hoygashekoyinka | Unsorted

Telegram-канал hoygashekoyinka - HOYGA SHEKOYINKA

13286

Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹

Subscribe to a channel

HOYGA SHEKOYINKA

Iftiimintu waxay ka soo bilaabataa gudaha- Naftaada Daryeel ✨🌿

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Ma Guursan lahayd qof dabeecada Aabaha oo kale leh?

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko dhab ah

QAYBTA 5AAD

Hanad markuu yiri isk iloow anigaa ku jecel wax walbana kuu noqon doono hodan weey is dajisay weeyna aamustay kadib ayeey tiri hanad anigaba waanku jeclaaday waliba saaid lkn ma is dhaheynin isagana wuu ku jecel yahay plse alx haddii aad ila qabtid jaceylka waan kaaga mahad celinayaa sidaad ii garab taagan tahay hanad kuma ilaawayo.

Kadib ayuu yiri hanad dhib maleh abyo anigaa diyaar u ah inaan dhib iyo dheefba kula qeeybsado ee na keen kadib ayeey tiri hodan xageen aadeeynaa ma gurigii ayaan ku laabanayaa kadib ayuu yiri hanad haa kadib ayeey tiri hodan waa nacay gurigaas waayo wajiga ayeey igu wadda gubaayaan markaas ayuu yiri hanad waan ogahay inaa nacday plse ha dareensiin ineey wax inaga dhaxeeyaan markaan dhameeysano kaliya ha ogaadaan kadib ayeey tiri waayahy.

Weey soo laabteen waxeey na yimideen guriga amran ayaa isla markii haddal bilaawday oo waxeey tiri hyh maxaa laga soo sheegay hodan kadib ayuu yiri hanad waxba lagama sheegin weey caafimaad qabtaa

markaas ayeey caaliyo lasoo booday horaan kuugu sheegay in aanay xanuunsaneyn plse ima aamineysid kadib ayeey tiri amran wlley aniga miyaad iweydiisay inaan xanuunsanahy yaa kuu sheegay adiga markaas ayeey tiri amran hodan qaladka jooji caaliyo waa qof qol kula seexato weeyna ogaan kartaa xanuun kaaga.

Kadib ayuu yiri hanad halkaas ku joojiya haddalka hodan orodoo iska seexo waa daalan tahay ana waan iska seexanayaa kadib ayeey tiri amran markaad seexo leedahay ma ilmaa hanadow waad kasoo dartay maxeey tahay gabadha aad jiifka ku dirqineysid.

Kadib ayuu yiri hanad Maya weey daalan tahay marka nasiino ayeey ubaahan tahay sidaas baan u iri seexo wax kale ma jiraan qolkiisa ayuuna iska galay caaliyo waxeey qaddo usoo diyaarisay hanad qolkiisa ayeey na ugu geeysay kadib ayuu yiri aniga qaddo bas waaye hodan ugeey waxaa laga yaabaa ineey waxba cunin kadib ayeey tiri hanad adiga ifahan aniga hodan wxba igama galin qadadan adiga ayaan kuu keenay ee cun.

Kadib ayuu yiri hanad hodan sow walaashaa maahan maxeey tahay sababta aad sidaas uleedahay markaas ayeey tiri caaliyo hodan weey guran kartaa rashinka lkn adiga wiil ayaa tahay ee cun weeyna kasoo tagtay caaliyo aad ayeey uga carootay hanad oo waxeey diidan tahay inuu hodan naxariis ufalo amran iyo caaliyo waxeey falkeeda galeen sidii aay hodan guriga uga burin lahaayeen iyagoo aaminsan hodan haddii aay guriga ka tagto in aanu hanad raadin doonin ama uu dib u xiriirin doonin.

Plse ma oga inuu hanad noolaan arkin hodan la.aanteed una balan qaaday ineey xaaskiisa noqon doonto amran waxeey wacday hodan wllkeed waxeeyna tiri walaashaa waan fahmi waayay ee ku dheh ii imoow aniga walshey ayaan keensaday...

Hodan waxaa soo wacay wllkeed wuxuuna ku yiri soo bax oo guriga imaaw kadib ayeey tiri maxaa dhacay abowe amran weli ma dhalin waad ogtahay mana kasoo tagi karo kadib ayuu yiri amran iyadda ayaaba isoo wacday oo igu tiri waan is fahmi waaynay walshey ayaana keensaday hodan weey naxday xanaaq iyo ciil ayeey is celin waaysay waayo guriga wllkeed waxaa uga horeeyso xaaskiisa oo neceb xaafaddii ay joogtayna waalaga dhibsaday hodan wllkeed waxeey ku tiri waayahay waan imaanayaa wll.

Hodan talo ayaa ku cadaatay dharkeedi ayeey soo guratay kadib ayeey is diyaarisay oo weey labisatay iyaddoon cidna usheegin waa goor subax ah hanad wuu hurdayaa mana rabto hanad oo aan ogeyn ineey baxdo waxeey fariisatay ilbaabka hanad oo waxeey sugtay bal intuu kasoo kacaayo.

Hodan daqiiqado markeey fadhisay ilbaabka ayuu soo baxay hanad kadib ayuu arkay hodan oo boorsadeeda uxir xiran tahay aad buu ula yaabay kadib ayuu yiri hodan abyo maxaa kugu dhacay saacadaan xageed usocotaa kadib ayeey tiri hodan waxaa isoo wacay wllkey wuxuuna idhahay imaaw markaan weeydiiyay sababta wuxuu iisheegay ineey soo wacday amran oo ey tiri walashaa waan fahmi waayay. Waxeeyna rabtaa inaan gurigeeda uga tago marka waxaan rabay inaan ku ogeeysiiyo kaliya.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko dhab ah

QAYBTA 4AAD

Hodan markeey aragtay ineey is badashay amran waxeey ka gaabsatay hanad oo waxeey bilaawday ineey qolkeeda kasoo bixin intuu hanad joogo iyaddoo rabto ineey amran kusoo noqoto sideedii hore hanad plse hodan waxaa ku beermay jaceyl oo waxeey jeclaatay hanad isaguna wuxu rabay inuu usheegto Jaceylkiisa plse qolkii ayeey dib ugu laabatay.

Amran waxeey wacatay wlsheed midii ay la rabtay hanad weey na u timid waxeeyna tiri icaawi oo ila joog hodan ma ahan gabar howl jecel oo qolka kasoo bixi meeyso wlshed oo lagu magacaabo caaliyo ayaa tiri waayahy abyo anaa kuu shaqeeynaayo intaad ka dhaleeyso iyadduna ha iska jiifto.

Amran kaliya waxeey rabtaa ineey is barto hanad iyo caaliyo si booska looga saaro hodan caaliyo waxeey biloowday ineey isku qurxiso sidii gabar aroos ah oo aay guriga dhan badashay oo aay nadaabisay hanad ayaa la yaabay gabadhan guriga la keenay oo sida dhaqsiyaha leh dadka iyo gurigaba ufahantay.

Maadaama uu hanad cuntada la cuno iyagga oo aay ku yiraahdeen hal qof baa tahay ha is dhibin caaliyo waxeey sameysay quraac qurux badan waxeey na ugeeysay hanad kadib ayuu yiri mahadsanid quraac qurux badan baad sameysay.

Kadib ayeey tiri caaliyo mahadsanid markaas ayuu yiri hanad lkn aan ku weeydiiyee hodan ma xanuunsan tahay maba soo baxeeysee kadib ayeey tiri hodan weey howl neceb tahay oo abayo oo xaamilo ah ayeey iska jiiftaa aniga ayeey iwacatay si aan u caawiyo kadib ayuu yiri oo ma saasaa waanba waayay.

Lkn markaan imaanaayay iyadda hoowsha qaban jirtay hadda laga yaabee ineey xanuun qarsaneyso Kadib ayeey tiri caaliyo maya waxeey ka aheyd xiiso mooyaane meelna xanuuni meeyso kadib ayuu yiri hanad iska dhaafa haddeey sidaas tahay haka daba xumaanaha.

Hodan markeey qolka ku daashay ayeey banaanka usoo baxday kadib ayeey aragtay hanad iyo caaliyo oo kaftan iyo qosol is dhaaf dhaaf sanaayo hodan waxaa galay maseyr waayo hanad ayeey jeceshahay hodan iyadda dhan weey is badashay oo sidii hore uma qurux badna waxaa ka muuqdo fikir iyo daruuf wajigeeda wuu is badalay.

Kadib ayeey darjiin irida ah iska fariisatay isla markii waxaa arkay hanad kadib ayuu xageeda usoo dhaqaaqay agteeda ayuuna soo fariistay kadib ayuu yiri hodan maxaa kugu dhacay abyo ma xanuun ayaad qarsaneysaa maxaa sidaan dhan kuu badalay kadib ayeey tiri hodan ma aqaan sidaan ahay aniga dhan waan wareersanahy. Ee biyo ii keen
Kadib ayuu is taagay galass biyo ah usoo shubay caaliyo markeey aragtay inuu Hodan caawinaayo xanaaq ayeey meeley gasho weeysay.
Kadib ayuu yiri hanad dhaqtar ayaan kuu geeynayaa dhar soo xiro.

Hodan waxeey tiri waayahy waxeeyna soo xiratay dharkii weeyna soo baxday kadib hanad qolkiisa ayuu galay si uu dhar usoo xirto intuu hanad qolka ku juray ayeey amran banaanka usoo baxday kadib ayeey aragtay hodan oo labisan markaas ayeey tiri xageed maanta ulabisatay ma gurigiinii baad aadeeysaa hanad ayaa soo baxay kadib ayuu yiri maya guri aadi meeyso ee. Dhaqtar ayaan u geeynayaa maanta.

Kadib ayeey tiri amran oo xanuun maba noo sheegine adiga goormeed ogaatay xanuunkeeda markaas ayuu yiri hanad isla hadda ayaan ogaaday sidaas baan ku iri soo bax markuu intaas yiri amran waxeey tiri waayahy kadib ayuu yiri nakeen waxeeyna ka baxeen ilbaabka.

Gaari ayeey kireesteen dhaqtarkii intaaney tagin ayeey tiri hodan na daji hanad wuu yaabay kadib ayuu yiri maxaa dhacay meeshan dhaqtar ugama jeedo maxaa inoo dajineeysaa kadib ayeey tiri na daji aniga kuu sheegaayo ee. Markaas ayuu yiri hanad wll halkan nagu daji meeshii ayeeyna ku dageen kadib ayeey hodan soo waday hanad oo waxeey keentay darjiinkii aay maalinkii hore fariisteen.

Hanad intuu dhoola cadeeyay ayuu yiri halkan waan xasuustaa runtii sow maahan halkii aan maalinkii fariisanay kadib ayeey tiri hodan haa waa meeshii waan u xiisay sidaas ayaan kuu keenay kadib ayuu yiri hanad waayahy lkn aaway xanuunkii ku haayay goormeen aadeeynaa dhaqtarka iisheeg.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko dhab ah

QAYBTA 3aad

Hanad Wuxuu bilaabay inuu usoo dhawaado hodan isaggoo kasoo sigtay halkuu fadhiyay plse hodan weey darreentay kadib ayeey tiri afka ka haddal maxeey tahay sababta aad iigusoo dhawaaneeyso kadib ayuu yiri hanad waa caadi haddalkaaga ayaa igu daciifay kaliya sidaas ayaan kuugu soo dhawaaday haddane waan kaa sikanaayaa markaas ayuu haddane ku celiyay su.aal kale oo wuxuu ku yiri ma waxaad leedahay xiriir waayo gabar qurux badan ayaa tahay uma maleeynaayo inaad xiriir la.aan tahay.

Kadib ayeey tiri hodan maya xiriir malihi mana ubaahni ee ina keen aan guriga aadno waad ogtahay gabar xaamilo ah ayaan la joogaa markaas ayuu yiri waayahy kadib ayuu geeyay goob lagu iibiyo dhar iyo wax walboo qurxoon wuxuuna yiri waxaad ubaahan tahay kalasoo bax fasax ayaad u tahay hodan weey ka xishootay oo in yar oo dhar iyo shobin ah ayeey soo qaadatay weeyna soo baxeen.

Markeey guriga imaadeen hanad qolkiisa ayuu iska galay hodana waxeey ugashay wlshed amran kadib ayeey tiri amran waan yaabay waad soo daahdeen waxaan is iri gabadhi iyo wiilkii ma isla baxsadeen kadib ayeey tiri hodan maya abyo waxaas ma jiraan amran waxeey bilaawday ineey fatashto waxeey hodan wadatay si aay u ogaato waxa loo soo gaday.

Markeey aragtay dharka iyo shobinka uu hanad usoo gaday hodan amran wajiga ayeey u badashay oo weey xanaaqday kadib ayeey tiri hodan abyo noo qeeybi dharka aniga waxaad rabtid soo qaado ayuu idhahay halahaan ayaan soo qaatay waayo waan ka cabsanayaa kadib ayeey tiri amran maya dhar waa iiyaal aniga waan arkaayay lee markaas ayeey tiri hodan abyo anigaba waa iiyaal ee wax kala bax wax cusub lama nacee.

Kadib ayeey tiri amran maya uma baahni plse hanad mudo badan ayaan is naqaanaa waligiis dhar iyo wax toona iima soo gadin markuu imaanayo kaliya ayuu wax noo keeni jiray maanta markuu ku arkay waa i hilmaanyay aniga.

Hodan weey yaabtay kadib ayeey tiri abyo kuma fahmin hanad waa daacad isagga adiga xaas ayaa tahay sidaas ayaa laga yaabaa inuu kuu hilmaamay ee naga daa xanaaqa amran aad ayeey uga xanaaqday hanad iyo hodan ineey israaceen oo waxeey iska dhaadhicisay inuu jaceyl dhex maray waayo amran waxeey hanad la rabtay walshed ka yar oo waxeey rabtay ineey is barto si wlshed uu hanad dibada ugu waddo.

Plse hodan arintaas warkama haayso oo waa qof iska daacad ah amran guriga ayaa qaadi waayay oo waxeey aragtay hanad oo hodan kaliya la hadlaayo maanta dhan la qoslaayo waayo hanad wuxuu aad uga helay hodan daganaanteeda iyo qaabka rabbi u dhigay.

Lasoco part:4

Fadlan follow iso dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda like and share mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko dhab ah

QAYBTA 1AAD


Waxaa jiri jirtay gabar lagu magacaabo hodan oola nooleed wllkeed ka weyn plse hodan wllkeed waxa uu qabay gabar aad u kulul oo aad u neceb hodan waxeey dareentay nacday xaasid nimada dumaashideed plse weey iskaga dulqaadatay hodan wllkeed uma sheegin naceybka iyo aflagaadada aay u geeysato dumaashideed iyaddoo go.aan satay ineey isaga tagto gurigga wllkeed .

Hodan waxeey go.aan satay ineey aaddo oo aay la noolaato gabar aay qaraabo yahiin oo aay aad iskugu fiicnaayeen saaxiibo dhowna ahaayeen gabadhaas oo lagu magacaabo amran hodan wllkeed waxeey ka dhaadhicisay ineey aadeeyso amran oo aay tahay qof xaamilo ah si aay u caawiso.

Ugu dambeyn hodan waxeey u timid amran oo si weyn usoo dhaweeysay amran waxaa qabay wiil danyar ah plse aad u wanaagsan hodan waxeey gashay jawi dagan oo waxeey ka reeysatay qeeyladii iyo muuqii dumaashideed.

Amran iyaddoo xaamilo ah ayeey qabsan jirtay hoowsheeda oo saaxiibadeed hodan waxeey tiri ii naso oo la qabso guriga waxeey sidii ahaataba guriga amran qol kiro ka ahaa ayaa waxa soo dagay wiil ka yimid dibada oo lagu magacaabo hanad oo aay saaxiibo ahaayeen ninka amran.

Hanad markuu soo dagay guriga wuxuu indhaha ka qaaday hodan oo ah gabar aad u qurux badan kadib ayuu weeydiiyay amran dumaashi yaawaaye gabadhaan markaas ayeey tiri amran waa wllshey qaraabo dhow baan nahay oo anigaa kaalmo ahaan ugu yeertay.

Kadib ayuu yiri dumaashi haddii aad ilmaha caloosha ku juro dhashid xitaa hanaga dirin gabadhaan ha iska joogto kadib ayeey tiri amran oo waayo adigaba waad laabaneeysaa mise ma laaban rabtid kadib ayuu yiri hanad waan laaban rabaa waan kugu kaftamaayay.

Lasoco part2

Fadlan join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Mararka qaarkood kalinimada waa nabad 🖤

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Guys Channel ka hoos buu usocda 13.3 Subscribers uu ahaa hdana 13.2 Subscribers buu maraya saan wxa ka badala 😔😢

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN

QAYBTA 8AAD.

Cadnaan wuu ku qancay ra'yigii Barwaaqo, wuxuuna ku war geliyay inay Aabaheed u sii sheegto in uu dhowaan ku soo fool leeyahay, isla markaana uu iyada ka soo doonan doono, Barwaaqo iyo Cadnaan farxad ayey ku kala tageen, maadaama ay heleen qorshe ay wiilka kale daaqada uga saarayaan, isla markaana ay labadooda ku midoobayaan.

Barwaaqo aabaheed ayey Arintii u sheegtay iyo in dhowaan uu reerka u iman doono wiil, isla markaana uu iyada soo doonan doono, una diyaar garoobo, Waloow Aabaheed uusan ku qancin hadalkeedii, haddana wuu ku qasbanaa inuu ogolaado, ileen gogol ayaa loo soo galaye.

Wuxuu waqti is guraba waxaa la gaaray, maalintii ay balantu aheyd, Cadnaan Kooxdii ka socotay ayaana guriga Barwaaqo ku soo xaadiray, bal si ay ula xaajoodaan Aabaheed, ayagoo ka wakiil ah Cadnaan, Dadkii si aad u wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay, ugu dambeyna waxay la kulmeen Aabahii, iyagoo uga waramay ujeedkooda, iyo inay Cadnaan iyo gabadhiisa isa siiyaan, maadaama ay is calmadeen.

Aabaheed isagu run ahaantii gabadhiisa lama uusan rabin Cadnaan, balse wuxuu u sheegay Odayaashii Cadnaa ka socotay, inay qabiil ahaan ayaga iyo beesha uu Cadnaan ka soo jeedo, aysan kala guursan, hadeyy dhaceyso inay kala guursadaana, ay hanti fara badan Miiska soo saaraan, taasoo ah Boqol halaad iyo baqalkoodii, ama lacag u dhiganta oo xoolahaasi ku jaan go'an.

Run ahaantii gabdhaheenawey u qalmaan, in intaas iyo ka badanba laga bixiyo, balse waqtigan casriga ah ma jiro wiil awoodi kara qiimahaas, ama xitaa wax u dhow, Barwaaqo Aabaheedna wuu la socday iney taasi dhici karin, balse Odayaasha Cadnaan ayuu xeyn daab uga dhigayay, si ay hankooda uga saaraan gabadhiisa, isla markaana uu saaxiibkii, siduu horeba uga balan qaaday Gabadhiisa ugu hibeeyo.

Odayaashii Cadnaan ka socotayna, wada hadal iyo xalleytan walba oo ay Odayga ay la galeen, wey kaga quusteen is kaba daa wax kalee, in xitaa Hal neef uu ka dhimo qiimahii uu dalbaday, Odayaashiina sidii ayey ayagoo guul daro u sida Cadnaan, gurigii uga soo dareereen.

Barwaaqo maalintaas aad ayey u faraxsaneyd, maadaama ay guul rajeyneysay, balse markii loo sheegay in wax walbaa ay fashil ku dhamaadeen, ayey Ooyin iyo calaacal keligeed qol isugu soo xirtay.

Dhanka kale Cadnaan asgana si la mid ah buu aad ugu faraxsanaa, guul ayuuna rajeynayay, balse marka loo sheegay sida ay wax u dhaceen, Amakaag iyo Anfariir ayuu la dhabana qabsaday.

Dhanka kale wiilka Barwaaqo loo soo doonay, isla markaana lala rabay, inuu isla Cadnaan saaxiibkiisa yahay, cid ogeyd ma eysan jirin, oo waxaa loo heystay Nin aan la aqoon inuu yahay, balse hadhoow ayey ogaan doonaan.

Cadnaan murugo iyo fakar dheer ka dib, iyada ayuu telkeedii ka soo wacay, wuxuuna u sheegay inuu go'aan ku gaaray, inay kala haraan maadaama uu Aabaheed xujo cad hordhigay, taasoo la micno ah inuusan labadooda isla rabin, sidaa darteedna ay ka raali noqoto, maadaama uu go'aankan yahay mid qalbigeeda dhaawici kara.

Barwaaqo aad ayey uga naxday hadalka ka soo yeeray Cadnaan, waxeyna ugu baaqday inay isla baxsadaan, halkii ay ka bur-burin lahaayeen jaceylkii iyo axdigii ay muddo badan soo dhisayeen, laakin Cadnaan wuu ku gacan seeray qorshihii Barwaaqo, wuxuuna u sheegay in taasi ay qalad tahay, isla markaana uusan dooneyn guur aysan waalidkii ayada dhalay ka raali aheyn, haddii calafkoodu uu qoran yahana ay is haleeli doonaan, haddii kalena ay kala huleelaan, wixii intaa ka soo harana ay samirka kaashadaan, halkaas ayuuna telkii uga baxay.

Barwaaqo tii horeba tanaa ugala sii darnaatay, murugadii hore mid ka weyn ayeyna sii dhex maquuratay, balse maxay sameyn kartaa miskiinta, Barwaaqo adduunkii ayaa ciriiri ku noqday, meel ay talo ka bilowdo ma taqaan.

Waa Cajiib dhanka kale Ninkii ahaa Cadnaan saaxiibkiis, aabihii ayaa u sheegay inuu gabar u doonay, dhowaanna uu guursan doono,

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN

QAYBTA 7AAD

Barwaaqo wey ku qanacday hadalkii hooyo, xoogaa niyad dhis ahna wey ka heshay, waxayna go'aansatay inay dulqaadka is barto, adkeysatana ilaa intay sadaashi hooyadeed ka rumoobeyso.

Dhanka kale Cadnaan saaxiibkiis waa kan, inkastoo Barwaaqo hooyadeed ay ku wada balameen, inuu gabadhan isaga leexdo, marba haduusan jecleyn, walaashii oo kalana ka soo qaado, ayuu Barwaaqo oo wado iska socota ka hor timid, isagoo is wanaajinaya ayuu salaan halkii kula wadaagay, sheeko iska caadi ahna u bilaabay, balse Barwaaqo waxay ilowday in wiilkan looga digay, halkii ayeyna kaftanki iyo sheekadii kula wadaagtay, ileen qof ku wanaajinaya ma xumeyn kartid, iyadana taa qalad kuma laha, marka laga reebo inay ilowday fulinta amaradii hooyadeed, ee ahaa inay iska ilaaliso wiilkan.

Cadnaan saaxiibkii iyo Barwaaqo kaftankii iyo waxay sheeko isugu macaataba, wey ku dheeraadeen, qosolkoodii ayaana baxaayey, balse waxaa dhacday iyada oo aad u qosleysa, inay si lama filaan ah ku aragto Cadnaan, oo meel aan ka fogeyn wadada dhankiisa ka maraaya, una jeeda wax walba oo halkaas ka dhacaayey, aad iyo aad ayey u naxday, qosolkii faraha badnaana sida roob feeray ayuu hal mar go'ay, dulqaadkii ayaa ka dhamaaday, intan ka badana Cadnaan inuu ka sii fogaado mooyee, debac kama aysan fileyn, xaalad ay ku sugan tahayna war uma heyn, waxay mar kaliya ku soo baraarugtay, ayadoo Cadnaan kuleetigiisa ku dhegan, oo si aad ahna ugu qeylineysa, iyadoo ku cataabeysa inuu wiilkan saaxiibkiisa ah aysan waxba kala dhexeyn, aan aheyn walaalnimo, sidaa darteedna uu mar walba uu isku arko labadooda uu qalad ka fahmo, iyo wax walba oo ay ka tabaneysay, ayey si aan gambasho laheyn, Cadnaan dhegihiisa ugu hubsaray..

Cadnaan oo la yaaban sidey wax u socdaan, oo jawaab uu bixiyana garan la', ayaa saaxiibkii hadalkii qabsaday, asagoo uga war bixinaaya in gabadhan, ay gabar wanaagsan tahay, ninkii helana uu ragaba nasiib dheer yahay, sidaa ay tahayna ay asaga Cadnaan ah jeceshahay, wuxuu kaloo Cadnaan saaxiibkiis qirtay, inuu qaldanaa maadaama uu dhexda ka soo galay lamaanahan is jecel, asagoo qaladkiisa u aaneynaya inuu damac qaaday, balse uu hadda ka soo laabtay, qaladkiisiina qirsan yahay, haatana uu doonayo inay labadoodaba si wada jir ah u cafiyaan, dhexdoodan uu ka bixi doono.

Cadnaan xumaan walba uu qabay halkii ayey ku baaba'day, si raganimo leh ayuuna u cafiyay saaxiibkiis, isagoo weliba laabta geliyay, wuxuuna ku war geliyay, inuu cafis buuxa u fidiyay, maadaama uu qaladkiisii ka soo laabtay. Cadnaan isagana wuxuu cafis ka dalbaday gacalisadiisii Barwaaqo, maadaama uu wax badan silciyay, qalad aysan ka gelinna ku ciqaabay, asagoo wax walba u aaneeyay jaceylka uu u qabo, waayo haduusan jecleyn, ilaa iyo intaas kama uusan Caroodeen.

Barwaaqo ileyn waa naf wax jecele, halkii ay ka cafin laheyd, iyadaaba qaladka ugu weyn dusha saaratay, oo waxay u sheegtay in wax walba ay ayada sabab u tahay, maxaa yeelay inta ay is laheyd jaceylkaaga qadari, ayey saaxiibkiis soo dhoweysatay, weliba si xad dhaaf ah, taasoo ay u aaneysay jaceylka ay u qabto asaga, ayadoo weliba xuseysa maah maahdii aheyd, "Qofka aad jeceshahay Eygiisana waa la jeclaadaa".

Barwaaqo iyo Cadnaan wuxuu midba Eedda dusha u ritaba, ugu dambeyn wey heshiiyeen, ayagoon midba midka kale uu ka raali geliyay wixii Qalad ee kala dhexgalay, maadaama ay ahaayeen dad qalbi wanaagsan, mid walibana isagaa qaladka dusha u ritay.

Barwaaqo iyo Cadnaan waxaa soo maray maalmo ay farxada inta ay ka badatay, laakin farxadaasi ma noqon mid sii waarta, oo mugdi aad uweyn ayaa dhexda uga soo dhacay, oo farxadii samada jirtay, mar qura dhulka la simay.

Maalin ayaa waxa dhacday, Nin ay Barwaaqo Aabaheed saaxiibo aad isugu dheer ahaayeen, weliba isku meel ku soo wada koray, uu gabadhii Barwaaqo aheyd aabaheed ka soo doontay, bal si uu wiilkiisa ugu guuriyo, hase yeeshee Barwaaqo Aabaheedna, si indho la'aan ah oo aan ka fiirsi iyo ka fakarba laheyn, ayuu gabadhii Ninkii saaxiibkii ahaa uga balan qaaday, in wiilkiisa mooyee, aysan cid kaleba Barwaaqo u nooleyn.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN

QAYBTA 6AAD.

Hooyadeed oo la yaaban jawaabtii Cadnaan, ayaa weydiisay sababta uu isagoo jecel gabadheeda, fursad uu ku heli karana weli heysto, waxa ku riixaaya inuu ka samro gebi ahaanba.

Cadnaan ileen waa nin maseersan, Ninka gabadha soo doonay ee la sheegayo saaxiibkii ayuu moodaa, haddana waa tuu wax badan isku arkay ayagoo sheekeysanaya, Hooyadana ay uga raali aheyd, hadana waxaa niyadiisa ka sii dhex guuxayay, qiyaanadii Barwaaqo iyo saaxiibkiisa ay ku sameeyeen, taasoo xagiisa wax walba ugala weyneyd, sidaa darteed ayuuna uga caga jiidayay, inuu Barwaaqo hooyadeed u qiro jaceylkiisa, balse wuxuu u sheegay, ileen Hooyada jawaab bey uga fadhidaaye, inuu mar ku fakari jiray Barwaaqo inuu nolol la wadaago, balse ay wax walba gadaal iska rogeen, dhowaana uu safar yahay, sidaa darteedna uusan dooneyn, Barwaaqo inuu nolosheeda carqaladeeyo.

Hooyadeed waxay ku qasbanaatay, inay intaas ku hakiso arrimihii gabadheeda, ileen intaas ka badan haddii ay sii muujiso baahida gabadheeda, runtii bahdilaad ayey ku noqoneysaa gabadha, mana jirto hooyo ogolaaneyso in ay gabadheeda liido, amaba la liido, balse waxay si sarbeeb ah Cadnaan ugu sheegtay, in ayada ahaan ay gabadheeda asaga la jeclaan laheyd, haddii uu calafkoodu qoran yahana, ay is haleeli doonaan, sidii ayeyna si wanaag iyo xushmad ka muuqato isku macsalaameyen Cadnaana u baxay.

Barwaaqo ayaa ayadoo carareysa u timid hooyadeed, maadaama uu Cadnaan baxay, bal si ay uga war hesho waxa dhex maray Hooyo iyo Cadnaan, laakin waxaa loo sheegay inuusan Cadnaan waqtigan u muuqan mid debacsan, balse uu ayada xad dhaaf u jecel yahay, ayna haboon tahay inay ka war sugaan, ilaa inta uu xanaaqiisa ka baaba'ayo, wixii intaa ka horeeyana Barwaaqo iska ilaaliso wax uu kaga sii fogaan karo, sida inay saaxiibkii xiriiriso, ama ay la hadashaba, Barwaaqo iyadoo niyad jabsan ayey iska aqbashay dalabkii hooyadeed, ileen waddo kale uma furnee.

Hooyada waa qof caqli badan, isla markii waxay dareentay in gabadheeda niyad jabsan tahay, kuna qanacsaneyn wax walba sida ay u socdaan, laakin waxay u sheegtay gabadheda ayadoo u niyad dhiseysa, inay hubaal tahay Cadnaan inuu u soo laaban doono, weliba waqti dhow, uuna ka maarmi karin, maadaama ay ka hubsatay inuu ayada xad dhaaf u jecel yahay, sidaa darteedna ay samir muujiso inta laga gaarayo.

Barwaaqo wey ku qanacday hadalkii hooyo, xoogaa niyad dhis ahna wey ka heshay, waxayna go'aansatay inay dulqaadka is barto, adkeysatana ilaa intay sadaashi hooyadeed ka rumoobeyso.

Dhanka kale Cadnaan saaxiibkiis waa kan, inkastoo Barwaaqo hooyadeed ay ku wada balameen, inuu gabadhan isaga leexdo, marba haduusan jecleyn, walaashii oo kalana ka soo qaado, ayuu Barwaaqo oo wado iska socota ka hor timid, isagoo is wanaajinaya ayuu salaan halkii kula wadaagay, sheeko iska caadi ahna u bilaabay, balse Barwaaqo waxay ilowday in wiilkan looga digay, halkii ayeyna kaftanki iyo sheekadii kula wadaagtay, ileen qofku wanaajinaya ma xumeyn kartid, iyadana taa qalad kuma laha, marka laga reebo inay ilowday fulinta amaradii hooyadeed, ee ahaa inay iska ilaaliso wiilkan.

Cadnaan saaxiibkii iyo Barwaaqo kaftankii iyo waxay sheeko isugu macaataba, wey ku dheeraadeen, qosolkoodii ayaana baxaayey, balse waxaa dhacday iyada oo aad u qosleysa, inay si lama filaan ah ku aragto Cadnaan, oo meel aan ka fogeyn wadada dhankiisa ka maraaya, una jeeda wax walba oo halkaas ka dhacaayey, aad iyo aad ayey u naxday, qosolkii faraha badnaana sida roob feeray ayuu hal mar go'ay, dulqaadkii ayaa ka dhamaaday, intan ka badana Cadnaan inuu ka sii fogaado mooyee, debac kama aysan fileyn, xaalad ay ku sugan tahayna war uma heyn, waxay mar kaliya ku soo baraarugtay, ayadoo Cadnaan kuleetigiisa ku dhegan, oo si aad ahna ugu qeylineysa, iyadoo ku cataabeysa inuu wiilkan saaxiibkiisa ah aysan waxba kala dhexeyn, aan aheyn walaalnimo, sidaa darteedna uu mar walba uu isku arko labadooda uu qalad ka fahmo, iyo wax walba oo ay ka tabaneysay, ayey si aan gambasho laheyn, Cadnaan dhegihiisa ugu hubsaray..

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: CADNAAN IYO BARWAAQO

QAYBTA 5AAD.

Barwaaqo ugu dambeyn hurdadii ayey ka soo toostay, run ahaantii waxayna u aheyd hurdo aysan waayaba seexan, waxayna ag fariisatay hooyadeed oo meel gooniya gaariga ka fadhisay, Barwaaqo hooyadeed ayaana u soo bandhigtay qorshihey la maaganeyd wiilasha, Barwaaqana shaki la'aan wey ku raacday.

Barwaaqo hooyadeed waxay dalbatay in ugu horeyn Cadnaan saaxiibkiisa ay u yeerto, gurigana ku balamiso, si ay uga sal gaaraan waxa uu maagan yahay, iyo ilaa heerka uu jaceylkiisa gaarsiisan yahay, Barwaaqo wax wal wal ah ayada oon qabin iskuna kalsoon, maadaama garabkeeda la taagan yahay, ayey wacday Cadnaan saaxiibkiis, una sheegatay in uu guriga ugu yimaado.

Cadnaan saaxiibkii waqti kuma aysan qaadan inuu guriga yimaado, malaha wuu faraxsanaa, oo wuxuu islahaa gabadha adiga ayey dhankaaga tahay soo dhoweyn gaaban uu Barwaaqo hooyaded ka helay ka dib, hooyada ayaa sheeko caadi ah la wadaagtay, oo aan quseyn arrimaha gabadheeda, bal si ay wax uun uga ogaato wiilkan dabeecadiihiisa.

Cadnaan saaxiibkiisa sheekadii ayuu la wadaagay, asagoon dareensaneyn ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay, ayuu la qabsaday jawigii guriga iyo sheekadiiba, balse waxa uu mar qura ka war helay, su'aal la yaab leh oo hooyada ay weydiisay, taasoo aheyd Maxaad ka maagan tahay Barwaaqo?.

Cadnaan saaxiibkiis aad ayuu uga naxay su'aashaasi, kamana uusan fileyn in Barwaaqo hooyadeed su'aal noocaas ah weydiin doonto, jawaab uu bixiyo ayuu garan waayay, balse wuxuu u sheegay asagoo cabsi iyo argagax ay wajigiisa ka muuqato, inuu Barwaaqo jecel yahay uusana ka maarmin, Barwaaqo hooyadeed ayaa hadalka qabsatay, waxayna u sheegtay in haddii jaceylka uu dhab ka yahay, uu ka soo doonto gabadha, kuna taageeri doonto wax walba.

Cadnaan saaxiibkiis naxdintii wey ku sii siyaaday, umana furneyn wado uu been ku sheegi karo, meel uu kaga baxsado su'aashasi ma laheyn, tolow muxuu ku jawaabi doonaa? Ileyn beeni wey raad gaaban tahay, runtuna wey qaraar tahay, balse muxuu ku dambeyn doonaa Cadnaan saaxiibkiis ?.

Cadnaan saaxiibkii waa baa ku baryey, inuu indhaha miriq miriq ka siiyo mooyee, juuqba waa laga waayey, balse markii dambe ayuu isaga oo xoogaa geesinimo iska baaraya, ayuu qosol gariir iyo isku qasay ereyo is dhaafsan, oo micno ahaan laga dheehan karo, in waqti la siiyo oo uu kaga soo fakaro arrimahan, balse hooyada waa qof aan laga hoos bixin karin, waxay u sheegtay inuu hadalkiisa kala cadeeyo, isla waqtigaasna go'aan

gaaro, maadaama uu nin rag ah yahay, oo laga doonayo inuu masuuliyad qaado, balse uusan sida gabdhihii ku andacoon inuu soo fakaro iyo laa-laab kale.

Cadnaan Saaxiibkii wuxuu runta ka lee-leexdo, oo uu is dabaaliyaba, markan talo ayaa ku cad, jawaab waafi ahna waa laga sugayaa, ugu dambeynse ileyn runtu ma qarsoontee, wuxuu cadeeyay inuusan waqti xaadirkaasi Guur uusan diyaar u aheyn.

Hooyada intaa bey ka dooneysay, xaqiiqdiina gabadheeda lama aysan rabin wiilkan inuu guursado, balse wadada kaliya ay runta uga soo saari kartay ayaa sidaa aheyd, sidaa awgeed ayeyna isaga dhigtay sida inay gabadheeda isaga la dooneyso, ugu dambeyn hooyada markay aragtay inuu Cadnaan saaxiibkii wax jaceyl ah qalbigiisa ku jirin, ayey ka codsatay inuu gabadheeda uu faraha uga qaado, uuna ka soo qaado sida walaashii oo kale, wanaag iyo ixtiraamna ay isku muujiyaan.

Cadnaan saaxiibkii wuu aqbalay dalabkii hooyada, balse waxaa is weydiin mudan, sidaa miyuu uga hari doonaa Barwaaqo ? Koley la arki doone wixii soo kordho, sidaa ayuu Cadnaan saaxiibkii gurigii Barwaaqo uga soo hayaamay.

Barwaaqo iyo hooyadeed ayaa isku soo haray, Cadnaan saaxiibkiina meel ayey iska saareen, markana waxaa u soo haray Cadnaan, balse Hooyadeed ayaa gabadheeda Barwaaqo ka codsatay, inay Cadnaan ugu yeerto guriga, bal si isagana loo ogaado halka uu damaciisu gaarsiisan yahay, balse Barwaaqo ayaa ka cudur daaratay inay Cadnaan wacdo, sababta oo ah Cadnaan aad buu uga careysnaa iyada, iyadana kuma aysan dhiiran karin inay Isaga la hadasho, balse Hooyada waxay isla garteen iney ka wacaan telkii hooyo.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN

QAYBTA 4AAD.

Barwaaqo markey maqashay Codka Cadnaan, ayey naxdin la bood booday, waayo wiilka uu dartii jaceylkooda u baabi'i rabo ayaa qolka kula jira, walow uu booqasho un ugu yimid, iyadana ay u soo dhoweysay maadaama uu gurigeedi ku soo booqday, hadana Cadnaan yaa sidaa ka dhaadhicin kara, ileyn shaki hore ayaa ku jiree, haduu markan isku arkana, Cadnaan caradiisi wey sii fogaan, si la mid ahna in qilaafkooda xal loo helo ayaa sii adkaanaya, Barwaaqo waxay kala garan weysay inay soo gal tiraahdo, iyo inay ka aamusto, labada go'aana mid waliba kan kale ayaa kala adkaaday.

Intay Barwaaqo go'aan qaadashada ku maqneyd, ayuu Cadnaan is yiri malaha wey jiiftaa, maadaama aan loo jawaabin in cabaar ah uu albaabka garaacayay, dib ayuuna uga laabtay albaabkii, Barwaaqo hooyadeed ayuuna ku laabtay, wuxuuna u sheegay in loo jawaabi waayey, ayna la tahay in ay Barwaaqo hurudo, sidaa darteedna uu mar kale u iman doono.

Nasiib darrose Barwaaqo hooyadeed ayaa u sheegtay Barwaaqana iney jirto oo aysan hurdeynin, balse uu wiil iyada soo booqday uu la joogo, Cadnaan oo yaaban ayaa weydiiyay yuu yahay wiilka , Barwaaqo hooyadeed ayaa u tilmaantay wiilkii, Cadnaana hore ayuu ka gartay in wiilku uu saaxiibkiis yahay, waxaana u cadaatay in labadan uu xiriir ka dhexeeyo, waa sida ay isaga la tahay.

Cadnaan isagoon u jawaabin hooyada, wax fariin ahna ugu reebin, ayuu gurigii si deg deg ah uga soo baxay, carada ka muuqatayna ay aheyd mid ay Barwaaqo hooyadeed xataa la yaabtay.

Miskiin maamada waxba kalama socon waxa gabadheeda iyo Cadnaan ka dhexeeyay, iyo halka uu xaalkoodu maraayaba, si daacad ah ayeyna Cadnaan wax walba ugu sheegtay, dhabtii haddii ay wax uun ka ogaan laheyd waxa ay gabadheeda ku sugan tahay, xal ayey raadin laheyd, ama ugu yaraan waxba Cadnan uma aysan sheegi laheyn, ileen waa hooyo, laakiin nasiib darro ayadoon ka war qabin ayey gabadheedii God ku sii riday xaalkana ku sii adkeysay.

Dhanka kale Barwaaqo, Cadnaan saaxiibkiisa ayey baryo iyo calaacal isugu dartay, ayadoo ka dalbaneysa inuusan mar dambe xitaa soo Salaamin, wax xumaan ahna aysan ka aheyn, balse uu xalka qura ee Cadnaan ugu soo laaban karo uu sidaasi yahay, Alla yaa u sheega in ay hooyadeed wax walba sii qastay.

Cadnaan saaxiibkiie ileen asna waa qof wax jecele, wuu ku gacan seeray Codsigeeda, wuxuuna u sheegay inuu la tartami doono Cadnaan, si uu jaceylkiisa uga dhacsado, iyadana ay kala doorato midkii iyada u wanaagsan, wuxuuna ka balan qaaday inuu naftiisa xitaa u huri karo, waa haddii ay isaga u soo go'do, oo ay Cadnaana ka harto, halkaas ayuuna uga tagay asagoo dhaar dhaaranaya.

Barwaaqo waxey noqotay dherigii labada dhinac ka gubtay, Cadnaan kama samri karto waa ay jeceshahay, wiilkana iga har wuu ka diiday iyada ayuu jecel yahay, haddii ay labadooda isla wadi laheydna si ay mid walba u qanciso, labada wiil waa saaxiibo oo ma suura galeyso, waa jahwareer aan jiha looga baxo laheyn.

Barwaaqo hooyadeed ayaa qolka ugu soo gashay, maadaama ay wiilashii baxeen, waxa ayna ugu sheekeysay wixii dhex maray iyada iyo Cadnaan, iyo in Cadnaan uu baxay isagoo aad u careysan. Tolow Barwaaqo sidee xaalad ahaan noqon doontaa Maadaama loo sheegay in Cadnaan ka sii carooday maxayna sameyn doonta si ay Xaal uhesho?.

Barwaaqo aad iyo aad ayey u argagaxday, ka dib markii loo sheegay in Cadnaan wax walba ogaaday, isagoo careysanna uu guriga ka baxay, Bawaaqana wey is celin weysay oo indhaheeda ilmo ayaa ka soo burqatay, weliba hooyadeed oo la fadhida ayey ooyin aan kala go' laheyn jabsatay, ileyn wax kale oo ay awoodi kartay aan ooyin aheyn maba aysan jirine.

Barwaaqo hooyadeed aad ayey uga naxday ooyinta gabadheeda, ileyn waa hooyee uurka ayey ka danqatay, waxeyna weydiisay iyadoo gabadheeda niyada u dhiseysa, una balan qaadeysa inay wax walba u sameyn doonto, inay wax uun uga sheegto xanuunka haya ama waxa ay la ooyeyso oo ka maqan.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Barwaaqo xaalad aysan fileyn ayaa ku soo siyaaday, waxeyna ogaatay in sheekada aysan isla ogeyn labada wiil, dembiyada uu Cadnaan ku soo oogana ay sax yihiin, qaladkeedana wey garwaaqsatay, balse waa mar ay wax walba halaabeen, Cadnaana uu kalsooni daro dareemayo, Carrona uu kaga maqan yahay.

Barwaaqo si fudeyd ku jira ayey Cadnaan saaxiibkiis u wacday, Caay iyo aflagaado oo ay eed u dheer tahay ayeyna si taxadar la'aan ah halkii ugu geysatay, wiil la caayana waad iska taqaane, Cadnaan saaxiibkiisa aad ayuu uga xanaaqay telkiina wuu ku damiyay.

Maalintii xigtay ayadoo sidii loo kala xanaaqsan yahay, ayaa Barwaaqo oo wadada mareysa waxaa kor dheer ka arkay wiilkii careysnaa oo ay aflagaadeysay oo Cadnaan saaxiibkii ahaa, isla markiiba wuu ku soo orday, korkeedii ayuuna dul yimid, asagoo xanaaq awgii aad indhihiisu moodo in ay dhiig fadhiyaan.

Barwaaqo iyadoo si degan oo asluubeysan wadada dhinac ka mareysa, ayaa mar qura waxay ka war heshay wiilkii oo dul taagan, misana ku eegaya indho kulul, Barwaaqo aad iyo aad ayey u argagaxday, cabsi iyo amakaag ayey la juuq gabtay, inay dhulka eegto mooyee, wax kale oo ay awoodi kartay ma aysan jirin.

Cadnaan saaxiibkii markuu arkay in Barwaaqo ay ka taallo, wax Alla iyo wixi uu doonana uu ku sameyn karo, ayuu dib isku celiyay, oo uu gartay inay tahay qof dumar ah, waajibna ay ku tahay inuu xushmad iyo naxariis u muujiyo, isagoo ku dhiira gelinaya inuusan waxyeelo u geysaneyn, ayuu weydiiyay su'aalo ay ka mid ahaayeen, waxa sababay in ay aflagaadeyso? Iyo waxa uu galabsaday oo ku qasbay iney aflagaadeyso?.

Barwaaqo xaqiiqdii su'aalahan jawaab uma aysan heyn, balse waxay ku andacootay inay aheyd qof careysan, nafteedana ay xakameyn weyday, maadaama uu Cadnaan asaga dartii uga carooday, qaladna ay ku tahay labadooda inay Cadnaan qayaanaan, waxay kaloo u sheegtay in hada ka dib aysan wax xiriir ah ka dhexeyn doonin, oo ay sidaa isku nabad geliyaan.

Cadnaan saaxiibkii halkaas ayaa loogu deyriyay jaceylkiisa, balse waa is weydiin leh, sidaa miyuu uga hari doonaa Barwaaqo? jaceylkiisana uga samri doonaa?.

Dhanka kale Cadnaan niyad jab iyo kalsooni daro ayaa dhan walba ka soo wajahday, maadaama saaxiibkiisa uu u dhacay qoftiisa oo u daba maray, Barwaaqona ay qayaantay, waa siduu asagu aminsan yahay, wuxuuna go'aansaday inuu iska illaabo gebi ahaan, balse la arki doone haddii sidaa sahlan jaceyl leysugu ilowsiin karo.

Maalmo ka dib ayadoo sidii loo kala aamusan yahay, ayaa Barwaaqo soo wacday Cadnaan, Cadnaana wuxuu go'aankiisu ahaa inuusan xitaa qaban telkeeda, balse wey noqon weysay sababtoo ah, qof aad jeceshahay telkiisa inaad qaban weyso, waa wax aysan nafta kaa ogolaaneyn, nasiib wanaag telkii wuu qabtay, Barwaaqo ayaana salaan diiran iyo xaal wareysi kala soo kor dhacday, kadibna, isku deyday inay ka qanciso wax walba oo dhacay, ayadoo wax walba oo run ahna u sheegtay, balse Cadnaan warkaasi uma cuntamin, maadaama uu kalsooni daro tirsanayay, wey ku adkaatay inuu aamino, telkiina wuu ku demiyay.

Barwaaqo walwal iyo walbahaar ayaa la soo darsay, si ay Cadnaan wax uga dhaadhicisana wey garan weysay, meel ay wax ka bilowdana ma taqaan, fakar aan waxba soo siyaadineyn ayey la wehel noqotay, cunto yari iyo nasiino la'aan awgeedna, xanuun ayaa Barwaaqo ku soo, cirbado iyo faleebooyin ayaa booskii cuntada u buuxiyay.

Cadnaan saaxiibkii ayaa maqlay Barwaaqo xanuunkeeda gurigeeda ayuuna ku soo booqday, si uu xoogaa ugu niyad dhiso, Barwaaqo waa qof iska xanuunsane, wey soo dhoweysay halkii ayeyna sheeko iska caadi ah ka bilowdeen. Nasiib darose Barwaaqo iyo Cadnaan saaxiibkii oo sidii u sheekeysanaya, ayaa Cadnaan oo soo maqlay xanuunkeeda orod ku yimid gurigeeda, bal si uu xaaladeeda u soo ogaado, Barwaaqo hooyadeed ayaa Cadnaan soo dhoweysay, una tilmaantay qolkii ay jiiftay, Cadnaan si deg deg ah ayuu qolkii ay ku jireen Barwaaqo iyo saaxiibkiisi oo iska sheekeysanaya u abaaray, balse inta uusan gelin ka hor, ayuu albaabka qolka u garaacay, si uu u weydiisto ogolaansho ah inuu soo gudbi karo, maadaama qolka ay qof dumar ahi ku jirto.

( La soco part.4🖤).

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

hiigsaday wixii uu ku haminayay, midaas oo run ahaantii waxa waliba xageyga igala qiimo weyn.

Cadnaan iyo Barwaaqo habeenkaas sheeko sidaa u sii dheer ma aysan dhex marin, maadaama farxadu ay wax waliba ugala qiimo weyneyd, mana sii fogeyn jeer ay qadka isku macsalaameeyaan.

Jawi cusub baa bilowday, iyo maalmo ay farxadu tahay sida dhul xagaa helay doogga uu soo saaroo kale, koley laba is jecel iskuna cusub cid welibaa garan karta sida ay dareen ahaan yihiin, iyo wax waliboo dhex mari raba, taa uma baahna sharaxaad dheer iyo inaan waqti badan ku lumino ka sheekeynteeda, walow ay hadana Cadnaan iyo Barwaaqo waqtigoodaas farxada ah uu aad u koobnaa, aan u gudubno maalmo kale oo bilow u ah, Mowjado culus iyo Hirar soo fatahaya, iyo sida ay Barwaaqo iyo Cadnaan u waajahayaan qeybtan qaraar ee noloshooda ka midka ah, ileen intii macaaneyd midba qeybtuu ku lahaa si wacan ayuu u soo qaataye.

Wuxuu waqti is guraba, ileen jaceyl hadduu yimaado, isla xisaabtan adag baa imaanaya, wax yar oo qalad ahna, su'aalo badan ayaa laga keenayaa, balse gabdhuhu mar waliba waa kuwa Sir badan, wax walbana laga filan karo, taa micnaheedu maaha in raguna aysan sidaa aheyn, balse Ragu badanaa wey ku fashilmaan qiyaameynta, marka dumarka loo eego.

Caadiyanba Cadnaan asxaqbtiisa ayuu baray, Barwaaqo, maadaama ay dumaashidooda aheyd, balse dadku wada xul maahee, wiil ka mid ahaa Cadnaan asxaabtiisa ayaa ku fogaaday barashadii Barwaaqo, asagoo kula sheekeysan jiray qadka internetka, si aad ah ayeyna isu dhex galeen, dabeecad ahaana isku fahmeen, laakin maalin ayey Barwaaqo lama filaan ku noqotay in Cadnaan saaxibkiis uu u soo bandhigto arrimo jaceyl, weliba isagoo og wax walba oo ka dhexeeya iyada iyo Cadnaan.

Barwaaqo cirka iyo dhulkaa la wareegay fajac iyo amakaag ayey la indha taagtay wax ay sameysana garan weysay, tolow maxay ugu jawaabi doontaa?, maxayse Cadnaan u sheegi doontaa?, Cadnaan iyo saaxibkiisana maxaa dhex mari doonaa?

( La soco part3🖤).

Follow.and like mahadsanid 🌎

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Iftiimintu waxay ka soo bilaabataa gudaha- Naftaada Daryeel ✨🌿

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Hanad aad ayuu ucarooday kadib ayuu yiri waxaas ma jiraan saacadaan meel ma aadeeysid gurigooda haddeey kuu diideen qolkeyga soo gal oo seexo waa xili subax ah ana darsada baan seexanayaa markaas ayeey tiri hodan maya ceeb waaye waan baxayaa hanad kaliya ifasax marabin inaan aragaada ka fogaado plse anaga gurigaan ma lihin hanad 😭

Hanad indhahiisa ilin ayaa soo dhaaftay kadib ayuu yiri hodan isku day inaad idhageeysato igu kalsoonoow aniga qolkan anaa kireeystay amrana weey kireeysatay waanku baryaa qolkeyga soo gal inteey dhaxanta ka dhamaaneyso hodan weey ka ogolaatay qolka hanad ayeeyna gashay.

Hanad ilbaabka ayuu xiray hodan cabsi ayaa ku beeran tay oo waxeey is leedahy muxuu kugu sameyn doonaa plse hanad wuxuu yiri hodan aniga ha iga cabsanin sariirta ayeeyna ku fariisatay iyaddoo cabsi la jareeyneyso kadib ayuu hanad agteeda fariistay hodan wadnaheeda sideey ugaraacmayaan hanad si caadiya ayuu udareemay.

Markaas ayuu yiri hodan maxaa dhacay mar dambe ha murugoon soow kuma dhihin haddal ruux ku yiri miyaad sidaan uga warwareeysaa markaas ayeey tiri hodan haa lkn qolkan inaan kugula juro kuma qanacsani kadib ayuu yiri hanad abyo aniga waraabe miyaan ahay aniga waxaan ahay qof si dhaba kuu jecel mana ku xumeeynaayo wax walboo dhaco

Adiga igu kalsoonoow hodan weey is dajisay kadib ayeey tiri waankugu kalsoonahay lkn dadka qalad ayeey naga fahmayaan ee hanad aan baxo waanku baryayaa kadib ayuu yiri hanad abyo aniga intaan ka badan kaama fogaan karo waanku guursanayaa ee adiga diyaar ma ii tahay ii sheeg:

Lasoco part:6

Fadlan follow iso dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

13k ku joogta 500 love saara❤️❤️👆👆😔

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Markaas ayeey tiri hodan fiiri hanad aniga xanuun dhaqtar ima haayo mana xanuunsani haddane gudaha ayaan ciriiri ka dareemayaa oo qalbigeyga ma ahan mid dagan oo dab ayaa iiga shidan gudaha. Hanad aad ayuu wajigiisa isku badalay kadib ayuu yiri abyo iisheeg waa maxay dhibka ku haaysto haddii aan awoodo inaan farxad ku siiyo isla.maanta ayaan kusiin lahaa hubaashii..

Kadib ayeey ilmeysay hodan wajigana ka qarsatay hanad waxeeyna awoodi weeysay ineey u jawaabto hanad aad ayuu isku badalay kadib ayuu yiri hodan maxaa dhacay iisheeg dhibkan kuguma daawan karo hodan jaceyl xad dhaaf ah ayaan kuu qabaa.

Hodan markeey ka maqashay hanad ereyga waanku jeclahy aad ayeey ufaraxday oo waxeey ogaatay in aanu jaceylka kaligeed ku koobneyn markaas ayeey tiri hanad aniga shalay waankaa qariyay sababta aan cideyda ula noolaan waayay waayo waxaan ogaaday amran ineey ineceb tahay aniga oo adiga aan shalay ku bartay ayaa iiga wanaagsan waalidkeeyga ma noolo wllkeyna xaaskiisa ayaa inacday aniga maantana gabadhaan is lahaa weey ku jeceshahy ayaa sidaan ii murjineyso.

Hanad wuu ilmeeyay kadib ayuu yiri abyo aamus maanta kadib guri iyo waxyaabo kalaba kama murgi doontid anigaa kuu balan qaadaayo ineey kaa maseeyraan ee kaliya aniga i aamin waanku jeclahy murug walbana darteey u ilaaw hodan. Waxaan ku siin doonaa jaceyl iyo kool koolin waan ku ilaawsiin doonaa xanuun waliba oo aad waalid la.aan kasoo martay!

Lasoco part:5

Fadlan follow iso dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd

Hana ilaawin inaad share gareyso likena saarto mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Adinka mudan dhamantin I.a mrka xigto soo badina

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko dhab ah

QAYBTA 2AAD

Hanad wuxuu la dhacay quruxda hodan plse lama hadlin waayo waa dad isku cusub oo salaan kaliya baa ka dhaxeeyso hodan ma ahan dadka haddalka badan oo markeey aragtay hanad oo soo dagay guriga waxaa ku beermay xishood oo intuu joogo qolka kama soo bixi jirin.

Hanad na wuxuu rabaa inuu arko hodan si aay isku fahmaan kadib ayuu weeydiiyay amran maxaa ku dhacay gabadhan qolka kama soo baxdo miyaa kadib ayeey tiri amran weey kasoo baxdaa plse adiga markaad timid ayeey bilaawday arinkaan waxaa laga yaabaa ineey adiga kaa cabsaneeyso.

Markaas ayuu yiri hanad waxaas ma jiraan ee wac hadda hasoo baxdee kadib ayeey wacday amran oo waxeey ku tiri soo bax hanad baa ku wacaa hodan weey naxday iyaddoo is leh muxuu kaa rabaa wiilkaan kadib ayeey usoo baxday banaanka waxeey aragtay hanad oo u dhoola cadeeynaayo kadib ayeey tiri ma adaa ii yeeray wll markaas ayuu yiri hanad haa aniga kuu yeeray maxaa qolka kugu xiray banaanka maa usoo baxdid kadib ayeey tiri waa caadi waan iska jecleeystay.

Kadib ayuu yiri hanad maanta magaalka ayaan aadeeynaa na keen aniga magaalka waanku cusbahahay ee. Isoo wareeji qarashka anaa qabee kadib ayeey tiri hodan maya abowe adiga lee iska bax aniga inaan joogo ayaan rabaa plse hanad waa uu ku adkeeystay ineey raacdo hodan ugu dambeyn weey soo labisatay hodan markuu arkay quruxda iyo sideey labiska ugu soo baxday ayuu yiri gabar kaa qurux badan ma arkin. Kadib ayeey tiri adiga ayeey kula tahay.

Hodan iyo hanad weey israaceen kadib hanad ayaa yiri aan fariisano meel darjiin ah oo aheyd goob dalxiis kadib ayeey tiri maxaa dhacay meeshaan maxaa ka qabaneynaa aan dadka halka aay fadhiyaan tagno kadib ayuu yiri wax ayaan ku weeydiinayaa ee iiga jawaab kadib ayeey tiri iweeydii waankaaga jawaabayaa haddii aay macquul tahay.

Markaas ayuu yiri hanad maxeey tahay sababta aad gabadhaan ula joogtid malihid miyaa familkale waayo gabadhaan qaraabo kaliya ayaa nahay ayeey tiri amran kadib ayeey tiri hodan wll adiga afaarahaas ka bax amran waa wlshey waana familkeyga ee maxaa kalood iweeydiin laheyd.

Lasoco part:3

Fadlan join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda hana ilaawin inaad share dhahdo likena saarto mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Mararka qaarkood kalinimada waa nabad 🖤

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

يا ودود يا ودود يا ودود.. ياذا العرش المجيد.. يا مبدئ يا معيد.. يا فعالا لما يريد.. أسألك بنور وجهك الذي ملأ أركان عرشك.. وأسألك بقدرتك التي قدرت بها على جميع خلقك.. وأسألك برحمتك التي وسعت كل شيء.. لا إله إلا أنت.. يا مغيث أغثني يا مغيث أغثني يا مغيث أغثني.. استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه.. استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه.. استغفر الله العظيم الذي لا إله إلا هو الحي القيوم وأتوب إليه.

اللهم إنا نسألك زيادة في الأيمان وبركة في العمر وصحة في الجسد وسعة في الرزق وتوبة قبل الموت وشهادة عند الموت ومغفرة بعد الموت وعفواً عند الحساب وأماناً من العذاب ونصيباً من الجنة وارزقنا النظر إلى وجهك الكريم، اللهم ارحم موتانا وموتى المسلمين واشفي مرضانا ومرضا المسلمين،
اللهم اغفر للمسلمين والمسلمات والمؤمنين والمؤمنات الأحياء منهم والأموات.

اللهم من اعتز بك فلن يذل ومن اهتدى بك فلن يضل ومن استكثر بك فلن يقل ومن استقوى بك فلن يضعف ومن استغنى بك فلن يفتقر ومن استنصر بك فلن يخذل ومن استعان بك فلن يغلب ومن توكل عليك فلن يخيب ومن جعلك ملاذه فلن يضيع ومن اعتصم بك فقد هدي إلى صراط مستقيم اللهم فكن لنا وليا ونصيرا وكن لنا معينا ومجيرا إنك كنت بنا بصيرا.

ربي عبدك قد ضاقت به الأسباب وأغلقت دونه الأبواب وبعد عن جادة الصواب وزاد به الهم والغم والاكتئاب وانقضى عمره ولم يفتح له الى فسيح مناهل الصفو والقربات باب وانت المرجوّسبحانك لكشف هذا المصاب يا من إذا دعي أجاب يا سريع الحساب يارب الأرباب يا عظيم الجناب يا كريم يا وهّاب رب لا تحجب دعوتي ولا ترد مسألتي ولا تدعني بحسرتي ولا تكلني الى حولي وقوّتي وارحم عجزي فقد ضاق صدري وتاه فكري وتحيّرت في أمري وأنت العالم سبحانك بسري وجهري المالك لنفعي وضري القادر على تفريج كربي وتيسير عسري. اللهم أحينا في الدنيا مؤمنين طائعين وتوفنا مسلمين تائبين اللهم ارحم تضرعنا بين يديك وقوّمنا إذا اعوججنا وادعنّا اذا استقمنا وكن لنا ولا تكن علينا، اللهم نسألك يا غفور يا رحمن يا رحيم أن تفتح لأدعيتنا أبواب الاجابه يا من إذا سأله المضطر اجاب يامن يقول للشيء كن فيكون،
اللهم لا تردنا خائبين وآتنا أفضل ما يؤتى عبادك الصالحين،
اللهم ولا تصرفنا عن بحر جودك خاسرين ولا ضالين ولا مضلين واغفر لنا الى يوم الدين برحمتك يا أرحم الرحمين.

اللهم إني أسألك من خير ما سألك به محمد صلى الله عليه وسلم، واستعيذ بك من شر ما استعاذ به محمد صلى الله عليه وسلم اللهم ارزق كاتب وقارىء الرسالة ومن ساهم بنشرها بالجنة.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Cadnaan saaxiibkiis runtii kama uusan war qabin gabadha loo doonay inay Barwaaqo tahay, sidaa darteedna wuxuu u sheegay aabihiis gabadha uu guursanayo inuu asaga u soo dooray gabadha, wuxuu kaloo u sheegay inuusan dooneynin gabar uusan isaga aqoon u laheyn ama uusan weligiisa arag.

Aabaha dhalay Cadnaan saaxiibkiisa wuxuu wiilkiisa u sheegay, in gabadhu uu saaxiibkiis dhalay, tilmaamo badan uu ka bixiyay gabadha ka dibna, Cadnaan saaxiibkii wuxuu ogaaday gabadha inay tahay Barwaaqo, markaasi uu fahmay iney Barwaaqo tahay ayuuba sii diiday, isagoo u sababeeyay in Barwaaqo ay si hoose wiil ay isaga saaxiib yihiin ugu Mehersan tahay, sidaa ayuuna odaygii guurkii u hakiyay, maadaama uu rumeystay hadalkii Wiilkiisa.

Cadnaan saaxiibkii wuxuu diidanaa inuu mar kale saaxiibkiisi Cadnaan qiyaano, sidaa darteed ayuuna beenta ugu sheegay Aabihiis, ugana dhigay Barwaaqo inay wiil si hoose ugu mehersan tahay, Cadnaan saaxiibkiis isla markiiba Cadnaan ayuu u tagay, wax walba oo dhacay ayuuna ugu sheekeyay, iyo inuu isagu ahaa wiilka Barwaaqo loo doonay, balse uu asaga ka war qabin, markuu ogaadayna uu guurka diiday, asagoo sababna uga dhigay in Barwaaqi ay wiil si hoose ugu mehersan tahay, wuxuuna ka dalbaday wiilka inuu asaga iska dhigo, si isaga iyo Barwaaqo ay u midoobaan, Cadnaana wuu aqbalay taladii saaxiibkiis, weliba asagoo u Mahad celinaaya.

Cadnaan saaxiibkiis hadana wuxuu aaday gurigii Barwaaqo, si uu uga dhaadhiciyo wax walba, laakin Barwaaqo hooyadeed oo necbaneyd wiilkan, maadaama ay ogeyd inuu gabadheeda dhibi jiray, ayaa ka soo ceyrisay guriga, balse nasiib wanaag Isagoo guriga ka soo laabtay, ayaa wuxuu wadada kula kulmay Barwaaqo oo suuqa ka soo laabatay, una socota gurigooda, salaan ka dib wuxuu uga waramay wax walba oo dhacay, iyo inuusan qalad laheyn, wuxuuna u sheegay in haddii la weydiiyo inay wiil ku mehersan tahay, ay Haa tiraahdo isla markaana uu Cadnaan yahay, Barwaaqana wey qaadatay taladii Cadnaan saaxiibkiis, waxeyna uga mahad celisay, wanaagii uu u sameeyay, halkii ayeyna ku kala tageen.

Maalmo ka dib labadii oday ayaa kulmay, Barwaaqo Aabaheed ayaana Saaxiibkiisa weydiiyay goorta ay ka dhigi doonaan arooska ubadkooda, balse odayga dhalay Cadnaan saaxiibkii ayaa u sheegay, inuu guurkii ka baxay, maadaama uu wiilkiisa u sheegay in gabadha Barwaaqo ah ay ku mehersan tahay Wiil kale oo uu isagu yaqaan.

Barwaaqo aabaheed aad ayuu uga carooday hadalkaasi, siduu u soo socdayna Barwaaqo ayuu ka dul dhacay, weydiiyayna waxa ka jira warka uu soo maqlay, Barwaaqana waxey u sheegtay inuu sax yahay warkaas, wiilkuna uu Cadnaan yahay, Barwaaqo aabaheed inkastuu aad u carooday, hadana wuxuu ku qasbancay inuu gabadhiisa Cadnaan u guuriyo, ileyn xal kale maba jiree.

Sidaa ayeyna Cadnaan iyo Barwaaqo halgan dheer ka dib isku hantiyeen, balse guul walba ay gaareena, waxaa ka dambeeyay, Cadnaan saaxiibkiis oo ka faa'ideystay jaaniskaasi, isagoo isaga masaxay, dhamaan qaladaadkii uu lamaanahan hore uga galay, Barwaaqona waxay hooyadeed uga sheekeysay, ficilkii wanaagsanaa ee uu sameeyay Cadnaan saaxiibkiis, halkii ayeyna hooyada ku raali gelisay Cadnaan saaxiibkiis, kulana kaftantay inuu yahay, geesi dhib badan.

Ugu dambeyn Barwaaqo iyo Cadnaan, waqti xaadirkan waa Lamaane laba Ubada heysta, Cadnaan saaxiibkiisna waxaa loo doonay gabar kale, oo Wiilkiisa ku foorjo gooyo.

( D H A M M A A D ).

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Balse, waxaa Cajiib ah, in wiilka gabadha loo soo doonay uu yahay, isla Cadnaan saaxiibkiis, waa isla midkii hadda ka hor Barwaaqo iyo Cadnaan kala geeyay, oo markii dambena cafiska ka dalbanaayay, waa yaab ninkan tartankii iyo hardankii Barwaaqo, waa looga soo guuleysatay, balse hadda gacanta Sare isaga ayaa leh, oo sheekadiiba wuu soo gaba gabeeyay.

Barwaaqo Aabaheed arrintii farxada la aheyd, ayuu xaaskiisii oo Barwaaqo hooyadeed aheyd la wadaagay, una sheegay in dhowaan la guursan doono, Hooyadeed aad ayey uga naxday warkaas, maxaa yeelay waxay ogeyd in gabadheeda ay Cadnaan jeceshahay, isla markaana aysan aqbaleynin arintaan. Hooyada in badan ayey isku dayday inay baajiso guurka, ayadoo ku andacooneysa in gabadha weli ay yar tahay, masuuliyad guurna aysan qaadi karin, haddana waa lagu gacan seeray, oo Aabaheed go'aankiisii ayuu ku adkeystay, wuxuuna u raaciyay inay si deg deg ah Barwaaqo ugu sheegto, si ay ugu diyaar garowdo.

Hooyadii talo faraheeda wey ka baxday, weyna ogeyd in gabadheeda aysan arrimahan ku qanceyn, balse wey ku qasbaneyd inay u sheegto, ileyn waa Amar sare, waxeyna u yeertay gabadheeda, ayadoo si degan ula hadleysa ayey u sheegtay, go'aankii Aabaheed ee ahaa inay guur u diyaar garowdo. Tolow Barwaaqo maxay kaga fal celin doontaa arintaas? Cadnaan saaxiibkiisna waa tii hadda ka hor Hooyada ku tiri, hadaad gabadheyda dan ka leedahay, iga soo doono waan kuu guurin, uu ka caga jiidi jiray, bal maxaa hadda ku dhaliyay inuu Barwaaqo Aabaheeda ka soo doonto?.

Barwaaqo markii loo sheegay inay guur u diyaar garowdo, go'aankaasina uu yahay mid dhanka Aabaheed ka yimid, meel looga leexdana aan laheyn, ayey diidmo adag oo qayaxan kala hor timid go'aabkaasi, waxeyna u sheegtay hooyada, iney Cadnaan jeceshahay, isla markaana ay dhowaan uun heshiiyeen, wiil aan Cadnaan aheyna, ay aqbaleyn guurkiisa, haddeey Cadnaan weysana waxey u sheegtay iney kelinimo ku gaboobi doonto.

Hooyada kalmadihii qiireysnaa ee gabadheeda ayey la Uur debacday, balse amarka guurka waa mid ayada kasii sareeya, wax ay sameyso ayey garan weysay, laakin ugu dambeyn xal macquul ah ayey keentay hooyada, ileyn waa hooyee, waxay gabadheeda u sheegtay, in ay iyadaba la jeceshahay Cadnaan, maadaama uu yahay farxada gabadheeda, sidaa darteed waxay fartay gabadheeda, in Cadnaana uu reerka ka soo doonto, si markaa iqtiyaarka ayada oo Barwaaqo ah loo siiyo, ileyn labada wiilba wey soo doonteen, markaana waxaa qasab noqoneysa, in talada Barwaaqo loo daayo, si ay u kala xulato wiilasha midkii loo guurin lahaa, oo ay la nolol wadaagi laheyd.

Barwaaqo si aad ah ayey taladii hooyadeed ugu faraxday, isla markii ayey dhaqaajisay, ileyn fadhi uma yaalo wiil kalaa daaqada ka soo galaye, Cadnaan ayey si dhaqso ah ugu yeertay, oo ay wax walba oo dhacay ku war gelisay, Cadnaan runtii asagana aad ayuu uga naxay, in Barwaaqo aabaheed uu wiil kale la doonayo, balse Barwaaqo ayaa ka farxisay Cadnaan, oo u sheegtay inuu asagana reerkii ka soo doono, si markaa iqtiyaarka ayada loo siiyo, ayadana ay asaga xulan doonto, sheekadoo idilna ay halkaa ay ku soo gaba gabowdo.

( La soco part 8💛).

F.G follow.iso dheh likena sar mhdsnd 🙏💝

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Cadnaan oo la yaaban sidey wax u socdaan, oo jawaab uu bixiyana garan la', ayaa saaxiibkii hadalkii qabsaday, asagoo uga war bixinaaya in gabadhan, ay gabar wanaagsan tahay, ninkii helana uu ragaba nasiib dheer yahay, sidaa ay tahayna ay asaga Cadnaan ah jeceshahay, wuxuu kaloo Cadnaan saaxiibkiis qirtay, inuu qaldanaa maadaama uu dhexda ka soo galay lamaanahan is jecel, asagoo qaladkiisa u aaneynaya inuu damac qaaday, balse uu hadda ka soo laabtay, qaladkiisiina qirsan yahay, haatana uu doonayo inay labadoodaba si wada jir ah u cafiyaan, dhexdoodan uu ka bixi doono.

Cadnaan xumaan walba uu qabay halkii ayey ku baaba'day, si raganimo leh ayuuna u cafiyay saaxiibkiis, isagoo weliba laabta geliyay, wuxuuna ku war geliyay, inuu cafis buuxa u fidiyay, maadaama uu qaladkiisii ka soo laabtay. Cadnaan isagana wuxuu cafis ka dalbaday gacalisadiisii Barwaaqo, maadaama uu wax badan silciyay, qalad aysan ka gelinna ku ciqaabay, asagoo wax walba u aaneeyay jaceylka uu u qabo, waayo haduusan jecleyn, ilaa iyo intaas kama uusan Caroodeen.

Barwaaqo ileyn waa naf wax jecele, halkii ay ka cafin laheyd, iyadaaba qaladka ugu weyn dusha saaratay, oo waxay u sheegtay in wax walba ay ayada sabab u tahay, maxaa yeelay inta ay is laheyd jaceylkaaga qadari, ayey saaxiibkiis soo dhoweysatay, weliba si xad dhaaf ah, taasoo ay u aaneysay jaceylka ay u qabto asaga, ayadoo weliba xuseysa maah maahdii aheyd, "Qofka aad jeceshahay Eygiisana waa la jeclaadaa".

Barwaaqo ayaa ayadoo carareysa u timid hooyadeed, maadaama uu Cadnaan baxay, bal si ay uga war hesho waxa dhex maray Hooyo iyo Cadnaan, laakin waxaa loo sheegay inuusan Cadnaan waqtigan u muuqan mid debacsan, balse uu ayada xad dhaaf u jecel yahay, ayna haboon tahay inay ka war sugaan, ilaa inta uu xanaaqiisa ka baaba'ayo, wixii intaa ka horeeyana Barwaaqo iska ilaaliso wax uu kaga sii fogaan karo, sida inay saaxiibkii xiriiriso, ama ay la hadashaba, Barwaaqo iyadoo niyad jabsan ayey iska aqbashay dalabkii hooyadeed, ileen waddo kale uma furnee.

Hooyada waa qof caqli badan, isla markii waxay dareentay in gabadheeda niyad jabsan tahay, kuna qanacsaneyn wax walba sida ay u socdaan, laakin waxay u sheegtay gabadheda ayadoo u niyad dhiseysa, inay hubaal tahay Cadnaan inuu u soo laaban doono, weliba waqti dhow, uuna ka maarmi karin, maadaama ay ka hubsatay inuu ayada xad dhaaf u jecel yahay, sidaa darteedna ay samir muujiso inta laga gaarayo.

Lasoco Qaybta 7aad

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Barwaaqo hooyadeed ayaan Cadnaan wacday, kuna war gelisay inuu guriga ka casuuman yahay maalinta jimcaha, uuna u yimaado, balantana dhowro, Barwaaqo hooyadeed waa qof wax garad ah, wey sameyn kartay sida wiilki hore inay si caadiy ah intay guriga ugu yeerto, ka dibna ka daneysato, balse waxay dareensaneyd in gabadheeda ay Cadnaan dhankiisu u badneyd, sidaa darteed ayey si sharaf ku dheehan tahay ayey Cadnaan ugu casuuntay guriga, si ay gabadheeda u dareensiiso inay tahay garabkeeda iyo saaxiibteeda koowaad, qalbiga gabadheedana ay farxad ugu beerto. Allow hooyooyinkeena dhowr.

Wixii waqtiga la dhowraba, waxaa la gaaray maalintii ay balantu aheyd, Cadnaanna daqiiqadii ay balantu aheyd ayuu gurigii iska soo xaadiriyay, Hooyada ayaana si heer sare ah u soo dhoweysay, wax walba uu qof marti ah ku qanci karo ayaana loo sameeyay, sida qof familka ka mid ah ayaana niyad sami iyo Weji furnaan si kal iyo laab ah loogu soo dhoweeyay guriga, ilaa heer Cadnaan caradii uu u qabay Barwaaqo kala bar ay is dhintay.

Hooyadeed ayaa si degan oo weji furan ula sheekeysatay Cadnaan, balse ugu dambeyn ayey muhiimadu u soo dhaadhacday, ayadoo sidii kii hore Cadnaan dabeecadiisa iyo aqlaaq ahaan si xikmadeysan u baareysa, ayey u sheegtay war aan Cadnaan dhagihiisa u wanaagsaneyn, oo ahaa in gabadheeda laga soo doonay, ayna bixisay, Cadnaan si aad ah ayuu uga naxay warkaasi, niyad ahaana wuu is beddelay, balse si degan isagoo u hadlaaya, ayuu wixii gudihiisa ku jiray u soo bandhigay Barwaaqohooyadeed, kuna war geliyey, inuu jecel yahay Barwaaqo iyo wax walba oo dhex maray xumaan iyo samaanba, ilaa hadana uu si xad dhaafa u jecel yahay, balse uusan diyaar u aheyn inuu baajiyo guurkeeda, gebi ahaana uu ka samri doono, Hooyadeed aad ayey ula yaabtay hadalkii Cadnaan, waxeyna ka codsatay bal inuu u sharaxo sababta uu uga samrayo Barwaaqo, isagoo haatanba hanan kara, maadaama uusan weli meherkeeda dhicin, gabadhuna uu kalsooni ka heysto oo ah inay asaga jeceshahay, sidaa awgeed Hooyada ayaa weydiisay sababta ku qasbeysa inuu ka samro Barwaaqo, isagoo boqolkiiba boqol 100% huba inuu Barwaaqo heli karo, maadaama ay ayadaba jeceshahay.

( La soco part.6🖤)

Like saar followna naso dheh mhdsnd 😍

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Barwaaqo waddo kale uma furneyn, oo aan aheyn inay u sheegto hooyadeed wax walba, ileyn waa qof caburan, qof wax u sheegatana aanan heysane, wax walba oo dhacay ayey u sheegtay hooyadeed, iyo halka ay xaaladda mareyso, iyo nasiib xumada mar walba Cadnaan iyo ayada kala geysa, iyo sida uu Cadnaan saaxiibkii wax walba u qasay, welina u soo taagan yahay.

Barwaaqo hooyadeed la yaab ayey ku noqotay Arrintaas, run ahaantiina wax xal ah uma aysan heli karin, laakin waxay u sheegtay ayadoo niyada u dhiseysa gabadheeda, rajo fiicana ku abuureysa inay ayada wax ka qaban doonto, si wadajir ahna arrintan ay u xallin doonaan, wax walbana ay hagaagi doonaan, balse hadda ay seexato maskadeedana dejiso, markey toosto, ka dibna ay ka sheekeysan doonaan arrimahan iyo waxey ka yeeli lahaayeen.

Barwaaqo fur-furnaan iyo niyad sami ayey dareentay, maadaama ay is fagaareysay, wixii ku caburnaana ay iska soo saartay, saaxib cusub oo garab siiya leyskuna haleyn karona ay heshay, ayey seexatay maalmo ka dib hurdo caafimaad leh.

Barwaaqo hooyadeed waxey aheyd qof aad u wanaagsan, gabadheedana waxay ula dhaqmi jirtay sida saaxiib oo kale, waayo waxay dareensaneyd inay gabar tahay, oo mar walba aysan ka maarmin waalidkeeda, si aysan uga lumin ama wado xun u qaadin darteed, ayeyna wehelkeeda kowaad iyo saaxiiba ula noqotay.

Dhanka kale Barwaaqo hooyadeed waxay bilowday inay ka fakarto sidii ay u xalin laheyd arrimahan isku qasan ee gabadheeda heysta, fikir dheer ka dib waxa ay go'aansatay, ugu horeyn inay labada wiil midba si gaara ula kulanto, bal si ay u ogaato midka sida dhabta ah gabadheeda u jecel, misana u diir naxaya, iyo midka kale ee u daran oo beenta u socda.

Lasoco QAYBTA 5AAD

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheekada malasocotaa? 🤔 haddii ay jawabtda tahay Haa like saar mahadsanid siina share gareeya 🖤

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN

QAYBTA 3AAD.

Barwaaqo wey awoodi weysay inay jawaab siiso Cadnaan saaxiibkiis, jawaab waqti xaadirkaas ku haboona uma aysan heynin, ayadoon wax qoraal ah la sii wadaagin ayey qadka isaga baxday, waxeyna bilowday inay su'aalo iska weydiiso sida ay wax u socdaan, tolow ma qorsho ay Cadnaan iyo saaxiibkiisa kuu dageen baa?, mise Damac ayaa ninkaan qaaday oo ku kallifay inuu kugu soo xad gudbo?, iyo su'aalo kaloo aan la soo koobi karin ayaa Barwaaqo maskaxdeeda ka dhex guuxayay, walow su'aal walba aysan jawaab u heyn, haddana waxey go'aansatay inay sheekadan gunteeda hoose ka sal gaarto, si ay u ogaato wax walba oo ay tahay xaqiiqda, walow aysan howl yareyn, una sahlaneyn sida loogu fakaro, ugu dambeyn waxay go'aansatay kuna qasbanaatay, inay wax walba oo dhacay Cadnaan u sheegto, si ay wax dareen ah uga dheehato Cadnaan iyo saaxiibkiisa waxa dhex mari doona, halkaasoo ay kaga qiyaas qaadan karto in sheekada leysla ogaa iyo in kale, laakin waxay ilowsaneyd su'aalaha iyada ku soo noqon kara, iyo waxay kaga jawaabi laheyd.

Barwaaqo kama laba-labeyn inay dhaqan geliso go'aankeeda, si dhaqsi ayey Cadnaan u wacaday, uguna sheegtay wax walba oo dhex maray iyada iyo saaxiibkiisa, iyo inuu jaceyl u soo bandhigtayba, ka dibna iyadoo is yara xanaajineysa, ayey telkii ku jartay, si ay dareen kulul ugu beerto Cadnaan, una gaarto hadafkeedi ahaa inay kala saarto labada wiil inay isla socdaan ama ay kala socdaan.

Cadnaan dhankiisa ayuu la yaabki ku soo haray, balse sidii ay Barwaaqo fileysay Cadnaan uma uusan kululaan, waayo wax walba waxaa ugala weynaa, qaabka ay ula hadashay iyo inay telka si xushmad la'aan ah ugu damisay, iyadoon sugin jawaabtiisa.

Dhanka kale Cadnaan saaxiibkiisa ayuu qaladka saaraa, mise Barwaaqo ayuu u aaneeyaa wax walba oo dhacay, wax badan oo fakar ah ka dib, markuu dhinacyo badan wax ka eegay, Cadnaan wax walboo dhacay wuxuu eedeeda dusha kaga tuuray Barwaaqo, walow uu ogaa in saaxiibkiisna qaldanaa, hadana qaladka ugu weyn Barwaaqo ayuu ku tuhmay, isagoo naftiisa u sharaxaaya sababahan dartood inay Barwaaqo tahay qofka qaladka ugu weyn leh, tolow sidee Barwaaqo ayadon qalad gelin, wax qiyaano ahna aan sameyn eeda sidaa u weyn ugu lahaatay?, maxayse tahay arrimaha Cadnaan uu u cuskaday eeddan uu Barwaaqo dusha kaga tuuray?.

Cadnaan wuxuu wax badan fakaro, su'aalo badana is weydiiyo, waxaa u soo baxday in saaxiibkiisu uu qiyaamay, hayeeshee qaladka ugu weynba ay Barwaaqo tahay qofka uu ka tabanaayo. Cadnaan asagoo deganaan muujinaya, ayuu Barwaaqo telkeeda wacay, una sheegay qofka uu ku kalsoonaa, kuna aaminay naftiisa inay iyada aheyd, ee uusan saaxiibkii aheyn, wax walbana inay la socodsiiso ka hor inta uu xaal sidan noqonin aheyd, balse ay kaalinteeda gabtay, sidaasna ay ku tahay qofka isaga qaladka ugu weyn ka galay.

Hadaan idiin sharaxo qaladka Barwaaqo ay gashay wuxuu yahay, inay saaxiibkii la aheyd sheeko wadaag, mar walbana la xiriiri jirtay, ayadoo intaasoo dhan Cadnaan aan u sheegi jirin, maanta markay xaaladu jaceyl isu rogtay, ayey wax walba banaanka soo dhigtay, taasoo qalad ah marka loo eego lammaane uu xiriir jaceyl ka dhexeeyo.

Run ahaantii Cadnaan saaxiibkiis qalad kuma lahan inuu jeclaado dumaashidii, waayo jaceylka qof walbaa wuu furan yahay, inkastoo laga wanaagsanaa inuu jeclaado gabar loo baray inay u tahay dumaashi.

Caadiyan qofka wax jecel wey ku adagtahay, inuu jaceylkiisa u bandhigo qofka uu jecel yahay, haduusan kalsooni ka heysan ama aysan sheeko iyo kaftan dhex marin qofka uu jecel yahay, si uu jaceylkiisa tixgelin ugu helo, ileyn qofka aad jeceshahay haddii aadan weligaa la hadlin, ma ahan wax sahlan inaad jaceyl u bandhigato, Barwaaqona waxay ku qaldaneyd inay kalsooni xad dhaaf ah siisay qof aan aheyn Lamaankeeda, taasoo marka laga eego dhanka xeerarka Caashaqa noqoneysa, qiyaano aad u weyn, sidaa ayeyna Barwaaqo ku noqotay dembiilaha koowaad.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN

QAYBTA 2AAD.

Barwaaqo wax badan kumey qaadan inay Cadnaan ka qabato telka, bariidin iyo is xaal wareysi ka dib, Barwaaqo buu warkii ku soo haray, ileyn Cadnaan asaga hadalba wuu ku adkaaday, misana wuxuu ogaa inuu qalad galay oo uusan xitaa u sheegin inuu Nabad tegay, sidaa darteed xaalad uu ka hadli karaba uma aysan furneyn, laakin Barwaaqo ayaa si xarago leh su'aalo dhowr ah oo eedeyn iyo canaanba isugu jira wejiga kaga dharbaaxday Cadnaan, su'aalahaas oo ay ka mid ahaayeen

Miyaad ii quuri weyday inaad ugu yaraan fariin xitaa iigu sheegto inaad nabad tagtay?. mise waxaad tahay dadka marka ay safraan asxaabtooda ilooba?, waad i ilowdaye maxaad haatan ii soo wacday?), iyo kuwo kale oo Cadnaan wejigiisa dhidid ka soo yaaciyay.

Cadnaan cirka iyo dhulkaa la wareegay, jawaab waafi ah uu ku qanciyana runtii ma uusan heyn, waxaan mar marsiimo iyo waan mashquulsanaa iyo raali gelin iyo cafis dalbasho aheyna Afkiisa waa laga waayay.

Barwaaqo iyadoo yaaban, ayey raali gelintii qaadatay, oo ay isaga qanacday, ileyn asxaab un bey ahaayeen aan xiriir sii fog ka dhexeyn, ma ahane mid kalaa heshay iyo waad iga maarantay iyo maseer iyo dagaal bey sheeko isugu aruuri laheyd.

Dagaalkii qaboobaa halkaa ayuu ku idlaaday,
Is xiriirin iyo wada sheekeysi dheer ayaa wixii maalintaa ka dambeeyay bilowday. Ugu dambeyn Cadnaan howshiisii wey u soo gebo gabowday, dib ayuuna magaaladiisii ugu soo laabtay.

Xilli Duhur iyo Casar dhexdooda buu gurigiisi ku soo beegmay, laakiin nasiib wanaag, wuxuu guriga ugu yimid Barwaaqo oo walaashiisa saaxiib la aheyd, buugna ka soo doonatay, maadaama ay isku iskuul ahaayeen, Alla muxuu nasiibku mararka qaar kugu beegaa waqti aad u baahan tahay adigoon hadana ka war qabin, Salaan iyo Marxabeyn ka dib, Cadnaan wuu fariistay, caruurtii gurigana, Boorso iyo Agab wuxuu Cadnaan watay ayey ku yaaceen, iyagoo hadiyado iyo wax la mid ah ka raadinaya, balse Bzrwaaqo oo ah gabar ilaahey garasho iyo ixtiraam u dhameeyay, naxariistana aad moodo inay astaan u tahay, ayaa dareentay in Cadnaan daal ka muuqdo, isla markiina koob biyo ah ayay ula soo carartay, Cadnaan markuu ka gudoomay Biyihii, ayuu markii ugu horeyay qalbigiisa ka dareemay in Barwaaqo dhankeeda uu u badan yahay, maalintaasna Cadnaan wuxuu u ahaa maalin uu ku qortay buugiisa taariikhda.

Cadnaan maalinba maalinta xigtw, waxaa ku sii faafayay jaceylkii Barwaaqo, balse uu xishood iyo cabsi ay ka hortaagneyd inuu u bandhigto, maadaama uu Barwaaqo iyo familkeeda uu ixtiraam iyo qadarinba u hayay, laakin waqtigaa Cadnaan si wanaagsan u caawiyay, maadaama habeen habeenada ka mid ah uu massage salaan ah oo dhanka internetka ah uu Barwaaqo ka helay, halkaas oo ay sheeko dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ay ku dhex martay, laakiin ugu dambeyn muhiimada ayaa leysugu yimid, Cadnaana wuxuu helay fursad uu isaga dejiyay culeyskii ku rarnaa, isagoo wax walba u cadeeyay Barwaaqo, una soo bandhigay arrimihiisa oo dhan, balse maxay Barwaaqo jawaab uga dhigtay? Sidee ayuuse noqday dareenkeeda?.

Barwaaqo la yaab kumey noqon waxa kaga yimid Cadnaan dhankiisa, waxaadna moodaa inay hore u sii ogeyd, waayo xaaladan oo kale marka ay gabdhaha ku jiraan, inta badan waa kuwo fajac iyo amakaag ay la juuq gabaan, waan ka soo fikirayaa, iyo waad igu kedisay, iyo waxyaabo la mid ah ayaa gabdhaha inta badan lagu yaqaanaa inay arrimahan oo kale jawaab uga dhigaan, balse Barwaaqo wey ka geddisneyd, malaha xan baa u horeysay, ama dareen ay waa horeba Cadnaan ka sii aragtay, balse iyadoo deganaan iyo isku kalsoonaan ay ka muuqato, ayey bilaa shuruud iyo sabab la'aanba ku aqbashay, maadaama ay in badan Cadnaan garaneysay.

Cadnaan baalasha farxadeed ee buugga taariikhdiisii ayaa u furmay, iyo bogag cusub oo lagu keydiyo waxyaabo ay ka mid yihiin qisadan aan hada idiinkaga sheekeynaayo, waxa kaliya aan anagu qiyaasi karnana waa in habeenkaa Cadnaan iyo hurdo kala fogaayeen, waxaan u shallaayana waa inaan habeenkaa Cadnaan agtiisa ka fogaa, waayo wax walba aan ka dalbado si fudud ayaan uga heli karay, lkn taas waxaa iiga farxad badan, maadaama uu

Читать полностью…
Subscribe to a channel