa la ii soo sheegay marka asagaan aaday ee meeday Nasiib”,
Bahjona waxay u sheegtay inay baxday, Axmed ayaa weydiiyay meesha ay aaday Bahjo waxay u sheegtay in ay eldorate aaday, Axmed ayaa misna weydiiyay sababta ay u baxday, bahjana waxay u shegtay in ay habaryarteed ilmo la kaxeysay Axmed ayaa ku yiri “laakiin iima aysan sheegin”,
Bahjo ayaa ku tiri “waanu kuu sheegnay anagoo dhan ee adaa aamini waayay” kadibna Axmed waa uu ka soo tagay oo waxuu soo aaday gurigooda, markuu yimidna Nasiib ayuu moobeelkeedii ka wacay, waxuuna waydiiyay in ay baxday iyo inkale waxayna u sheegtay in ay baxday
Axmed waxuu noqday jamal ay badda ka guudhay oo kaligii meel taagan oo waxuu uqaadan waayay siday u baxday gacalisadiisa waayo uma aysan sheegin,
Axmed waxuu rabay in ay ugu sheegto sidii qof wayn ama laba isjacel oo kale, balse madhicin.Axmed waa uu cidloobay waa uuna tabay gacalisadiisa waayo magaalada ayuu kaligiis ku noqday, waxuuna ku soo laabtay balwadii oo uu horay isaga daayay,
Axmed waxuu bilaabay in uu ku qayilo guriga Bahjo marwalbana waa uu wacijiray gacalisadiisa asagoo waydiin jiray xaaladeeda kana codsan jiray in ay usoo dheerayso, balse ayada maysan soo wici jirin Axmed waxuu dareemay in uu jiro is badel wayn,
mana mawaydiin Nasiib is badalka waxa uu yahay waayo Axmed waxuu doonayay in uu waydiiyo markay timaado waxaana lagaaray habeenkii uu dhamaaday sanadka 2005ta oo uu dhalanayay sanadka cusub ee 2006 markay saacadu aheeh ‘6’ habeenimo oo gow ah ayuu wacay gacalisadiisa waxuuna way diiyay xaaladeeda say tahay,
waxayna ugu jawaab tay waan fiicanahay gacaliye Axmed baayiri sanad wacan gacaliso Nasiib baa uu gu jawaabtay si doo kale waxuuna waydiiyay goorta ay imaanayso, waxayna u sheegtay inay beri soo baxeyso.
Axmed waa uu farxay waayo waxaa isugu aaday laba farxadeed oo kala ah sanadka cusub iyo gacalisadiisa oo I maanaysa, waxuuna waydiiyay gacalisadiisa xiligay imaanayso si uu usoo dhaweeyo oo uu usoo doono, waxayna u sheegtay in ay soo galayso 10 ka galabnimo waxuuna u sheegay in ay soo wacdo xiliga ay soo baxdo.
Axmed habeenkii oo dhan waxuu la xusayay sanadka cusub saaxiibadii, waxuuna soo seexday xili danbe asago seexday hurdo aad u macaan, oo uusan seexan intii ay ka maqnayd gacalisadiisa Nasiib.Axmed waxuu toosay sideeda saac ee duhurnimo waxuuna wacay gacalisadiisa waxayna u sheegtay in ay soo dhowdahay
Axmed waa uu baxay waana orday waxuuna soo aaday guriga Bahjo si ay isku raacaan balse Nasiib xumo Axmed markuu gudaha soo galay waxuu indhaha ku dhuftay gacalisadiisa oo la fadhida Bahjo, Axmed waa uu naxay waana is taagay wuuna u qaadan waayay,
Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 3aad
“abaayo Yaasmiin idhagayso aniga Nasiib aad baan ujeclahay waxaana ahay wiil dhalin yara ah mana haysto wax dhaqaale ah oo aan kula tartamo nin kaas, anna uma socdo maraykan mana awoodo in aan siiyo Nasiib waxii farxadeeda ah waayo uma awoodo in aay ku noolaato nolol sare, abaayo dantaa igu kaliftay in aan ku iraahdo guurso ninkale gacalisadayda,
abaayo mana doonaayo in aan ku diro Nasiib Waalidkeed iyo walaalaheed mana doonaayo maadaama aana awoodin in aan mar walba horkeeno waxii farxadeeda ah , marka abaayo Yaasmiin arimahaas baa igu kalifay in aan dhaho hadalkaas”,
Yaasmiin oo Ooyaysa ayaa tiri “waligay ma arkin jaceelka ku haya oo kale iyo sidaad ugu hibaysay noloshaada gabadhaa jeceshahay farxadeeda”,
Maxamed ayaa soo booday oo yiri “waligay jaceel waan maqli jiray waana ka aqriyay buug waana kadaawaday filimaan kanoo kalese Taftey ka banaanka, Axmed waxaad istaahishaa in lagu Dhiso taalo”, Axmed ayaa ugu jawaabay “waad mahadsantihiin”,
Kadibna way kasoo tageen Maxamed iyo Yaasmiin waxayna soo aadeen guriga Nasiib ayagoo doonaya in ay wax usoo sheegaan lanasoo hadlaan, Nasiib waxay ugu yimaadeen ayadoo fadhida gurigeeda hortiisa oo kaligeed fakaraysa,
Yaasmiin ayaa tiri “saaxiibay ii waran, sidee tahay, “waan fiicanhay” ayay nasiibna ugu jawaabtay, kadibna waxay waydiisay sida ay wax u jiraan,
Nasiibna wey usheegtay sida ay arrini u dhacday, kadibna yaasmiin ayaa waydiisay sababta ay usoo carartay oo uga soo tagtay Axmed, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “abaayo aniga waxaan doonayay in uu Niyada ii dhiso balse waxuu igu yiri guurso asaga, hadaan u baahanahay ninkaas asagaba umaan imaadeen umana asheegeen arrintaas ee aniga guursan lahaa”,
Yaasmiin ayaa tiri “waligay ma arkin qof kaa nasiib xun”, kadibna waxay uga sheekeysay Sababta ku kaliftay Axmed in uu yiraahdo orad guurso nin kale.
Mmarkay ogaatay runta waxay tahay Nasiib orad ayay soo biloowday waxayna soo aaday gacaliyaheeda xagiisa markay soo gaartayna gurigii Axmed ayay garaacday albaabka, markii laga furayna waxay aragtay Axmed oo fadhiya meeshii ay uga tagtay caawa fiidkii asagoo loowyaha saartay gacmaha kulana jira dhexdooda madaxa,
ayadoo soo daashay oo xuurtoonaysa ayay ku soo booday oo is ku duubtay kuna tiri “gacaliye, waan ku baryayaa iska kay cafi waan ogahay in aanan istaahilin qof la cafiyo,
waayo qof nolashiisa iisiiyay hadiyad ahaan farxadiisana ubaabi’iyay farxadayda Ayaan dareemi waayay laakiinse waxaad tahay qof xun waayo aniga ma waxaad mooday hadii aan helo farxada aduunka oo idil adigana aan ku waayo in aan ku noolaanaayo farxad”
Axmed ayaa yiri “iga raali naqo aniga mar walba waxaan u ordaa farxadaada mana awoodo in aan ku hoos keeno wax walba oo aad rabtid” Nasiib ayaa ugu jawaabtay “waa beentaa, Axmedow aniga farxadaydu waa adiga, marka hadaadan I rabin ii sheeg oo aad I nacday waayo nolashaydu waa adiga oo kaama ahaan karo la’aan taana nolashaydu Qatar bay ku jirtaa”,
Axmed ayaa yiri “isku day in aad I fahantid”, Nasiib ayaa isla markiiba kabobtay hadakii oo tiri “iga raali naqo gacaliye maxaan ku fahmaa mawaxaad doonaysaa in aan nolashaada baabi’iyo kuna dhiso nolashayda, aniga waan kaa tagayaa asagana ima guursanaayo” wada hadal dheer kadib Axmed iyo Nasiib way is fahmeen oo waxuu u soo kaxeeyay gurigoodii.
Dhanka kale waxaa jirtay maamo la yiraahdo cadar oo ah Bahjo Hooyadeed maamo cadar waxay aheed maamo aad u fiican jecelna Axmed waayo wuu qadarin jiray, waxayna siin jirtay mudnaanta koowaad jaceelka Axmed iyo Nasiib waxayna jeclayd in ay midoobaan wayna usheekayn jirtay mar walba,
dhanka kale Axmed iyo Nasiib jaceel koodu wuxuu noqday mid aad u balaartay balse markay aheed taariikhdu 4/10/2005 oo Hijri-gana ku aadanayd bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa waxaa yimid Axmed Eedadiis oo ah xaaska aabihii oo ka timid Sacuudiga,
· Qofkuu ku nuuxnuuxsadana, naafo wow halise.
· Nabar aan buskoon weeye, iyo naar kuleel badane.
· Aniguna adaan kugu nabtoo, diiday naag kala’e.
· Nabsi hayga gelin yaan waqtigu, nuurku kaa dabine.
Tixdaas kadib, Nasiib ayaa tiri “Gacaliye iga raali noqo waan ka xumahay dhaawaca aan kuu geystay aniga ayaa lay watay oo sheydaan ayaa ila shekeystay”.
Axmedna asagoo xanaaqsan ayuu yiri “Macassalaama” kadibna wuu kacay oo waa uu tagay. Waxaa u dhawaa oo meel u dhaw fadhiyay Yaasmiin, Bahjo iyo Maxamed.
Bahjo Ayaana aragtay Axmed oo sii baxaya weyna kasoo daba oraday waxayna ku tiri: “Axmed walaal, maxaa dhacay? Namaadan soo marine, ma wax dhib ah ayaa jira?
Nasiib miyaad is qabateen”, “Maya abaayo, iskuma aanan dhicin Nasiib, ee madaxa ayaa layga hayaa “ ayuu Axmed ku jawaabay asagoo qarinaya arrinta dhacday.
Axmed iyo Bahjo intay wada hadlayeen ayay Yaasmiin u tagtay Nasiib oo ooyeysa, Nasiibna wey u sheegtay waxa dhacay.Yaasmiin waxay kasoo daba oroday Axmed oo markaas Bahjo macsalaameynaya,
waxayna tiri: “Axmed maxaa dhacay? Nasiib wey ooyeysaaye”Axmedna wuxuu ugu jawaabay: “I dhageysta, aniga waxaan ahay walaalkiin Nasiibna waa walaashiin,
waligay wax khalad ah miyaan idin ka galay ama Nasiib ka galaya, amaba aad I aragteen aniga oo la socda ama shukaansanaya gabdho kale, amase meel xun oo jaceylkayaga dhaawacaya maraya?,
in badan ayaad I garaneyseene, maxaa ku kalifay Nasiib in ay kalsooni darro galiso xiriirkeena oo ay ii daba dhigtay saaxiibadeed si ay ii baaraan, runtii arrintaas aniga kalsooni darro ayay I galisay Nasiibna kama aanan maleyneyn arrimahaas”.
Bahjo ayaa tiri: “walaal, waan ognahay inaadan xumeyn, ayadana waxaa u geystay arrintaas maseyr ay qaaday, runtii labada qof ee is jecelna waa inay isu maseyraan hadii kale jaceylkooda tuhun aya ku jira”.
Dood iyo maslaxeyn kadib Axmed wuxuu aaday gurigooda asaga oo ka xanaaqsan arrintii , markuu yimidna wuxuu ku dhacay sariirtiisa,
Yaasmiin Bahjo iyo Maxamedna waxay sasabaad iyo qancin ugu dhaqaaqeen Nasiib waxayna u sheegeen in ay Axmed la hadleen kana qanciyeen wixii dhacay galabta, kadibna waxay u kaxeeyeen gurigeedii, waxay Nasiib u qaadan weysay sida fudud ee uu uga tagay.
Axmed kadibna markii waagu baryay Nasiib waxay soo aaday gurigii Axmed aroortii, waxay garaacday albaabka waxaana kafuray Ayaan oo aheyd Axmed walaashiis, waxayna usoo kicisay Axmed, mar kuu arkay Nasiib waa uu u qaadan waayay waayo waxuu layaabay saacada ay socoto
Waxuuna kuyiri “Nasiib sooma fiicnid abaayo ma wax dhibaa ayaa jira waa maxay saacada aad socoto”, Nasiib baa ugu jawaabtay “iga raalinaqo waan kaa ahaan waayay xaloo dhanna waan soo jeeday sidaan kaaga fakaraayay, waxaana kaa codsanayaa in aad is ka kay cafiso”,
Axmed ayaa lasoo booday “waan ku cafiyay ee soogal macaaney gudaha marka hore” kadibna waxay ugu jawaabtay “Markale iga raalinaqo macaane. waxaan ku noqonayaa gurigaygii muhiimadaydu waxay ahayd in aad icafisid”.
Maalin taa waxii kadanbeeyay Axmed iyo Nasiib waxaa u furmay Il kamid ah Ilaha jaceelka waxayna noqdeen hal qof, kulamadooduna waxay kusoo noqdeen sidoodii hore, waxayna ku kulmi jireen guriga Nasiib ama guriga Bahjo.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dhacday in ay Yaasmiin wacdo Axmed kadibna ay usheegto in ay Nasiib xanuunsan tahay ayna jiifto xaafadooda,
Axmed asagoon waalnayn fiyoobina katagay buu kasoo orday gurigiisii waxuuna soo gaaray gurigii, albaabkana waxaa kafurtay Yaasmiin, kadibna waxuu usii gudbay gudaha waxuuna arkay Nasiib oo jiifta sariirta wuuna ku soobooday, waxuuna yiri
“abaayo macaan side ayaad tahay, halkee lagaahayaa”, Nasiib ayaa tiri “waan fiicanahay hada, waxaa la iga qabtay kilida” Axmed baa yiri “goormaa lagaa qabtay mase tagtay dhaqtar”
Nasiib baa ku jawaabtay “haa waa la iga qabanjiray xalay markaan kaa sootagay bay igu soo kacday dhaqtarkuna waxuu hada kahor iyiraahday dhagax baa kaaga jira”.
Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 2aad.
Waa qaybtii labaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.
Axmed wuxuu ahaa wiil aad u degan oo aysan is laheyn da’diisa iyo dhaqankiisa, kamana heli jirin wax yaalaha qaarkood sida meelaha xun iyo meel xun fariisiga, taasoo kaliftay in uu xumaado jaceylkii Nasiib iyo Axmed waayo Nasiib uma kala saarneyn dhalinyarada.
Nasiib xumase jaceylku sidiisaba mawaayo cadow. Axmed iyo Nasiib waxaa soo dhex galay khilaaf iyo buuq joogto ah taas oo kaliftay in Axmed deganaantiisa ay Nasiib saaxiibadeed ugu beddelaan islaweyni iyo qabweyni.Waxaa dhacday in Axmed iyo Nasiib buuqoodu uu noqdo mid joogta ah, sababta oo ah jaceylku waa mid noocya badan,
Axmed iyo Nasiibna jaceylkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan buuq, balse waxa kaliya ee wada socodkooda adkeenayay ayaa ahaa in Nasiib aad ay u jecleyd Axmed.Dhanka kale waxaa jiray Axmed in uu qabay gabar la yiraahdo Sahro oo ku nooleed Dalka Canada.
Gabadhaan iyo Axmed waxay isku barteen Dalka Somaliya ayagoo xiriirkoodii uu gaaray ilaa heer Guur.
Sahro markii hore waxay ka timid dalka Canada, kadibna waxaa la is bartay Axmed oo ay walaalkeed saaxiibo ahaayeen,
isbarasho iyo jaceyl ay wadaageen muddo dheer kadib ayay Axmed iyo sahro waxay u fakadeen Dalka Ethiopia si sahro ay uga dacwooto safaaradda kadibna loogu celiyo dalka Canada.
Nasiib daro intii Adis Ababa la joogay ayaa waxaa ugu yimid meesha Sahro waalidkeed oo ku raad joogay gabadhooda.
Axmed iyo Sahro qoyskeeda waxaa dhex maray dhibaatooyin fara badan, gabadhoodiina waxay dib ugu celiyeen Somaliya. Markii muddo laga soo wareegay oo Axmed iyo sahrana aysan wax xiriir ah yeelan ayaa sahro reerkeedii waxay ku direen Axmed.
Axmed Adis Ababa wuu ka wareegay oo wuxuu aaday Dalka Kenya, intii uu Nairobi joogay markasta wuu lasoo xiriiri jiray Sahro ayaduna aflagaado iyo xumeyn ayay ugu jawaabi jirtay. Muddo kadibn, Sahra waxaa dib lagu celiyay dalka Canada. Iyadoo Axmed iyo Sahra aysan laheyn wax xiriir ah haddana Axmed kama qarin Nasiib in uu qabo gabar wuuna u sheegay.
Habeen habeenada kamid ahaa ayaa Axmed iyo Nasiib waxay joogeen guriga Yaasmiin oo aheyd Nasiib saaxiibteedKaftan iyo haasaawe kadib Axmed ayaa wuxuu yiri “abaayo I dhegeyso waxaan doonayaa inaan kuu sheego arrin taasoo ah arrin aanan kaa qarin Karin, waayo waa wax ku saabsan nolosheena iyo mustaqbalka jaceylkeena”.
Nasiib ayaa tiri “ii sheeg gacaliye, dadka is jecel ma haboona in ay wax kala qarsadaan”, wuxuuna ku yiri: “ waa run macaaneey, waad ogtahay aniga nin rag ah Ayaan ahay, raguna wey iska hawa badan yihiin dabcan intaanan ku baran ka hor waxaa jiray gabdho badan oo soo maray nolosheyda, waxaana jirta in hadii labada qof ee hasaawa wadaaga ay been isu sheegaan uusan xiriirkoodu xidido adag yeelaneyn,
waxaan rabaa inaan kuu sheego in ay jirto gabar hore oo aanu wada soconay ilaa uu xiriirkeenu gaaray in aannu midowno ilaa iyo haddana gabadhaasi waan qabaa oo waa xaaskeyga, inkastoo uusan xiriirkayagu wanaagsaneyn ama aanaan wada hadlin”.
Intaa kadib, Nasiib waxay weydiisay sababta kaliftay in uu xumaado jaceylkoodu, asna si tafatiran ayuu min bilow ilaa dhamaad uga sheekeeyay.
Hadaba Hawaase wacan.
Intaa kadib Nasiib waxay weydiisay sababta kaliftay in uu xumaado jaceylkoodu, asna si tafatiran ayuu min bilow ilaa dhamaad uga sheekeeyayWixii kadambeeyay habeenkaas Nasiib waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay Axmed uga furi laheyd Sahro, ayadoo mararka qaarkood si toos ah u oran jirtay marna u sarbeebi jirtay,
Axmedna wuxuu ka warwareegi jiray furitaankaas asagoo ku andacoon jiray in ay gabadhaasi dhib u geysatay uuna doonayo in uu ka aarsado.Habeenkaa wixii kadambeeyay, Qaraxii dhacay wuxuu jaray xidid ka mid ah ama laamihii jaceylka, waayo Nasiib waxay is tusisay in uu Axmed la hayo gabadhaas ayadana ay tahay ku meel gaar ama wado ku mar,
Taxanne: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybta 1aad
Waxaan Akhristayaasha sharafta iyo qiimaha badan ku war galinaynaa in aan si Taxanne ah ugu soo gudbin doona Qisada Book-ga Lamagac baxay Axmed & Nasiib oo uu qoray Qoraaga Da'da yar ee Ahmed Abdirahman Kadawe ( Carabay) Qisadaan waa mid dhab ah oo ku dhacday qoraaga nafsad ahaantiisa.
Hadii Allah awooda leh noo saamaxo waxaan Isbuuc Walba, Maalin kasta oo talaado ah akhristayaasha usoo gudbin doonaa qayb ka mid ah qisada ilaa aan ka dhamayno. Hadii aad u baahato Buuga oo dhan lasoo xiriir Maamulka Xaarxaar.
Halkaan ka dhagayso Qoraagaa oo ka warbixinaya Qisada Buuga
Axmed wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ee magaalada Nairobi, wuxuuna ahaa wiil bulsho ah dabeecadiisuna ahayd mid aad u furfuran, dhaqankisuna ahaa mid aad u fiican. Axmed wuxuu la noolaa eedadiis Aamino iyo walaalihiis oo kala ah Qoslaaye, Shucayb, Nuuriyo, Ayaan, Nasro, Nimco iyo C/fataax.
Habeen habeenada ka mid ah oo aheyd habeen sabti ah taariikhduna ay ahayd 15 kii February, 2004 jawiguna uu aad u daganaa ayaa C/fataax wuxuu ka codsaday Axmed inuu raaco caawa si uu u soo baro dumaashidiis Qadiijo,
Axmed oo ka caga jiidaya ayaa aqbalay waana lasoo baxay, qadar daqiiqado ah kadib ayaa waxaa lasoo gaaray xaafada Qadiijo oo ku taalay 9 Street ( Nine Street) waxaana albaabkii garaacay C/fataax Qadiijo Ayaana isla markiiba ka furtay waxayna tiri
#Qadiijo: Waan ku salaamay C/fataax
#C/fataax: Waan kaa qaaday abaayo
#Qadiijo: Lakin caawa wiil ayaa kula socdee
#C/fataax: Haa waa walaalkey Axmed ee barasho wanaagsan
# Qadiija: Soo gala soona dhawaada
markay soo galeen gudaha ayay wexey la kulmeen gabdho fadhiya gudaha,
#Qadiijo: Caawa waxaan idin barayaa dumaashigeey, waxaana la dhahaa Axmed, Axmed gabdhahaan waa saaxiibadeey Amaal, Qaali iyo Nasiib
#Nasiib: (oo hadalkii boobaysa ) Barashada iigu kaadiyo, kaneeco Ayaan liqay oo marka hore iska tufayaa”
#Axmed: (oo qoslaya) Hadii aad kaneeco liqday waxaa halis ah inaad dadkana liqdo
#Nasiib: Sidaas uma afweyn
Kaftan iyo isbarasho ka dib C/fataax iyo Qadiijo wexey galeen haasaawe, Qaali iyo Amaalna waxey aadeen Magaalada, waxaana meeshii kusoo haray Axmed iyo Nasiib, kaftan iyo dacaayad ka dib barasho iyo qosol Axmed baa yiri “Nasiib adigoo kale waligeey ma arkin”
Nasiib baa tiri “iga raali noqo hadii aan ku dhibay Axmed, hana ii maleyn inaan waalanahay adaan qalada kaa saarayay”
Axmed baa ugu jawaabay “Maya Nasiib uma maleyn inaad waalantahay ee waxaa tahay gabar aad u furfuran waana ka helay dabeecadaada iyo kaftankaaga, waana markii iigu horaysay oo aan arkayo gabar sidan u kaftameysa”
Nasiib baa tiri “Waad mahadsantahay maadaama ay dabeecadeydu ku qancisay barasho wanaagsan mar labaad”.
Markii cabaar la kaftamayay si fiicanna la isku bartay ayaa waxaa soo baxay C/fataax,
Nasiib baana ku tiri “C/fataax wax la soo raaco ma tihid waayo haasaawe ayaad iska gashay walaalkaana waad ka tagtay”,
C/fataax baa ugu jawaabay “Adiga Ayaan kugu haleynayay”
Nasiib baa markale tiri “Mar labaad ha u laaban”
Kadibna markii la gaaray xiligii hoyaatinka ayay Axmed iyo C/fataax kasoo tageen xaafadii Qadiijo waxaana horay usoo raacday Nasiib waayo isku wado ayeey ahaayeen,
markey socdeen cabaar baa waxaa lasoo gaaray gurigii Nasiib oo ku yaaalay 7 Street, kadibna Nasiib baa tiri “Waan idinka leexanayaa oo waatan xaafadeyda ee habeen wanaagsan akhyaarey””
Axmed baa ku yiri “Habeen wanaagsan, balse ha la is xiriiriyo”.
Dhanka kale Nasiib waxay eheed gabar aad u fiican, dhaqankeeda iyo Dabeecadeeduna ay yihiin mid aad u wanaagsan bulshana ah, Quruxna alla ku manneystay, Nasiib waxey la nooleed xaaska abtigeed oo la yiraahdo Sacdiyo, wexeeyna dhigan jirtay iskuul ay gali jirtay Galabtii.
Wixii maalintaas ka danbeyeeyay, Axmed iyo Nasiib waxey qaadan jireen kulamo kadis ah iyagoo iskaga hor imaan jiray wadooyinka qaarkood waxeyna is weydaarsan jireen hadallo Goos-goos ah iyo kaftan maldahan.
SHEEKADII QALBI FACEBOOK Q.2AAD
Akhriste Qaybtii kobaad ee sheekadeena waxay inoo joogtay in Ramlo ay fariiin qoraaleed usoo dirtay Salmaan.
Runtii Fariintaas markuu arkay oo uu akhriyay waxa uu Ramlo dhankiisa u soo diray Farin Qoraaleed Jawab ah waxayna u Qorneed Sida Tan………..
Hadalkisa Salmaan waxa uu ku bilaabay ereyadan Macaan oo soo jiitay Lamaanihiisa Ramlo.
Simanay Aduunyada
Intuu Saadir UuMay
Saacadii Dhamaatiyo
Sikinki Bilawdaba
Soomaaliyoo Idil
Adaan Ka Dhex soocdoo
Kaala Soo dhex Baxoo
Sambabada Dhexdoodiyo
Adaa Wadnaha Dhex Sabaynayee
Miyaan Dumar kula Simi Karaa
Runti ereyadaasi waxay soo jiiteen Qalbiga Ramlo, Habeenkii oo dhan waxay labadan lamaane midba dhankisa ku celcelinaayay ereyadan macan ee midba midka kale uu u soo diray.
Maalintu uma dhamaato labadan lamaane umana dhalato ilaa waa iyagoo wada hadla oo midba midka kale cafimaadkiisa uu ogaado.
Maalmo kadib Ramlo waxaa soo foodsaartay arin qalbigeeda taabtay taaas oo ahayd in wiil ay ilma adeeryihiin uu usoo bandhigto inuu guursado mustaqbalna uu lawadaago.
Ramlo kama laba labeen inay ka aamusto walaalkeed waxayna u sheegtay runta inay jeceshahay wiil layiraahdo Salmaan oo ay ku heshiiyeen in ay is aroostaan.
Khalid waa ka ogoladay waana ku qancay jawaabta walaashii waxa uuna u sheegay in mar walba uu garab taaganyahay wax walba oo ay u baahatana uu siinayao.
Salmaan waxa uu gobolka joogay mudo asbuuc ah mudadaasna ismayn arag lamaanihiisa Ramlo maxaa yeelay arimo soo wajahay qoyska Ramlo.
Salmaan iyo saxiibkiis waxay ka soo wada baxeen xaafadda iyagoo ku wajahan mid kamida maqaaxiyaasha laga qaxmweeyo.
Mudadii ay jidka ku soo wada jireen waxay wadada ku arkeen gabar aad u qurux badan xishood leh, Salmaan waxa uu niyadda iska yiri Ramlo haday tahay gabadh oo kale waxay ii ahaan lahayd farxad.
Markii ay Salmaan iyo saxiibkiis ay gaareen maqaaxidii ay u socdeen oo ay fariisten ayaa Salmaan waxa uu saxiibkiis uga waramay xiriirkii ka dhaxeeyeey isaga iyo Ramlo.
Runtiis aad ayuu ulayabay waxa uuna Salmaan ku yiri saxiib waad helaysaa garabna waan kugu siinayaan sidaad u heli lahayd lamaanihiisa.
Salmaan waxaa uu wacay Ramlo waxa uuna u sheegay in u rabo inay wada kulmaan maadaaba.
Ramlo waa ay ka aqbashay waxayna u sheegtay ina ay kuwada kulmaan gurigooda.
Xiligii balanta markii lagaarayb ayay Ramlo waxay wacday lamaanaheeda Salman una sheegtay in uu guriga yimaado.
Markii uu guriga soo galay uuna arkay Ramlo ayuu yaabay indhahana taagay markaasuu yir……..
Hadaba hadalka uu Salmaan Ramlo ku yiri ayaa ahaa, Ramlo ma, adigana markay isku sheegtay ayuu u sheegay in maalin iyada oo waddo marayso uu arkay.
Sheeko dheer oo ay yeesheen labadan lamaane ayaa waxay ku heshiiyeen in ay is aroosaan.
Waalidka Ramlo waxay salmaan usheegeen in waalidkiis uu uyeero si ay udhameeyaan arooskooda.
Salmaan waxa uu wacay hooyadii waxa una usheegay in uu rabo in uu aroosto isla markaana gabadhii ay heshiiyeen waalidkiina larabo.
Aad bay u faraxday Hooyo Barni waxayna arintii u sheegtay Salmaan aabihiin, wuxuu hadal rogrogaba ugu dambayntii aqbalay hadal ku soo dhamee.
Salmaan markii u jawaabta waalidkiis uu maqlay ayuu aad u farxay isla markiiba waxa u wacay Ramlo wuxuna usheegay in waalidkiis ay ogolaadeen una soo socdan guriga Ramlo.
Maalmo kadib Salmaan waalidintii waxay so gaareen Gobolkii ay ku noolaayeen Qoyska Ramlo.
Nasasho dheer kadib Waalidiinta Salmaan waxay soo abaaren guriga Ramlo waxayna lakulmeen waalidiinteedii, qoladii guurtida hadalkii gudbiye, reerk gabadhana aqbale hadal ku soo dhameeye.
Salmaan iyo Ramlo halkasay ku noqdeen Lamaanayaan is calmaday oo noqday kuwa reer wada yagleela.
Dhoor maalmood kadib waxaa dhacay arooskii lamanayaashii iska bartay Faceboogga.
Asxbatii Salmaan aadbay ula yaabeen Jacaylka Lamaanayaasha marna isma lahayn Salmaan iyo Ramlo,oo ahaa laba labaane kuwaasoon waligod is arag in maalintoodii kowaad ay is aroosana kana hesheeyaan mustaqbalkoda.
SHEEKADII QALBI FACEBOOK Q.1AAD
Akhristayaal waxaan idin so gudbin doonaa Sheekadii lamagac baxday Qalbi Facebook.com.
Waqtigu waxuu ahaa xili habeena Jawiga aan xiligaa ku sugnaana waxa uu ahaa mid wanaagsan waxaa dhacaysay neecaw qabaw oo udgoon badan.
Waxaan ka soo baxay xafaday ano ku wajahan mid kamida goobaha ay dhalinyaradu habeen ku caweyan oo ugu jawiga macan.
Mudoo daqiiqada kadib waxaan soo gaaray goobtii aan ku socday,waxaan fariista Maqaxida waxaana goobta ku sugnaa qaybo kamida asxabtayda.
Waxaan dalbaday Shah iyo Biyo kadibna waxaan isticmalay Alladda ay bulshadu kuwada xirirto gaar ahaan Facebok.
Si lama filaana ayaa waxaa qaybta Friend request(Codsi Saxiibtinimo) isoo dirsatay gabar soomaaliyed,runtii waxaan baaray Profilkeda balse ma noqon qofaan aqaan waan iska aqbly anoo aqoon.
Waxaan isla markiiba aan helay Fariin qoraaleed waxayna u qorneed sidatan
‘’ Asc wll kwrn xaladaad Cafimaad’’
Kadib markaan fariintii akhriyay ayaan u diray wacalaykuma salam waa qofma,waxayna iisheegtay inaysa igaranayn, waxayna idan iiwaydisatay inaan isbarano.
Waxaana ugu jawabay hadalkan:-
‘’Laba qofba maalin ayay is bartaan anaguna manta ayan isbaranaynaa waa hadaad dhankaaga ka soo baxaysid’’ ayay igu jawaabta.
Muddo kadib xirirkeeni waa uu dheraaday waxaana noqonay laba qof oo isku xeel dher iyag oo aan is aragna kalsooni buxda isku qaba.
Xiriirkeenii saxaiibtinimo waxa uu isku bedelaya mid jacayl, kaas oo aan u bixinay Jacaylkii Qalbiga waxan is jeclanay anaga oo aan is arag tasina waxay asxbatayda ku noqotay layaab waxayna igu dheheen side ku jeclatay qofaadan arag oo aqoon saa,ida aydiin isku lahayn.
Waxaan u sheegay in jacaylku uu araga ka bilowda qalbiga uu ku dhamaado, balse ani jacaylkayga uu ka bilawdo qalbiga kuna dhamaado araga.
Runtii waxaan ka codsaday inay sawir iso dirto madaama uu jacaylkeenu uu noqday mid qoto dheer kalsoonina ay ku dheehantahay.
Ramlo waxay ku nooled Gobolka Sool ee Puntland halka xiligaas Salmaan uu ku sugnaa Gobolka Barri.
Ramlo waxay u sheegtay salmaan in aysan sawir u direen maalinta ay wada kulmaana ay kawada hadlaan arooskooda inta ka horaysa salmaan uu isku diyaariyo qaban qaabada arooska.
Hadalka Ramlo waxa uu amakaag iyo Fajac ku noqdayday Salmaan balse kasoonida uu ku qabo Jacaylkiisa ayaa keentay in uu ka ogolaado.
Waxay u shegtay in ay ku kalsoontahay oo aysan diideen nolol walba oo uu ku noolyahay salman.
Maxa yeelay salmaan waxa uu Ramlo u sheegay noloshiisa iyo nolosha reerkooda sida ay u noolyihiin taasna waxay sababtay in Jacaylka labadan lamaneene uu Noqdo mid dhaba.
Maalmo kadib waxay Salmaan iyo Ramlo kuwada balameen in ay kuwada kulmaan guriga Ramlo maadama qoyska Ramlo ay la socdeen xiriirka labadan lamaane.
Xiligii Balanta ayaa waxaa dhacday in Ramlo ay wacdo lamaanaheeda Salman una u sheegto..
Hadaba Ramlo Markii ay wacday lamaanaheeda salmaan waxay u sheegtay inaysan wada kulmi doonin arimo dhanka Qoyskaa oo soo wajahay awgeed.
Salmaan waa uu ka aqblay balse waxa uu usheegay in asbuuca dambe uu imaanayo Gobolka ay ku nooshahay Ramolo ee Gobolka Sool.
Ramlo waxay salmaan u sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in lamaanaheedu uu yimaado gobolka ay ku nooshahay.
Waalidiinta Salmaan Dhalay waxay u doonen Gabar waxayna rabaan in arooskoodu uu dhaco uuna ladadab galo Gabadha ay waalidintiisu ay doonayaan.
Markii salmaan uu maqlay go,aanka waalidiintiis aad buu u naxay qalbigiisana waxaa soo wajahay Murugo hor leh.
Go,ankii Waalidkay
Go,doomiyay Caashaqaygiyo
Gaf inaan galiyiyo
Gadal inaan u baxo
Go,aan aan qaatiyo
Ramlo waa inaan Gaarsiya
Googa Caashaqa u koo wajahan
Ramlo waa inaan gaarsiiya
Hadaladaas iyo Hadala kaloo badan ayaa waxay ka soo yeereen Salmaan waxaan maqashay Gabar walaashii ah oo aan saas uga fogayn qolka uu ku jiro salmaan.
Isla markiiba waa ay soo oroday waxayna soo gshay qolka walalkeed uu ku jiro waxayna waydiisay siday wax u jiraan.
Salmaan iyo walaashii waxay ahaayeen dad sir walba isku shega waxa uuna u sheegay xiriirka jacayka ee ka dhaxeeyey isaga iyo Ramlo.
Sheeko Cusub : NABSIGII RAAXO IILKA DHIGAY
Q: 2aad
Wiilka Australia gabadha ka soo doonay, waxa 1 yiraahdaa Bile, waxa uuna ahaa wiil dhallinyaro ah o muddo halkaas ku noolaa. Laba jeer ayuu ku guursad Australia, laakiin gabdhihii baa ku xumaaday, markaas bu go’aansaday, in uu Soomaahya gabar u doonto.
Raaxo oo uu reer Aabbeheed yaqaanay, Jifo ahaann is xigeen, ayaa waxaa uu ka helay Facebook-ga, oo run markii uu arkay sawirrada u saaran, uu la-yaabay quruxd gabadhaas Eebbe huwiyey.
Halkaas bey muddo Sannad ah ka wad sheekeysanayeen, taas oo keentay ugu dambeyntii, in a inta guur ka wada hadlaan, isku af-gartaan. Markii a1 guurkaas isku waafaqeenba, labada reerba waa la wad war-geliyey, taas oo labadii qoysna, Raaxo iyo Bile inta iski dareen, u Faataxeeyeen.
Saddex bil kaddib, wiilkii Bile ahaa Boorama ayui yimid, si uu gabadhii ula aqal-galo. Aad baa Boorama loog soo dhaweeyey, oo Gegida Dayuuradaha Cigaal e Hargeysa ayaa labada qoys iyo xaaskiisiiba ugu tageer soona galbinayeen ilaa Boorama. Gurigi uu ka kireysta xaafadda Shacabka, oo aqal wanaagsan loo dhigey, aya isaga iyo gabadhiiba, inta la-geeyey, la isaga tagay galabtii.
Wiil aan muddo waxba dhadhamin misena hore wax u yaqaan ayuu ahaaye, markii dadkii ka kala tageerha, horey ayuu xaaskiisii barakaysi uga bilaabay. Salaaxii iyo istiinkii guud marka la isla dhaafay, ayuu inta is heyn waayey ka dul-dhacay.
Laakiin markii hore, waxaa uu aaminsanaa in darbi adag ka hor imaan doono, maaddaama ay u sheegtey in aan bore loo guursane, wax hakiyaba waa waayey. Waaba sidii gabar Garoob ah, oo halow ah! Isma celin karine, xoogaa haddii uu raqleeyey, waxna ay ka yimaadeen, ayuu inta ka degey, si yaab lehna, sariirtii geesta kale isugu tuuray.
Ma jirin sheeko kale iyo qosol-qosole, ilaa waagii uu ka baryayey, halkiisii ayuu iska sii jiifay. Habeenkaas iyo wixii ka dambeeyey, gabadhii dib dambe uma naagaysan.
Raaxo, qudheedu habeenkaas waa naxday, oo waa ogayd in saaxiibbo laba ah oo ay Boorama kula sheekaysan jirtay ay waa hore isku dalooliyeene, laakiin, shax ay gabdho kala tashatey, oo ay doonaysay in ay u dhigto Bile, ayaa ka khaldan tahay, oo sidii ay rabtay u socon weydey.
In ay tolliin yar mariso isla jeerkaasina xanjeyso faruuryaha hore ee Cambarkeeda iyo Dhii-dhiibsi baa la is faraye, la iskuma ogayn in ay kala dhigato ayna hilmaanto tabtii iyo xeeladdii lagu ballamay.
Balaayo miyiiko qabtay, oo haddii la taabtana korantadu ka tageyso bay ahayde, taas iyo mashquulkii isu-diyaarinta arooska ayaa gabtay!
Bile, talo ayaa ku caddaatay! Gabadhii uu ku han- weynaa, waa tan oo isku dulaaqan, oo uusan waxba gaarsiin karinba. Maxaa wakhti iyo tacab uga baxay! Niyaddii ayaa jabtay, waxaa uuna iska joogay gurigii bil iyo badh, oo uusan wax dambe ka raadin Raaxo. Kama
muuqato farxad iyo damaashaad, dadka u yimaadana w< ay arkaan isaga oo sidiisii uusan ahayn.
Dhib se looma arko, oo waayadan dadka dibedda yimaada, sha’ni kale ayaa lagu arkaa, oo mindhaa ‘Isl hadal’ iyo ‘Buufis’ dibedda lagala yimaado, ayey u qaatee shuurintiisa.
Raaxo, qudheedu habeenkiiba waa ogaatay, in a xaajo dhabaqday. Lafteedu murugo kale ayey gasha haddiiba aanan dhankeeda la soo eegeyn, waana u caloo xnmo iyo niyad-go’.
Illeyn naag wax uga daran ma leh, haddii xaggeed inta la soo eegi waayo, dareenka lagu gaagixiyo!
Waa se iska qarsataa murugada iyo calool-k’ taallada. Wax kasta waxaa uga daran, in uu facsharo!
Lama sheekeysto Bile, waxna ma weydiiyo. Subi: waa iska baxaa oo raggiisa ayuu isku soo mada-daaliya habeenkiina waa yimaadaa, waana iska seexdaa.
Laakiin, markii muddo sidaas la ahaa, ayey Raax inta adkeysan weydey, u yeertay Bile, waxa ayna ku ti “Bile, waan ogahay huunno, arrinta dhacday ee aad la uur go’day. Waa dhacday, laakiin waxa aan jeclaan lahaa in aa i cafiso, oo aan sidaas wax ku dhaqanno, anna aan aba kuu hayo kuuna wanaagsanaado.
Sheeko Cusub : NABSIGII RAAXO IILKA DHIGAY
Q: 1aad
Raaxo, Dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar ayey ku jirtay, markii ay iyada iyo Geelle aad isku fahmeen. Iyana Fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare ayey dhiganeysay, isna Fasalka saddexaad ayuu ahaa.
Labadoodu Dugsigaas iskuma baran, ee waxa ayba ahaayeen isku xaafad, waxa ayna aag aan kala fogeyn ka degganaayeen Nawaaxiga Garaashka Seemaanka ee xaafadda Sheekh Cali Jawhar.
Maaddaama ay ahaayeen isku xaafad, waa is garanayeen ilaa yaraantoodii. Markii se la waa-weynaadey, oo Dugsi sare la wada gaaray, ayuu Geelle aad uga helay Raaxo, oo markii ay qaan-gaartayba la soo baxday qurux uu ka yaabay.
In kasta oo ay gaabneyd, laakiin waxaa soo jiitay, qaab-dhismeedka jirkeeda, fool-qurxanaanteeda, inidabkeeda maarriin-dhalaalka ahaa, dabeecaddeeda, miyirka iyo miisaan-socodkeeda.
Waxa ay ula ekeyd Subag iyo nicmatul-fashuuq isku dhuuq ah. Kolkaas baa wiilkii Geelle ahaa inta aad uga helay, ayuu isku dayey in uu xod-xoto.
Xilligaas ay dhiganayso Raaxo Dugsiga sare, waxaa ay jirtay 17-sano. Waxa ay ahayd gabar markii horena qurux u dhalatay, misena aad isaga shaqeysa, aad u sii bisha quruxdeeda, oo ku dhaashata Kareemada Labeenta udugga ah leh ee jirka dhalaaliya, isla markaasina xirata dharka Nuuca ku soo baxaya, oo midabkeeda iyo muuqaalkeeda soo saaraya.
Inta is-cajabiso ayaad dareemeysaa marka ay socoto, in ay xarragadeeda mid ka siyaada ah ku sii dareyso.
Waa iska caadi, marka gabdhuhu hana-qaadaan, o misena ay heli karaan Labbiska iyo Cusburka ay u baaha yihiin, in ay wax kale isku maleeyaan, oo marka ay jidk qaadayaan hadba gees isku dhugtaan, kolka ay ragga a marayaanna, aad isku walaqaan, oo marka ay ku so socdaanna qaarka bore iyo xabadka ruxaan, marka ay s socdaanna qaarka dambe iyo barida ruxaan, taas o bixineysa farriin ah ‘isoo eegooy, cidna igama lehoo anaa sitee’.
Geelle, qudhiisu waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah, o dheer isla markaasina ahaa qurxaan soo jiidasho lahaa o ay gabar kasta, marka uu ag-marayo isha ku xaddo. Wax uu ku jiray markaas da’diisii 19-aad. Xilligaas oo k beegnayd 2007-dii, waxaa uu marayey fasalka uj dambeeyey Dugsiga sare.
Waxaa uu ahaa wiil fariid ah, o wax-barasho jecel, kamana heli jinn dhallinyaro-raac-raac ciyaaarta wakhti-dhumiska ah iyo caweyska dhallinyarad ee habeenkii. Waxaa uu u dhaxeyn jiray Dugsiga, Gurig iyo Masjidka. Kuma uusan fiicnayn dumar-raadinta iyo 1 haasawidooda.
Laakiin, mar dambe, oo uu gabdho-fiir-fiiris bilaaba ayey kaga dhegtay Raaxo. Horey salaanta iyo xaafad-isk wareysiga waa ogala dhexeeyay e, waa dambe ayuu aa isugu mashquuliyey in uu wakhti siiyo, oo uu kula she sheekeysto, inta fasalka la joogo, isaga oo sidaa oo kal bilaabay, in uu xaafaddeedana ugu tag-tago, taas oo gada dambe ku ridday jacayl xargo goostay oo ay la ogay Raaxo.
Qoyska Raaxo, aad ayey u yaqaaneen Geelle, m kasta oo uu guriga yimaadana waa soo dhaweyn jiree runtiina waa la jeclaayeen gabadhooda. Geelle, qudhiis waa uu qaddarin jiray Reerka Raaxo, waana jecla maaddaama guriga aad loogu soo dhaweyn jiray, waana midda keentay, in uu Raaxo aad u sii jeclaado, maaddaama ay ka soo jeeddo qoys wanaagsan, oo dareenkiisa soo jiitay.
Geelle, waxaa uu inta badan kula haasaawaa Raaxo gurigooda, oo aad loogu soo dhaweeyo. Waxaa kale oo uu mar-mar kula hadlaa inta ay Dugsiga isla joogaan, gaar ahaan xilliyada ay wakhti isla helaan. Ma jecla, kamana helo, in uukula sheekeysto meelo gaar ah iyo luuqyo mugdi ah, sababta oo ah, waxaa uu aaminsanaa in aysan laasi isaga iyo Raaxaba munaasib ku ahayn.
Waa wiil ka soo jeedey reero Diinta iyo dhaqanka Soomaalida uu ku weynaa, marka * dhaxalkaas ayuu ku dhegganaa, oo wuuba la yaabaa, haddii uu arko wiil iyo gabadh meel cidla ah isla taagan, ama luuq iskula jira, ama guryo gaar ah isku ballansada.
Laakiin Raaxo iyadu dhib mna aragto, xitaa haddii lagula kulmo meel kale iyo xaafado gaar ahba, oo saaxiibbadeeda kale, meesha ay ku ballansadaan ayey ugu tagtaa.
"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen,👇
Читать полностью…Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 6-aad ee ugu danbaysay buuga sheekada.
Waa qaybtii shanaaad oo ah qaybtii ugu danbaysay oo aan idinkaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen.
Axmed ayaa yiri “Maama hurdo ima heyso oo waa hore Ayaan ilaaway”,
kadibna Maama Cadar ayaa tiri “marka hore hadalkeyga fahan hadii aad sidaan ku sii socotid wad waalaneysaa ee cabaar naso”
Axmed ayaa ku yiri “igama soo dhaceyso hurdo”,
Maama Cadar ayaa ugu jawaabtay “waayahaye, hadaad ku madax adeegtay iska qayil anigana magaalada Ayaan ka soo laabanayaae hana iga tegin intaan ka soo laabanayo sheeko Ayaan kuu hayaaye”,
Axmed ayaa yiri “waayahay Maamo” kadibna way ka tagay oo Axmed ayaa kaligiis ku harayee.
Axmed markuu muddo qayilayay ayaa waxaa usoo laabatay maamo cadar Axmed ayaa ku yiri “Maamo maad ii sheegtid sheekada aad ii heyso waxa ay tahay “,
Maama Cadar ayaa tiri: “Axmedow I dhageyso, waxaad tahay wiilkayga oo kale, mana doonayo inaan sii arko adigoo dhibkaan ku jira, waana ogahay in uu jaceylku dhab yahay oo uu ku hayo jaceyl ,
laakiin mid Ayaan rabaa inaan kuu sheego, manta intaadan imaan ka hor aniga oo jiifa sariirta ayaa waxaa agteyda ku sheekeystay Nasiib iyo Bahjo waxayna ii maleynayeen inaan hurdo.
Waxaa jira wiil la yiraahdo Balaakii oo hadda ka hor jeclaaday Nasiib oo markuu u sheegtayna ay ku gacan seyrtay oo hadda jooga Mareekanka, wuxuuna la soo hadlay maalmihii ay aaday eeldooreet ka hor,
uuna usoo diray 200$ (laba boqol oo doller ) ayadana ay la qabatay jaceylkii ay hadda ka hor ku gacan seyrtay sababtoo ah hadda wuxuu joogaa Amerika ayadoo ka faa’ideysaneysa jaaniskaas ayay wax walba la qabatay laguuna ilaaway adiga iyo jacaylkii aad wadatay.
Sidaas darted ayay kuu nacday waayo adigu waxaad joogtaa Nayroobi iyo afrika, waxna ma heysatid oo waxaad tahay dhalinyaro aan shaqeysan.
Axmed wuu naxay wuuna u qaadan waayay, wuxuuna ogaaday halka ay surta ka quruntay iyo sababta asaga iyo Nasiib kala geysay oo uu dhibaatada u maray in ay tahay inay ka door biday Balaakii oo kiishadda u buuxdo.
Axmed oo marna kacaya marna fariisanaya oo labada dhinacba midna u rooneyn ayaa waxaa yimid Bahjo iyo Nasiib oo wada socda markuu arkay ayuu Axmed yiri “Maama, waan sii soconayaa oo waxaan aadayaa gurigii”, Bahjo ayaa tiri waan ku sii dhaweynayaa, kadibna markii ay soo baxeyn ayaa Axmed ku yiri Bahjo,
“Ma waxaan ku mooday mise waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin, waxaan ku mooday gabar walashey ah oo garabkeyga taagan, waxaadse noqotay laba wajiile hunguri igu badalatay, waxaanse loo noqon doonin inaan walashey kaa dhigto, mar kale”,
Bahjo ayaa ku tiri “Maxaa dhacay oo aan kaa bi’iyay,” wuxuuna u sheegay siday yeeshay Nasiib ayaduna ay la ogeyd oo ay isaga dhigi jirtay qof garabkiisa taagan, daacadna u ah asaga balse inay wax walba ayadu ogeyd ayse ka qarisay.
Bahjo ayaa isku dayday in ay inkirto, balse Axmed wuu ka qaadan waayay runta ayuu indhaha ka saaray kadibna wuu ka tagay asagoo Xanaaqsan waxuuna aaday gurigoodi.
Islal hadal dheer oo u dhaxeeya isaga iyo nafsadiisa wuxuu wacay Nasiib, markay taleefanka ka qabatayna waxuu tiriyay tixdaan:
Indhaweyd waataanan oran, aaladii gabaye.
irdihiisa waataan xiroo, oodofow rogaye.
Aan awaalo xaajaba marbay, kugu adkaataaye.
Axdi maleh naagaha ninkii, aaminhayoowe.
Arrinkaad la dhigatiyo shirciga, awfinmahayaane.
Inkastoo abaal loo galoo, la ixtiraamahayo.
Ama aamin iyo wanaag oogada u saadhid.
Goortay idood kaa helaan bey, uubo kuu qaadine..
Arro weelo amarkey fadhey, uurka ku hayaane.
Aqli malahan kala qeybsamiyo, aragti sii dheere.
Ummi kama duwana iyo caruur, loo arrimiyaaye.
Ragse waxay aduunyada badeen, lama ilaawaane.
Anna waxaa arwaayada I jaray, arramidoodiiye.
Ifka dunida taan u jeclaa, kana ilaaleystay.
Afrikada galbeed naga jirtiyo, ilaha nayroobi
Iglan iyo taniyo eeshiyo midaan, melwalba u aaday.
Oo aan asqada ugu bakhtiyay, aaya laga waaye.
Waataas ibleyskiyo jinnigu, iga afduubeene.
Anfaaciga waataas raacdayoy, run inqaalaabeene.
Waataas inkirtay caashaqa iyo, ubixii beeraaye.
Dhanka kale, farxadda iyo isbeddelka Axmed ku yimid waxaa laga dareemay familka iyo xaafadda dhexdeeda maadaama horay looga bartay feker iyo gooni socod in muddo ah.Axmed maalin lama ilaawaan ah oo farxadeed ayaa u dhalatay, habeenkiina wuxuu soo aaday guriga Nasiib asagoo aad u faraxsan oo doonaya in uu soo salaamo,
markuu soo gaaray gurigii Nasiib ayaa waxaa soo dhaweeyay Nasiib iyo habaryarteed Sacdiyo.Kaftan iyo sheeko dheer kadib waxaa albaabka soo garaacay wiil dhalinyaro ah oo Axmed ay dusha iska garanahayeen, waxaana albaabka ka furay sacdiyo, markii uu soo galayna Nasiib ayuu salaamay,
Nasiibna waxay u soo dhaweysay sidii uu yahay lamaanaheeda oo kale, waxayna isweydaarsadeen hadallo Axmed qalbigiisa wax u geystay wadnahiisana ugu dhacay sida waran la soo gamay, kadibna Nasiib ayaa soo booday oo ku tiri Axmed “Axmedow, wiilkaan Ayaan meel u raacayaa ee mar kale ha inoo ahaato”.
Axmed oo ka xun, hinaansana galay ayaa yiri “Waayahay” , sababtoo ah ma uusan awoodin in uu wax ka qabto sida ay wax u dhacayeen, waayo wuxuu ka baqay in ay Nasiib ka fogaato ama uu waayo xiriirka walaaltinimo ee ugubka ah maadaama uu horay u waayay uguna dhibaatooday jaceylkeeda.
Axmed wuu iska soo tagay wuxuuna soo aaday gurigooda asagoo ay wajigiisa ka muuqato murugo iyo niyad jab weyn kuna qanciyay qalbigiisa in uu mar kale la kulmi doono Nasiib, helina doono maalin maalmaha ka mid ah.
Laakiinse si walba oo ay noqoto Axmed wuxuu ahaa mid aan marnaba ka caajiseyn sidiii uu dib ugu hanan lahaa jaceylkiisii dhumay. Habeenkii dambe ayuu wuxuu soo aaday gurigii Nasiib wuxuuna ugu yimid Nasiib iyo habaryarteed Sacdiyo, salaan kadibna wuu soo gudbay wuuna fariistay.
Intaa kadibna Nasiib ayaa tiri “Axmedow, istuudiyowga Ayaan cajal u doonanayaa waana soo dheereenayaa ee isug”.
Axmed muddo ayuu sugayay Nasiib, wuxuuna xaafadda ku gaaray xilli dambe markuu waayayna wuu isaga tagay oo wuxuu aaday gurigoodii, maalintaas maalintii ku xigtay ayaa Axmed oo magaalada maraya ayaa waxay iska hor yimaadeen Nasiib wuxuuna ku yiri: “Waan ku salaamay”, “Waan kaa qaaday” Ayay Nasiib ugu jawaabtay,
#Axmed ayaa mar kale ku yiri “Xaaladaada ka waran, xalayna waad soo daahday oo waan ku sugi waayay”,
#Nasiib ayaa tiri “Iga raali noqo, istuudiyaha ayan ku daahay”,
#Axmed ayaa yiri “Dhib malahan, caawa Ayaan kuu imaanayaa”,
#Nasiib ayaa tiri “Waayahay, waan ku sugayaa”, kadibna waa la kala tagay.
Axmed ayaa asagoo ballantii oo finaya wuxuu soo aaday habeenkii gurigii Nasiib, wuxuuna ugu yimid Sacdiyo oo aheyd Nasiib habaryarteed waxayna u sheegtay inay Nasiib iyo Bahjo is raaceen aadeenna guriga Bahjo oo ay yiraahdeen ha naga daba yimaado.
Axmed wuxuu soo aaday gurigii Bahjo, wuxuuna ugu yimid guriga Maama Cadar oo ah Bahjo hooyadeed, waxayna u sheegtay inay aadeen magaalada oo ay yiraahdeen hana sugo, Axmedna wuu iska fariistay qaadkiisana iska furtay oo uu ku sugaya Bahjo iyo Nasiib.
Axmed wuxuu fadhiyay oo uu iska markhaamayay Muddo badan, kadib markuu waayay ayuu Maama Cadar ku yiri waan sii tagayaaye u sheeg Markey timaado Nasiib waxaan ku sugayaa Harqaanka Cabdi Xassan.
Axmed wuxuu fadhiyay oo uu iska markhaamayay Muddo badan, kadib markuu waayay ayuu Maama Cadar ku yiri waan sii tagayaaye u sheeg Markey timaado Nasiib waxaan ku sugayaa Harqaanka Cabdi Xassan.
Axmed wuu iska soo tagay wuxuuna u yimid saaxiibkiis Cabdi Xassan wuxuuna weydiiyay Nasiib, Cabdi Xassanna wuxuu ugu jawaabay mar hore ayaa iigu dambeeysay ee ka soo fiiri guriga,
Axmedna wuu baxay si uu Nasiib gurigooda uga soo fiiriyo wuxuuna ugu tagay habaryar Sacdiyo waxayna u sheegtay in aysan weli imaan Nasiib, wuxuuna ku yiri hadey isoo dhaafto u sheeg harqanka Cabdi Xassan ee idin ka soo horjeeda ayan ku sugayaaye ha iigu timaado.
Axmed markii uu guriga ka yimid wuxuu iska baraxday oo uu fariistay Harqaankii saaxiibkiis.
Axmed oo saacado badan fadhiyay mudana sugayay in ay Nasiib soo laabato ayaa waxaa u yimid Bahjo waxayna weydiisay Nasiib meesha ay jirto, wuxuuna u sheegay sida ay wax u jiraan iyo in uu manta oo dhan sugayay Nasiib aysanna soo laaban.
Bahjo ayaa ugu jawaabtay “Aboowe, I sug aniga ayaa soo fiirinaya” wax yar kadibna way u soo laabatay, waxayna u sheegtay in aysan joogin. Intaa kadib, Axmed wuxuu Bahjo u soo bandhigay dhibaatada jirta iyo in uusan waxba ka qaban karin.
Axmed guriga Bahjo wuxuu ku gaaray ilaa xilli dambe wuxuuna ka soo tagay goor dambe habeenkii asagoo luudaya, welwel iyo walbaharna wehel u noqdeen , wuxuuna soo gaaray gurigiisa .
Axmed wuxuu soo baxay subaxii asagoo soo aaday guriga Bahjo, nasiib wanaag waxay wadada iskaga horyimaadeen Nasiib, wuxuuna isku dayay inuu salaamo ama la hadlo, nasiib darrase Nasiib wey inkirtay, waxayna iska dhigtay qof aan maqleyn ama aanan u jeedin, wadadana wey uga leexatay.
Axmed oo la yaaban sida ay wax u dhacayaan iyo mowqifka ay Nasiib taagan tahay ayaa wuxuu yimid guriga Bahjo, wuxuuna u fariistay qaad, balse Maama Cadar oo Bahjo hooyadeed aheyd ayaa waxay dareentay dhibka heysta Axmed, waxayna weydiisay sida ay wax u jiraan, wuxuuna u shegay sida ay wax u dhacayaan iyo halkey xaaladiisu marayso,
Maama Cadar Ayaana ka ballan qaaday in caawiyi doonto.Dhanka kale waxaa jiray wiil la yiraahdo Cabdi Xassan ahaana Axmed saaxiibkii kuna lahaa guriga Nasiib hortiisa harqaan dharka lagu talo,
Axmed wuxuu caado ka dhigtay inuu u dhaxeeyo guriga Bahjo iyo harqaanka saaxiibkiis Cabdi Xassan, asagoo isku dayaya inuu xal u helo dhibka heysta xogna ka hela Cabdi Xassan oo ay Nasiib darris ahaayeen.
Nasiibna maalinba maalinta kadambeysa way kasii fogaaneysay Axmed wadooyinkana wey uga leexaneysay marka ay iska horyimaadaan.
Axmed noloshiisii waxay noqotay mugdi, bilicdiisiina way isbedeshay, garkii iyo timihiina ayaa ku baxay, dharkiina wuu garan waayay inuu iska bedelo, dantuna waxay ku kalliftay in uu u yimaado Cabdi Xassan asagoo ula jeeda dantiisuna ay tahay inuu ka dugaashado Nasiib maadaama uu guriga Nasiib ka soo horjeeday mehredda Cabdi Xassan asagoo xilli dambe ku gaari jiray, loogana kala seexan jiray kaligiis oo fadhiya guriga hortiisa uusanna dareemi jirin barafka iyo qabowga ku dhacaya.
Maalin ayaa waxaa dhacday Axmed eedadiis Aamino oo ka gadaneysa dukaan alaab in uu soo hormaro Axmed oo diifi ka muuqato, kadibna waxaa arkay wiilashii lahaa dukaanka ay alaabta ka gadaneysay.
Mid kamid ah wiilashii ayaa yiri asagoo u tilmaamaya saaxiibkii “Wiilkaan markii hore wuu fiicnaa, balse ayaamahaan diif ayaa ka muuqata wuuna islahadlaa, waxaana u maleynayaa inuu ku dhacay buufis”.
Lasoco tqeyab 5aad.....
Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 4-aad.
Waa qaybtii saddexaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.
Axmed waa uu yaabay waxuuna garan waayay siday wax u jiraan Axmd haduu cabaar aamusnaa waxuu waydiiyay Bahjo sidaan: kaalay Bahjo, Nasiib ma is badashay? mise anaa umaleeyay?,
Bahjo ayaa tiri: anigaba uma bogin oo waan ka shakiyay Axmed ayaa waydiiyay maxaad umalaynaysaa in uu yahay is badalkaan?
Bahjo ayaa tiri: ma garanayo balse soomali waxay ku maahmaahdaa war jiraaba cakaaruu imaan Axmed oo madaxa ruxaaya baa yiri waa run taa laakiin ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayr kadhigo Axmed waa uu kasoo tagay Bahjo.
Markii la gaaray xiligii balanta ay u dhigtay Nasiib ayuu soo aaday markuu soo galay guriga ayuu arkay Nasiib waxuuna ku yiri: waan ku salaamay macaaneey, waxayna tiri �waan kaa qaaday, horayna usoo gudubï Axmed mar kuu fariistay buu ku yiri: macaaneey ma ku waydiin karaa su'aal
#Nasiib baa tiri: waad I waydiin kartaa
#Axmed : Ma wax dhib ah ayaa jira
#Nasiib: Maya, ee maxaad dareentay
#Axmed: Laakiin waad isbedeshay
#Nasiib: Adaa u maleeyay
#Axmed: Runta ii sheeg, anigu waan dareemi karaa wax inay sharaysan yihiine, side wax u jiraan?
#Nasiib: Axmed, aniga waligey kaama gelin khalad, adigana Igama aadan gelin, balse dhibka jira wuxuu yahay Gabadha aad qabtid sababtoo ah horay Ayaan kuu iri Iska fur gabadha aad qabto hadii aadan jecleyn, inlee Qalbigaaga laba qof uma qeybsamo, Warar suuqi ah oo Isoo gaarayna waxaa la ii sheegay inaad gabadha jeceshahay, anigana dooni mayo guri dhisan inaan Dumiyo.
#Axmed:Hadda maxaa xal ah Nasiibey?
#Nasiib: Waayeel lama yiraahdo keen Ilkahaaga tiriyee. Marka xmedow Qalbigaaga si uusan u qeybsami Karin ha u Qeybin, Ama aniga ama ayada mid dooro walaalow. markii lays waydaarsaday hadallo kulul, Axmed wuxuu ugu jawaabay aniga ayaa go�aan soo gaaraya
Kadibna wuu ka soo tagay, wuxuuna soo aaday Xaafadiisii asagoo madaxu isdaba marsanyahay iskuna buuqsan wax uu kala garanayana aysan jirin, wuxuuna noqday dharigii labada dhinacba ka gubtay sababtoo ah waxaa lakala dooransiiyay Nasiib oo uu aad u jecelyahay iyo xaaskiisa oo horay u xumeysan uusanna dooneyn inuu furo
Isla hadal iyo dagaal dheer oo u dhaxeeyay asaga iyo maskaxdiisa Axmed wuxuu go�aan ku gaaray in uu furo xaaskiisa Sahro si uusan u waayin jaceylka Nasiib oo ku sigay inuu u god galo.
Waagu markuu daalacay qoraxdiina soo baxday ayuu waraaqdii furriinka wuxuu u gudbiyay gabadhii uu qabay reerkooda, kadibna wuxuu soo maray Bahjo oo uu u sheegay inuu soo furay xaaskiisii uuna u furay Nasiib daraadeed, wuxuuna ku yiri Nasiib u sheeg arrintaas caawana waan idiin imaanayaa.
Xilligii ballanta markii la gaaray ayuu soo labistay wuxuuna soo abaaray xagaa iyo gurigii Bahjo, wuxuuna yimid gurigii ayagoo ay wada joogan gacalisadiisa Nasiib iyo asxaabteeda Yaasmiin, Bahjo iyo Maxamed oo ahaa gacaliyaha Yaasmiin.
Salaan iyo soo dhaweyn diiran kadib, dhamaantood waxay isku raaceen dhankaa iyo xagga magaalada.
Intii wadada lasii socday Axmed iyo Nasiib waxay ahaayeen bah gooni oo ayaga ayaa wada socday inta kalena wey wada socdeen. Waxayna is dhaafsanayeen erayadaan:
#Axmed: Gacaliso soo ma faraxsanid maanta?
#Nasiib: Maxaa dhacay oo aan ku faraxaa Axmedow?
#Axmed: Bahjo soo kuuma sheegin fariinteydii oo ah inaan furayXaaskeygii.
#Nasiib: oo maxaa cadeyn ah?!!.
#Axmed: (Asaga oo naxsan) Maxaad dhacay oo aad ula jeedaa hadalkaas?
#Nasiib: Hadii aad furtay iyo hadii kale waa kuu kaligaa!!!.
Axmed wuu istaagay madaxa ayuuna gacmaha saaray dhidid waa weyn ayuu soo tuuray, afkii baa qalalay, indhihii banaanka ayuu keenay, lugihii ayaa jareeyay oo celin waayay asagiiba. Nasiibna way ka sii socotay ayadoo tallaabo gaareysa asxaabteeda,
Bahjo ayaa waxay aragtay Axmed oo socon la' sina u isugu dhex yaacsan kana dambeeya ayagii, wey u soo hartay waxayna weydiisay waxa helay oo uu la dhididayo, wuxuuna u sheegay in uu Nasiib uu u sheegay fariintii uu ayada u soo dhiibay manta,
Bahjo ayaa aragtay oo tiri “Nasiib waa kanaa gacaliyahaagii”, Kadibna Axmed iyo Nasiib way is ku soo boodeen oo hab ayay isa siiyeen waxayna is ku salaameen salaan xiisaleh, kaftan iyo is wareysi kadib Axmed waa baxay oo waxuu soo qaatay jaad kuna soo laabtay guriga Bahjo asagoo doonaya in uu la dhamaysto waqtiga gacalisadiisa iyo Bahjo.
intaa kadib Nasiib iyo Bahjo way kasoo tageen Axmed oo waxay ku yiraahdee waxbaan soo gadanaynaa Axmed ayaa yiri laakiin soo dheereeya waan cidloonayaaye waxayna ugu jawaabeen wayahay.
Markuu cabaar fadhiyay ayaa waxaa u yimid Maamo Cadar oo cabaar u sheekeeneysay axmed.saacado badan kadib ayaa waxaa guriga ku soo laabatay Bahjo kaligeed,
Axmed ayaa waydiiyay Nasiib halkay uga soo hartay waxayna ugu jawaabtay gurigeeda oo waan daalanahay bay tiri ee Axmed usheeg biri beri galab ha ii yimaado xaafada.
Lasoco qeybta 4aad...
Axmedna aad ayuu u soo dhaweeyay eedadiis waayo asagaa u joogay magaalada waxaana la oran jiray Maamo Asli. Axmed eedadiis waxay aheed Maamo Wadaad ah, waxuuna u kaxeeyn jiray eedadiis masaajidka si ay taraawiixda ugu soo tukato.
Habeen habeennada ka mid ah ayaa Nasiib waxay ku sugaysay guriga Yaasmiin, Axmedna waxuu kasoo laabtay musaajidka markay aheed afar saac oo habeennimo kadibna waxuu ka soo tagay guriga eedadiis shan saac oo habeenimo, waxuuna soo aaday Nasiib xageeda ayadoo caawoo dhana sugaysay ayuu iyimid waxuuna ku yiri “waan ku salaamay macaanto” waxayna ugu jawaabtay “waan kaa qaaday gacaliye”,
Axmed ayaa ku yiri “waxaan u malaynayaa in aad ii xanaaqsan tahay” Nasiib ayaa tiri “haa, waayo caawoo dhan dhaxan ayaan kuu fadhiyay, adigana hadda ayaad socotaa”, Axmed ayaa yiri “iga raali naqo waad ogtahay waxaan jiray eedo xageeda”
Haasaawe kadib, Axmed waa uu ka soo tagay ayadana waxay seexatay guriga Yaasmiin waayo ma ay aadi karin gurigooda sababtoo ah wuu fogaa, waxaana laga baqi jiray askar oo dadka dhiba waydiiyana sharci, haday ka wayaana ka baara lacag iyo tuugo ku disha dadka dhacaysana.
Habeenkii danbe Axmed waxuu kaxeeyay oo uu u dhigay masaajidka Eedadiis, Nasiibna waxay ku sugaysay guriga Yaasmiin, wuuna ka soo daahay,
Nasiib sidii xalay oo kale ayay sugeysay, asaguna waa uu ku qasbanyahay in uu kaxeeyo eedadiis maadama aysan kala aqoon Magaalada oo ay ku cusub tahay qof kaloo kaxeeyana uusan jirin, Axmed 10 habeen ayuu u kaxeeynayay eedadiis masaajidka kana soo celin jiray eedadiis.
Nasiib-na waxay ku sugi jirtay habeen walba guriga Yaasmiin ayadoo u dulqaadan jirtay qaboowga iyo barafka dhacaya kana dhixi jirtay gurigooda. Mudo kadib, Nasiib way u dul qaadan wayday sida uu Axmed samaynayo,
Habeenkii danbe ayuu u yimid Nasiib waxayna ku tiri “kaalay maxaad is mooday ama is ka dhaadhicisay in aad tahay? habeen walba adigaan halkaan kugu sugayaa kuuna fadhiyaa kaagana dhaxayaa gurigayga”, Axmed oo yaaban ayaa yiri.....
· Geenyadaan doortaayAduun, galabba waa cayne
· Gabdhahaan jeclaan jiray, Adaan kaaga soo go’aye
· Sidii gool libaax oo kalaan, Gohayaa waliye
· Geerida horteed Waxaanahay, gacal walaala ahe
· Gafna kuu ma quuriyo inaan eedo kaa galo’e
· Baryahaan guuf baan arkiyo gooni daaq nimo’e
· Waxaad igu galay saana, Waa’garaad liye.
· gacal tooyadii waalidkaa, goo il eedahaye
· Hayeeshee go’aan kaa na tiril,guule naga diidye
· Hadii aan garoow sado Berraan,naar kugalayaaye
· Gacan qabashadoodaas Janaan, gaar islee yahaye
· Adiguna gaf kooda is kadhoowr, Soo gunanadaye
Kadibna, Nasiib ayaa tiri “haday sidaas tahay, inta uu kadhamaanayo soon-ka ma kulmi karno, waayo uma adkaysan karo in aan fadhiyo dhaxantaan kana dhaxo gurigeena”.
Habeenkaa wixii ka danbeeyay intii uu soonka ka dhamaanayay Axmed iyo Nasiib ma aysan yeelan wax kulan ah markii laga reebo ayagoo iskaga hor imaan jiray wadooyinka iyo ayagoo ka wada hadli jiray mararka qaarkood telefoon, waxayna kulmeen maalintii Iidda ahayd ayaga oo farxadii Iida wada qaatay oo si wanaagsan u wada iiday.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa Axmed iyo Nasiib waxay ku kulmeen guriga Bahjo waxuuna ka soo tagay xilli duhurkii ah soona aaday gurigoodii.
Asagoo aan joogin mudo hal saaca ayaa waxaa kadaba yimid oo guriga ugu yimid Nasiib iyo Bahjo, Axmed oo layaaban waxa soo kaxeeyay gacalisadiisa iyo saaxiibteed oo uu hadda ka soo tagay ayaa ku yiri
“waan idin salaamay ma wax dhibaa jira” Bahjo ayaa u jawaabtay oo tiri “waan kaa qaadnay walaal, laakiin mid ayaan kuugu nimid in aan kuu sheegno taasoo ah in ay Nasiib baxayso”,
Axmed ayaa la soo booday “Maraykan miyay u socotaa?”, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “haa, maraykan ayaan u socdaa”, Axmed baa mar kale yiri asagoo arinta dhalanteed u qaba “sidaas laguma baxee nagadaaya ciyaarta anigaba bosaaso ayaan u socdaa caawa oo falaygii baa ii dhagan”,
Axmed Ilin ayaa soo dhaaftay waxuuna kanaxay xaalada ay ku sugantahay gacalisadiisa oo uusan waxba kaqaban karin waayo Axmed waxuu ahaa wiil arday ah oo aan shaqaysan oo kuna nool gurigooda, Nasiib baa tiri
“ha ooyin gacaliye”, Axmed ayaa waydiiyay waxa uu dhakhtarka ku yiri, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “Aboowe markii hore waxuu ii soo qoray daawo, waana dhamaystay balse hada waan fiicanahay, waana fiicnaandoonaa haduu alle idmo ee waxba ha is murjin waxaan u baahanahay nasniino”.
Axmed ayaa yiri “goormaad nasanaysaa mar walba waad socotaaye midda kale is ka daa kabahaan dhaadheer oo aad xiranayso”, “waayahay gacaliye” ayay nasiibna ugu jawaabtay, kadibna, Yaasmiin ayaa soo booday oo tiri Axmed “qoftaan ilaa xalay waxba ma cunin qof aan waxba cunahayn maxuu ku noolaanayaa”,
Axmed ayaa yiri “maxaa dhacay oo aad wax u cuni wayday”, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “iga raalinaqo gacaliye, maxaan wax cunaa nabarbaa I hayay, balse hadda markaan ku arkay ayuu iga fuqay”.
Axmed ayaa lasoo booday “maxaad cunaysaa gacaliso oo hada aan kuu keenaa” Nasiib ayaa tiri “Waxa allaale iyo waxaad ii keento Ayaan cunayaa gacaliye” Axmed ayaa ku yiri “anaa waxaad cunto hadda kuu keenaya macaaneey”.
Kadibna Axmed waa uu soo baxay waxuuna soo aaday gurigooda, xagiisa runtii Axmed jeebkiisa kuma jirin shilin lacaga asagoo dhakafaarsan buu guriga ugu yimid walaashii Ayaan waxuuna usheegay sida ay arrini tahay, Ayaana waxay soo siisay 1000 shilin oo kenyaan ah kadib asaguna waxuu soo aaday guriga Nasiib asagoo wada cunto.
Axmed waxuu guriga Nasiib ku gaaray ilaa xilli danbe habeenkii asagoo uga sheekaynayay sheekooyin aad u macaan doonayayna in uu I loowsiiyo xanuunka haya gacalisadiisa, runtii Axmed waxuu ahaa wiil aad u wanaagsan Nasiibna aad u jecel, Axmed mar walba waxuu ka fakari jiray Nasiib siday ku gaari lahayd heer, farxad iyo caafimaadna ku heli laheyd.
Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaa dhacay Axmed oo jooga gurigiisa in ay u timaado Nasiib waxayna ku tiri “gacaliye manta waxaa ilasoo hadlay walaalkay iyo abtigay waxayna igu yiraahdeen waxaan doonaynaa in lagu siiyo wiil ay dhashay eedadaa”Axmed ayaa waydiiyay adigana maxaad ugu jawaabtay “gacaliye ilaa iyo hada jawaab ma aanan siin oo waxaan ku iri anigaa go’aan soo gaaraaya”.
Axmed ayaa haddana weydiiyay meesha uu joogo wiilka Nasiibna waxay ugu jawaabtay “gacaliye wuxuu joogaa Maraykan waxaana dhashay Eedadayd isoo korsatay iguna haysa hada meeshaan hadana jawaab baa la iga sugayaa ee maxaan samaynaa”.
Runtii Axmed waagii ayaa ku baryay waxaana wadnaha uga dhacay falaar uusan filayn.
Axmed oo mudo aamusnaa ayaa Nasiib ku yiri “I dhagayso gacaliso, waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo su’aal taasoo ah miyaad I jaceshahay? Intee in la’eg ayuuse gaaryaa jaceylka aad ii qabto”
Nasiib ayaa tiri “Axmed, gacaliye aad ayaan kuu jeclahay oo jaceyl kaan kuu qabo waa mid ka I waalay”,
Axmed ayaa ku yiri “maxaad ii qaban kartaa gacaliso, inlee waad ogtahay anigaba aad ayaan kuu jeclahay “,
Nasiib ayaa tiri “Nolashaydaan kuu hibeeyay bal wax kaleba daaye”,
Axmed ayaa yiri “hadii aad I jeceshahay farxadaydana jeceshahay yeel reer kaaga hadalkooda oo guurso wiilka ay dhashay eedadaa”,
Nasiib Indhaheeda waxaa soo dhaafay Ilin waxayna ku tiri “Axmed gacaliye, uma aanan Malaynayn in aad hadalkaan I oran doonto, waana ka xumahay asagana ma guursanayo adigana waan kaatagay”,
intaa kadibna way is taagtay oo waa ay baxday Axmedna wuxuu is kudayay in uu celiyo waa uuna awoodi waayay, Axmed asagoo fadhiya meeshii ay uga tagtay gacalisadiisa Nasiib ayaa waxaa ugu yimid Maxamed iyo Yaasmiin, waxayna yiraahden
“Axmed waan ku salaanay oo ma waxaad ogayd in aan kuu imaanayno oo anagaad nasugaysay”
Axmedna uma jawaabin sababtoo ah waxuu ahaa maqane jooge Yaasmin baa ku tiri “Axmed maxaa kugu dhacay waad fakarsantahay” intaa kadibna Axmed waxuu uga sheekeeyay sida ay wax udhaceen,
Yaasmiin ayaa waydiisay sababta ku kaliftay in uu ku yiraahdo Nasiib guurso nin kale asna waxuu ugu jawaabay
Lasoco Qaybta 3aad
Sababtoo ah waxaa shaki galiyay ayadoo dhalinyarada ay ku oran jireen “Alla wey u dhacatay Axmed, wuxuu qabaa gabar Kanada Jirta, mar dhow waa la dhoofinayaa, Nasiib badanaa ninkaasi” .Runtii Nasiib aad ayay u niyad jabtay waayo waxay noqotay qof galy ceel waayayna wadaantii uu uga soo baxi lahaa,
Axmedna kama uusan warqabin dhibaatada ay ku sugantahay Nasiib, waayo markey u timaado waxay u muujin jirtay waji farxad leh Nasiib waxay dhex gashay barmuudo ayadoo meer meeratada wareegta ay marba dhinac ula sabeeneysay.
Nasiib beryo ayay waxay ku jirtay walwal iyo walbahaar, waxayna noqotay qof uu beddelmay midabkeedii iyo dabeecadaheedii.
Nasiib intaas oo dhibaato ah ayada oo ay heeystaan waxaa usii dheeraa ayadoo marwalba la tashan jirtay saaxiibadeed waxayna ugu sheekeyn jireen in aysan meesha waxba ku heyn, tahayna qof Nayroobi lagu joogo laguna mel gaarayo, Axmedna yahay nin naaga badan ama dooniiste ah.
Shakigii Nasiib wuxuu noqday mid sii kordha ama sii laba jibaarma maalinba maalinta ka sii dambeysa.Wixii intaas ka dambeeyay Nasiib waxay Axmed daba dhigtay istaaf ama dad daba gala oo cagta cagta u saara, waxaa jirtay in maalin maalmaha kamid ah ay u soo dirtay gabar ay saaxiibo ahaayeen si ay Axmed ugu gudbiso jaceyl been ah oo ay u qaaday kadibna ay u ogaadaan in uu Axmed la qaban doono iyo in kale.
Gabadhii maalin maalmaha kamid ah ayay waxay timid gurigii Axmed asagoo hurdo, soo kicin kadib waxay u sheegtay Axmed in ay jeceshay, Axmed awalba dareen ayuu qabay wuuna fahmay in ay tahay Nasiib saaxiibadeed mid kamid ah asagana lagu raad joogo, hadda ka horna wuxuu isku arkay gabadhaan iyo Nasiib oo wada socda basna wada koraya,
halkaas Axmed waxaa uga dhashay kalsooni darro, wuxuuna ugu jawaabay, “waan kaxumahay in Nasiib si aad ii daba gasho ay kuu soo adeegsato adiga oo dumaashidey ah, runtii adiga iyo Nasiibba waxaad I galiseen kalsooni darro, waana ogahay inaad tahay Nasiib saaxiibteed hadda ka hor Ayaan isku kiin arkay adinka oo bas raacaya waxaananse garaneyn magacaaga”, Gabadhii aad ayay u khalkhashay dhidid Ayaana tin ilaa iyo cirib soo daatay,
waxayna tiri: ”Axmedow walaalow iga raali noqo, runtii saaxiibtey Nasiib aad ayay kuu jeceshay sidaad ugu sheegtay inaad naag qabtana waxaa ku dhacay kalsooni darro ayadoo dad xaasidka jaceylka ah ay u sheeka xumeeyaan, si ay u qanacdo ayayna iigu kaa soo adeegsatay, ula jeedkeyguna ma ahayn inaan muraayadda kaa jabiyo ama kalsooni darro kugu abuuro”
Axmed wuxuu ku yiri: ”Abaayo anigaba Nasiib waan jeclahay waana ogahay dad wada jirkeena cadow ku ah in ay badan yihiin, adiga Ayaana saaxiibteed ah fadlan ka dhaadhacsii kana qanci in aan jeclahay ayada oo kaliyah gabar kale oo aan dunidaan ka fiirsanayana in aysan jirin ayada mooyee”.
Gabadhii waxay tiri: “Waayahay dumaashi aan isbarano, waxaa aniga la I yiraahdaa Ayaan”, asna wuxuu yiri: “Barasho wanaagsan, anigana waxaa la I yiraahdaa Axmed, oo horay ayaad uu taqaanay”.
Dhacdadaas kadib, Axmed wuxuu soo aaday habeenkii guriga Nasiib, asaga oo wadada maraya ayaa waxaa ka hor yimid Nasiib, Bahjo iyo Yaasmiin oo Nasiib saaxiibadeed ahaa,
kadibna Axmed ayaa yiri: “Waan idin salaamay dhamaantiin”, “waan kaa qaadnay Axmed walaalkayaw” ayay Bahjo ugu jawaabtay.
Kadibna waxaa laysku raacay gurigii Yaasmiin, wax la soo socdaba cabaar kadib waxaa la soo gaaray gurigii Yaasmiin, waxaana la fariistay barandada guriga, kaftan iyo is xifaalayn kadib waxaa yimid Maxamed oo ahaa Yaasmiin saaxiibkeed waxaana la is baray Axmed iyo Maxamed.
Barasho kadib Axmed iyo Nasiib waxay u baxeen meel gooni ah markii ay fariisteen baa Axmed oo ka xanaaqsanaa arrintii galabta dhacaday ayaa tiriyay tixdaan gabayga ah:
· anigoo Nasiibey ku jecel, nidarna kuu qaaday
· niyad sami anoo kuu hayoo, waayo kugu noogay
· oo aan nooc kaloo dumar yahay, noos u furahaynin
· naxli iyo anoo kula neceb , nabar ku soo gaara
· niyadaada waadigii gashaday, beenna naawilaye.
· markaad diratay naakhuude, waaba kaa naxaye.
· Naacawda caashaqaana, waa lala nuglaadaaye.
Marka laga reebo kulamadaas ayaa waxa jiray in Nasiib ay u qaado rabitaan hal dhinac ah uusanna Axmed ka warheyn iyadoo jacayl i qari ah u qaaday Axmed,
Muddo kadib ayaa jacaylkii Nasiib hayay inta xididada dhiigu qaadeen ku shubeen wadnaha dabadeedna u gudbiyeen xubin walba oo dareen leh ama dhaqdhaqaaqda,
Nasiib waxey ku asqowday ama ay ku hafatay badweynta jacaylka iyadoo kaligeed hadba mowjadaha caashaqa dhinac ula sabbeynayeen, Markay arrini ku baaxatay oo meel wax laga qabto gudubtay ayay Nasiib adkeysan wayday waxayna go�aan ku gaartay in ay u bandhigato Axmed jacaylkeeda.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nasib iyo saaxiibteed Qadiijo waxey wadada iskaga hor yimaadeen Axmed, dabadeedna salaan diiran kadib ayaa Axmed si kaftan ah u yiri: La isma soo xiriirinayo miyaa,
Nasiib iyadoo awalba la' ayd meel ay ka gasho ama ay ka bilowda arrinta ayaa waxey ka faa'ideysatay fursadaas waxeyna Axmed weydiisatay in uu la kulmo asaguna wuu ka ogolaaday, waxeyna ku ballamisay gurigeeda iyadoo ku marti qaaday una sameesay xaflad aad u sareysa.
Maalintii Ballanta Markii la gaaray Axmed si aad u heyr sareysa ayuu isugu diyaariyay asagoo xirtay labis aad u bilic qurxoon, wuxuuna yimid gurigii Ballanta lagu dhigtay, marti qaad diiran kadib Nasiib ayaa waxaa soo maray jaanis kasoo ah inay kusoo haraan guriga Axmed iyo iyada oo kaliya waxeyna ku tiri:
Duumo ruuxay hesho
Cirbad lgu duriyo
Kaniin baa lagu daweeyaa
Cuqdad ruuxay dilooto
Dibnahoo loo macaaneeyo
Dabuub baa lagu daweeyaa
Axmedow su�aal da�weynoo
Daalisay madaxyga
Adigoon degdegin
Maskaxdaadu degantahay
Ideeqsii jawaabteeda
Qof derejo lahaan jiray
Dadkoo idil ka dambeeyaan
Haduu dushaas sariyo
Dabeylaha ruux ka jeclaado
Aasanu dareemin ruxii
Oo daktoor loo geeyo iyo
Lagala daalo sheybaar
Oo diiday inuu galo aqalkiiyo
Wareegayo dibadaha
Maxaa ruuxaa lagu daweeyaa?
Dhagtuse wey da�weyntahoo
Duqay hora waxay tiri
Dunida qofkaad kacalmataa
Kuu diiriya nolosha
Aniguna da�yartaa kacday
Huunow adaa kaa doortay
Jaceyl duur ila xuloo
Dilaacshay qalbigaa jira
Nolol cusub inaan dugsano
Axmedow diyaar maw tahay?
Axmed baa ku jawaabay:
Nasiib ruux leh baa
Kula naasha jacayl
Hadaad I naawishay aniga
Nacam weeye jawaabteeda
Nabsina xambaarsan mayee
U sheeg niyadaada kheyr
Nabarradiisiyo xanuunka
Naxariis darradiisa waan ogahay
Naq inaan beerno oo
Nolol wadaagno
Nacam weeye xageeygee
U sheeg niyadaada Kheyr.
Maalintaa wixii ka dambeeyay Nasiib iyo Axmed waxay noqdeen far iyo faraanti, kulamadooduna waxay ahaayeen joogto balse Nasiib xumo waxaa noqotay ayaga oo ay dabeecadahoodu kala duwanaayeen.
Lasoco Qaybtii 2aad....
Jacaylka la sheegaa ma,aha kan araga kowaad ama wajiga qofka, balse Jacayku waa kan qalbiga mana aha in qofkaad jeclaanayso aad ku jeclaato qurux ama lacag.
Balse waa inaad ku jeclaataa Dabeecadiisa iyo diintiisa Maxaa yelay labadan marna ma dhamaadaan.
Inkasto jacayka Ramlo iyo Salmaan uu noqday mid dhamaan dadkii ku noolaa labadaas gobol ay layaabeen.
Waxaas oo dhan waxaa ka sii yaab badnaa markii salmaan walaashii u sheegtay waalidkeed wixii salmaan iyo Ramlo dhex maray iyo siday isku jeclaadeen.
Laba asbuuc kadib Salmaan waxaa soo wacay Maamulaha Bank ku yaala Gobolkii uu ku noolaa waxa uuna usheegay in uu shaqo u hayo bishiina ku shaqayn dona 600$.
Aadbu u farxay waxa uuna arintii u sheegay Xaskiisa Ramlo iyo Waalidkiis sidaas ayuna reerkiisa u dhaqday Salmaan.
.............Dhamaad..........
Waxay walashii u sheegtay in ay arintaas wax ka qabanayso waalidkana ay u sheegayso xiriirka ka dhaxeeya labadan lamaane.
Salmaan aadbu ugu farxay hadalka ka soo yeeray walaashii qalbigiisana waxa uu dareemay farxad balse farxadaas ma,ahayn mid dhamaystiran maadaama aysan Ramlo arintan aysan la socon.
Salmaan waxa uu wacay Ramlo waxa una usheegay siday wax u dhaceen iyo waxa dhex maray isaga iyo walaashiis.
Ramlo waxay ka codsatay Salmaan ina uu Barto walaashiis si ay had iyo jeer ula socoto xiriirkooda.
Salmaan waxa uu u yeeray walashii oo aan saas uga fogayn waxa uuna u sheegay in uu Barayo Jacaylkiisa lamanihiisa Ramlo.
Saabiriin oo ah Salmaan walashii iyo Ramlo waa ay isbarteen wax walba oo ku soo wajaha jacaylkooda waxay u sheegtay inay ka hortagi doonto inta ay awodo.
Maalmo ayaa waxay ka soo wareegatay marki ay is barteen Ramlo iyo Saabirin,waalidka salmaan waxay rabaan inay wiilkooda ku daran gabar kale.
halka waalidka Ramlo ay dhankooda rabaan inay Salmaan iyo Ramlo isku daraan arintu waxay maraysa meel xun lamanahan noloshooda waxaa soo wajahday Caqabado hor leh waxayna rabaan inay ka hortagaan.
Salmaan waxa uu waalidkiis u sheegay in uu u safraayo Gobolka Sool uuna haalkaas ugu tagayo wiil ay saxibo yihiin oo loo sheegay in uu halkaas ku xanuusanyahay una baahanyahay wehel.
Waalidkii Salmaan waa ay ka aqbaleen in uu safro dhanka kale waxaa uu salmaan waalidkiis u sheegay in uu rabo in uu guursado marka uu shaqayto uuna gaaro xili uu is dabiri karo iskuna filnaan karo.
Taasna waa ay ka aqbleen waalidkiis balse Aabaha salmaan dhalay ma,oga in salmaan uu jecelyahay Gabadh layiraahdo Ramlo oo ku nool gobolka uu u safrayo.
Safar dheer oo saacado qaatay salmaan waxa uu soogaaray gobolka Sool waxa uuna isla markiiba abaaray Guriga uu ku noola saaxiibkiis.
Sido kale waxa uu Ramlo u sheegay in uu yimid Gobolka ay ku nooleed Lamaanahiisa, aad ayay ugu faraxday Ramlo in lamanahedii uu ugu yimaado Gobolka Sool.
Waxayna u soo dirtay Farin Qoraaleed waxayna u qorned Sidatan
Anigoo Gayaankaa
Dhabta aynigaagaba
Awgaa awgaa Ugees maray
Ogaw Kalkacaykii
Ogaw wadnahaygii gaaray
Ogaw uunkaa igubayee
Galkacaylkeenii yuun lumi
Runtii Fariintaas markuu arkay oo uu akhriyay waxa uu Ramlo dhankiisa u soo diray Farin Qoraaleed Jawab ah waxayna u Qorneed Sida Tan………..
Lasoco qeybta 2aad...
Yaa computer science ama IT dhigto oo last year ah
Читать полностью…