Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹
SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN
QAYBTA 4AAD.
Barwaaqo markey maqashay Codka Cadnaan, ayey naxdin la bood booday, waayo wiilka uu dartii jaceylkooda u baabi'i rabo ayaa qolka kula jira, walow uu booqasho un ugu yimid, iyadana ay u soo dhoweysay maadaama uu gurigeedi ku soo booqday, hadana Cadnaan yaa sidaa ka dhaadhicin kara, ileyn shaki hore ayaa ku jiree, haduu markan isku arkana, Cadnaan caradiisi wey sii fogaan, si la mid ahna in qilaafkooda xal loo helo ayaa sii adkaanaya, Barwaaqo waxay kala garan weysay inay soo gal tiraahdo, iyo inay ka aamusto, labada go'aana mid waliba kan kale ayaa kala adkaaday.
Intay Barwaaqo go'aan qaadashada ku maqneyd, ayuu Cadnaan is yiri malaha wey jiiftaa, maadaama aan loo jawaabin in cabaar ah uu albaabka garaacayay, dib ayuuna uga laabtay albaabkii, Barwaaqo hooyadeed ayuuna ku laabtay, wuxuuna u sheegay in loo jawaabi waayey, ayna la tahay in ay Barwaaqo hurudo, sidaa darteedna uu mar kale u iman doono.
Nasiib darrose Barwaaqo hooyadeed ayaa u sheegtay Barwaaqana iney jirto oo aysan hurdeynin, balse uu wiil iyada soo booqday uu la joogo, Cadnaan oo yaaban ayaa weydiiyay yuu yahay wiilka , Barwaaqo hooyadeed ayaa u tilmaantay wiilkii, Cadnaana hore ayuu ka gartay in wiilku uu saaxiibkiis yahay, waxaana u cadaatay in labadan uu xiriir ka dhexeeyo, waa sida ay isaga la tahay.
Cadnaan isagoon u jawaabin hooyada, wax fariin ahna ugu reebin, ayuu gurigii si deg deg ah uga soo baxay, carada ka muuqatayna ay aheyd mid ay Barwaaqo hooyadeed xataa la yaabtay.
Miskiin maamada waxba kalama socon waxa gabadheeda iyo Cadnaan ka dhexeeyay, iyo halka uu xaalkoodu maraayaba, si daacad ah ayeyna Cadnaan wax walba ugu sheegtay, dhabtii haddii ay wax uun ka ogaan laheyd waxa ay gabadheeda ku sugan tahay, xal ayey raadin laheyd, ama ugu yaraan waxba Cadnan uma aysan sheegi laheyn, ileen waa hooyo, laakiin nasiib darro ayadoon ka war qabin ayey gabadheedii God ku sii riday xaalkana ku sii adkeysay.
Dhanka kale Barwaaqo, Cadnaan saaxiibkiisa ayey baryo iyo calaacal isugu dartay, ayadoo ka dalbaneysa inuusan mar dambe xitaa soo Salaamin, wax xumaan ahna aysan ka aheyn, balse uu xalka qura ee Cadnaan ugu soo laaban karo uu sidaasi yahay, Alla yaa u sheega in ay hooyadeed wax walba sii qastay.
Cadnaan saaxiibkiie ileen asna waa qof wax jecele, wuu ku gacan seeray Codsigeeda, wuxuuna u sheegay inuu la tartami doono Cadnaan, si uu jaceylkiisa uga dhacsado, iyadana ay kala doorato midkii iyada u wanaagsan, wuxuuna ka balan qaaday inuu naftiisa xitaa u huri karo, waa haddii ay isaga u soo go'do, oo ay Cadnaana ka harto, halkaas ayuuna uga tagay asagoo dhaar dhaaranaya.
Barwaaqo waxey noqotay dherigii labada dhinac ka gubtay, Cadnaan kama samri karto waa ay jeceshahay, wiilkana iga har wuu ka diiday iyada ayuu jecel yahay, haddii ay labadooda isla wadi laheydna si ay mid walba u qanciso, labada wiil waa saaxiibo oo ma suura galeyso, waa jahwareer aan jiha looga baxo laheyn.
Barwaaqo hooyadeed ayaa qolka ugu soo gashay, maadaama ay wiilashii baxeen, waxa ayna ugu sheekeysay wixii dhex maray iyada iyo Cadnaan, iyo in Cadnaan uu baxay isagoo aad u careysan. Tolow Barwaaqo sidee xaalad ahaan noqon doontaa Maadaama loo sheegay in Cadnaan ka sii carooday maxayna sameyn doonta si ay Xaal uhesho?.
Barwaaqo aad iyo aad ayey u argagaxday, ka dib markii loo sheegay in Cadnaan wax walba ogaaday, isagoo careysanna uu guriga ka baxay, Bawaaqana wey is celin weysay oo indhaheeda ilmo ayaa ka soo burqatay, weliba hooyadeed oo la fadhida ayey ooyin aan kala go' laheyn jabsatay, ileyn wax kale oo ay awoodi kartay aan ooyin aheyn maba aysan jirine.
Barwaaqo hooyadeed aad ayey uga naxday ooyinta gabadheeda, ileyn waa hooyee uurka ayey ka danqatay, waxeyna weydiisay iyadoo gabadheeda niyada u dhiseysa, una balan qaadeysa inay wax walba u sameyn doonto, inay wax uun uga sheegto xanuunka haya ama waxa ay la ooyeyso oo ka maqan.
Barwaaqo xaalad aysan fileyn ayaa ku soo siyaaday, waxeyna ogaatay in sheekada aysan isla ogeyn labada wiil, dembiyada uu Cadnaan ku soo oogana ay sax yihiin, qaladkeedana wey garwaaqsatay, balse waa mar ay wax walba halaabeen, Cadnaana uu kalsooni daro dareemayo, Carrona uu kaga maqan yahay.
Barwaaqo si fudeyd ku jira ayey Cadnaan saaxiibkiis u wacday, Caay iyo aflagaado oo ay eed u dheer tahay ayeyna si taxadar la'aan ah halkii ugu geysatay, wiil la caayana waad iska taqaane, Cadnaan saaxiibkiisa aad ayuu uga xanaaqay telkiina wuu ku damiyay.
Maalintii xigtay ayadoo sidii loo kala xanaaqsan yahay, ayaa Barwaaqo oo wadada mareysa waxaa kor dheer ka arkay wiilkii careysnaa oo ay aflagaadeysay oo Cadnaan saaxiibkii ahaa, isla markiiba wuu ku soo orday, korkeedii ayuuna dul yimid, asagoo xanaaq awgii aad indhihiisu moodo in ay dhiig fadhiyaan.
Barwaaqo iyadoo si degan oo asluubeysan wadada dhinac ka mareysa, ayaa mar qura waxay ka war heshay wiilkii oo dul taagan, misana ku eegaya indho kulul, Barwaaqo aad iyo aad ayey u argagaxday, cabsi iyo amakaag ayey la juuq gabtay, inay dhulka eegto mooyee, wax kale oo ay awoodi kartay ma aysan jirin.
Cadnaan saaxiibkii markuu arkay in Barwaaqo ay ka taallo, wax Alla iyo wixi uu doonana uu ku sameyn karo, ayuu dib isku celiyay, oo uu gartay inay tahay qof dumar ah, waajibna ay ku tahay inuu xushmad iyo naxariis u muujiyo, isagoo ku dhiira gelinaya inuusan waxyeelo u geysaneyn, ayuu weydiiyay su'aalo ay ka mid ahaayeen, waxa sababay in ay aflagaadeyso? Iyo waxa uu galabsaday oo ku qasbay iney aflagaadeyso?.
Barwaaqo xaqiiqdii su'aalahan jawaab uma aysan heyn, balse waxay ku andacootay inay aheyd qof careysan, nafteedana ay xakameyn weyday, maadaama uu Cadnaan asaga dartii uga carooday, qaladna ay ku tahay labadooda inay Cadnaan qayaanaan, waxay kaloo u sheegtay in hada ka dib aysan wax xiriir ah ka dhexeyn doonin, oo ay sidaa isku nabad geliyaan.
Cadnaan saaxiibkii halkaas ayaa loogu deyriyay jaceylkiisa, balse waa is weydiin leh, sidaa miyuu uga hari doonaa Barwaaqo? jaceylkiisana uga samri doonaa?.
Dhanka kale Cadnaan niyad jab iyo kalsooni daro ayaa dhan walba ka soo wajahday, maadaama saaxiibkiisa uu u dhacay qoftiisa oo u daba maray, Barwaaqona ay qayaantay, waa siduu asagu aminsan yahay, wuxuuna go'aansaday inuu iska illaabo gebi ahaan, balse la arki doone haddii sidaa sahlan jaceyl leysugu ilowsiin karo.
Maalmo ka dib ayadoo sidii loo kala aamusan yahay, ayaa Barwaaqo soo wacday Cadnaan, Cadnaana wuxuu go'aankiisu ahaa inuusan xitaa qaban telkeeda, balse wey noqon weysay sababtoo ah, qof aad jeceshahay telkiisa inaad qaban weyso, waa wax aysan nafta kaa ogolaaneyn, nasiib wanaag telkii wuu qabtay, Barwaaqo ayaana salaan diiran iyo xaal wareysi kala soo kor dhacday, kadibna, isku deyday inay ka qanciso wax walba oo dhacay, ayadoo wax walba oo run ahna u sheegtay, balse Cadnaan warkaasi uma cuntamin, maadaama uu kalsooni daro tirsanayay, wey ku adkaatay inuu aamino, telkiina wuu ku demiyay.
Barwaaqo walwal iyo walbahaar ayaa la soo darsay, si ay Cadnaan wax uga dhaadhicisana wey garan weysay, meel ay wax ka bilowdana ma taqaan, fakar aan waxba soo siyaadineyn ayey la wehel noqotay, cunto yari iyo nasiino la'aan awgeedna, xanuun ayaa Barwaaqo ku soo, cirbado iyo faleebooyin ayaa booskii cuntada u buuxiyay.
Cadnaan saaxiibkii ayaa maqlay Barwaaqo xanuunkeeda gurigeeda ayuuna ku soo booqday, si uu xoogaa ugu niyad dhiso, Barwaaqo waa qof iska xanuunsane, wey soo dhoweysay halkii ayeyna sheeko iska caadi ah ka bilowdeen. Nasiib darose Barwaaqo iyo Cadnaan saaxiibkii oo sidii u sheekeysanaya, ayaa Cadnaan oo soo maqlay xanuunkeeda orod ku yimid gurigeeda, bal si uu xaaladeeda u soo ogaado, Barwaaqo hooyadeed ayaa Cadnaan soo dhoweysay, una tilmaantay qolkii ay jiiftay, Cadnaan si deg deg ah ayuu qolkii ay ku jireen Barwaaqo iyo saaxiibkiisi oo iska sheekeysanaya u abaaray, balse inta uusan gelin ka hor, ayuu albaabka qolka u garaacay, si uu u weydiisto ogolaansho ah inuu soo gudbi karo, maadaama qolka ay qof dumar ahi ku jirto.
( La soco part.4🖤).
hiigsaday wixii uu ku haminayay, midaas oo run ahaantii waxa waliba xageyga igala qiimo weyn.
Cadnaan iyo Barwaaqo habeenkaas sheeko sidaa u sii dheer ma aysan dhex marin, maadaama farxadu ay wax waliba ugala qiimo weyneyd, mana sii fogeyn jeer ay qadka isku macsalaameeyaan.
Jawi cusub baa bilowday, iyo maalmo ay farxadu tahay sida dhul xagaa helay doogga uu soo saaroo kale, koley laba is jecel iskuna cusub cid welibaa garan karta sida ay dareen ahaan yihiin, iyo wax waliboo dhex mari raba, taa uma baahna sharaxaad dheer iyo inaan waqti badan ku lumino ka sheekeynteeda, walow ay hadana Cadnaan iyo Barwaaqo waqtigoodaas farxada ah uu aad u koobnaa, aan u gudubno maalmo kale oo bilow u ah, Mowjado culus iyo Hirar soo fatahaya, iyo sida ay Barwaaqo iyo Cadnaan u waajahayaan qeybtan qaraar ee noloshooda ka midka ah, ileen intii macaaneyd midba qeybtuu ku lahaa si wacan ayuu u soo qaataye.
Wuxuu waqti is guraba, ileen jaceyl hadduu yimaado, isla xisaabtan adag baa imaanaya, wax yar oo qalad ahna, su'aalo badan ayaa laga keenayaa, balse gabdhuhu mar waliba waa kuwa Sir badan, wax walbana laga filan karo, taa micnaheedu maaha in raguna aysan sidaa aheyn, balse Ragu badanaa wey ku fashilmaan qiyaameynta, marka dumarka loo eego.
Caadiyanba Cadnaan asxaqbtiisa ayuu baray, Barwaaqo, maadaama ay dumaashidooda aheyd, balse dadku wada xul maahee, wiil ka mid ahaa Cadnaan asxaabtiisa ayaa ku fogaaday barashadii Barwaaqo, asagoo kula sheekeysan jiray qadka internetka, si aad ah ayeyna isu dhex galeen, dabeecad ahaana isku fahmeen, laakin maalin ayey Barwaaqo lama filaan ku noqotay in Cadnaan saaxibkiis uu u soo bandhigto arrimo jaceyl, weliba isagoo og wax walba oo ka dhexeeya iyada iyo Cadnaan.
Barwaaqo cirka iyo dhulkaa la wareegay fajac iyo amakaag ayey la indha taagtay wax ay sameysana garan weysay, tolow maxay ugu jawaabi doontaa?, maxayse Cadnaan u sheegi doontaa?, Cadnaan iyo saaxibkiisana maxaa dhex mari doonaa?
( La soco part3🖤).
Follow.and like mahadsanid 🌎
SHEEKO CUSUB: BARWAAQO IYO CADNAAN
QAYBTA 1AAD
Cadnaan waa wiil aad u wanaagsan dabeecad ahaan, waa wiil Akhlaaq ilaaheey u hibeeyay, wax walba oo qofka bani'aadamka lagu xusho ama lagu qiimeeyana ay u dhameystiran yihiin.
Barwaaqo waa gabar aad u qurux badan, taas waxaaba kaaga filan ilaa heerka ay Cadnaan qalbigiisa deggen tahay, xaqiiqdii weyna u qalanta qof ilaa heerkaas lala gaaro, inkastoo ay yara fududahay aadna isu adkeyso marka loo eego dhanka Cadnaan, suuraha dumarka lagu yaqiina uu xoogaa ku yara badan yahay.
Cadnaan iyo Barwaaqo wax walba ka hor waxay ahaayeen laba qof aad u wada kaftama si gaar ahna isku dabeecad fahmay ilaa heer ciyaalkii xaafada ku tuhmeen in labadani wax intaas ka badan ay ka dhexeeyaan.
Caadiyanba lama garan karo jaceylka xilliga uu kugu beermayo, qaasatan marka uu ku bilowdo jawi farxadeed, lamana dareemi karo ilaa inta aad ag joogto qofka aad dhab ahaan jeceshahay, amaba meel dhow uu kuu jiro.
Cadnaan xaalad sidaa oo kale ayuu isagana ku sugnaa, oo goor horaaba la jiitay laakin iskama uusan war qabin, wax walbana waxay la ahaayeen wax iska caadi ah iyo qeyb ka mid ah faxada noloshiisa, balse sheekadu intaa wey ka weyneyd.
Wuxuu kaftanka iyo baashaalkii Cadnaan iyo Barwaaqo sii socdaba, oo farxad la dhex mushaaxo, ayaa maalin maalmaha ka mid ah Cadnaan safar shaqo ah si kedis ah u soo galay isagoon waxba is weydiin, dhab ahaana ka warmoog wax qalbigiisa ka dhex guuxaya ayuu si fudeyd ku jiro uu Safarki ugu diyaar garoobay, ayadoo wax waliba ay iska caadi yihiin cidna aan labadooda culeys dareemeyn, ayey sida laba qof aqoon kaliya ka dhexeyso isku sama rajeeyeen, Cadnaana uu wadadii cagta saaray, saacado dhowr ah ka dib, nasiib wanaag Cadnaan halkuu ku wajahnaa ayuu cagaha la helay, bilaabayna nolol kooban oo dalxiis la mid ah, balse shaqo ku saleysan, laakin u baahan la qabsi iyo dhabar adeyg, maadaama Cadnaan uu safarkaa u ahaa midkiisi ugu horeeyay ee noloshiisa.
Maalmihii hore aad ayey ugu macaanaayeen, waayo wuxuu ku mashquulsanaa jawigaas cusub uu dhex degay iyo xiiseynta magaalada, maadaama uu ku cusbaa, laakin waxay wax walba is badaleen, markuu jawigii la qabsaday, salkana uu dhulka la helay, ayuu dareemay cidlo iyo inuu caburnaan ku jiro, una baahan yahay asxaabtii uu la sheekeysan jiray, qaasatan Barwaaqo, oo uu inta ugu badan waqtiisa firaaqada ah la qaadan jiray, inta uu ku sugnaa magaalada, markaas ayey maskaxdiisu u sheegtay inuu Barwaaqo waco, isagoon horena u wicin, xitaa aan u sheegin inuu nabad tegay, ileyn hadda ayuu dareenki ku soo bilowdaye, naftiisuna ogaatay inay wax ka maqan yihiin, xaqiiqsadayna jadwalka noloshiisa inay wax ka dhiman yihiin, inkastoo weli uusan ku baraarugsaneyn in uu jaceyl yahay waxa koobay noloshiisa, markiiba telka ayuu la soo booday, si ay deg-degsiimo ku jirtana u wacay numberkii Barwaaqo, nasiib wanaag isla markiiba telka waa laga qabtay, laakin maxaa hadal looga bilaabay?, maxaase lagu dhigay?.
( La soco part2 🖤)
Una share gare asxbtada si ay kuula aqristaan like saar mahadsanid 🖤
Markii aan mudo yar joogay waan fooshay isbital ayuuna igeeyay cumar isla markii cumar hooyadiis iyo hooyadeey ayaa iigu yimid isbitalka saacado yar kadib waxaan dhalay wiil iyo gabar mataano ah aad ayaan ugu farxay in aan dhalay laba caruur oo caafimaad qaba waxaan fiiriyay cumar wajigiisa runtii ilin farxadeed ayaa dhabanadiisa qooysay
markaas ayuu yiri amiira ilmaha yaa magac ubixinayo ma adiga mise aniga markaas ayaan iri maadaama aay labo yihiin mid adiga ubixi Ana kan soo hara ayaan ubixinayaa
Kadib ayuu yiri gabadeyda ayaan magac ubixinayaa waxaana u bixiyay Hamdi
Markaas ayaan iri ana wiilkeyga waxaan u bixiyay farxaan...
DH A M A A D
Sheekadan saameyn intee la ega ayeey kugu yeelatay haddii aad lasocotay?
Fadlan #follow me si aad uga mid noqotid asxbteyda mhdsnd
Rajadii rumoowday part:19❤💍
Wuxuu yiri cumar amiira waxaan dhararsanahy inta aan kuu imaanaayo markaas ayaan iri adigoo ila jooga waxba ma dhaanto marba haddii aan farxada wada qeybsanay cumar jaradeeydi weey ii rumoowday kaliya waxa aan ii rumoobin weli waa riyadii aan arkay ee mataanaha
Kadib ayuu yiri cumar marba haddii Alle rajadii inoo rumeeyay riyada waxba maahan qali waxaa ii muhiim ah kaliya inaan waalid noqono waana rajeeynayaa ubad caafimaad qaba baariyaal ah inuu noo dhasho waxaan iri gabar ama wiil sida adiga baari u ah Allaha nooga dhigo cumar
Markaas ayuu yiri cumar adigaba waxaa tahay baariyad waxaan aaminsanahy in aaney jirin gabar kaa baarisan adiga dulqaadkaaga waa mid aad u sareeyo waan la cajabay dulqaadka iyo naxariista rabbi kugu maneeystay !
Run ahaantii waan ku farxay haddalka cumar markaas ayaan iri mahadsamid xbbi lkn goormeed soo baxeeysaa? Kadib ayuu yiri farxadeena aawgeed berito waan kuu imaanayaa xbbti markaas ayaan iri waayahay iisoo dhaqso adoo caafimaad qaba Allaha isku keen keeno cumar.
Nolosheeyda si dhaqsiyo ah ayeey isku badashay waxaan deris noqonay farxad wixii culees ihaaystay waxeey isku badaleen fudeeyd waxaan dareemay in Alle weeyne wixii laga baryo in badan kusiin doono mar uun samar walba iyo muruga walbana farxad ka dambeeyso.
Waan soo istaagay waan soo weeysa qaatay saliga ayaana dul tagay waxaan tukaday laba rakco salaad suno ah waxaana umahad naqay illahey waxaana iri oo aan ku duceeystay
rabiyoow waxaan kaa baryay owlaad inaad isiiso ee aad igu beerto maanta rajadeeydi waad aqbashay rabiyoow maantana waxaan ku weeydiisanayaa inaad iiga dhigto caruurta aad uurkeyga ku beertay kuwo caafimaad iigu dhasha baariyaal ah adduun iyo aaqiraba i anfaco rabiyow iiga yeel ubad hagaagsan oo ifarxad geliya.
Subaxii ayaa la gaaray wixii aan sugaba waxaa ilbaabka soo garaacay cumar markii aan ilbaabka ka furay waxaan arkay cumar oo aad iisoo fiirinaayo markaas ayaan iri sidaas dhan ha ii fiirin ileen ibaran meeysid haddee kadib ayuu yiri cumar saakay maba lagu moodo amiiradii hore waxaan iri sabab?
Markaas ayuu yiri quruxdaadi waxaa kuugu darsamay mid labaad waxa kaliya ee kaa maqnaa malaha waa farxad in kasto aanan dareemi jirin in qurux kuu dhimani jirto haddane waxeey noqotay laba jibaar..
Lasoco part:20
Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
Rajadii rumoowday part:18❤💍
Markii ay ka baxday farxiyo mobilka ayaan ku iri cumar maanta farxiyo maxaad is tiraahdeen waatan wanaagsanaataye kadib ayuu yiri cumar farxiyo qaladkeedi ayeey aqoon satay kaliya waxkale ma jiraan xbbti waxaan iri hooyana goormee ayeey ogaan doontaa qaladkeeda wuxuu yiri taas ma sheegi karo waan arki doonaa goorta ay isbadasho.
Waxaan iri cumar waxaan rajeeynayaa in nolosheeni sidii hore kusoo noqoto oo aan farxad waarto helno waxaan dareemayaa in culees badan inaga dagi doono goorta ay noqotaba midaas ayaana sugi la.ahay
Kadib ayuu yiri cumar amiira hadda sow iima faraxsanid wax walba waxaa iiga muhiim san farxadaada intaas ayaa iga badan waxaan iri haa waan faraxsanahy lkn weli waxbaa dhiman farxadeeyda dhameeys maaha markaas ayuu yiri cumar weey noqon doontaa waan daahay in aan baxo ayaan rabaa
waxaan iri wayahay xbbi iska bax markuu baxay ayuu isoo wacay galabtii waxa uuna ii sheegay in uu safar dag dag ah soo galay waxaan iri lkn yaa ila joogaya gurigan cidlada ah kadib ayuu yiri boorsadeyda iisii diyaari markuu yimid ayuu yiri amiira safarkan kama baaqan karo adna gurigan cidlo ayuu kugu noqone maxaan sameeynaa ?
Markaas ayaan iri waan iska joogayaa inta aad maqan tahay halkaan ayaan sii joogayaa ee iska bax lkn soo dhaqso wuxuu yiri waayahay waa uuna baxay cumar
Markuu cumar maqnaa mudo 20 cesho ah waxaan iska dareemay is badal fara badan iyo in aanan aheeyn amiira deeydi hore waxaan wacay cumar waxa aanan usheegay in aan xanuunsanahy cumar aad ayuu u naxay markaas ayuu yiri waaan soo baxayaa adigoo xanuunsan cidladaas na jooga kaama sii maqnaan karo
Kadib ayaan iri iska soo dhameeyso shaqadaada anig ayaa taqtar utagaya waana caafimaadayaa adiga ha ii walwalin. Wuxuu yiri cumar dhaqso oo u tag taqtarka jawaabtana ilasoo socodsii xbbti.
Waxaan iri waayahay waan kusoo wacayaa kadib ayaan baxay waxaana u tagay taqtar xanuunkii ihaayay ayaan uga waramay markaas ayuu iweeydiiyay inaan xaas ahay waxaan ku iri waxaan ahay xaas balse xanuun ayaa ihaayo ee iga daweey ninkii taqtarka ahaa ayaa igu yiri waxaan kaa baarayaa uur kadib ayaan ku iri maya wll uur malihi waan hubaaye xanuunada kale iga baar
Ninkii taqtarka ahaa wuu ila yaabay markaas ayuu yiri wll maxaa kaa qaldan aan ku baaro maadaama aad tahay gabar xaas ah ugu dambeyn markuu igu adkeeyay ayaan iri waayahay iga baar
Inta ninka dhaqtarka ah baaritaanka ku hoowlanaa waxaan islahaa muxuu iska daalinayaa uur maba lihide markuu taqtaqrkii xageeyga soo aaday waxaan sugi waayay inta uu jawaabta iga siinaayo..
Markaas ayuu yiri taqtarkii wll waxaad leedahay uur xanuunka kuhaayana waa ilmaha ma ahan xanuun kale !!
Waan aamini waaayay haddalka taqtarka markaas ayaan iri hadda makaa dhabaa kadib ayuu taqtarkii uu weli ila yaaban igu yiri wll maxaa kaa siya ma waxaad iska ilaalineeysay uurka oo naxtin ayuu kugu noqday?
Markaas ayaan iri maya wll iga raali noqo waxaan rabay inaan xaqiiqsado kaliya kadib ayuu yiri waa xaqiiq uur ayaad leedahay ku farax ama haku farxin waataas xaqiiqda aad rabtay inaad ogaato
Waxaan kala garan waayay halka aan joogo in xaafadii tahay iyo in aan hospital joogo markaas ayaan soo baxay guriga ayaana imaaday niyadeeyda waxaa ka dhaadhici waayay in aan uur leeyahay waxeey ila noqotay dhalanteed.
Isla markii waxaa isoo wacay cumar balse waan ka mashquulay saacado kadib ayaan wacay anigoo faraxsan oo rabo in aan la wadaago farxada cumar markuu iga qabtay ayuu yiri maxeey tahay mobilke igama aadan qabane waxaan iri isla markii aan taqtarka ka imid ayaad isoo wacday ana waxaan ku hoowlanaa nasiino iyo inaan dharka iska badalo
Kadib ayuu yiri wayahay muxuuu kaasoo sheegay dhaqtarka markaas ayaan iri sideen kuugu sheegaa waaban ka xishoonayaa wuxuu yiri ma waxaa jira xanuun laga xishoodo si fiican wax iigu sheeg markaas ayaan iri cudur la igama sheegin !
Kadib ayuu yiri cumar waa Khayr mar haddii aanan cudur lagaa soo sheegin lkn iisheeg waxa aad ka xishootay caawa. Markaas ayaan iri waan kuu sheegayaahe indhaha isku xir dhagta ayaan kuugu sheegayaa.
Markaasa yuu yiri cumar waan kaa raali ahay lkn guriga waxba darteey ha uga tagin waad sii joogi kartaa waxeey tiri farxiyo maya abowe horaanba hooyo ayaa igu qasbeeysay hadda se waan ka dhaadhiciyay inaan aado gurigeena markaas ayuu yiri wayahay abyo
Waxeey tiri iigu dhiib amiira kadib ayuu iigu dhiibay waxeey igu tiri abyo waa farxiyo waxaan rabaa inaad iska keey cafiso haddii aad wax uurka iigu haayso
Aniga waan qalbi jilicsanahy durbadiiba waan iska ilaaway caradii aan u haayay farxiyo waxaan iri abyo waan ku cafiyay adna iska key cafi. Kadib ayeey tiri waan ku cafiyay abyo halkii ayaana isku macsalaameeynay..
Lasoco part:18
Fadlan follow si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN 🕊❤️
Camal la qabto ilaahay wxu ugu jecel yahay salaada waqtigeda lagu dukado Lana ilaaliyoGabdho challenge aan sameeno oo salaada waqtigeda aan ku tugano 30 bari bal aan aragno isbadalka noloshena ku dhaco
Rajadii rumoowday part:16❤💍
Markii uu cumar igu yiri sooma quraacan waan farxay waana soo kacay markaas ayaan agtiisa soo fariistay intuu kacay ayuu quraacdii noo keenay markii aan quracanay ayuu yiri marka waan baxayaa xbbti macsalaama kadib ayaan iri waayahay xbbi iisoo dhaqso caawa waad ogtahay gurigan cidna ma joogto aniga mooyaane.
Markaas ayuu yiri waan soo dhaqsanayaa ha i daahsan waa uuna baxay cumar waxaan maalinta inteey dhamaaneeyso dhararaba waxaa la gaaray habeenkii gurigii waxan ku dareemay cidlo iyo cabsi waayo cidna gurigan igulama noola gabadhii daganeeyd qolka kalana cumar waxa uu iisheegay in ay safar jirto
Waxaan soo fariistay ilbaabka si aan cumar ugu sugo balse waan daalay sidaan u fadhiyay waxaan is iri malaha cumar hooyadiis ayuu toos u aadaye caawa yaakuu maqan waayo cumar hooyadiis waxeey moodaa inuu rerkeyga ii geeyay cumar
Waxaan halkii fadhiyaba waan isaga soo istaagay qolka ayaana soo galay waxaadba moodaa in daaqad waliba cidi iitaagan tahay cabsi fara badan ayaa igashay meel walba nalkii ayaan ushiday barxadii ayaana soo fariistay bal ineey cabsidu iga yaraato
Balse cabsidii ayaa saaid igu noqotay waxaan wacay mobilka cumar waxaan codka dhicitaanka cumar ka maqlay qolka fadhiga qolkii ayaan galay waxaan arkay mobilkii cumar oo miiska saaran waan soo qabtay ileen caawa dhan lambarka wacaayo guriga ayuu dhinac ka yaal oo saakay ayuu ilaaway
Waxaan fiiriyay bal dadka soo wacay maadaama callal fara badan ku yaaleen Waxaan arkay farxiyo oo dhoowr jeer soo wacday waan iska dhigay banaanka ayaana iska soo fariistay mar ayaan ku shalaaynayaa waxeey aheeyd inaad iska joogto gurigaas waayo cumar haddaa waa uu kuu imaan lahaa
Waxaan wacay telfonkii farxiyo waxaana ka wacay mobilka cumar isla markii waxeey i mooday cumar kadib ayaan iri cumar ma ahan ee ma aragtay isagii markaas ayeey tiri soo adiga haaya lambarkiisii anaguna waan waaynay xiligaan ayuu maqan yahay naa seed yeeshay wiilka ma meel baad ku qarsatay mise waa dishay'
Markii ay intaas tiri farxiyo waan ka xanaaqay waana ku jaray isla markii ayaan maqlay garaaca ilbaabkeyga aad ayaan u farxay waan soo orday ilbaabka ayaana furay anigoo aanan dhihin waa qofma balse nasiib waxa uu noqday cumar.
Farxad ayaan dareemay cabsidiina waan ilaaway kadib ayaan hap siiyay cumar waxaan iri maxaad ka wadaa sidaan intaan oo dhan maxaad u maqneeyd maqribkiiba ii imoow hadda kadib
Wuxuu yiri cumar waxaan kusoo daahay saxibkeey ayaa safar ka yimid meel baan fariisanayoo waxaan arkay xiligaan anagoo sheeko wadno waan ka xumahay inaan kaasoo daahay.
Markaas ayaan iri dhib maleh mar haddii aadba ii timid kadib ayuu yiri markale ilbaabka ha iska furin xitaa ima aadan weeydiin cida aan ahay waad iska furtay kaliya waxaan iri maqnaanshahaaga waaye cabsidii ayaa iga tan badisay wixii soo garaacaba adigaan ku moodaa
Markaas ayaan gudaha galnay markii aan casheeynay ayaan iri lkn maxeey tahay dharka iskama aadan badalin ana kuma weeydiin ma iga tagi rabtaa markaas ayuu yiri hee makula seexanayaa gurigaas ayaan rabay inaan aado adigana fiidkii ayaan kusoo marayaa xbbti
Waan isku naxay waxaan mooday inuu iga tagay kadib ayaan ku dhagay oo waxaan iri maya cumar sidee aniga meeshaan ugu hurdi habeen madoow midaas macquul ma ahan aniga igama tageeysid mana seexan karo meeshan kaligeey
Wuxuu yiri meeqo ayaan iska dhigaa wayahaye waxeey aheeyd inaan hooyo runta usheego waxaan iri waxba runta ha u sheegin anigaa xaq uleh inaad iwehliso waayo hooyo cidlo ma joogto kadib ayuu yiri lkn hooyo wiilkale lama joogo ogoow anigaa meesha wiil ka ah haddii aan halkaan kula joogo hooyo soow igama xumaaneeyso
Markaas ayaan iri waayahay iska bax iisoo ducey kaliya adkarta ayaan iska aqrisanayaa waxba ma noqonaayo insha Allah kadib ayuu yiri cumar kaagama tagi karo halkaan waan iskala kaa joogayaa hooyo subaxii ayaan aadayaa cidladan kaagama tagi karo.
Bisha dhalaty iyo xayawanka ka tarjumayoHadaba bishe dhalaty
😊
Me: NOVEMBER ❤️
Rajadii rumoowday part:15❤💍
Markuu igu yiri cumar waxaan ku rarayaa berito qalbiga ayaa ii dagay kadib ayaan iri waayahay haddii aan berito ka guuraayo guriga waan seexan karaa caawa ee na keen
Waxaan tagnay guriga balse sidii ayuu u furnaa oo lama xirin waayo cumar hooyadiis kaliya waxeey rabtaa inaan wiilkeeda uga fogaado maadaama aan ubad dhali waayay
Markaan ilbaabka ka galnay ayaan fiiriyay halkiii ay ku fiidsan jireen lkn weey xaroodeen anaguna waxaan iska aadnay qolkeena markii aan is iri seexo ayaan arkay cumar oo fikiraayo
Waan utagay markaas ayaan iri cumar iska dul qaado nolosheena ayaa sidaan iska noqotay balse waalaga baxayaa insha Allah kadib ayuu yiri cumar kaliya waxaan ka fikirayaa sidii aan uga dhaadhicin lahaa hooyo gurigan ayaan amiira ka rarayaa oo guri gooni ah ayaan dajinayaa
Markaas ayaan iri waa caadi waxba dhihi meeyso xbbi waanku baryaa gurigan ha igu celin berito aan ka guurno wuxuu yiri cumar waayahy kugu celin maayo wax aadan rabin subaxii markii aan soo toosnay markii aan tukadayba waxaan dul imid cumar kadib ayaan iri goormeen guureeynaa ? Cumar wuu ila yaabay telfonka ayuu soo qabtay saacadii ayuu fiiriyay markaas ayuu yiri xbbti ma waalatay xiligan waa habeen e. Quraacda iska sameeyso waagu si fiican ha noogu baryo.
Kadib ayaan iri waayahay jikada ayaan galay quraacdii ayaan iska sameeystay waxaan dhararsanahay xiliga aan ka tagaayo gurigan isla markii ayaan quraac u keenay cumar kadib ayaan haddane kiciyay waxaan iri kac oo quraaco waan baxeeynaa markaas ayuu yiri waayahay ee kalay adba quraaco kadib ayaan iri maya aniga waan qaadanayaa quraacdeyda guriga aan dagno ayaan ku cunayaa.
Kadib ayuu yiri waayahay ana markaas ayaan kula quraacanayaa ee noo qaad dhamaanteen gaariga alaabta qaadi lahaa ayaan wacayaa gaarigii ayuu wacay anaguna alaabtii ayaan diyaarinay gaarigii ayaa ugu dambeyn noo imaaday anagoo alaabta rareeyno ayeey dareentay cumar hooyadiis banaanka ayeeyna usoo baxday
Kadib ayeey weeydiisay wiilkeeda cumar maxeey tahay alaabtan aad rareeyso? Anoo naxsan oo isleh tollow muxuu dhihi doonaa ayuu yiri hooyo amiira waan kari waayay alaabteeda waan u rarayaa oo guriga hooyadeed ayaan u geeynayaa markaas ayeey tiri alaabta kala barta oo qeeybsada ileen waxeey moodaa inuu cumar i furi rabo kadib ayuu yiri maya hooyo waxba ka reeban maayo waan ku heshiinay'
Markaas ayeey tiri bal mar qura qod iidhaafi markaas ayuu yiri waayahay hooyo guriga ayaan la geeynayaa alaabta waan soo laabanayaa waxeey tiri waayahay ee soo dhaqso quraac ayaan kuusii diyaarinayaa adoo baahan shaqada ha aadin wuxuu yiri waayahay.
Markii aan gurigii tagtay alaabtii ayaa naloo dajiyay gurigii ayaana dhiganay markii aan bognay waxaan soo diyaariyay quraacdii markii aan faraha soo dhaqanay ayuu yiri amiira laba mar miyaan quraac cunayaa maanta markaas ayaan iri balan ayaad iga qaaday ila cun hadda hooyana la cun waad cayileysaaye
Kadib ayuu yiri xbbti cayil marabo ee kaligaa iska cun hooyo igama yeeleeyso waan soo quraacdaye anigoo qarsanaayo caradeeyda ayaan iri waayahy iska bax markuu ilbaabka ka baxay ayaan quraacdii iska dhigay markaas ayaan is iri cumar xitaa inuu in yar kula cuno waa uu awooday balse wuxuu ka door biday inuu anoo baahan iga tago quraacdii waan iska daboolay sariirta ayaana iska seexday.
Hurdo ayaa ila tagtay waxaan ku kacay cumar oo qolka gees ka fadhiyo markaas ayuu yiri iga raali noqo xbbti hurdo miyaan kaa kiciyay waxaan iri maya lkn maxaa kusoo celiyay?
Markaas ayuu yiri waxaan ogaa in aadan quraacaneeynin waayo waan dareemay inaad ka xumaatay tagida aan kaa tagay adigoo aanan quraacay balantiina waan kaaga baxay
Kadib ayaan iri waa caadi hadda soow soma quraacan? markaas ayuu yiri maya waxaan iri maxaa dhacay aaway quraacdii laguu reebay kadib ayuu yiri waxaan tagay guriga balse hooyo weey ka maqneed waxaa leey sheegay in hooyo meel aaday jikada ayaan galay waxaan arkay farxiyo oo quraac diyaarisay
aheeyn waayo marabo in aan hooyo qalbi jabiyo sidaas darteed ayaan hadalada kulul kuu iri
Kadib ayaan iri si aad hooyadaa u farxad galiso darteed wax walba ayaad u sameeysay ana sdkle si aan adiga farxad iyo jaceyl kaaga helo wax walba ayaan usameeyay cumar bas intaan ka badan waan daalay dhulka ayaana iska fariistay markaas ayuu cumar igu yiri iga raali noqo waddo ayaan kaa dhigtay waan dareemayaa balse balantii aan kaa qaaday waa halkeedii kaama murjinaayo caawa jiliinka ayaa ila fogaaday.
Markaas ayaan iri hyh hadda maxaan sameeynaa aniga gurigaas waan karaahsaday kadib ayuu yiri amiira waanku baryaa hooyadeey ha karaahsan oo ha nicin waxaaan iri lkn kuma dhihin hooyo ayaan karaahsaday ee guriga ayaan ku iri kadib ayuu yiri cumar wax walba waan dareemi karaa ee na keen waxaan iri xageen aadnaa wuxuu yiri guriga ayaan aadeeynaa lkn beri to waan kaa rarayaa oo guri ayaan kuusoo diyaariyay ee caawa kaliya ayaad joogeeysaa ha iga diidin...
Lasoco part:15
Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
Rajadii rumoowday part:13❤💍
Waxaan iri cumar waxaad itiri markale kuma xumeeynaayo waayahaye hooyo sideen yeelnaa waad og tahay ineey idisho ayeey rabtaa nolosha ciriiri ayeey nagu noqotay cumar:
Markaas ayuu yiri cumar waa runtaa hooyo weey adag tahay si wax looga dhaadhiciyo mana aqaan waxaan sameeyo waxaan iri ma aqaan waxaan sameyo maxeey tahay cumar wax uun samee sidaan xal ma ahan aniga sidaan kuma noolaan karo kadib ayuu yiri cumar hal figrad ayaan hayaa waxaan iri maxeey tahay iisheeg haddii ay wanaagsan tahay waan sameyneynaaye
Markaas ayuu yiri gurigan waan kaa rarayaa guri ayaan kuu kireeynayaa halkaas iska daganoow kadib ayaan iri oo guriga cidlada ah maxaan ka sameeynayaa wuxuu yiri cumar anigaa kula joogaayo cidlo ma dareemeeysid markaas ayaan iri waayahay beriba guri inoo soo diyaari xbbi.
Cumar waxa uu yiri waayahay subaxii ayuuna baxay aniga waxaan ku juraa difaac oo waxaan is leeyahay cumar hooyadiis adigoo iska jireeyn ameeyba meel xun kugu dhufataa
maalintii oo dhan guriga ayaan isaga jiray iyaduna iima imaan codkeeda oo kaliya ayaan maqlaayay waayo marabo inaan la dagaalo cumar hooyadiis maadaama ay tahay hooyadeey oo kale waan xushmeeynayaa.
Duhurkii ayuu cumar isoo wacay markaas ayuu yiri hooyo makuu timid waxaan iri maya cidna iima imaan kadib ayuu yiri hooyo saaky iyadoo huruda ayaan tagay haddane telfonka igama qabaneeyso weey iixanaaqsan tahay ayaan filayaa
Markaas ayaan iri waad ogtahy xalay iyadoo careeysan in ay seexatay ee raali gali hooyo wuxu yiri maxaan raali galiyaa igamaba qabaneeyso markaas ayaan iri igama qabaneeyso maxeey tahay qofka kaa xanaaqsan waa hooyadaa ma ahan gabar aad sheeko wadaag tihiin ee u imoow hooyadaa.
Kadib ayuu yiri bas iga dheh dhulka ayaadba ila jartay baye caawa ayaan imaanayaa markaas ayaan iri gurigii masoo diyaarisay kadib ayuu yiri markaan imaado ayaan kaaga sheekeeynayaa. Fiidkii ayuu cumar ilbaabka soo garaacay balse waxaanba waayay cid ka furta horaan markuu soo garaaco cumar hooyadiis iyo caruur guriga joogtayba weey ukala hor mari jireen
Maadaama iyagu ilbaabka hortiisa ku fiidsadaan aniguna aan gadaal daganahay haddane waan maqlayaa garaaca ilbaabka markuu daalay ayuu isoo wacay markaas ayuu yiri ilbaabka maxaa loo furi waayay caawa waxaan iri anigaa kaa furaayo ee isug waxaana soo aaday xaga ilbaabka waxaan arkay ilbaabkii oo quful lagu xiray waan la yaabay
meesha Waxaa fa fadhiyo caruurtii iyo cumar hooyadiis caruurta waxaa dhalay cumar walashiis ka weeyn caruurta cumar aad ayeey ujeclaayeen gabar yar ayaa soo istaagtay xageeyga ayeeyna soo aaday markaas ayeey tiri habaryar guriga waala xiray ma aragtay abti cumar ka fur ayaan maagay lkn waan furi waayay caawa dhan abti ilbaabka ayuu taagan yahay:
Markeey intaas maqashay cumar hooyadiis ayeey soo oroday gabadhii ayeeyna gacanta qabatay oo ay waday qolkeeda ayeeyna gashay markaas ayaan cumar ilbaabka kala hadlay wxaaan iri cumar ilbaabka hooyo ayaa xirtay quful ayaa saaran maxaan kuu sameeyn karaa
Markaas ayuu yiri iga fur ku dheh weey kaa furiye markaas ayaan ilbaabka ugargaraacay inteey soo baxday ayey igu tiri maxaad u baahan tahay waxaan iri banaanka ayaan rabaa ilbaabka qufulka ka fur kadib ayeey igu tiri ogoow mar haddii aad ilbaabka ka baxdo kuma soo laaban kartid waxaan iri waayahaye bal mar kaliya fur. Anigu marabo inaan baxo balse kaliya waxaan rabaa inuu cumar guriga soo galo...
Lasoco part:14
Fadlan #follow and #share si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
Rajadii rumoowday part:11❤💍
Waxaan iri dhaawac aad iigeeysan laheeyd oo ii dhiman majiro haddane raali noqo xitaa kaama haayo markaas ayuu yiri cumar amiira muran ayaa kaasoo haray naga jooji intaan ka badan hadalka maala yacniga ah
Hadalkaas aad ayuu iixanuujiyay waxaadba moodaa hadalada qalafsan in uu cumar aniga iigu dan leeyahay markaas ayaan iri cumar waan ujeedaa inaad iska keey nacday waxaan rajeeynayaa in aad qaladkaaga dareemi doontid maalin uun
cumar banaanka ayuu u baxay waxaan maqlay qeeylo iyo sawaxan banaanka ka socdo waan soo orday waxaan usoo baxay banaanka waxaan indhaha saaray cumar oo cel celinaayo hooyadiis oo mindi wadato waayo aniga waxaan ilaaway in cumar hooyadiis aad u jeceshahy oo gacantiisa ayaan dhaawac u geeystay'
Cumar hal gacan ayuu ku celinayaa hooyadiis aad ayaan unaxay xagooda ayaan soo aaday markaas ayuu cumar si kor ah ii yiri xageed usoo socotaa orodaa guriga soo xiro intaan ka badan hooyo ma celin karo
kadib ayaan iri waayahay guriga ayaana isku soo xiray cumar hooyadiis mindi ayeey ilbaabka iila soo fariisatay cumarna wuu soo ag fariistay aniga darbiga ayaan taaganahy waxaan ka shalaaynayaa maxaad cumar u dhaawacday maxaa kuu geeyay
waataa hooyadiis baad isku dirtay isagana waad iska sii fogeeysay waxaa la gaaray xili dambe maamadii weey daashay weeyna iska tagtay iyadoo dhaaraneeyso markaas ayaan ilbaabka furay cumar oo halkii weli fadhiyo ayaan utagay markaas ayaan iri cumar iga raali noqo waan cidlooday guriga soo gal waanku baryaa markaas ayuu yiri waayahay qolka ayuuna soo galay sidii ayaana usoo xirtay.
Waxaan waayay mobilkeygii markaas ayaan iri cumar waxaa iga maqan mobilkeyga iiwac oo iiraadi intuu wacay ayuu meel aan noo dheereeyn ka maqlay dhawaaqiisa intuu istaagay ayuu ii doonay markuu soo qabtay ayuu daqiiqado fiirinaayay waan yaabay markaas ayaan iri waad aragtay bee iska jar marka oo isii maxaad utaagan tahay'
Waxaadba moodaa in aanu haddalkeyga maqleeynin cumar waan soo istaagay kadib ayaan u imaaday waxaan arkay isagoo fiirinaayo mobilkeyga intuu ka noqday ayuu hal mar hab isiiyay waan la yaabay haddane waan ku fartay indhaheyga ilin ayaa ka qubatay farxad daraadeed
Kadib ayuu yiri iga raali noqo amiira waanku fahmi waayay qalbigaaga ayaana dhaawacay waxaan burburiyay farxadaada iyo kalsoonidii aad igu qabtay anigoo aad ufaraxsan ayaan iri cumar aniga wax walba waan udul qaadan karaa balse uma dul qaadan karo adiga inaad iga fogaato xitaa uma dulqaadan karo inaad hadal kulul igu tiraahdo.
Kadib ayuu yiri ma dareemi kartaa caawa waxa qaladkeyga idareensiiyay markaas ayaan iri maya ma ogi iisheeg xbbi ..
Markaas ayuu yiri waxa kaliya ee i badalay waa Magaca aad ku qoratay lambarkeyga markii aan arkay Magaca kuugu qoran lambarkeyga waxaan dareemay in aan ku xumeeyay aniga waliba dhaawac aan kuu geeystay ma aheeyn inaan sidaan kuula dhaqmo waan ka qooma meeynayaa..
Lasoco part:12
Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️🕊
Sheekada malasocotaa? 🤔 haddii ay jawabtda tahay Haa like saar mahadsanid siina share gareeya 🖤
Читать полностью…SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN
QAYBTA 3AAD.
Barwaaqo wey awoodi weysay inay jawaab siiso Cadnaan saaxiibkiis, jawaab waqti xaadirkaas ku haboona uma aysan heynin, ayadoon wax qoraal ah la sii wadaagin ayey qadka isaga baxday, waxeyna bilowday inay su'aalo iska weydiiso sida ay wax u socdaan, tolow ma qorsho ay Cadnaan iyo saaxiibkiisa kuu dageen baa?, mise Damac ayaa ninkaan qaaday oo ku kallifay inuu kugu soo xad gudbo?, iyo su'aalo kaloo aan la soo koobi karin ayaa Barwaaqo maskaxdeeda ka dhex guuxayay, walow su'aal walba aysan jawaab u heyn, haddana waxey go'aansatay inay sheekadan gunteeda hoose ka sal gaarto, si ay u ogaato wax walba oo ay tahay xaqiiqda, walow aysan howl yareyn, una sahlaneyn sida loogu fakaro, ugu dambeyn waxay go'aansatay kuna qasbanaatay, inay wax walba oo dhacay Cadnaan u sheegto, si ay wax dareen ah uga dheehato Cadnaan iyo saaxiibkiisa waxa dhex mari doona, halkaasoo ay kaga qiyaas qaadan karto in sheekada leysla ogaa iyo in kale, laakin waxay ilowsaneyd su'aalaha iyada ku soo noqon kara, iyo waxay kaga jawaabi laheyd.
Barwaaqo kama laba-labeyn inay dhaqan geliso go'aankeeda, si dhaqsi ayey Cadnaan u wacaday, uguna sheegtay wax walba oo dhex maray iyada iyo saaxiibkiisa, iyo inuu jaceyl u soo bandhigtayba, ka dibna iyadoo is yara xanaajineysa, ayey telkii ku jartay, si ay dareen kulul ugu beerto Cadnaan, una gaarto hadafkeedi ahaa inay kala saarto labada wiil inay isla socdaan ama ay kala socdaan.
Cadnaan dhankiisa ayuu la yaabki ku soo haray, balse sidii ay Barwaaqo fileysay Cadnaan uma uusan kululaan, waayo wax walba waxaa ugala weynaa, qaabka ay ula hadashay iyo inay telka si xushmad la'aan ah ugu damisay, iyadoon sugin jawaabtiisa.
Dhanka kale Cadnaan saaxiibkiisa ayuu qaladka saaraa, mise Barwaaqo ayuu u aaneeyaa wax walba oo dhacay, wax badan oo fakar ah ka dib, markuu dhinacyo badan wax ka eegay, Cadnaan wax walboo dhacay wuxuu eedeeda dusha kaga tuuray Barwaaqo, walow uu ogaa in saaxiibkiisna qaldanaa, hadana qaladka ugu weyn Barwaaqo ayuu ku tuhmay, isagoo naftiisa u sharaxaaya sababahan dartood inay Barwaaqo tahay qofka qaladka ugu weyn leh, tolow sidee Barwaaqo ayadon qalad gelin, wax qiyaano ahna aan sameyn eeda sidaa u weyn ugu lahaatay?, maxayse tahay arrimaha Cadnaan uu u cuskaday eeddan uu Barwaaqo dusha kaga tuuray?.
Cadnaan wuxuu wax badan fakaro, su'aalo badana is weydiiyo, waxaa u soo baxday in saaxiibkiisu uu qiyaamay, hayeeshee qaladka ugu weynba ay Barwaaqo tahay qofka uu ka tabanaayo. Cadnaan asagoo deganaan muujinaya, ayuu Barwaaqo telkeeda wacay, una sheegay qofka uu ku kalsoonaa, kuna aaminay naftiisa inay iyada aheyd, ee uusan saaxiibkii aheyn, wax walbana inay la socodsiiso ka hor inta uu xaal sidan noqonin aheyd, balse ay kaalinteeda gabtay, sidaasna ay ku tahay qofka isaga qaladka ugu weyn ka galay.
Hadaan idiin sharaxo qaladka Barwaaqo ay gashay wuxuu yahay, inay saaxiibkii la aheyd sheeko wadaag, mar walbana la xiriiri jirtay, ayadoo intaasoo dhan Cadnaan aan u sheegi jirin, maanta markay xaaladu jaceyl isu rogtay, ayey wax walba banaanka soo dhigtay, taasoo qalad ah marka loo eego lammaane uu xiriir jaceyl ka dhexeeyo.
Run ahaantii Cadnaan saaxiibkiis qalad kuma lahan inuu jeclaado dumaashidii, waayo jaceylka qof walbaa wuu furan yahay, inkastoo laga wanaagsanaa inuu jeclaado gabar loo baray inay u tahay dumaashi.
Caadiyan qofka wax jecel wey ku adagtahay, inuu jaceylkiisa u bandhigo qofka uu jecel yahay, haduusan kalsooni ka heysan ama aysan sheeko iyo kaftan dhex marin qofka uu jecel yahay, si uu jaceylkiisa tixgelin ugu helo, ileyn qofka aad jeceshahay haddii aadan weligaa la hadlin, ma ahan wax sahlan inaad jaceyl u bandhigato, Barwaaqona waxay ku qaldaneyd inay kalsooni xad dhaaf ah siisay qof aan aheyn Lamaankeeda, taasoo marka laga eego dhanka xeerarka Caashaqa noqoneysa, qiyaano aad u weyn, sidaa ayeyna Barwaaqo ku noqotay dembiilaha koowaad.
SHEEKO: BARWAAQO IYO CADNAAN
QAYBTA 2AAD.
Barwaaqo wax badan kumey qaadan inay Cadnaan ka qabato telka, bariidin iyo is xaal wareysi ka dib, Barwaaqo buu warkii ku soo haray, ileyn Cadnaan asaga hadalba wuu ku adkaaday, misana wuxuu ogaa inuu qalad galay oo uusan xitaa u sheegin inuu Nabad tegay, sidaa darteed xaalad uu ka hadli karaba uma aysan furneyn, laakin Barwaaqo ayaa si xarago leh su'aalo dhowr ah oo eedeyn iyo canaanba isugu jira wejiga kaga dharbaaxday Cadnaan, su'aalahaas oo ay ka mid ahaayeen
Miyaad ii quuri weyday inaad ugu yaraan fariin xitaa iigu sheegto inaad nabad tagtay?. mise waxaad tahay dadka marka ay safraan asxaabtooda ilooba?, waad i ilowdaye maxaad haatan ii soo wacday?), iyo kuwo kale oo Cadnaan wejigiisa dhidid ka soo yaaciyay.
Cadnaan cirka iyo dhulkaa la wareegay, jawaab waafi ah uu ku qanciyana runtii ma uusan heyn, waxaan mar marsiimo iyo waan mashquulsanaa iyo raali gelin iyo cafis dalbasho aheyna Afkiisa waa laga waayay.
Barwaaqo iyadoo yaaban, ayey raali gelintii qaadatay, oo ay isaga qanacday, ileyn asxaab un bey ahaayeen aan xiriir sii fog ka dhexeyn, ma ahane mid kalaa heshay iyo waad iga maarantay iyo maseer iyo dagaal bey sheeko isugu aruuri laheyd.
Dagaalkii qaboobaa halkaa ayuu ku idlaaday,
Is xiriirin iyo wada sheekeysi dheer ayaa wixii maalintaa ka dambeeyay bilowday. Ugu dambeyn Cadnaan howshiisii wey u soo gebo gabowday, dib ayuuna magaaladiisii ugu soo laabtay.
Xilli Duhur iyo Casar dhexdooda buu gurigiisi ku soo beegmay, laakiin nasiib wanaag, wuxuu guriga ugu yimid Barwaaqo oo walaashiisa saaxiib la aheyd, buugna ka soo doonatay, maadaama ay isku iskuul ahaayeen, Alla muxuu nasiibku mararka qaar kugu beegaa waqti aad u baahan tahay adigoon hadana ka war qabin, Salaan iyo Marxabeyn ka dib, Cadnaan wuu fariistay, caruurtii gurigana, Boorso iyo Agab wuxuu Cadnaan watay ayey ku yaaceen, iyagoo hadiyado iyo wax la mid ah ka raadinaya, balse Bzrwaaqo oo ah gabar ilaahey garasho iyo ixtiraam u dhameeyay, naxariistana aad moodo inay astaan u tahay, ayaa dareentay in Cadnaan daal ka muuqdo, isla markiina koob biyo ah ayay ula soo carartay, Cadnaan markuu ka gudoomay Biyihii, ayuu markii ugu horeyay qalbigiisa ka dareemay in Barwaaqo dhankeeda uu u badan yahay, maalintaasna Cadnaan wuxuu u ahaa maalin uu ku qortay buugiisa taariikhda.
Cadnaan maalinba maalinta xigtw, waxaa ku sii faafayay jaceylkii Barwaaqo, balse uu xishood iyo cabsi ay ka hortaagneyd inuu u bandhigto, maadaama uu Barwaaqo iyo familkeeda uu ixtiraam iyo qadarinba u hayay, laakin waqtigaa Cadnaan si wanaagsan u caawiyay, maadaama habeen habeenada ka mid ah uu massage salaan ah oo dhanka internetka ah uu Barwaaqo ka helay, halkaas oo ay sheeko dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ay ku dhex martay, laakiin ugu dambeyn muhiimada ayaa leysugu yimid, Cadnaana wuxuu helay fursad uu isaga dejiyay culeyskii ku rarnaa, isagoo wax walba u cadeeyay Barwaaqo, una soo bandhigay arrimihiisa oo dhan, balse maxay Barwaaqo jawaab uga dhigtay? Sidee ayuuse noqday dareenkeeda?.
Barwaaqo la yaab kumey noqon waxa kaga yimid Cadnaan dhankiisa, waxaadna moodaa inay hore u sii ogeyd, waayo xaaladan oo kale marka ay gabdhaha ku jiraan, inta badan waa kuwo fajac iyo amakaag ay la juuq gabaan, waan ka soo fikirayaa, iyo waad igu kedisay, iyo waxyaabo la mid ah ayaa gabdhaha inta badan lagu yaqaanaa inay arrimahan oo kale jawaab uga dhigaan, balse Barwaaqo wey ka geddisneyd, malaha xan baa u horeysay, ama dareen ay waa horeba Cadnaan ka sii aragtay, balse iyadoo deganaan iyo isku kalsoonaan ay ka muuqato, ayey bilaa shuruud iyo sabab la'aanba ku aqbashay, maadaama ay in badan Cadnaan garaneysay.
Cadnaan baalasha farxadeed ee buugga taariikhdiisii ayaa u furmay, iyo bogag cusub oo lagu keydiyo waxyaabo ay ka mid yihiin qisadan aan hada idiinkaga sheekeynaayo, waxa kaliya aan anagu qiyaasi karnana waa in habeenkaa Cadnaan iyo hurdo kala fogaayeen, waxaan u shallaayana waa inaan habeenkaa Cadnaan agtiisa ka fogaa, waayo wax walba aan ka dalbado si fudud ayaan uga heli karay, lkn taas waxaa iiga farxad badan, maadaama uu
Rajadii rumoowday part:20❤💍
Waxaan iri marka hore soo gal gudaha kadib lee idheh waxaa doonto markiii uu gudaha soo galay ayaan fariisanay qolka fadhiga markaas ayuu yiri cumar amiira indhahaaga isku xir kadib ayaan iri maxaa dhacay anoo indhaha xirin isii waxaad isiin rabto wuxuu yiri maya isku xir marka hore kadib indhaha ayaan isku xiray'
Wax yar kadib ayuu yiri hadda waad kala furi kartaa indhaha halmar ayaan indhaha kala furay anigoo dhararsan hadyada uu cumar isiin rabo waxaan indhaha saaray dahab aad u qurux badan iyo ubax gaduudan aad ayaan uga helay markaas ayaan ubaxi ka qaatay cumar hab ayaana siiyay kadib ayaan iri cumar waad mahadsan tahay farxad badan ayaad isiisay nolosheyda adigaa iftiimiyay ' markii aanfariisanay ayuu yiri cumar lkn dahabka miyaad iloowday markii uu sidaas yiri ayuu dahabki igu soo dhacay markaas ayaan soo qabsaday kadib ayaan iri maya ma ilaawin xbbi sideen u ilawaa hadyad aad adigu iikeentay.
Markaas ayuu yiri cumar amiira waanka helay hadyada aan kuu keenay mid waa dahab oo waxaan kusoo iibiyay lacag fara badan lkn ubaxa waxaan soo siistay wax aad u yar haddane waxaan filaayay inaad ku hormari doonto dahabka balse ma aysan noqon sidaas oo waxaad durba qaadatay ubaxii taas waxaan ka helay farxad waayo waxaan ogaaday in aadan marnaba maal igu doorsaneeyn jaceyl dhabana aad ii qabto ana waa balan inaan ku dhoowrto inta aan noolahay amiira kaliya ma tihid xaaskeyga ee waxaa tahay sababta farxadeeyda quruxda nolosheeyda iyo xasiloonida nafteyda
Markaas ayaan iri lkn cumar ma fileeyn in ragu halkaas wax ka eegaan bal kwrn haddii aan dahabka qaadan lahaa ubaxana meeshiisa ku ilaawi lahaa maka xumaan laheeyd? Kadib ayuu yiri maya marnaba kaama xumaanaayo adiga wax walba waan kuugu dulqaadan lahaa.
Kadib ayaan iri mahadsanid lkn ma ogtahay hooyo inaa timid markaas ayuu yiri maya ma oga hadda ayaan aadayaa markii aan nasto kabacdi waxaan iri waayahay
Cumar hooyadiis gurigeeda ayuu ugu tagaa balse aniga ma aado iyaduna iima timaado ilmaheygi waxeey gaareen 8 bilood waan cuslaaday heer waxaan gaaray in aan cumar adeega udirsado iina soo adeego cumar hooyadiis waxeey maqashay inaan uur leeyahay waxeey cumar ku tiri gurigaaga igeey amiira ayaan soo arkayaa cumar wuxuu yiri waayahay isagoo an iisheegin ayuuna soo waday hooyadiis
Aniga waxaan iska joogay guriga halmar ayaa leeygu soo garaacay guriga durba waxaan soo aaday xaga ilbaabka waayo waxaan filayaa inuu cumar yahay maadaama aaney cidkalaba meeshan igu soo booqan waxaan indhaha saaray cumar iyo hooyadiis oo ilbaabka taagan
gudaha ayeey usoo galeen waan salaamay waxaan damcay inaan ka qariyo ilmaha ku jira caloosheeyda balse maba ahan wax qarsoomaayo markaas ayeey tiri amiira iiwrn? Waxan iri waan fiicanhy hooyo alxm wax dhiba majiraan markaas ayeey tiri adinku waad iga soo fogaateen balse aniga waxaan ahay waalid oo waan idin soo raadiyay
Markaas ayaan iri waan ka xumahay hooyo inaan kusoo raadin waayay koley cumar isma moogaatiine markas ayeey tiri adiga xaq baad uleedahay in aadan isoo raadin waayo gurigeyga ayaan kaasoo eryay balsw maanta waxaan rabaa inaad i cafiso kadib ayaan iri maya hooyo aniga cidna uma careeysni calool ku qaadna ma aqaan durbabiida waan ilaaway wixii na dhex maray'
Markaas ayeey tiri waad mahadsan tahay hooyo waan kuu duceeyay ubadka aad dhashana kuwo sidiina u hagaagsan Allaha ka dhigo wiilkeyga cumar iyo adigaba waxaan rabo ayaan idin iri haddane waxaad iila dhaqanteen sidii dad aan wanaajiyay oo kale wiilkeyga cumar iyo adigaba waan idiin duceeyay adinkuna iska keey cafiya weeyna baxday cumar hooyadiis.
Markaas ayuu yiri cumar amiira waan aamini la.ahay nolosheena sideey isku badashay illahey awood badanaa !!
Markaas ayaan iri hala yaabin cumar Alle waa naxariis badane cidii wax weeydiisatana wuu siiyaa waxaa macquul ah ineey kaasoo daahaan balse waxaan aaminsanahy inaad heleeyso aniga wax badan ayaan Alle noo weydiiyay farxad bal fiiri maanta farxada aan helnay Alxmdulilah sabarkeeni kuma qasaarin cumar kadib ayuu yiri waa runtaa amiira Alle ayeey mahad usugnaatay!
Markaas ayuu yiri waan isku xiray xitaa afka ayaan kudarayaahe iisheeg intaan ka badan ma sugi karo xbbti kadib ayaan iri aabe ayaad noqotay cumar !!
Markas ayuu cumar cabaar aamusay waan naxay markaas ayaan iri cumar kuma farxin miyaa arintaas kadib ayuu yiri farxada aan faraxsanahy waxaan umaleeynayaa in cid haaysataa dunida saarneeyn
caawa haddii aan kula joogi lahaa waa dareemi laheeyd laabteyda ayaana ku galin lahaa waxaan dhararsanahay inta aan kuu imaanaayo amiira !
Lasoco part:19
Fadlan #share gareeya #like badana saara mahadsanidiin
"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.
JOIN US 🫵👇❤️💯
OGAALBULSHO" rel="nofollow">http://www.youtube.com/@OGAALBULSHO
Rajadii rumoowday part :17❤💍
Wuxuu yiri cumar amiira maxaa dhacay miyaad cabsatay markaas ayaan iri maya cumar riyo farxad leh ayaan arkay kadib ayuu yiri iisheeg xbbti farxada ila wadaag aan kula farxee waxaan iri cumar waxaan ku riyooday anigoo ilmo mataano ah dhalay sidaas ayaana u farxay hurdadiina waanba ka toosay'
Kadib ayuu yiri Allaha inoo rumeeyo riyadaas waan ogahay midaas waa rajadeena ugu weeyn nolosha ee aan sugeeyno waan rajeeynayaa inaan aabo noqdo waliba caruurtaas aad adiga hooyo unoqoto
Habeenkii waxa uu ila noqday maalin farxad aawadeed anigoo og ineey waxaan riyo yihiin ayaan haddane ku farxay Sdkle cumar waa uu ku farxay riyadaas markaas ayuu yiri cumar hadda seexo beri ayaan sheekeeysan doonaa kadib ayuu seexday'
Aniga waan fikiray waxaana go.aansaday in aan Alle weeydiisto inuu riyada farxada leh iirumeeyo weeydiistana ubad baari ah waan soo kacay waan soo weeysa qaatay saliga ayaan soo qaatay waxaana tukaday laba rakco oo salaad suno ah waxaan iri rabiyoow ii rumee riyadeeyda iyo wax walba oo wanaagsan ee quluubteyda ku juro jiifkeeygi ayaana ku laabtay'
Subaxii ayaan soo toosay subaxan waa uu ka duwan yahay subaxyadii kale oo anoo faraxsan ayaan soo toosay waayo rajadeeydii ayaa riyo isku badashay berina waxaan rajeeynayaa ineey run isku badasho
Waxaan galay jikada sidii caadada aheeyd quraacdii ayaana soo diyaariyay halkii ayaana ku quraacanay aniga iyo cumarkeyga markii waxa uu aaday hooyadiis waxaana ay weeydiisay halka uu ku dhaxay wuxuu runta ka qariyaba waxa uu yiri hooyo amiira ayaan jiray markaas ayeey tiri oo amiira guriga hooyadeed miyaad la joogtay sow midaas ceeb ma ahan wuxuu yiri maya hooyo guri ayaan dajiyay
Farxiyo oo agtaagneyd naxtin ayeey la hadli weeyday maadaama ay rabtay in leey furo aniga markaas ayeey tiri cumar ma waalatay inaad caruur dhasho marabtid miyaa oo aad aabe noqoto kadibayuu yiri cumar waan doonayaa lkn maxaad ii weeydiisay su.aalsha noocaas ah ?
Markaas ayeey tiri amiira mudo badan ayaad is qabtaan waxne dhali meeysee maxaa ku daba dhigay kadib ayuu cumar carooday waxa uunu yiri su.aalaha noocaas oo kale ah ha iila imaan aniga walshey baa tahy waxba kuma dhihi karo fadlan ka bax arimaha ii qaaska ah aniga
Cumar hooyadiis ayaa tiri cumar sidaas ha ula hadlin gabadha runta ayeey kuu sheegtay runta miyaa ku gubeeyso bal orod oo soo quuso waan sugayaa waxa aad kala kulanto amiira faaido kuuma leh ee iskaga har waan kaa waayay balse adigaa iskaa uga hari doono
Markaas ayuu yiri cumar hooyo aniga ha igu colaadin nolol aanan rabin amiira waan jeclahy hooyo haddii aad farxadeeyda rabto amiira iigu ducee waxaan rabaa inaan agteeda ahaado iyaduna igama maaranto!
Kadib ayeey tiri waan kuu deeynayaa balse waxaan kugu darayaa farxiyo si aad uhesho caruur aad aabe u noqoto markaas ayuu yiri hooyo iyada mala hubaa ineey horay ka dhaleeyso caruur?
Markaas ayeey tiri farxiyo waa gabar aan jeclahy waliba adiga ayaan kula jeclahay waana iskugu kiin duceeynayaa kadib ayuu yiri cumar hooyo maantaba amiira iigu duceey iyada farxadeeyda ah farxiyo waa wlshey amiirana waa xaaskeyga wuuna kasoo tagay
Mar labaad ayuu isoo maray waxaan ka dareemay isbadal markaas ayaan iri cumar yaa kaasoo careysiiyay xbbi intaanu ii jawaabin ayuu soo dhacay kadib ayuu yiri iisug farxiya isoo waceeyso waxaan iri waan maqlayaa ee iigu fur codka wuu qabtay Kadib ayeey tiri farxiyo cumar abowe inaan kula hadlaan rabay mashqul miyaa tahay? Kadib ayuu yiri maya soo hadal waxeey tiri waxaan rabaa inaan kaa raali galiyo hadaladii maanta gadaala ayaan ka ogaaday inaan qaldanahay
Runta waxeey tahay aniga waxaan rabay inaan nolosha wadaagno balse midaas waan ku qaldanahy inaan haweeysto maanta laga bilaabo wlltinimadeena wax ka badan ma hamin doono adiga iyo amiira inaad farxad heshaan ayaan idiin rajeeynayaa maanta laga bilaabana gurigeena ayaan iska aadayaa macsalaama
Kadib waan seexanay markii aan hurday ayaan ku riyooday anigoo dhalay laba wiil oo mataano ah runtii isla markii ayaan soo kacay farxad daraadeed waxaanba mooday run ineey tahay haddane waxaan arkay in aay riyo tahay
Cumar ayaa igu kacay anoo fadhiyo markaas ayuu yiri maxaa dhacay amiira ma cabsatay markaas ayaan iri maya riyo farxad leh ayaan arkay.
Lasoco part:17
Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
Bisha dhalaty iyo xayawanka ka tarjumayoHadaba bishe dhalaty
😊
Me: NOVEMBER ❤️
markaas ayeey tiri cumar quraac ayaan kuu keenayaa qolka fadhiga tag ana waxaan rabay kaliya in aan hooyo soo qanciyo maadaama aay hooyaba joogin farxiyo waxba iigama xirna aniga adiga farxadaada ayaan rabaa..
Lasoco part:16
Fadlan follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️
Impact waa mid kamida xirfada ugu fudud online lacag kaga samey karto maanta Adoo wadanka jooga
Adoona wax gadin kaliya Sig up lacag ku sameyna.
Wax kaaga baahan malahan website ina lahaato kaliya waa in aad tahay qof diyaar u ah in uu dhiso mustaqbalkisa
Hadii aad u baahan tahay in laguu sameeyo
Impact approval✅
Waa diyaar
Nagala soo xiriir WhatsAppkan
👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇
https://wa.me/252612857940
Rajadii rumoowday part:14❤💍
Waxaan iri aniga ayaa raba inaan baxo ee ilbaabka iga fur waxeey tiri waan kaa furayaa balse iguma soo laaban kartid mar haddii aad baxdo markaas ayaan iri muranka naga dhaaf ee fur guriga markii aan intaas iri cumar hooyadiis weey xanaaqday qeeylo iyo baroor ayeyna isku dartay
kadib ayaan is iri u dhawoow oo bal ka raali gali waxaad tiri markaas ayaan iri iga raali noqo hooyo waan dag dagsanhay iyaddoo aad u careeysan ayeey igu soo booday dhulka ayeeyna igula dhacday lug ayeey wax ka gaareen aniga waxba ima gaarin balse iyadda ayaan ka naxay taah iyo qeeylo ayeey bilaawday
furahii ayeeyna faraqa kasoo saartay oo waxeey kusoo tuurtay agteeyda intaan qaatay ayaan ilbaabka ka furay cumar Markaas ayaan iri cumar soo gal xbbi aniga hortiisa ayaan taagannahay waxaan arkay cumar oo aanan soo galeeynba ileen waxa uu arkay hooyadiis oo dhulka taale waa uu naxay intuu kusoo orday hooyadiis ayuu yiri hooyo maxaa ku gaaray sideey wax kuu gaareen.
Markaas ayeey tiri inteey ooysay adigu soow inkaar hesho gurigan iima aadan keenin waakaas caawa qeeylo iyo dil ayeey iskugu keey dartay anigoo waayeel ah
Markaan intaas maqlay dhulka ayaa ila gariiray meel aan joogo ayaan garan waayay mar ayaanba is iri qof waayeel ah been ma sheegtee ma adoo moog ayaad dishay maamada haddane waxaan iri maya iyadaa ku dishay anigoo yaaban ayaan ku war helay cumar oo dhankeyga usoo socda aniga dhan waan qal qalay markuu iisoo dhawaaday ayaan iri maya cumar aniga hooyo ma dilin ee iyada is dishay Aniga qalad malihi i aamin
Markaas ayuu yiri caawa ma waxaa dishay hooyadeey oo waayeel ah haddane waad inkiri maya hooyo waxaan oo been ah ma sheegi karto amiira waxaan oo xumaan ah maxaa waaye aniga aad baan iskugu naxay ilinteyda garka ayeey dhaaftay haddalkii ayaan kari waayay markaas ayaan iri cumar soow iima aadan balan qaadin mar danbe in aadan murug ii horseedin sow ima aadan dhihin farxad ayaan ku siinaa maxeey tahay beenta aad iga sheegeeyso ee aad igu qalbi jabineeyso
Markaas ayeey tiri cumar iiga bixi banaanka naagtan ma arki karo iga bixi hooyo kadib ayuu yiri iska dhaaf hooyo waa habeen hadda Markaas ayaan iri waa habeen ha iigu naxariisan haddaba iska keey bixi kadib ayuu yiri war badan iska dhaaf orod qolkaaga gal
Waxaan iri ma kaligeey ayaan galayaa halkan waxaan imaaday anigoo faraxsan waxaana u imaaday in aan ilbaabka kaa furo si aan kuula kulmo kadibna aad guriga soo gasho adigoo faraxsan dartaa ayaan furaha hooyaadaa uga tuugay anigoo ku guda jura sidii aan iridka aad ku daashay kuusoo dhaafin lahaa ayeey xitaa hooyadaa isku dayday ineey idisho balse iyadaaa is dhaawcday waxeeyna tiri iyaddaa idishay
Cumar adiga iyo hooyadaaba waad iqiyaanteen xabsi ayaadna igaliseen markaas waxaa soo orday wiil yar uu cumar abti u yahay markaas ayuu ii yimid waxa uunu igu yiri habar yar aniga abtigeey waa nacay muxuu beenta kaaga sheegaa hooyo iyadaaba kudili rabtaye
Markaas ayaan iri iska daa habo waa dad aniga raba si aay isaga keey fogeeyaan cumar hadalkii ayuu maqlay kadib ayuu yiri mucaad kaalay abti wuuna u tagay kadib ayuu yiri maxaa dhacay wiilkii yaraa ayaa yiri abti hooyo iyada dhacday waxeeyna rabtay ineey amiira kaa disho
Cumar hooyadiis markeey intaas maqashay ayeey wiilkii yaraa ee mucaad ahaa qabatay oo garaacid ku biloowday cumar ayaa ka fujiyay markaas ayuu yiri hooyo iska daa ilmahu waxeey rabaan ayeey isaga hadlaane ha u qaban
Intaas markuu cumar yiri intaan xanaaqay ayaan ilbaabka kasoo baxay waayo cumar hooyadiis ayaa la saxan mar walba kadib ayuu iga soo daba baxay waxa uu damcay in uu iceliyo balse waan ka cararay isaguna igama harin markii dambe ayaan daalay oo aan iska istaagay kadib ayuu iga daba yimid
Markaas ayaan kor u qeeliyay oo waxaan iri cumar maxaa ikaa daba dhigay ma waxaad rabtaa inaad gurigii cadaabka ahaa ii celiso maya noloshaada waan isaga baxayaa iga har kadib ayuu yiri is daji xabbti aniga waan ogaaa in aadan hooyo dilin adiga balse waan jilaayay waxaan rabay inaan hooyo qanciyo waad ogtahay hooyadeey waan jeclahy waanku baryaa iga raali noqo run igama
Rajadii rumoowday part:12 ❤💍
Cumar waxa uu yiri amiira waxaan ka shalaaynayaa xanuunka aan ku marsiiyay aniga ayaa la yaaban waxa aan kugu sameeyay markaas ayaan iri waxba iguma aadan sameeyn lkn ma waxaa ku badalay kaliya waxa aan ku qortay lambarkaaga
Markaas ayuu yiri cumar haa markii aan arkay adigoo ku qortay lambarkeyga ilmaheyga aabahood waxaan dareemay xanuun fara badan marna waanku farxay isma aanan dhaheeynin amiira adigoo dhibkaan ugeeystay ayeey magac noocaas ah ku qoraneeysaa lambarkaaga balse caawa ayaan ogaaday inaan helay boqorad amiira waan ogahay in aan ku dhaawacay balse waankaa raali galinayaa midaas
Kadib ayaan iri cumar aniga waxa aad igu sameeyneeysay oo qalad ah dhan iima muuqdaan kaliya waxaa ii muuqdo ee aan iga ba eeyn waa Jaceylka aan kuu qabo magacaas waxa aan ugu qortay na waa rajadeeyda aniga waana noqoneysaa insha Allah.
Markaas ayuu yiri cumar dhib maleh xbbti hadda kadib kaama murjin doono mana kaa fogaanaayo waxaan iri lkn maxeey tahay farxiyo sababta ay kuu daba socoto markaas ayuu yiri cumar farxiyo hooyo ayaa rabta ineey ii guuriso waxeeyna igu tiri haddii aad wiilkeyga tahay farxiyo guurkeeda ogolaaw anigoo hooyadeey farxadeeda fiirinaayo Waxaan isku dayay inaan adiga kaa fogaado.
Haddana waan awoodi kari waayay amiira hadda maxaan sameeyaa ma hooyadeey baan farxad galiyaa mise adiga iyo nafteyda ayaan farxad galiyaa
Markaas ayaan iri cumar labadeenaba na farxad gali waayo labadeenaba kaama maarano cumar wuxuu yiri cumar lkn sidee labadiinaba idiin raali galin karaa midaas macquul ma ahan hooyadeey raali galinteeda waa inaan kaa fogaado adiga balse hadii aan kaa fogaado sidee beey noqoneeysaa noloshaada ma iga samreeysaa?
Kadib ayaan iri cumar Hadda ayaan ba mooday inaad iga fogaatay waanku baryaa markale sidaas ha idhihin aniga ma noolaanaayo adiga la.aantaa haddii aan noolaadana nolol dhimashadu dhaanto ayaan noolaanayaa
Markaas ayuu yiri cumar amiira intaan kaa aamusnaa xabsi ayaan ku juray ma qiyaasi karo xanuunka aan dareemay hbnkii aad itiri qalbiga ayaan ka daalay waayo anigaba waankula dareemaayay qalbi jabka hadane waan qarsanaayay.
Lasoco part:13
Waxaan idinka codsanayaa inaad caawa share gareeysiin like badana saartiin mahadsanidiin