hoygashekoyinka | Unsorted

Telegram-канал hoygashekoyinka - HOYGA SHEKOYINKA

13295

Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹

Subscribe to a channel

HOYGA SHEKOYINKA

Rajadii rumoowday part:6❤💍

Wuxuu yiri cumar markale hasoo haddal qaadin hooyadeey waxaagu waaka bad badis markii aan intaas ka maqlay cumar waxaa igu siyaaday qalbi xanuunkii ihaayay'

waayo cumar markaan arkay inuu isoo agfariistay waxaan ka filaayay inuu iraali galin doono farxad na aan ku seexan doono balse haddalo xanuun badan ayaan kala kulmay mar labaad.

Waxaan sameeyo ayaan garan waayay waxaan soo qabtay gacanta cumar kadib ayaan iri cumar sidaan makaa dhabaa farxadii jaceylkii iyo wixii wanaag naga dhaxeeyay caawa murug miyaad kusoo koobtay cumar waanku baryaa sidaan naga baddal sideeni aan kusoo noqono'

Wuxuu yiri cumar xiligan waa habeen waana xili dambe marka seexo lama joogo waqti arimahaas laga hadlo ee seexo iska daa wal walkan faraha badan.

Waxaan iri waxaad ileedahay ha walwalin haddane adigaa idhahaayo ereyo aanan u wanaagsaneyn quluubteyda waayo sidaan kaagama baran cumar wixii jiro iisheeg kadib ayuu yiri waxba ma jiraan ee adiga sidaan kuma fiyoobid maleeyga kaa dambeeyay maxey tahay waxa dhib kaa muuqdo aad ayaad u wal walsan tahay adigaba ii waranoo wax iisheeg.

Markaas ayaan iri adigoo og in aanay xaaladeyda caadi aheeyn ayaad igu sii qeeylineeysaa intaad iinaxariisan laheeyd waligeey caawa murugta aan dareemaayo oo kale ima soo marin.

Wuxuu yiri cumar maxaad la murugooneeysaa aniga waan dhiman karaa markaasna waad iga sabreeysaa hadda anoo hortaada fadhiyo ayaad murugo doorsoon taye sababta iisheeg jaceylka xitaa wuu dhamaadaaa.!

Markuu yiri jaceylka waa dhamaadaa waxaa niyadeyda gashay in uu cumar si dadban iigu sheegaayo in uu inacay uu igala xishooday si bareer ah kadib ayaan iri cumar waxaas oo dhan iska dhaaf aniga waad inacday soow maahan jaceylkii aad ii qabtay wuu dhamaaday sow maahan?

Markaas ayuu yiri aniga kuma dhihin jaceyl ayaa dhexdeena ka dhamaaday ee waxaan la yaabanahy dhibta kuhaaysato adiga.

Kadib ayaan iri cumar waanku baryaa ifahan ma ogid miyaa erey walba oo aad idhahdo inuu toos u aadaayo qalbigeyga haddii aad ogaan laheeyd xanuunka aan dareemaayo waxaa macquul ahaan laheeyd in aad iidamqan laheeyd.

Kadib ayuu aamusay cumar cabaar markuu aamusnaa ayaan iri cumar ila haddal wax uun idheh markaas ayuu yiri waad saxan tahay balse hadda jawaab waafiya kuuma haayo waxaan rabaa inaan seexdo gacanta iisii daa

Markaas ayaan iska daayay gacantiisa intuu istaagay ayuu yiri seexo fikir hurdo kuu noqon maayo.

Lasoco part:7

Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Rajadii rumoowday part:5❤💍

Waxaa layaab igu noqday jawaabaha cumar iyo sida kulul ee uu iila hadlaayo haddane waan is dajiyay kadib ayaan iri cumar is daji aniga wax weeyn kuma dhihin kaliya waan kula kaftamaayay intaas miyaad ka carooneeysaa?

Wuxuu yiri maya aniga maba careeysni kaliya adigaa mooday haddii aan hooyadeey lasoo casheeyo micnaheedu ma ahan inaan kuu careeysanahy markaas ayaan iri aniga kuma dhihin hooyadaa hala casheeyn balse xanaaq kale ayaan kaa dareemay sidaas darteed ayaan kuu iri maxaa jira haddii aad dhibsatayna waan kaa deeynayaa.

Kadib ayuu yiri cumar intaan ka badan ma doodi karo waan iska seexanayaa waan daalanahy waxaan iri waayahay iska seexo igana raali noqo haddii aan ku dhibay cumar iima jawaabin sariirta ayuuna isku tuuray oo durbadiiba waa uu seexday

Balse aniga waxaan weli gadhiyaa halkuu iiga tagay oo waxaan ka fikirayaa isbadalka cumar ku dhacay anigoo dareensan in hooyadiis wax usoo usheegtay hadaladii ay maanta igu tirina quluubteyda gubayaan ayaan halkii saacado fadhiyay'

Waxaan fiiriyay cumar kamaba qasna oo hurdadiisa ayaa dhaceeyso waxaan soo xasuustay cumar jaceylkii iyo farxadii na dhax taalay iyo siduu iiga fikiri jiray iyo caawa oo xitaa ii quuri waayay soo seexo cashadii aan saacadaha badan la sugaayayna iyadoo miiska saaran iiga dhaqaayay'

Waxaan niyada gashtay in cumar iyo hooyadiis caawa heshiis soo galeen lana raadinaayo sidii gurigaba leeyga musaafurin lahaa waxaanba ilaaway in aan meel kaligeey fadhiyo habeena ay tahay.

Gursigii aan ku fadhiyay markii aan ku daalay waan isaga dagay shumaca ayaana iska seexday intaas maskaxdeydu caadi ma ahan mana dareensani waxa aan sameeynaayo xitaa waan ilaaway inaan sariirta tago.

Ilmada iga socotaa waxeey qooysay shumaca xitaa ma awoodo inaan iska masaxo sidii ayeey hurdo iila tagtay. Mar aan garan waayay waxeey tahay iyo waxa igu dhacay ayaan indhaha kala furay waxaan indhaha ku dhuftay cumar oo agteyda fadhiyo waxaa niyada iska iri waad riyooneeysaa.

Mar labaad markii aan fiiriyay ayaan dareemay in aanan riyo ku jurin kadib ayuu cumar ila hadlay wuxuuna yiri maxaa kugu dhacay oo saacadaan shumaca ku seexiyay firaash la.aan miyaa jirto kadib ayaan iri maya maba ogi goorta aan halkaan seexday waan daalanaa

Wuxuu yiri maxaad ku daashay oo aad qabatay maanta markaas ayaan iri howl la qabtay kaliya laguma daalo ogoow markaas ayuu yiri cumar maxaa kaloo kudaashay bal iisheeg waxaan iri qalbiga ayaan ka daalay ee ma ahan daal jireed.

Markaas ayuu yiri cumar oo maxaa qalbiga kaa daaliyay waxaan iri adiga iyo hooyadaa nolosheyda oo dhan maalin iyo habeen ayaad ku badasheen intuu soo booday ayuu yiri cumar imaqal amiira hooyadeey caawa ilaa saq barkaan ayaad afka ku haaysaa hooyadeey ma ahan gabar kugu fac ah waxbana kaama aysan sameeyn ee jooji hana soo hadal qaadin hooyadeey...

Lasoco part:6

Fadlan #follow me si aad ula socoto qeybta xigta ku casuun sheekadaan dhowr qof oo kamid ah asxaabtaada si ay kuula aqristaan mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Rajadii rumoowday part:4❤💍

Wuxuu yiri hal sheeko ma ahane boqolaal sheeko ayaan kuu hayaa kadib ayaan iri waayahay markaan waxaad moodaa cabsidii ineey iga sii yaraatay cumar iyo aniga waxaan wadda joognay mudo laba sano ah oo aan farxad kuwada nooleeyn'

Cumar hooyadiis waxaa ku dhacay isbadal xageeyga ah waxaan is iri laga yaabee ineey arimo kale jiraan sidaas darteed ay isku badashay balse arintu sidaas weey ka duwan tahay oo cumar hooyadiis waxeey dhibsatay inaan weli wax ilmo ah aanan dhalin in kastoo wax waliba qadar yahiin haddane cumar hooyadiis weey ucuntami weeyday arintaan.

Xili galab ah ayeey cumar hooyadiis iigu soo gashay qolkeyga sariirta ayeeyna dhinac kasoo fariisatay sidii caadada aheeyd sheeko yar kadib waxeey igu tiri amiira waxaan umaleeynayaa adiga iyo cumar in aadan isku laheeynaha wax awlaad ah !

aad baan uga naxay ereygaas kadib ayaan iri maya hooyo sidaas ha dhihin cumar caruurteeyda aabahood waaye waana rajeeynayaa in aan awlaad isku dhaleeyno.

Markaas ayeey tiri waxaad wadda jirtaan mudo laba sano ah welina waxba ma aadan dhalin kwrn haddii aad sanado kale kusii darsato ma sidaan ayaad meel cidlaa u jiifeeysaa ?

Waxaan iri hooyo waxaas oo dhan ma dhacayaan insha Allah cumar marabo inaan kala fogaano awlaadana Allaa haayo isagaana nasiinaayo ama nasiin maayo midaas wal wal kama qabo aniga rajadeeyda waa inaan cumar la noolaado caruur haddii aan dhalaayo cumar aabahood ha noqdo.

Markaas ayeey tiri noloshaada cidna haku xirin waxaa laga yaabaa inaadan cumar waxba isku laheeynaha oo aad is daalineeyso'

Waxaan iri hooyo cidna ma ogaan karto waxa soo socda marka wax walba sidaan rajeeynaayo Allaha ka dhigo. Cumar hooyadiis weey iga tagtay isla.markii aay iga tagtay waxaa igu beermay walwal aan markii hore qabin'

Haddane waan is dajiyay maadaama aan aaminsanahy qadarta rabbi Alle ayaan iska talo saartay haddane hadalkii maamada ayaa igu soo maaxanaayo

Fiidkii ayuu cumar yimid salaan kadib cumar waxaan ka dareemay is badal inkastuu isbadalku saaid ku aheeyn haddane waan dareemay kadib ayaan usoo diraariyay casho una keenay

markaas ayuu yiri casha marabo waa kaligaa aad baan ula yaabay Waxaan iri xageed kasoo casheeysay wuxuu yiri markii aan guriga soo galay hooyo oo casheeyneysa ayaa igu qasabtay inaan la casheeyo sidii ayaana ula soo casheeyay. Kadib ayaan iri casha wax ka weeyn miyaa lagu soo siiyay waxaan casha ka weeyne

Intuu xanaaqay ayuu yiri amiira waad qaldan tahay Waxa aad ku hadleyso ka fiirso markaas ayaan iri cumar aniga miyaad ileedahy waad qaldan tahay maxaan ku qaldanahy iisheeg? Kadib ayuu yiri waxaad isiiso hooyo igama wareeysato maxeey tahay caawa kaliya hooyo lasoo casheeyay iileedahy waxkla lagu siiyay ?...

Lasoco part:5

Fadlan #follow iso dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Rajadii rumoowday part:3 ❤💍

Markuu cumar ilbaabka kasoo galay hooyadiis weey faarujisay goobta aniga waxaan dareemay cabsi fara badan haddane waan is dajiyay,

Cumar waxa uu dareemay ineey baqdin igu jurto kadib ayuu igu yiri amiira waxeey ila noqotay riyo codkiisa waxa uu ila noqday ruux meel dheer iga wacayo malaha waa cabsida igu jurto oo anaa goobtaba ka maqan 😅

Intuu iisoo dhawaaday ayuu gacantiisa garabkeyga saaray waxaan dareemay in sheekadu dhab tahay kadib ayuu yiri amiira maxaa dhacay sow ma fiicnid intaan soo booday sidii ruux hurdo laga toosiyay ayaan ku iri haa waan fiicanhy'

Cumar waxa uu la yaabay isbadalka igu dhacay maadaama anigoo qoslaayo uu iisoo galay haddane haddalka aan kari la' ahay markaas ayuu yiri maxaa is badalay aniga baahal miyaan ahay maxaad iiga cabsaneeysaa caadi iska dhig sidaan kama helin aniga

Kadib ayaan iri waayahay wuxuu yiri sidaad hooyo ula qosleeysay ana iila farax midaas ayaan rabaa waxaan iri maka maseeyrtay hooyo kadib ayuu yiri maseeyr iyo waxey yahiin ma aqaan kaliya waxaan u baahanahy faraxadaada'

Kadib ayaan iri waan ogahay lkn hooyo sheekadeeda ayaan u bogay waan ladhacay runtii adiga sheeko mcn iiga sheekeey markaas ayaan kula farxaaye

Markaas ayuu yiri hal sheeko ma ahan boqolaal sheeko ayaan kuu hayaa😅...

Lasoco part:4

Fadlan #follow iso dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO CUSUB: Rajaddii rumoowday

QAYBTA 1AAD ❤💍


Magaceygu waa Amiira waxaan ahay 21 jir la nool labadeeda waalid waxaan ku nolahay nolol qaboow oo farxadi ku dheehan tahay

maalin maalmaha ka mid ah waxaan is baranay wiil lagu magacaabo cumar da ahaan waa 25 jir shaqeysto waxa uu iiso ban dhigtay xiriir jaceyl waana ka aqbalay inkastoon jaceyl fara badan u qabin waxaan ka helay dabeecadiisa iyo sidaan isku sheeko fahano mar walba

Cumar wuxuu bilaabay inuu mar walba isoo xiriiriyo iga war haayo maadaama meesha xiriir jaceyl yimid marba marka kasii danbeeyso waxaan dareemayaa inaan cumar jeclaaday waxaan gaaray ilaa heer aan sugi waayo wicitaanka cumar oo aan anigu waco

Xili galab ah ayaan soo qaatay telfonkeyga waxaana wacay cumar isla markii ayu iga qabtay isagoo la yaaban maanta inaan waco ayuu igu yiri hayh amiira waad isoo wacday maanta horaan kaliya anigaa kusoo wici jiray

Kadib ayaan iri waa caadi haddaba anaa kusoo wacay ee iska waran wuxu yiri waan fcnhy alx adiga sow ma fiicnid wxaaan iri haa waan fcnhy markaas ayuu yiri waxaan rabaa arin inaan kaala hadlo ee caawa ayaan kusoo wacayaa

Waxaan ku iri waayahy maalinkii oo dhan waxaan dharar sanaa waxa uu cumar igala hadli rabo iyo arintu waxa aay tahay


Ugu dambeyn waxaa la gaaray habeenkii markaas ayuu isoo wacay cumar salaan kadib waxaan ku iri arintii iisheeg isla maantan kusugaaye kadib ayuu yiri cumar is daji waan kuusoo wadaaye waxaan iri waayahy

Markaas ayuu yiri amiira
Waxaan rabaa inaan is guursano oo mid noqono ee adigu diyaar ma ii tahay? Aniga kadis ayeey igu noqotay waxaan iri lkn cumar arintaan kadis ayaad iiga dhigtay sow ma haboona inaan dib udhigano maadaama aan mar dhow is baranay?

Lasoco part:2

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:22 💘

Waxaan wacay, yuusuf waxaana usheegay, inuu ninku igu haaysto caruurteeyda anigoo isaga ku kala ogaanaayo ayaan ku iri caruurta ma iska siiyaa ileen isagaa aabahood ehe?

Kadib ayuu yuusuf yiri mayaa caruurtaada haayso ninkaas caruur waxba utari maayo shalay, isagaa idin dayacay, maanta oo aad isku filnaatay, miyuu kaa fogeeynayaa caruurtaada waxaan iri waayehee maxaan sameeyaa caruurtiisa ayuu rabaa oo waxa uu leeyahay waan kaasoo doona nayaa.

Markaas ayuu yiri kalsoon caruurtaada haddaa jeceshahay ha iska fogeeyn waayo qof aad jeceshahay marnaba ma ogolaaneeysid in lagaa fogeeyo caruurtaadana waa noloshaada ha iska fogeeyn midaas ayaan kugula talin lahaa.

Aad ayaan ula dhacay, hadalka yuusuf anigoo aanan aaminin waaayo waxaa niyadeeyda ku jurto adiga ayuu kugu sa sabanayaa balse wuu jeclaan lahaa in caruurta aan iska dhiibo markaas baan iri mahadsanid talo wanaagsan ayaad isiisay,

Kadib ayuu yiri waxaan jeclahy farxadaada mana rabo caruurtaas faraxsan ee qurxoon in aragaaga laga fogeeyo waan hubaa caruur adiga ku haaysto uma baahna cidkale rabbi mooyaane.

Waxaan iri waayahay, waan haaysanayaa caruurteeyda iskama siinaayo waxaan joognaba waxaan soo dhawaaday, mudadii guurka waxaana yuusuf ka codsaday, gurigeeyga inaan wada dagno yuusuf igama diidin arintaas balse waxa uu isaguna iga codsaday, inaan todobada uga soo baxno hotel waana ka ogolaaday, waxaana la gaaray maalintii guurka waxaana dhiganay, xaflad yaroo qurux badan farxdeeni dib ayeey usoo laabatay, waxaana naloo galbiyay, qolkii aan dagi laheeyn todobada.

Dhamaan dadkii weey naga tageen waxaana noqonay labadeeni oo kaliya waxaan dareemay, cabsi iyo xishood waxaana isku mashquuliyay mobile balse waxaan arkay, gacmaheeyga ineey jareeynayaan. Kadib ayuu yuusuf agteyda soo fariistay, markaas ayuu arkay, gacmaheeygu sida ay u jareeynayaan.

Kadib ayuu iga qaaday, mobilekii xaga ayuuna dhigay, markaas ayuu yiri maxaa kugu dhacay, waxaan iri maya

Markas ayuu yiri iidhiib gacantaada waan cabsaday, waxaana kor usoo qaadi waayaay, gacantii kadib ayuu yiri gacaliso ma ahan inaad iga cabsato iska saar cabsida soow ma ogid inaan ku jeclahay soow ma ogid wixii dumar duniddan joogay, inaan adiga kaa doortay, caawa farxadeeyda lama qiyaasi karo.

Waxaan iri Haa waan ogahay, waxa uu yiri waayahaye maxaad iiga cabsaneeysaa waxaan iri kaama cabsanaayo. Markaas ayuu yiri haddii aadan iga cabsaneeyn maxaad iidhihi weeyday, waanku jeclahay weli kaama maqlin midaas.

Waxaan iri waanku dhihi doonaa waxa ii yiri waa goorme? Waxaan iri yuusuf kaliya iguma filna ereygaas inaan ku iraahdo ama aad itiraado waxa uu yiri maxaad kaloo ubaahan tahay, waxaan iri inaan ku Dareensiiyo ayaan rabaa ee aad xaqiiqsato jaceylka aan kuu qabo.

Markaas ayuu laapta igaliyay kadib ayuu yiri kalsoon waanku jeclahay, kadib ayaan iri anigaba waanku jeclahay markaas ayuu yiri idheh waad iga diidaneeyde laapteyda miyaad geesi nimo ka heshay 😁

Waxaan iri maye waan is ilaaway,😄 kadib ayuu yiri isma aadan ilaawine weey kaasoo fakatay, malaha waxaan iri muhiimada waa inaan ku iri.

Waxaan kasoo baxnay, todobadii waxaana soo dagnay, gurigeeyga feeysalna waxaan maqlay, ineey xaaskiisi ku tiri waxaaso caruura ma haayn kore ee ha ii keenin waana ku farxay, midaas nolosheeydii ayaana iska sii watay,

Mar walba waxa niyadeyda ku jurtay, yuusuf waa uu is badali doonaa sidii feysal balse yusuuf maalinba maalinka ka dambeeyo wuu sii wanaagsanaa nayaa waana ku farxay, midaas ilaa aan yuusuf uurka ugu qaaday, ilmo yuusuf aad ayuu ugu farxay, midaas waxa uuna iisheegay, inuu i jecel yahay, farxad ayaan la ilmeeynay, labadeeniiba Alle ayaana uga mahad celiyay, seeyga wanaagsan ee uu isiiyay, waxaana dhalay, gabar qurux badan yusuuf ayaana dalbaday, inuu magac ubixiyo gabadha noo dhalatay, waxa uuna ubixiyay,

Bushra waaana ka helay magacaas quruxda badan yuusuf hooyadiis ayaa diiday waxeeyna codsatay, currada wiilkeeda ineey iyadu ubixiso magaca yusuuf na wuu ka ogolaaday, waxeeyna u bixisay, nasteexo magacaas ayaana kuwada raacnay, si farxad leh.

DH A M A A D

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:21 💘

Yuusuf hooyadiis waxa ay tiri aniga u tagaya kalsoon balse ogoow waad iraaceeysaa adiguna yuusuf waxa uu yiri waayahay weeyna isa soo raaceen waxeeyna iigu yimaadeen gurigeeyga waan soo dhaweeyay balse yuusuf Mar walba oo aan fiiriyo hoos buu fiirinayaa waan la yaabay hadana waxaan is iri iska daa weli ayuu xanaaqsan yahay sidaas ayuuna ii fiirin la.yahay,

Kadib ayeey tiri yuusuf hooyadiis kalsooney shalay aniga ayaa adin kala geeyay, adiga iyo yuusuf maantana waxaan rabaa inaad labadiinuba noqotaan ilmaheeyga oo waxaan doonayaa yuusuf inaad noqoto xaaskiisa. Markaas ayaan iri eeddo waxaa laga yaabaa inuu yuusuf raali ka aheeyn ee bal isagana lahadal kadiba ayeey tiri yuusuf aniga ayaa kasocdo xagiisa waxa uuna rabaa inaad noqoto xaaskiisa.

Waxaan iri eeddo waayahay waankasoo fikirayaa arintaas waxeey tiri waayahay weeyna iga tageen intaas aniga iyo yuusuf hadal isma dhaafsan markii ay baxeen ayaan yuusuf message uqoray, waxaana iri waxaan rabaa inaan kaligaa kula hadlo xageen ku kulanaa?

Kadib ayuu iisoo diray, caawan kuu imaanayaa waxaan iri waayahay, habeenkii markii la gaaray, ayaan is diyaariyay, markaas ayuu isoo wacay, iina sheegay, inuu ilbaabka taagan yahay, waxaan iri iyara sug waxaana ka furay, ilbaabka

Meel gooniya ayaan fariisanay, waxaana garan waayay, meel aan wax uga bilaabo markaas ayaan iri yuusuf ma iixanaaqsan tahay, kadib ayuu yiri maya waxaan iri haddii aadan iixanaaq saneyn maxaad wajigaaga iiga dad beeysaa mise waxkale ayaa jira?

Kadib ayuu yiri qalbi jab ayaan dareemayaa waxaan iri muxuu yahay, qalbi jabka markaas ayuu yiri waa markii iigu horeeysay, ee aan si dhaba wax u jeclaado hadana waxaan jeclaaday, naf aanan I jecleeyn aniga waan qasaaray!

Hadalkaas aad ayaan uga naxay, markaas ayaan iri yuusuf ma ahan inaad sidaas tiraado waayo waxa jiro ma ogid mararka qaar ficilada la sameeyo kama turjumaan in aanan lagu jecleeyn balse waxaa jiro wax yaabo kugu qasbaayo inaad qarsato dareenkaaga waliba adigoo jecel qofkaas una baahan ayaad ka fogaaneeysaa daruufo jiro aawadood.

Kadib ayuu yiri waa runtaa balse hal Mar xitaa maxaad iigu muujin weeysay, dareenka jaceyl ee aad ii qabto aniga waxaan iri yuusuf hal Mar kaliya maxeey tareeysaa waxaan rabaa habeen iyo maalinba inaan kuu sheegto jaceylkeyga kuna dareensiiyo inaad uqalanto jaceylkeeyga iyo nolosheeydaba waxaan rabaa inaad iska iloowdo wixii hore.

Yuusuf hal Mar ayuu is badalay, waxaana ka dareemay, firfircooni kadib ayuu yiri inta aad iisheegtay, haddii aan kaa helo waa qasab inaan ilaawo wixi an soo maray, balse maxaa kaa dhab ah maxaase kaa dhalanteed ah?

Waxaan iri hadalkaan ku iri waa mid kasoo go.ay, laabteyda ma ahan waxaan iska kaa iri balse waa sida aan kula rabo aniga kadib ayuu yiri waayahay, haddii ay dhab kaa tahay caawa hal su.aal iiga jawaab waxaan iri iweeydii .

Markaas ayuu yiri ma ogolaaneeysaa isbuucan inuu dhaco guurkeena? Waxaan iri Haa kadib ayuu yiri waayahay, 2 maalin kadib waxaa dhacaayo guurkeena waa inaad diyaar ahaato waxaan iri waayahay, sidii ayaana ku kala tagnay,

Feeysal waxa uu maqlay, inaan guursanayo dhawaan waxa uuna helay, lambarka yuusuf waxa uuna usheegay inuu iqabo weli oo aan xaaskiisa ahay, yuusuf aad ayuu ula yaabay, isla markii ayuu aniga isoo wacay,

Waxa uuna iweeydiiyay, maxaa ii tiri waan kala tagnay, waxaan iri waxba kama jiraan ee aniga ayuu xumaan iiga raadinayaa ee iska daa waxaana wacay feeysalkii waxaan ku iri maxaad uwacaneysaa dadka aanan ku aqoon ma waxaad is leedadahy, been ka dhaadhici codkiisana waan duubay markaas ayuu yiri haddii aad rabto inaad amaan iga hesho isii caruurteeyda nin islaameed loo geeyn maayo ee.

waxaan iri caruurteeda anaa intaan soo dhameeysiistay, maantana kuuma baahna iyagaaban ogolaan doonin midaas waayo caruur hooyadood arkaayo eedo ma dooranayaan anigaa soo arkay dhib eedo adiga ayaana iiga daran waxaas oo dhan ee amaan isiii caruurna kuuma haayo.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:19 💘

Waxaan go.aan ku gaaray, inaan xakameeyo darenka jaceeyl ee aan u qabo yuusuf waxaana isku dayay inaan sii wato nolosheeyda waxaan guriga joogay, mudo 2 maalin ah maalinkii sedexaad waxaan iska furtay, dukaankeyga

Waxaa leeyga soo wacay, guriga waxaana leey sheegay, ineey dad guriga yimaadeen waxaana ku iri ma imaan karo dukaanka ha iigu imaadaan. Saacad kadib waxaa dukaanka iigu yimid yuusuf hooyadiis iyo walaashiis maamadii ayaa isalaantay Ana waanka qaaday, salaantii.

Markaas ayeey tiri maamadii kalsooney wiilkeeygi isagoo dhaawac ah ayuu baxay, maalinkaad naga soo tagtay, ilaa hadda xitaa wicitaankiisa ma arag ee xageed geeysay, wiilkeenii? Waan yaabay, markaas baan iri oo xageen geeyn lahaa sow isagu qof weeynoo duurkiisa gali kara maaha maxaad aniga Dusha iiga saareeysaa maqnaan shahiisa?

Kadib. Ayeey tiri wiilkeeygu waxa uu ahaa mid aan xitaa habeen ka dhixin guriga balse maalinkaad inoo timid maxaa guriga ka waday, wiilkeyga ma waxaad rabtaa inaad iga fogeeyso wiilkeeyga.

Waxaan iri eedo is daji aniga wiilkaaga markii aan arkay inaadan ila rabin waankaaga haray midna ogoow anigu wiilkaaga ma qasbin mana ogi halka uu jiro isaggaa jaceyl ila soo doontay, anigu barri baanka ahay, qalad aan laheeyn Dusha ha iga saarin.

Markaas ayeey tiri waan hubaa wiilkeeygu adiga ayuu kula joogay maalmahaan waayo ma jirto meel kale uu aadi karo isagga ee halkuu aaday wiilkeyga waxaan iri haddii aadan I aamineeyn waxaan ku tusayaa fariintii aan udiray, wiilkaaga maalinkaan idinka soo tagay, kadib ayeey malyuun lasoo booday, itus haddii ay dhab kaa tahay hooyadeey ha sa saban ee waxaan soo saaray fariintii waana u dhiibay,

Markii ay fariintii aqristeen yuusuf hooyadiis weey iraali galisay, markaas ayeey tiri eedoy iga raali noqo yuusuf waxa uu kugu doortay, waa wanaag maanta ayaan ogaaday, waayo shalay gabadheeyda iyo anigaba niyada ayaan kaa dilnay,

Hadana adiga oo awoodo inaad yuusuf lasii socoto ayaad xiriirka u jartay, waliba anaga darteen anagoo intaas oo dhan kuu geeysanay, kaana jarnay, saaxiibkaa ayaan dukaankaaga kuugu nimid ilaa hadana hadal qaldan nama aadan dhihin Dabeecad wanaagsan ayuu Alle ku siiyay,

Waxaan iri eedo mahadsanid aniga intaas dhib uma arko hadaladiinii shalayna mid qaldan kuma jurin waayo waxaan ahay ayaad ka hadasheen weeyna fiican tahay wiilkaaga inaad la taliso anigaba hortaa waxaan ku iri isma qaadan karno waayo anigu waxaan ahay hooyo adiguna wiil aan guur soo marin baa tahay lkn isaggaa iga diiday, marka eedo waxaan filaayay, unbaa dhacay,

Waxeey tiri eedo waad mahadsan tahay, maanta laga bilaabo yuusuf adiga ayaan kula jeclaaday, mana jirto gabar kale oo aan udoonaayo midaas lasoco balse waxaan kaa codsanayaa inaad raadiso yuusuf waayo waxaa laga yaabaa inuu ka xumaaday, hadalada aan kugu niri haddii aad aragto ku dheh ulaabo guriga farxadna filo..

Lasoco part:20

#FOLLOW ME si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:17💘

Waxaan joogay maalin waxaana is iri bal wac yuusuf waxaana soo qabsaday, mobileka waxaana garaacay, lambarkii yuusuf kadib ayuu iga qabtay, waxaan weeydiiyay xaladiisa kadib ayuu igu yiri waan fcnhy isbitalka waan ka baxay balse guriga ayaan jiifaa weli dhaawac ayaan ahay waxaan iri Allaha ku caafiyo waankuu soo duceeynayaa.

Markaas ayuu yiri lkn iima imaaneeysid miyaa waxaan iri maya gurigaaga ma imaan karo waxa uu yiri yaad ka baqeeysaa ma aniga waxaan iri maya cidna ka baqi maayo markaas ayuu yiri hadaba haddii ay sidaas tahay isoo booqo maanta waxaan ku barayaa hooyadeey

Waxan iri hooyo soow tii aan isbitaalka isku aragnay, maahan weeyba I aragtay, Ana waan arkaye maxaa kale kadib ayuu yiri lkn hadda si caadiya ayaan kuu barayaa waxaan iri maxeey tahay sida caadiga ah maxaad se usheegi hooyo.

Kadib ayuu yiri kalsoon horta soow ma ogid inaan ku jeclahay aniga? Waxaan iri Ma hubo midaas waxa uu yiri maanta ayaan kuu cadeeynayaa waxkale iska daaye familka ayaan ogeeysiinayaa kaliya inoo imaaw maanta waa iga codsi.

Waxaan iri waayahay waan idiin imaanayaa inkastoo ay fiineed in aanan kuu imaan hadane waan isa soo dhibayaa. Waxa uu yiri yuusuf waayahy soo dhaqso waxaan iri hyh..

Aad baan uga baqay, inaan aado gurigaas hadane waxaan go.aansaday, bal inaan soo barto reerkaas iyo sida ay iisoo dhaweeyaan waxaan kaloo xasuustay, gabadhii igu laheeyd yuusuf maxaa kaala dhaxeeyo oo laga yaabo ineey guriga iiga horeeyso. Waan soo labistay, waxaana wacay, yuusuf si uu gurigiisa iigu tilmaamo waxaana raacay, gaari guriga ilbaabkiisa ayuu igu dajiyay, gaarigii.

Balse cabsi ayaan gurigii la garaaci waayay, waxaana wacay, yuusuf waxaana ku iri ilbaabka ayaan joogaa isla markii waxa uu iisoo diray, gabadhii isoo waceeysay, Markeey indhaha isaartay, ayuu wajigeedii dhamaa is badalay, waxaan iri sethy abyo si kulul ayeey ii tiri fcn weeyna I hor kacday, anoo yaaban ayaan iska daba kacay, waxeeyna igeeysay, qolkii uu yuusuf jiifay,

Waxaan salaamay yuusuf kadib ayuu igu yiri soodhowow guriga waa gurigaaga waxaan iri waan dhawhay, kursi ayaanan ku fariistay, balse weli gabadhii waxeey ag taagan tahay, yuusuf waaan iska aamusay, kadib ayuu yiri malyuun orod gabadha sharaab ukeen kadib ayeey tiri waayahay, weeyna baxday,

Markaas ayaan weeydiiyay yaawaaye gabadhaan kadib ayuu yiri ma aqoon ayaad uleedahay, waxaan iri Haa kor ayaan iska naqaanaa lkn cidkale ay tahay ma aqaan.
Markaas ayuu yiri gabadhaan waa wllshey iga yar malyuun ayaana la yiraahdaa iska baro.

Waxaan iri masha Allah saas ma moodeeyn gabadhaan hortaa ayaan bartay, kadib ayuu yiri waa dumaashidaa iska baro intaanan hadlin ayeey ilbaabka kasoo gashay yuusuf hooyadiis agtiisa ayeeyna fariisatay, waan salaamay, balse wajigeeda farxad kama dareemin waxeey igu tiri gabadhii isbitaalka noogu timid soow ma tihid waxaan iri Haa eedo waa aniga.

Waxaa hadane soo gashay malyuun sharaabkii ayeeyna inoo keentay, waxaa noqonay afarteenii kadib ayuu yiri yuusuf hooyo gabadhaan iska baro kalsoon ayaa ladhahaa waa saaxiibadeeyda haddana waxaan rabaa ineey noqoto xaaskeyga.

Malyuun inteey is celin weeysay ayeey tiri horta yuusufow maxaa dabaal iskaga dhigtaa naagtaan waa naag 5 ciyaala leh ma waxaad weeyday, gabar yaroo kugu khayra kadib ayeey tiri hooyadii bal adigu aamus ha igu garab hadline markaas ayuu yiri yuusuf ma waxaad ku haaysataa caruur ayeey leedahaye mise waxkale haddaba caruur hadeey tahay waan ku ogahay midaas caqabadna iguma ahan aniga.

Waxaa igasoo Harray indho kaliya sadex doodii ayaana midba mar fiirinayaa kadib ayeey tiri hooyadii yuusufow guur haddii aad rabtid anigaa kuu haayo gabar aan aqoon buuxda uleeyahay waana hubaa inaad ku qanci doonto balse gabadhaan iska daa caruurteeda ha iska korsato ee.

Yuusuf aad buu u carooday, kadib ayuu yiri hooyo hadaad ileedahay kalsoon iska daa aniguna guur waan iska deeynayaa lasoco intaas markii ay mareeyso anigu waan fadhin waayay waana kasoo istaagay, halkii ilbaabka ayaana kasoo baxay, guriga ayaana imaaday...

Lasoco part:18

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:16💘

Waxaan gabadhii weeydiiyay, aaway, yuusuf kadib ayeey igu tiri yuusuf shil gaari ayuu galay, Lug ayuuna dhaawac kasoo gaaray, isbitalka ayuuna jiifaa.

Run ahaantii aad ayaan unaxay, si dhaqsiyaa ayaana dhar kusoo xirtay, waana soo baxay, markale ayaana ku celiyay, gabadhii ayaana weeydiiyay, isbitaalka ay joogaan weeyna ii tilmaantay, taksi ayaana soo qaatay, isbitalkii ayaana imaaday,

Waxaan arkay, yuusuf oo jiifo aad baan usii naxay, anigoo aanan cidlkale la hadlin ayaan yuusuf abaaray, kadib ayaan iri yuusuf sideey wax kuu gaareen?

Markaas ayuu igu yiri wax saas ah ima gaarin alxm waxaan iri run ahaantii aad baan unaxay, anoo xaafada jooga ayaa leey sheegay, dhaawacaaga isla markii waan soo baxay, Alle ayaa mahad iska leh haddii aanu dhaawac halisa ku gaarin.

Kadib ayuu yiri waa runtaa lkn isma dhaheeyn weey kusoo waceeysaa Alle ayaa isku beegay, kwrn intaan fiicnaa ima aadan soo wicin marna waxaan iri wax walba weey qornaayeen inaan maanta kusoo wacana aniga ayaa jecleeystay, waayo adigoo iga xanaaqsan ayaad igasoo tagtay,

Kadib ayuu yiri dhib maleh wax walba waxaan ku ilaawayaa booqashada aad isoo booqatay, maanta waxaan iri yuusuf waxaan rabaa inaad iga raali noqoto waan ogahay inaad ii xanaaqsan tahay,

Markaas ayuu yiri kalsoon Carro kuuma haayn karo adiga dhab ahaantii markaad ii timid xanaaq oo idil waan ilaaway, waxaan iri mahadsanid yuusuf qalbi nadiifka ayaan kugu jeclaaday, kadib ayuu yiri oo maba I jeclaatay goorme?

Waa naxay waayo haddalkaas waa uu igasoo fakaday, waxaan iri horaanba kuma necbeeyn. Kadib ayuu yiri yuusuf waxeey aheeyd inaan iska aamuso waxaan islahaa haddal kaloo macaan sii maqal balse ereygii koobaad ayaadba beenisay,

Intaas markii ay sheekadeenu mareeysay, ayeey yuusuf hooyadiis qolka soo gashay, waxaana lasocotay gabar aan is naqaano oo dukaankeyga wax ka iibsato
Waan aamusay, inan istaagay, ayaan salaamay, maamadii markaas ayeey iweeydiisay, waa tuma?

Waxaan ugu jawaabo ayaan garan waayay, kadib ayuu yuusuf hadlay, waxa uuna yiri hooyo gabadhaan saaxiibo ayaa nahay, dhaawaceeyga ayeey maqashay, sidaas ayeeyna igu soo booqatay,
Waxaan iri waa runtiis eedo gabadhii ayaa iweeydiisay,

Ma waxaa tahay, gabadhii aan mobileka ka qabtay? Waxaan iri Haa waa aniga abyo kadib ayeey tiri numberkaaga iyo codkaagaba waan fahmi waayay kalsoon waaye isma aanan laheeyn yuusufna aqoon miyaad isku leedihiin waxaan iri Haa abyo waana idinka sii tagayaa yuusuf Allaha caafiyo waana kasoo tagay,

Waxaa lasoo wacay, mobilekeyga waan qabtay, waxeeyna noqotay, gabadhii yuusuf walaashiis aheeyd waxeeyna i weeydiisay, yuusuf maxaa idinka dhaxeeyo waxaan iri wlltinimo sidaan isku naqaan oo kale ayaan isaguna isku naqaan maahane wax kale oo naga. Dhaxeeyo Majiraan.

Markaas Ayeey tiri waxeey ila tahay, inaad wax iga qarineeyso balse iyagaa iska imaan doono. waxaan iri lkn maxeey tahay, danta kuugu jurto su.aalshan oo aad ii weeydiisay, aniga? Kadiba ayeey tiri oo maxaa iga gali waayay, yuusuf waa wllkey, waana qasab inaan ogaado waxa idinka dhaxeeyo.

Waxaan iri haddii ay saas tahay, isaga weeydii aniga muhiim ma ahan inaad iweeydiiso waxeey tiri isaga waan weeydiiyay, lkn jawaabtaada iyo tiisa ma ahan jawaabo is leh waxaan iri muxuu kugu yiri?

Markaas ayeey tiri waxa uu igu yiri waan jeclahay, macquul matahay, taas waxaan iri oo ma qalbigiisa ayaan ku dhex jiraa haddaba aamin isaga waxa uu afkiisa kaa yiri waana uga baxay, qadka. Waxaan la yaabay, sabbta ay iiweeydiineeyso su.aalaha noocaan ah iyo waxa ay damacsan tahay,..

Lasoco part: 17

#FOLLOW ME si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:13 💔

Markii la gaaray habeenkii oo aan ima aday, guriga ayuu isoo wacay waan kasoo qabtay, sheekadaan ayaana na dhex martay,

isagga -asc kalsoon sidee tahy?

Aniga-wcs waan fcnhy lkn magacaaga maxaad iigu sheegi weeysay?

Isagga- hadda ayaan kuu sheegayaa magaceygu waa yuusuf hadda iska baro

Aniga-waayahy barasha wanaagsan magac qurux badan ayaad leedahay,

Isagga-hortaa leeeyma dhihin ma niyadda ayaad iidhiseeysaa?

Aniga-maya waa iga dhab aniga ahaan waan ka helay, waa uuna ila qurux badan yahay,

Isagga-mahadsanid warkaaga isii maxaad ileedahay,

Aniga-waxba maxaad iga sugeeysay, inaan ku iraahdo

Isagga- maya waxne kaama sugeeyn balse waxaan jeclaan lahaa inaad. Wax uun itiraahdo waxeey ahaadaanba.

Aniga- dhab ahaantii ma garanaayo, waxaan ku iraahdo bal dhankaaga adiga haddii aad idhaanto.

Isagga- wax badan ayaan doonayaa inaan ku iraahdo balse hal iyo laba baan ku leeyahy caawa maadaama aan isku cusub nahay, kugu badin maayo.

Aniga-marba qofka hadlayo haddii aanan aheeyn waa qalad waxaa kuu dhageeysan waayo bal wax iiga sheeg waxaad hayso.

Isagga-macquul ma tahay, inaad dood ka keento arintii aan kuusoo qaado maadaama laga yaabo arimo waa weyn ineey noqdaan ee.

Aniga-bal iisheeg markaas ayaad jawaab iga heleeysaaye hadda waxba ma xugmin karo ee

Isagga-waxaan doonayaa inaan xiriir kula sameeyo waayo waxaad soo jiidatay, qalbigeyga iyo indhaheygaba waxaana jecleeystay, aadna udaneeynayaa inaan xiriir kula wadaago waxaan kaa codsanayaa inaadan iga diidin arintaan.

Aniga-ma moodaa inaad dag dageeyso waayo shalay, un baan isbaranay, caaawana xiriir ma umaleeyneeysaa xiriir deg degan lagu bilaabay inuu noqonaayo, mid hagaagsan?

Isagga-waxaan aaminsanahy, amaba dareemayaa in aadan igu xumaan doonin adiga aniguna waan hubaa kuma xumeeyn doono kaliya aan is fahano. Oo iga aqbal xiriir...

Lasoco part:14

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:11 💔

Markii aan bogsooday, caafimaadkeygiina taam noqday, feysalna uu todobadii kasoo baxay, ayuu isoo wacay, habeen sheekadaan ayaana na dhex martay,

Isagga-iwrn kalsoon sethy

Aniga- waan fcnhy alx

Isagga- kwrn caruurta ?

Aniga-weey nabad qabaan.

Isagga- maxaa damacsan tahay, ma maseeyr ayaa kaa wadday gurigaagi?

Aniga-qof Dan laga leeyahay ayaa loo maseeyraa anigu waan kaa raja dhigay, mana jiraan wax agtaada aan ka sugaayo.

Isagga- ma waxaad heleeysaa cid iika dhaanta?

Aniga-waanba helay, adiga ma naxariis ayaad iisuubisay, waxaad iila dhaqantay, si aanan bini aadam loola dhaqmin.

Isagga- go.aankaagu muxuu yahay hadda?

Aniga- go.aankeygu waa inaan kala tagno labadeenu.

Isagga-weèy fududahay, mar haddii aad sidaas go.aansatay, diyaar baan kuula ahay midaas

Aniga waayahay, macsalaama.

Waxaan utagay, wallkey arintii ayaana usheegay wllkey waxa uu wacay, feysal waxa uuna ku yiri maxaa ka jira arintaas kadib ayuu feysal yiri waa run walaashaana waan furay, wllkey waxa uu ku yiri waayahay, telka ayuuna ku jaray, aniga ayuuna ii yimid arintii ayuuna iisheegay, waxaan iri waa arin fiicn.

Xitaa ma aanan weeydiisan meherkeeygi oo waan ka aamusay, 5teeydi caruurta aheeydna wllkey ayaa dhiiba caanahooda iyo waxeey ubaahdaanba waxeey sidii ahaataba wllkey waxa uu ii furay, dukaan weeyn waxaana bilaabay, inaan ka shaqeeysto dukaankii caruurtiina waxaan geeystay, waxbarasho maadama ay koreen

Aniguna da.deeydu waa 26 jir nolosheeydi waxeey noqotay, mid qurux badan guri qurux badana waan dhistay, wllkey aad baan ugu duceeyay, uguna mahad celiyay, waxaa iisoo noqotay, quruxdeeydi waxaana noqday, kalsoon kale habeen anigoo guriga imid ayuu mobile keyga soo dhacay, waan qabtay,

Ileen waa feeysalkii waxa uu yiri ilmahaaga aabahood waad iloowdaye waxaan ku iri inaan ku ilaawo iyo inaan ku xasuustaba midaas wax ay soo kordhineeyso ayaanba jirin ee maxaad iisoo wacatay?

Waxa uu yiri sow caruurteydi mahaaysid oo kaama wareeysan karo waxaan iri weey nabad qabaan alxm intaas sow maadan rabin kadib ayuu yiri adiguna sidee tahay waxaan iri aniga teeyda iska daa ee danahaaga kale ka hadal kadib ayuu yiri weli ma waxaa kugu juro maseeyrkii?

Waan xanaaqay, waxaana iri muxuu yahay, maseeyrka aadka hadleeyso maxaa naga dhaxeeyo labadeena?

Markaas ayuu yiri sow xaaskeyga ma tihid markale ayaan naxay, waxaana iri sanado kahor ayaan kala dhamaanay maxaa xaaskaaga iga dhigay, iisheeg.

Markaas ayuu yiri aniga marnaba kuma furin kaliya adiga ayaan kugu dajinaayay, kumana furin lasoco...

Lasoco part:12

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:10 💔

Waxaan garan waayay wax aan ugu jawaabo waayo feysal kama fileeyn arintaas anigoo xanuunsan garabna uga baahan inuu sidaan iila dhaqmaayo lama filaan ayeey igu noqotay, waxaan damcay inaan ujawaabo balse haddal waan kari waayay afka markii aan kala qaadaba qalbiga idamqanayo ilintuna dhabandeyda ayeey sabbey neysaa markii uu arkay in aanan la hadleeyn ayuu igu jaray,

Halkii ayaan ka dhaqaaqi waayay, ilaa anigo halkii fadhiya ay iigu timid feysal hooyadiis waxaan iskaga dhigay, qof caadi ah markiii ay isalaantay, ayeey igu tiri feysal inuu guursan rabo makuu sheegay, dhaawacii aan qarsanaayay ayaa markale I damqaday, qalbiga ayaana igubtay, balse waan is adkeeyay, waxaana ugu jawaabay, wuu iisheegay,

Waxaa arintii maqlay wllkey isla.markii ayuuna soo baxay, waxa uuna iigu yimid halkii aan joogay, wllkey markii uu I arkay aad buu naxay, isbadalka igu dhacay aawadiis kadib ayuu igu yiri soo raac gaarigan shalay markii uu ninkan ku dilaayay ayeey dantii uu kaa lahaa oo dhan xagiisa ka dhamaatay balse adigaa fahmi waayay shalay aniga ma rabin inaad ninkaan ku laabato balse waxaan is iri hakasoo quusatee daa hadhow yaney dhihin ninkeygo I jecel buu iga furay, !

Waxaan iri abowe waan qaldamay, waa runtaa maanta waxa uu yahay, baan ogaaday waayo anigoo xanuunsan daruufeeysan ayuu nag kale iga raacay, markaas buu yiri wllkey warkaas iska daaye soo raac gaarigan waxaan iri waayahy alaabteydi ayaana xir xirtay, waxaan iri lkn marabo inaan caruurteyda ka fogaado

Kadib ayuu yiri aniga halkan uma imaan inaan caruurtaada kaa fogeeyo ee waxaan u imid inaan cadowgaaga kaa fogeeyo ee soo qaado caruurtaada !

Aad baan ufarxay waana umahad celiyay wllkey intii aanan bixin ayeey guriga kasoo baxday, feysal hooyadiis waxeeyna aragtay, inaan baxaayo caruurtii ayeeyna ku dhegtay, oo ay tiri iga waddi meeysid caruurteyda adigu kaligaa bax wllkey aad buu u carooday, kadib ayuu yiri caruur maxaad ku faleeysaa caruurtaada waa ninka dayacay gabadheena sidaana u galay ma caruur kale ayaad leedahay haddii aadse ruux quman tahay, wiilkaaga qalad kuma aadan fiirsateen ee siidaa caruurtan.

Caruurtii ayeey deysay waxeeyna wacday, feeysal waxeeyna usheegtay inaan caruurta wadanaayo waxa uuna ugu jawaabay, ka leexo meeshey doonto hakala dhacdo ee iyaddaaba waxey siiso weeyn doonto ee sidii ayaana kusoo watay, caruurteydi waxaana imaanay, guriga wllkey,

Wllkey habeenkii markii aan hoyanay, waxa uu subaxii waxa uu igeeyay dhaqtarka balse wax cudura waa leeyga waayay oo aanan ka aheeyn inaan dhiig ku shubid ahay, dhaqtarka ayaana noo sheegay haddii aan beri gaari lahaa inaan dhiman lahaa balse nasiibku nasaaciday, markii dhiig la igu shubay, kadib waan bogsooday, alxm...

Lasoco part:11

Iga raali ahaada waan laso daahay weyna gaaban tahay,

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:8 💔

Feysal iyo walaalshiis waxeey, aadeen isbitaalka markii ay baxeen ayaan iska seexday, ciil ayaan la casheeyn waayay, waxaana la yaabay, bilaa sababta iyo kibirka uu igu dilay aniga waxeey sidii ahaataba xili saq dhaxe ah ayeey yimaadeen aniguna afkeyga uma kala furin .

Waxaana wacay, wiilkii wllkeey ahaa ee ay eedo dhashay, inkastu wiil yar yahay, haddane waan ka maarmi waayay, garabkiisa waxaana u sheegay, arintii dhacday, wllkey waxa uu yiri aniga ii imoow kasoo tag ninkaas waxaan iri waayahy, waxaana. Tagay, wllkey gurigiisa.

Wllkey markii uu arkay, dhaawacyada uu igu dhigay, waxa uu yiri ma waxaad ka qabtaa rajo waxaan iri mya xili subax ah ayeey, iridka kasoo galeen feysal iyo laba odoyaal qaraabadiisa ah

Wllkey waxa uu isku dayay, inuu ii diido ninkaas igana furo balse aad ayuu u calaacalay, ilaa markii dambe aan u beer jileecay, go.aansaday, na inaan raaco sidii ayuuna wllkey iigu soo daray, feeysal gurigeeygi ayaana kusoo laabtay,

Feeysal waxa uu iila yimid raali galin aniguna waan ka aqbalay, raali gelintii waxaa la joogay, mudo yar feysal waxa uu bilaabay, inuu igu dhaga hadlo isagoo ileh silic baad kusoo kortay, oo wanaaga aan kuu sameeyay, ayaa kaaga daray,

Waxaan ka shalaayay, inaan habeen usheegay, dhibkii aan soo maray, waayo haddii aanan usheegi laheeyn maanta iguma caayeen waan isaga aamusay, markii dambe waxa uu ii raray, ina dajiyay, meel baadiye ah hooyadiis oo halkaas daganeeyd ayuuna ila dajiyay,

Isaguna waxa uu kusoo laabtay, magaaladii feeysal waxa uu bilaabay, bishiiba mar inuu nasoo waco marka aan wax weeydiistana uu mobileka igu jaro waan iska sabray, waxaana is iri iska daa shaqa la.aan ayaa haayso maahane wax haddii uu haayo idinkama hagradeen.

Waxaan ahay, war jiro moog horaa loo yiri nimaan wax ogeeyn Alle ma cadaabo.!

Waxaa noqday, ruux habeen iyo maalin murugeeysan ilaa heer ay dadkii I yaqaanay, I aqoonsan waayeen iina maleeyeen inaan xanuunsanahy, waayo waxaa dhamaaday, jirkeeygii iyo dhamaan quruxdeeydii waan qayirmay, gabigeey,..

Lasoco part:9

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:6 💔

Feeysal markii uu maqnaa mudo ayuu ila soo hadlay, iguna yiri waxaan magaaladii ka helay, shaqo waxaan ku iri kwrn haddii aan halkaas wadda dagno maadaama ay halkan tuulo cml tahay? Waxa uu igu yiri waayahay, balse hadda maahan aan shaqeeyo. Xoogaa

Waxaan iri waayahay, caruurteeyda ayaana iska haaystay, nolosha aan ku jurana waanku qanacsanaa maadaama uu feeysal iga hagran wixii uu awoodo markaas waxeey sidii ahaataba feeysal waa uu isoo wacay, waxa uuna iisheegay, inuu guri wlaashiis leedahay, qolnaga siisay, waxaan iri waayahay, waan soo dageeynaa halkii ayaana uguurnay, waxaana dagnay, qolkii feysal shaqada uu helay, waxeey aheeyd mid aad u mushaar yar balse waan isaga qancay, waayo waxaan ogahay, nolosha aan kasoo baxay,

Waxeey sidii aahataba feeysal Mar labaad shaqadii waa uu ka fariistay, shaqa la.aan ayuuna noqday, waxaan waayay, wax aan caruurta caano uga bixiyo feeysal walaashiis waxaa qabo nin maal qabeeyn ah maalin maalmaha ka mid ah ayaan aamusin waayay, caruurta waayo ma garanayaan hooyadiin caano ma haayso.

Waxaan qolka uga galay, feeysal waalshiis waxaana iri abyo makaa helayaa caano ilmaha ayaa iga baahan caanihiina weey iga go.eene waxeey tiri maxeey tahay, ilmaha baahida la ooynaayo aaway, feeysal waxaan iri abyo shaqadii waad ogtahay, mudo gaaban ayeey iska aheeyd hadda ma shaqeeyo feeysal.

Kadib ayeey soo istaagtay, weel ayeeyna iigu soo shubtay, wax yar oo caano ah waan fiiriyay, balse koob shaaxa xitaa ma cadeeyaan waxaan iri abyo caanuhu makaa eberaa waxeey tiri maya waligeeyba caano igama go.in waan kasoo tagay,

Ilmaha kii u yaraa ayaana siiyay, caanihii magaalada waan ku cusub nahay, mana naqaano cid aan xitaa deeyn u doonano. Feeysal subaxii ayuu naga tagaa saq barkii ayuuna ilbaabka soo garaacaa aniguna waxaan ka murugsanahy, caruurteeyda wixii aan siin lahaa balse isagu kama muuqato ineey masuulid saaran tahay,

Maxaa ka xanuun adoo haayo caruur waxba aanan kala garan ee aadan uhaayn wax aay cunaan amaba xirtaan. Feysal walaashiis waxeey igu biloowday, dhaga haddal iyo aflagaado aan gambasho laheeyn. Galab casira ayaan caruurtii uhelay, shaax markii aan ukariyay, ee aan siiyay, weey iga aamuseen Barxada ayaan usoo dhigay, furaash

halkii ayeeyna fariisteen waxaan arkay caruurteeydi oo dhoola cadeeyneyso. Waan ku farxay, waxaana fiirsanaayay, farxadooda iyo dheeshooda anigoo ilaaway, marka ay baahdaan sida aan umurugoon doono. Feeysal walaashiis waxeey, iyadduna banaanka keensatay, caruurteedi waxeeyna usoo gurtay, raashiin banaanka ayeeyna kusiiisay,

Hal Mar ayeey caruurteeydi wadda ooyeen raashiinkii ayeeyna farta kuwada fiiqeen iyagoo ileh hooyo cunto waxaan sameeyo ayaan garan waayay, kadib ayeey tiri feeysal walaashiis caruurta soo sii cunto weey baahdeene maxaad ugu fiirsaneeysaa gaajada.!

Waan istaagay, caruurtii ayaana meesha kawaday, guriga ayaana gudaha ugaliyay, balse halkii waan ku celin waayay, ileen waa ilma baahane kaligeey ayaan iska ooyay, waxaan wacay, feysal waxaana usheegay, xaalada jirta balse haddal aan ku farxo iima sheegin ee waa uu is dabaaliyay,..

Lasoco part:7

#join dhej si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Majeclaan lahayd sida aad hada unoshahay inay ilmahaga unoladan?!

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Me 👇
1:xanaaq badan
2:madax adeeg
3:warbadni 😅🤭

Adna ka sheeg

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Haddii aad hesho fursad aad ku aado dalxiis

Safar dhulka ah iyo mid cirkaa keebaa dooran aheeyd?

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Rajaddii rumoowday part:2❤💍

Waxaan ku iri dib noogu dhig maadaama aan mar dhow isbaranay balse cumar waa uu iga diiday wuxuuna yiri dib inaan udhigo ma rabo lkn maxaad ku diideeysaa inaan hadda aqal galno ima jeclid miyaa?

Waxaan iri waanku jeclahy sidaa jeceshahy ayaan kula jeclahy guurkaagana diyaar ayaan u ahay waliba xiliga aad rabtid adiga

Markaas ayuu yiri cumar waayahy amiira waad mahad santahay waxaan diyaarinayaa gurigii aan wadda dagi laheyn dhawaan

Kadib waan is macsalaameeynay waxaan u tagay hooyadeey arintii ayaana la wadaagay kadib ayeey igu tiri waan kuu guurinaynaa marba haddii aay naftaadu raali ka tahay waxaan iri mahadsanid hooyo aabe adiga lee usheeg

Kadib ayeey tiri hooyo waayahy anigaa usheegayo waan kasoo tagay hooyo waxaana soo galay qolkeyga runtii waan ku farxay inaan cumar xaaskiisa noqon rabo isbuuc kadib waxaa yimid cumar iyo reerkiisa soo dhaweeyn iyo wadda Haddal kadib aniga iyo cumar waxaa dhacay meherkeena sidii ayaana lagu kala tagay

Saacado kadib ayuu cumar isoo wacay anigoo ka xishoonaya sidii inuu ila joogo ayaan ka qabtay salaan kadib ayuu yiri amiira maanta maalmihii hore weey iiga duwan tahay

Markaas ayaan iri lkn sabab wuxuu yiri maanta waxaan helay qofkii aan dumarka oo idil ka soocday waxaan kalo noqday qof masuuliyad qaaday waxaaan dareemayaa inaan nafteeyda iyo caruurteenaba u dooray hooyo wanaagsan waanku jeclahy amiira

Aniga intaas markii aay dhagaheeyga ku dhaceen Waxaa imartay leeyr qaboow waxaana igu sii balaartay jaceylkii aan uqabay cumar kadib ayaan ku iri anigaba waanku jeclahy cumar waana ku faraxsanahy inaa noqday marwadaada,

Mudo kadib waxaa dhacay guurkeena waxaana leey galbiyay gurigeyga guriga aan dagnay waxaa ku nool cumar familkiisa oo dhan ana qol gaara ayaa ley dajiyay

Fiidkii markii ay dhamaan dadkii ila socday hoydeen waxaa qolka kusoo haray aniga kaliya daqiiqado kadib waxaa iisoo gashay cumar hooyadiis weey isoo ag fariisatay cabaar ayaan sheekeeysany runtii waan ka helay haddaleeda mcn sidii ineey idhashay oo kale ayeey farxada iila.qeeybsatay

Waxaa niyada iska iri amiiroy wxaad heshay hooyo labaad nasiib ayaad leedahy anagoo qosolkeenna dhacaayo sidii dad waayo badan wada noolaa ayuu cumar noogu soo galay qolka

Markii aan cumar indhaha ku dhuftay haddalkii ayaa igu xirmay qosolkii iyo farxadiina naxtin ayeey isku badaleen isla markuu cumar soo galay hooyadiis ilbaabka ayeey ka baxday..

Lasoco part:3

Fadlan #join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Haddii aad la socotay sheekadaan ma jirtaa saameeyn ay kugu yeelatay?

EMOJI KALA NOOCA SAARA 🕊

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Kadib ayuu yiri shanta caruurta ah ma waxaad ku dul haayn doontaa nimaan dhalin waxaan iri nin aan dhalin iyo mid dhalayba maxeey is dooriyaan ileen adigaa dhalayoo xitaa aanan kala jecleeyn ineey dhintaan iyo inkalee wll amaan isii

Markaas ayuu yiri bal waayahay, balse ogoow caruurteeyda waan kaasoo doonanayaa gortey ahaataba waxaan iri waan arki doonaa waana uga baxay,...

Lasoco part:22

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:20 💘

Waxaan iri wayahay eedo waan baadi goobayaa weeyna iga tageen waxaan is weeydiiyay yuusuf halka uu aaday, waxaana go.aansaday, bal inaan waco yuusuf si aan xaalkiisa u ogaado iyo halkuu joogo waxaana wacay, lambarkiisa balse waxaa leygu yiri waa uu dansan yahay, waxaana u dhaafay, fariin ah

Haddii aad aragto message keyga isoo wac waxaa la gaaray, galabtii waxaana aaday guriga ilaa habeenkii oo dhan waxa aan sugaayay inuu yuusuf isoo waco balse waan waayay wicitaankiisa ilaa haddana ma uusan shidan mobileka waana iska seexday habeenkii subaxii ayaan soo aaday suuqa inta aanan furin dukaanka ayaan magaalka udoontay, adeeg anigoo laamiga gees ka socda ayaan arkay yuusuf oo gaarigiisi wato oo laamiga dhanka kale ka socda waxaan iska dhigay qof aanan arkin horay ayaana usocod boobsiiyay markuu idhaafay ayaan gadaal usoo fiiriyay bal meesha uu usocdo si aan u ogaado.

Waxaan ujeeday, yuusuf oo joojiyay, gaariga cabaar ayaan is taagay, halkeeygi balse weli halkiisi ayuu taagan yahay, waxaan soo aaday, xagiisa waxaana istaagay, gaariga agtiisa waxaan arkay, yuusuf oo ku dhex fikiraayo gaariga kadib ayuu dareemay in ruux dhinac taagan yahay,

Markaas buu isoo fiiriyay, kadib ayaan iri iwrn yuusuf lama filaan ayeey ku noqotay, kadib ayuu igu yiri waa nabad qabaa xageed ka timid waxaan iri gurigeygi baanka imid adigu xageed ka baxday,

Markaas ayuu yiri soow adigii I jaray, maba ogeeyn miyaa fariinta aad iisoo direeysay ineey ka micno aheeyd yanan dib u kulmin. Kadib ayaan iri waa runtaa balse fariinta aan kuusoo diray, micnaheedu ma aheeyn inaad hooyadaa xiriirka u jarto maxaad ugu soo lifaaqday, bal iisheeg?

Kadib ayuu yiri waa runtaa waanku qaldanahy, midaas waayo ma ahan qof isagaba la.aanteey faraxsan inaan isku murjiyo familkeeygana uga go.o waadna ku mahadsan tahay, kulankaaga wax badan baad ii cadeeysay, waxaan iri maxaan kuu cadeeyay?

Waxa uu yiri iska daa muhiim ma ahan waxaan iri waayahay macsalaama kadib ayuu yiri kheyr badan . Markaas ayaan iri adoo gaari wato miyaad iga tageeysaa anoo lugeeynayo? Kadib ayuu yiri xageed rabtaa waayehee waxaan iri dukaankeyga igeey, waxa uu yiri waayahay soo raac gaariga.

Waxaan soo raacay, gaarigii alaabtii aan doontay, xitaa waan ilaaway, markaas ayaan iri iga raali noqo waxaan usoo baxay, inaan wax kasoo gato suuqa balse waan ilaaway, waan dagayaa.

Markaas ayuu yiri waxba ha dagin waan kula soo gadayaa markuu sidaas yiri waanku farxay, waxaana iri wayahay, waxa uuna ila soo gaday, alaabtii aan ubaahnaa markuu dukaanka I keenay, ayaan ka dagay, markaas ayuu yiri waan sii baxayaa macsalaama wll.

Waxaan iri waayahay, waa uuna iska baxay, yuusuf waxa uuna tagay, guriga wax ayna kulmeen hooyo waxa ayna ku tiri waanku waayay, waxaana kuusoo diray, kalsoon bal kwrn wiilkeeygi yoow gabadhaas ma aanan dhalin balse wax walba ayaan iri hadana igama caroon adigoo wiilkeeyga ahna gurigii ayaadba iiga tagtay, midaas ma iqabataa?

Kadib ayuu yiri yuusuf hooyo waan qaldamay, iska keey cafi wax walba waxaan rabaa sidoodi ineey kusoo laabtaan hadana caadi baan ahay, wax walbo xanaaq ahna weey iga bexeen kadib ayeey tiri kalsoon maxeey kuu sheegtay, markaas buu yiri waxba iima aysan sheegin.

Kadib ayeey tiri yuusuf hooyadiis maanta laga bilaabo waxaan kula jeclaaday, kalsoon waxaana rabaa inaad guursato gabadhaas yuusuf wuuu aamini waayay, arinkaas aad ayuuna ugu farxay, hadalka hooyadiis hadana waxa uu soo xasuustay, inaan iri kuma jecli taasna qalbi jab ayeey ku noqotay,

Markaas ayuu yiri hooyo gabadhaas ima rabto ee markale ha igu soo qaadin hadalkeeda kadib ayeey tiri maya kalsoon waxeey iisheegtay, wax walba in ay daraadeey usameeysay, ayna diidaneed inaan kaa xumaado.

Markaas ayuu yiri yuusuf bal adiga wax walba kasoo dhameey aniga wajigeeyga ma hor geeyn karo arimahaasna kalama hadli karo
Kadib ayeey tiri yuusuf hooyadiis anigaa wax walba ka dhameey naayo ee adigu ma ogoshahay, guurka yuusuf waxa uu yiri Haa hooyo sidii shalay, aan urabay, ayaan maantana urabaa balse maba aqaan qaab aan uga hortago..

Lasoco part:21

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:18 💘

Markii aan guriga imaaday, ayuu isoo wacay, yuusuf balse waxaan kula Hadlo ayaan garan waayay, kadib ayuu igu yiri yuusuf kalsoon iga raali noqo run ahaantii ma moodeeyn ineey dhaceeyso mida maanta dhacday, raalina kama ihi haddalada xun xun ee maanta dhagahaaga ku dhacay,

Wax walba weey dheceen balse waxaan rabaa inaad iska keey cafiso runtii wax aanan fileeyn ayaa dhacay, markaas ayaan iri dhib maleh wll qof walba Mar baa la bartaa familkaaga waad ibartay, intaas ayaa muhiim aheeyd dhibna ma qabo aniga.

Markaas ayuu yiri yuusuf uma maleeynaayo in aadan dhib qabin waana ku dareemi karaa shalay adoo kaligaa faraxsan ayaan kusoo biiray, noloshaada bal fiiri maanta dhib ayaan dhexda kaa galiyay, waxaana kugu qasbay, inaad farxadaadi weeyso run ahaantii barashadeeyda kheyr kuuma aheeyn kalsoon !

Waxaan iri yuusuf wixii dhacay sooma celin karno aniguna farxadeeydi weey soo laabaneeysaaa intaasna waxba igu gooyn meeyso horay, ayaanba kuugu sheegay, inaan ahay hooyo caruur leh waadna aragtay, maanta waxa dhacay, wiil ayaa tahay gabar ayaana kugu haboon yuusuf maba ahan inaad aniga igu soo laabato iska guurso gabadha ay hooyadaa kula jeclaato aniguna wlltinimadeena dhamaan meeyso yuusuf.

Markaas ayuu yiri kalsoon waanku baryayaa qalbigeeyga ilaali hadalka noocaas ah uma dulqaadan karo mana rabo inaan ku waayo kalsoon caruur aad dhashay iyo waxaas in lagu mashquulo waa qalad waayo da. Ahaan waan kaa weeynahay, balse kaliya weey qorneed inaad hooyo noqoto Ana aan sii joogo waxaana aaminsanahy, inaan adiga ku sugaayay, kalsoon hadii aanba aniga ku rabo kuna jeclahay maxeey tahay sababaha kale ee aad raadineeysaan.

Kalsoon mid waan kaaga harayaa midaasna waa hadii aad ileedahay yuusuf kuma jecli mana rabo noloshaada waayo marabo inaan ciriiri ku geliyo Ana aan qasbo qof aanan I jecleeyn amaba idooneeyn kaliya runta iisheeg aniga waanku jeclahay mana kaa maarmo adiga ma I jeceshahay, mise jaceylku waa igu kali?

Waxaan go.aansaday, inaan yusuuf ka qariyo dareenkeeyga si hooyadiis iyo isagu uheshiiyaan gabadha lala rabana uu u guursado kadib ayaan iri waqti ma isiin kartaa?

Markaas buu yiri yuusuf waanku siinayaa waqti kugu filan waxaan iri waayahy jawaabteeyda fariin ahaan ayaan kuugu soo dirayaa kadib ayuu yiri waayahay, waana is macsalaameeynay,

Waxaan dareemay, xanuun fara badan waxaana ogaaday, inaan yuusuf xagiisa ubadanahay, nafteeyduna tabeeyso isaga balse waan is adkeeyay, waxaana ku dhaqaaqay,go.aankeeygi

Inkasoo aan dareemaayo qalbi jab haddane aflagaado dambe waxaan ka door biday, inaan yuusuf amaan buuxa siiyo si aan uga nabad galo dhaliisha familkiisa.

Waxaan soo qaatay, mobilekeyga waxaana tagay, qeybta message ka waxaana kuqoray, fariintaan. Yuusuf shalay waxaan isku baranay, si wanaagsan maantana waxa dhacay, waad ogtahay waxaan is naqaanaa mudo kooban

marka intaas laga soo gudbo waxaan rabaa inaan kaaga jawaabo su.aashaadii aheeyd ma I jeceshahay, jawaabteeydu waa maya yuusuf aniga wax jaceeyl ah kuuma qabo mana rabo caawa kadib inaan isla soo hadalno iska keey iloow Ana sidoo kale waan iska kaa ilaawayaa noloshaada sii wado..

Waxaana u diray, yuusuf isla markii ayuu iisoo jawaabay, yuusuf waliba fariin gaaban waxa uuna iisoo diray, kalsoon abyo inkastoo aanan kaa fileeyn hadane waan qaatay, amarkaaga xanuun kasta aan maro sidaa jeceshahay, ayaan kuu sameeynayaa macsalaama.
Intaas markaan arkay, waan ilmeeyay,!!

Lasoco part:19

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:15 💘

Kadib ayuu yiri yuusuf midaas waan ogahay kalsoon lkn dhib maleh halkaan baan kugu soo marayaa Mar kasta sow sidaas ma wacna? Waxaan iri Haa waa caadi hadaad ii timaado midaas dhib maleh

Kadib ayuu yiri lkn qaab noocee ah ayaan kuugu imaadaa waxaan dareemayaa inaad I fogeeyneyso kamana helin midaan haddalka yuusuf waan fahmi waayay kadib ayaan weeydiiyay, maxaad kala jeedaa midaas?

Markaas ayuu yiri yuusuf iga raali noqo kalsoon marabo inaad qalad iga fahanto kaliya waxaan kala jeedaa waxaan doonayaa inaad igu kalsoonaato oo aad I fahanto waxaan iri maxaan kaa fahmaa waayehee waxaan fahmo iila imoow wll anigu maba fahmin ula jeedkaaga yuusuf aad buu isku badalay, una carrooday,

Kadib ayuu istaagay, waxaan iri ma iga xumaatay, yuusuf? Markaas ayuu yiri maya kaama xumaan karo gaarigiisa ayuuna furay, hadyad ayuuna kasoo bixiyay, kadib ayuu igu yiri hadyadan adiga ayaan kuugu tala galay,

Kadib ayaan iri lkn adigo iga xanaaqsan ha iga tagin wll iga raali noqo haddii uu haddalkeygu wax kuu dhimay, yuusuf xitaa ima soo eegin ilbaabka ayuuna ka baxay,

Aad baan ula yaabay, sida sahlan ee uu yuusuf isku badalay, dhan aan u qaado ayaana garan waayay, hadyad qof iga xanaaqsan ii keenay, waan awoodi waayay, inaan furo waxaan joogaba galabtii ayaan go.aansaday, inaan hadyada furo waana furay,

Waana soo bixiyay markaan arkay, waanku farxay, marna waan ka xumaaday, waayo waxaan soo xasuustay, inuu yuusuf iga xanaaqay, hadyada waxaa ka mid aha sacad qurux badan iyo shopping 🛍 waxaan ku dhex arkay, warqad.

Waan furay, waxaana ku qornaa. Hadaladan.

Kalsoon waan ogahay, inaan dhawaan is baranay, haddane waxaan kuu qaaday, Darren jaceyl ma aqaan sababta aan sidaan fudud kuugu jeclaaday, waan ogahay, inaad qalad iga fahmeeyso balse waa iga dhab maalintaan kula kulmay, ilaa maanta adiga ayaan kaa fikirayaa I aamin ama ha i aaminin waanku jeclahay..

Intaas markii aan maraayay, qalbiga ayaa ixanuunay, waana sii wadi waayay, aqrinta warqadii ayaan isku laabay, waxaana iska xiray, dukaankii guriga ayaanan imid maadaama aan dareemay, madax xanuun fara badan.

Markii aan wax yar joogay, ayaan go.aansaday, inaan yuusuf waco balse mobile kiisi waxaa iga qabatay, gabar waxaana weeydiiyay, aaway, yuusuf?...

Lasoco part:16

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:14 💔

Waxaan iri waan is fahmi doonaa haddii aad noqoto qof hagaagsan balse kaliya naga daa dag dagan waayo waxaa wanaagsan qofka wixii qalbigiisa ka imaado inuu sameeyo waxaana doonayaa hadhow kadib barashadeena wixii inagu dhasho inaan wadaagno.

Markaas ayaan ayuu yiri diyaar baan u ahay midaas wax walbana waan kaa keensan doonaa kaliya isoo dhaweey oo ha fogeeyn gacalo.

Waxaan iri waayahy waankusoo dhaweeynayaa yuusuf waxa uu yiri mahadsanid waankaaga mahad celinayaa jawaabahaaga quruxda badan. Sidaad u qurux badan tahay ayuu haddalkaaguna mug iyo miisaan u leeyahay, waaba waxa imiir qaaday, nasiib ayaan leeyahay, waayo sakay markaan soo baxaayay, waxaan ka fikiraayay, howlo iyo adduun kale balse markaan kula kulmay,

Waan ilaabay, arimihii kale oo waxaan bilaabay, inaan adiga kaa fikiro waliba si dhaqsiyo ah noloshu maalinba waa cayn.

Waxaan iri waanka xumahay, noloshaadi kale ayaan kaa mashquuliyay, mana fileeyn. Midaas kadib ayuu yiri aniga ayaaba raali ku ah midaas sow tii la lahaa xaasluhu waa maxbiis faraxsan midaas baan rabaa inaan ka war doono.😁

Waxaan iri maad iska deeysid waa xanuun xabsiguye waxa uu yiri maya waan rabaaye ha iga hor istaagin. Waxaan iri waayahay, halkii ayaana isku macsalaameeynay,

Habeenkii waan iska seexday, qalbigeeyguna marna kama fikirin yuusuf waayo waxaan ogahay deg dega aan feysal uga helay hadaladiisi macaanaa iyo sidii uu iila dhaqmay, waxaa isoo wacay, wllkey waxa uuna iisheegay, in uu feysalkii leeyahay, wlaashaa ma furin oo waan qabaa waxaan iri wll ninkaas waa uu waashay, malaha ee warkiisa naga xir.

Kadib ayuu yiri maya midaas macquul ma ahan ninkan meel iska saar oo furiin kale oo marqaati leh ha dhaco si kale kaaga hari maayo aniga iyo Ilaheyba marqaati baanka aheeyn maalintuu lahaa walaashaa waan furay, balse waxaa wanaagsaneeyd inaan cod ka duubo waxaan iri iska daa wll kaas wax uu iqabo malehe wax kaluu damacsan yahaye.

Waxaan wacay, feysalkii anigoo aad u careeysan oo hadalku idhibaayo markaas baan iri ma waadan muslim aheeyn maxaad faraha iiga qaadi laadahy, shalay, adigaa I dayacay, ina fogeeyay, ma waxaad ila rabtaa rafaadkii aan kasoo baxay, ee anoo bilaa dhiig noqday, aad naag kale raadsatay, wll amaan isii haddii kale waan ku dacweeynayaa..

Kadib ayuu yiri idacweey ama ka tag waxaa tahay, xaaskeeyga kalmadaas markii aan maqlay, xanaaq daraadiis hadalka.waan lasii wadi waayay, qadka ayaana uga baxay,

Xanaaq ayaan la seexan waayay habeenkii waxaan dhinac mar isku rogaba hurdo weey iga soo dhici weeysay, waxaan usoo baxay, banaanka waan soo weeysa qaatay, salaad sunaa ayaana tukaday, waan duceeystay, qalbiga ayaa iiyara dagay, waxaana ku laabtay, sariirteyda markii kadib waan hurday,

Waxaan kasoo kacay, subaxii waxaan tukaday, salaada jikada ayaana galay, quraac yar oo ay jeclaayeen ayaana usameeyay, caruurta markii aan bogay, ayeey kasoo kacday, gabadhii I caawineysay, ee caruurta iisii hayneysay, maadaama aan maalintii oo dhan maqanahy,

Waan soo labistay, waana iska soo baxay, mana wicin yuusuf maadaama aan ka xishoonaayo isaga anan rabina inaan dhibo ileen waa ruux bini aadam ahoo waxaa macquul ah inuu igula kaftamaayay Ana kusoo qaadaayo. Ileen dana kalaa.ka dhaco ee.

Waxaan iska imaaday goobteydi shaqada inkastuu igusoo laa laabanaayo haddalkii feeysal hadana waan iska dabaaliyay, saacad kadib ayuu iridkeeyga gaari soo istaagay, waan fiiriyay, waxaana arkay, inuu yuusuf yahay, isla markii ayuu kasoo dagay, gaariga kadib ayuu gudaha usoo galay, dukaankii.

Markuu isalaamay, ayuu meel agteyda ah soo fariistay, kadib ayuu yiri sakay dhan waxaan sugaayay, call kaaga maxaad iisoo wici weeysay, aan isa soo weheshano ee waxaan iri waxaan diidayaa inaan ku dhibo iska soo bariiso ama dhaqso soo bax aniga marba si ayaan ahay oo xiligaan doono ayaan iska soo baxaa..

Lasoco part:15

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:12 💔

Aad baan uga naxay haddalka feeysal waxaana ku iri shalay, waxaad iiga tagtay, duur cidlo ah haddane waxaad guursatay, gabar kale waliba anigo oo xanuunsan tan sadaxaad waad ifurtay oo wllkey baa marqaati Ahaa adoo shalay, sidaas Ii nacay naftana igu cariiriyay, maanta waa maxay, waxa iga kaasoo galay,

Kadib ayuu yiri wax dhacay sideey udhaceen lama yiraahdo ee sidee loo xaliyaa baa la yiraahdaa ee aan dajino xaalka sidii horana kusoo celino ! Waxaan iri maya wll waa sidaan ukala fogaanay, majiraan waxkale oo na isku kaaya soo celin karo maanta waayo anigu diyaar uma ihi inaan Mar labaad kula midoobo Mar ayaad idhaawacday, qalbigeygana ku ciyaartay, balse hadda waan bogsooday, oo waan iska ilaaway, xanuunadii aad ii geeysatay,

Markaas ayuu yiri bal ka fikir arintaan markale ayaan kusoo wici doonaa waxaan iri ha isoo wicin waayo anigu maahi kalsoontii aad taqaanay ee jilicsaneeyd oo waan isbadalay, lasoco. Waxaana ku jaray, telka

Waxa uu igu furay, buuq balse waan is maaweeliyay oo maskaxdeyda waan ka joojiyay, fikirka subaxii markii aan dukaanka waxaan wadada ku kulanay, wiil gaari wato gaarigii ayuu ii joojiyay, waxa uuna iweeydiiyay, halka aan usocdo waxaana ku iri meel dheer marabo markaas ayuu iga codsaday, inuu iqaado Ana waan ka diiday, maadaama aan kashikiyay kana cabsaday, inaan gaari aanan garaneyn raaco.

Wiilkii waxa uu ku adkeeystay, inuu isii qaado. Markii dambe waan ogolaaday, gaarigii ayaana raacay, waxaan weeydiiyay, halka uu usocdo kadib ayuu igu yiri waxaan usocdaa shaqada kadib ayuu iweeydiiyay, sababta aan gaariga uga diiday, waxaan iri weli gaari qof aaanan garaneyn wato ma raacin

Kadib ayuu yiri markale hasoo lugeeynin aniga ayaa kugu soo qaadaayo gaarigeyga waxaan iri lkn maxaad dhibkaas isku galineeysaa markas ayuu yiri dhib iguma aha aniga kaliya waan jecleeystay, balse adiga haddii aad leedahay, marabo waa gooni yaana ku qasbin

Waxaan iri mahadsanid wll qof wanaagsan ayaa tahay, kadib ayuu yiri haddii aan qof wanaagsan oo la aamini karo ahay, wax baan kaa codsanayaa ee ma iisameeyneeysaa? Waan yaabay markaas ayaan weeydiiyay, waa maxay waxaas wax wanaagsan haddii ay yihiin waan kuu sameeyn doonaa

Kadib ayuu yiri hadda soo ima laheeyn qof wanaagsan ayaa tahay hadaba ma waaa inaad iga filataa wanaag wax walbana aad dhanka wanagsan ka fiirisaa.

Waxaan iri waayahay bal iisheeg waxaas waa maxay, aan ogaadee? Markaas ayuu yiri wax weeyn ma ahan ee waa lambarkaaga intaan ku qoslay, ayaan iri oo ma lambarkeeyga ayaad wax weeyn iiga dhigeeysay, markaas ayuu yiri wax weeyn waa uuba yahay, ee ma isiineeysaa?

Waxaan iri Haa maxaa diiday, adiguba axsaan ayaad iisameeysay, kadib ayuu yiri lkn kuma weeydiin inaa xaas tahay, iyo inkale. Waxaan iri ma ihi xaas balse hooyo ayaan ahay, ee adiga dhankaaga iiga waran kadib ayuu yiri anigu wax guur ah sooma marin haddan baadi goobayaa.

Waxaan iri lkn aniga iyo adiga isku mid manihin kadib ayuu yiri maxaad kala jeedaa? Waxaan iri wiil ayaa tahay, balse anigu hooyo ayaan ahay, markaas ayuu yiri muhiimada ma ahan waxaa tahay iyo waxaan ahay, balse waa inaad igu qanacsan tahay,

Kadib ayaan iri wiil qurux badan wanaagsan ayaa tahay wa waadan aheeyn ruux laga helo laguna qanco markaas ayuu yiri intaas ayaa idaweeysay, ee ii qor lambarkaaga waxaan iri waayaahy lambarkii ayaana u qoray, markii la gaaray, goobtii aan rabay, ayuu idajiyay, isna macsalaameeynay,...

Lasoco part:13

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

JOIN US 🫵👇❤️💯
OGAALBULSHO" rel="nofollow">http://www.youtube.com/@OGAALBULSHO

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:9 💔

Feysal waxa uu noqday qof aan Mar walba xiriiriyo aniga balse isagga iska keey indha tira waxeey sidii ahaataba waan xanuunsaday, waxaana u baahday, dhaqtar caafimaad waxaana wacay feysal kadib ayaan ku iri waan xanuunsanay, waxaan ubaahanay dhaqtar feeysal waxa uu iigu jawaabay, xanuunkan deg dega ah waa maxay, midaasna waxeey igu noqotay, niyad jab

Waxaan iri feysal ma waxaa kula tashanaayo xanuunka waad ogtahay haddii aan helaayo qofkle oo dhaqtar igeeyso in aanan kusoo waceen balse dantaa igu kaliftay midaas adigana waxba iima awoodid.

Kadib ayuu yiri haddii aan awoodi lahaa anba waan kusiin lahaa balse shiling mahaayo waxaan iri wayahay dhib maleh waala heli doonaa qadkana wuu igu jaray xitaa ima weeydiin halka leeyga haayo. Sida aan u xanuunsanahay,

Waxeey sidii ahaataba waxaan ka dhaqaaqi waayay lugaha oo ay itabar dhigeen waxaan ka dareemay bilaa dareemo ineey sii noqonayaan balse waan iska samray waxaana sugaayay, inta uu feysal iga soo wacaayo.ee iga leeyahay dhaqtar soo aad ama isagu ka imaanaayo.

Waxaan sidii ahaa mudo dheer intaasna feysal xitaa iima Usan dhihin xanuunkii seeka noqotay, Ana intaas waan sugayaa waayo waxaan ku ogaa shaqa la.aan waana usamraayay,

Galab galbaha kamid ah anigoo jikada jooga oo caruurta ukarsanayo casho ayuu mobilekeyga soo dhacay, waan fiiriyay waxaan arkay, inuu feysal yahay, waan farxay, waxaana is iri feysal malaha dhaqtar ayuu ku geeyn rabaa

Kadib ayuu yiri asc kalsoon
Waxaan iri wcs waxaan ka helay sida dagan ee uu iisalaamay feysal niyada ayaa ii dagtay, waxaan iri sethy? Waxa uu iigu jawaabay, waa nabad qabaa wax baan rabay, inaan kuu sheego.

Waxaan iri wax khayr leh Allaha ka dhigo ee bal ii sheeg waa maxay waxaas? Kadib ayuu yiri waxaan rajeeynayaa in aadan kasoo hor jeesan arintaan waayo waxaan ogahay in aad baariyad tahay !

Waxaan iri lkn dhaqsiyo iisheeg arinta jirta maanta waanba sugi la. ahy runtii cabaar ayuu aamusay.... kadib ayuu yiri waxaan rabaa inaan guursado waxaana rabay, inaan ku ogeeysiiyo !

Haddalkii ayaan ku sixday, jirka oo dhan ayuu dab ka baxay, ilma kulul ayaa isoo dhaaftay, waxaan kala garan waayaay, inuu igu yiri waan guursanayaa iyo inkale waxaan is iri Rabiyow riyo ka dhig balse waaba run !...

Lasoco part:10

#join and #like mahadsanid

Sheekada malala socdaa qaraabo🤔🙂

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:7 💔

Waxaa ii bilaabmay, maalmo yaro mugdi ah balse waan adkeeystay, feeysal waxa uu yimid habeenkii waxaan weeydiiyay, maxaad noo waddaa ilmaha baahi kuma seexan karaan waad ogtahay, kadib ayuu yiri anigu waxba mahaayo waad ogtahay, waakan mobilekyga qaad wixii ku juro caruurta caano uga soo bixi waxaan iri haddii aadba heli kartay, xoogaagan lacagta ah maanta maxaad noogu soo diri weeysay, markaas ayuu yiri buuqa iska daa orodoo caruurta xili hore caano usoo gad waan isaga aamusay, caanahii ayaana caruurta u keensaday, weeyna iga hurdeen balse ma aanan soo gadan wax casho ah waana iska seexday,

Feeysal waa uu iska seexday, isaguna subaxiina waa uu naga tagay, waxaa ii timid gabar aan qaraabo aheeyn iyaddoo booqasho iigu timid waliba si kadis ah balse guriga ma yaaliin wax la cuno iyo wax la cabo toona gabadhii waxaan u goglay, qeyb ka mida guriga waxaana utagay, feeysal walaashiis waxaan iri waxaa ii timid gabar marti ah mana haayo wax aan siiyo ee ma isiin kartaa xoogaa raashin ah oo aan usameeyo waxeey tiri maya raashinku waa uu iga go.ay, insha Allah caawa la keenayaa.

Waan kasoo tagay, gabadhii ayaana u imaaday, anigoo anan waxba usidin oo gacma maran waan iska ag fariistay, sheeko ayeeyna ii biloowday, gabadhii waxaan sheekeeysanaba waxaa la gaaray, xili dambe ilaa ay caruurtii baahi la ooyeen gabadhii weey dareentay, in uu dhib jiro su.aalo badan ayeeyna I weeydiisay,

Arinta jirta ayaana uga hadlay, markaas ayeey gabadhii ii tuurtay, lacag waxeeyna igu tiri abyo saan kuguma fiirsan karo lacagtaan qaado oo raashin kusoo gad inta kalana caruurta caano uga dhigo waxaan iri waayahy gabadhii waana u duceeyay,

Gabadhii weey baxday, kadib ayaan aniguna baxay, waxaana soo gatay, raashiin dhameeys tiran iyo caruurta caanahooda. Caruurtii ayaana caano siistay, oo aan seexsaday, feeysal walaashiis weeyka xanaaqday, inaan rashin soo gatay, waxeeyna dareentay, in gabadhii na caawisay, casho ayaan dabka iska saartay, feeysal ayaa ilbaabka kasoo galay, isla markii waxa u yeertay, walaashiis kadib ayeey ku tiri maxaa kugu dhacay, maalmahan caruurtaada waa loo tuugsadaahe markaas ayuu yiri ma kalsoon ayaa wax ku weeydiisatay,

Waxeey tiri maya aniga haddii ay I weeydiisato waa caadi oo cida baan ahay, balse naag maanta u timid beey ku calaacashay, oo ay lacag ka qaadatay, raashin ayeeyna kusoo gadatay, ku darso oo naagta waa reerkeeda wallee waad ceeboowday, haddaa lawada leeyahay, naagtiisi baa tuugsaneeysa !

Feeysal aad ayuu u carooday, aniguna cashadii ayaan diyaariyay, markaas buu banaanka dhigtay godol isaga oo aanan ila haddal aniguna waxaan usoo guray, casho markii aan dul imid ayaan ku yiri casheey agtiisa ayaana dhigay,

Cashadii ayuu darbo ku dhuftay, weeyna daadatay, waan yaabay, markaas ayaan iri kibir badanidaa maxaad raashinka udarbeeyneysaa? Intuu soo istaagay, ayuu igu yiri kibirkeeyga waxba kama sheegi kartid wax lasoo tuugsaday, na ma cuno orodoo ciida ka cun awalba waxaad aheeyd silic ku noole !

Aad baan unaxay, jirkoo idil ayaa idubaaxiyay, waxaan iri feeysal.ma anaad sidaas iila hadleeysaa waxa uu yiri iga hor dhaqaaq waxaan iri kaa hor dhaqaaqi maayo ilaa aad iiga sheegto waxaad igu maagtay,

Waxaan ku war helay dharbaaxsho xoog badan dhulka ayaan ku dhacay, inta aanan soo istaagin ayuu ul meesha taalay, iisoo qaatay, dhabarka ayuuna igala dhacay xanuun fara badan ayaan dareemay waana adkeeysan waayay, waxaana ga jabiyay, far markii uu xanuunsaday, ayuu iska keey daayay,

Anigana dhaawacyo fara badan ayaana isoo gaaray, feeysal walaashiis inta uu igaraacaayay, igama aysan qaban balse fartii ayuu meel uu geeyo waayay, ilaa waa far jaban ee isagii ayeey, na isbitaal la aaday, anigase su.aal ima aysan weeydiin...

Lasoco part:8

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:5 💔

Waxeey, sidii ahaataba feysal iyo aniga waan aqal galnay, oo hal guri ayaan wadda dagnay, feeysal waxa uu ii muujiyay, jaceeyl qalbigeeyga waxaa ku beer may, farxad iyo gal gacal fara badan ee aan u qaaday, feeysal maadaama uu iga soo saaray, dhibtii eedadeey, igu haaysay, iyo kontarolkii faraha badnaa.

Iyaddoo ay tahay xili fiid ah ayuu feysal iweeydiiyay, kwrn noloshaadi hore iyo tan maanta midee qaboow mideesa ku qanacsan tahay adiga oo aad farxad ka heshaa? Waxaan soo xasuustay, dhibkii leey marsiin jiray, kahor inta aanu feysal isoo doonan. Waxaan ka hadlay, qalbiga runta ayaana qeexay, anigoo ku iri feysal hortaa waxaan ku juray cariiri nololeed taas nolol kuma tilmaami karo waxeey, aheeyd xabsi.

Markaas ayuu yiri feeysal waanka xumahay, gacaliso ma anaan ogeeyn inuu dhib ku haaystay horteey, haddii aan ogaan lahaa in dhib lagugu haayo. Mar hore ayaan kusoo doonan lahaa.

Kadib ayaan iri dhib maleh haddaba waan kasoo gudbay, waxaana helay qof idaryeela ii damqada waana adiga feeysal !
Waxa uu yiri feeysal iska iloow dhibkii hore gacaliso markalana qof hala wadaagin waayo marabo inaad xasuusato dhibkii horay, kuusoo gaaray,

Waxaan iri wayaahy markle sheegi maayo kaliya adiga ayaan kuu sheegay, waayo adiga ma jiraan wax sir ah oo aan kaa qariyo.

Waxa uu yiri maba ahan inaad wax iga qariso. Aniga iyo adiga isku sir ayaa nahay, waxaan iri waayahy, feysal markii aan wada joognay, mudo yar waxa uu Alle nasiiyay, gabar qurux badan. Farxad ayeey, noo aheeyd maadaama aan aragnay, ilmihii ugu horeeyay, ee aan hooyo iyo aabo unoqonay,

Feysal markii aan is guursaneeynay, ma haaysan shaqo rasmi ah wax meel ku gaar ah mooyaane waxeey sidii ahaataba caruur kale ayuu Alle nasiiyay, oo caruurtii waxa ay, noqdeen 5 intaas feysal kaliya waxa uu noo awooday, xoogaa yar oo biil ah

mararka qaarna waxeey dantu nagu qasbeeysay, inaan qadno feeysal waxa uu aaday, magaalo kale waxa uuna igu yrii shaqa ayaan raadsanayaa. Waxaan iri waayahy, wax fiican Allaha kula kulmiyo..

Balse maxaa dhacay?

Lasoco part:6

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…
Subscribe to a channel