hoygashekoyinka | Unsorted

Telegram-канал hoygashekoyinka - HOYGA SHEKOYINKA

13286

Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹

Subscribe to a channel

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:10 💔

Waxaan garan waayay wax aan ugu jawaabo waayo feysal kama fileeyn arintaas anigoo xanuunsan garabna uga baahan inuu sidaan iila dhaqmaayo lama filaan ayeey igu noqotay, waxaan damcay inaan ujawaabo balse haddal waan kari waayay afka markii aan kala qaadaba qalbiga idamqanayo ilintuna dhabandeyda ayeey sabbey neysaa markii uu arkay in aanan la hadleeyn ayuu igu jaray,

Halkii ayaan ka dhaqaaqi waayay, ilaa anigo halkii fadhiya ay iigu timid feysal hooyadiis waxaan iskaga dhigay, qof caadi ah markiii ay isalaantay, ayeey igu tiri feysal inuu guursan rabo makuu sheegay, dhaawacii aan qarsanaayay ayaa markale I damqaday, qalbiga ayaana igubtay, balse waan is adkeeyay, waxaana ugu jawaabay, wuu iisheegay,

Waxaa arintii maqlay wllkey isla.markii ayuuna soo baxay, waxa uuna iigu yimid halkii aan joogay, wllkey markii uu I arkay aad buu naxay, isbadalka igu dhacay aawadiis kadib ayuu igu yiri soo raac gaarigan shalay markii uu ninkan ku dilaayay ayeey dantii uu kaa lahaa oo dhan xagiisa ka dhamaatay balse adigaa fahmi waayay shalay aniga ma rabin inaad ninkaan ku laabato balse waxaan is iri hakasoo quusatee daa hadhow yaney dhihin ninkeygo I jecel buu iga furay, !

Waxaan iri abowe waan qaldamay, waa runtaa maanta waxa uu yahay, baan ogaaday waayo anigoo xanuunsan daruufeeysan ayuu nag kale iga raacay, markaas buu yiri wllkey warkaas iska daaye soo raac gaarigan waxaan iri waayahy alaabteydi ayaana xir xirtay, waxaan iri lkn marabo inaan caruurteyda ka fogaado

Kadib ayuu yiri aniga halkan uma imaan inaan caruurtaada kaa fogeeyo ee waxaan u imid inaan cadowgaaga kaa fogeeyo ee soo qaado caruurtaada !

Aad baan ufarxay waana umahad celiyay wllkey intii aanan bixin ayeey guriga kasoo baxday, feysal hooyadiis waxeeyna aragtay, inaan baxaayo caruurtii ayeeyna ku dhegtay, oo ay tiri iga waddi meeysid caruurteyda adigu kaligaa bax wllkey aad buu u carooday, kadib ayuu yiri caruur maxaad ku faleeysaa caruurtaada waa ninka dayacay gabadheena sidaana u galay ma caruur kale ayaad leedahay haddii aadse ruux quman tahay, wiilkaaga qalad kuma aadan fiirsateen ee siidaa caruurtan.

Caruurtii ayeey deysay waxeeyna wacday, feeysal waxeeyna usheegtay inaan caruurta wadanaayo waxa uuna ugu jawaabay, ka leexo meeshey doonto hakala dhacdo ee iyaddaaba waxey siiso weeyn doonto ee sidii ayaana kusoo watay, caruurteydi waxaana imaanay, guriga wllkey,

Wllkey habeenkii markii aan hoyanay, waxa uu subaxii waxa uu igeeyay dhaqtarka balse wax cudura waa leeyga waayay oo aanan ka aheeyn inaan dhiig ku shubid ahay, dhaqtarka ayaana noo sheegay haddii aan beri gaari lahaa inaan dhiman lahaa balse nasiibku nasaaciday, markii dhiig la igu shubay, kadib waan bogsooday, alxm...

Lasoco part:11

Iga raali ahaada waan laso daahay weyna gaaban tahay,

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:8 💔

Feysal iyo walaalshiis waxeey, aadeen isbitaalka markii ay baxeen ayaan iska seexday, ciil ayaan la casheeyn waayay, waxaana la yaabay, bilaa sababta iyo kibirka uu igu dilay aniga waxeey sidii ahaataba xili saq dhaxe ah ayeey yimaadeen aniguna afkeyga uma kala furin .

Waxaana wacay, wiilkii wllkeey ahaa ee ay eedo dhashay, inkastu wiil yar yahay, haddane waan ka maarmi waayay, garabkiisa waxaana u sheegay, arintii dhacday, wllkey waxa uu yiri aniga ii imoow kasoo tag ninkaas waxaan iri waayahy, waxaana. Tagay, wllkey gurigiisa.

Wllkey markii uu arkay, dhaawacyada uu igu dhigay, waxa uu yiri ma waxaad ka qabtaa rajo waxaan iri mya xili subax ah ayeey, iridka kasoo galeen feysal iyo laba odoyaal qaraabadiisa ah

Wllkey waxa uu isku dayay, inuu ii diido ninkaas igana furo balse aad ayuu u calaacalay, ilaa markii dambe aan u beer jileecay, go.aansaday, na inaan raaco sidii ayuuna wllkey iigu soo daray, feeysal gurigeeygi ayaana kusoo laabtay,

Feeysal waxa uu iila yimid raali galin aniguna waan ka aqbalay, raali gelintii waxaa la joogay, mudo yar feysal waxa uu bilaabay, inuu igu dhaga hadlo isagoo ileh silic baad kusoo kortay, oo wanaaga aan kuu sameeyay, ayaa kaaga daray,

Waxaan ka shalaayay, inaan habeen usheegay, dhibkii aan soo maray, waayo haddii aanan usheegi laheeyn maanta iguma caayeen waan isaga aamusay, markii dambe waxa uu ii raray, ina dajiyay, meel baadiye ah hooyadiis oo halkaas daganeeyd ayuuna ila dajiyay,

Isaguna waxa uu kusoo laabtay, magaaladii feeysal waxa uu bilaabay, bishiiba mar inuu nasoo waco marka aan wax weeydiistana uu mobileka igu jaro waan iska sabray, waxaana is iri iska daa shaqa la.aan ayaa haayso maahane wax haddii uu haayo idinkama hagradeen.

Waxaan ahay, war jiro moog horaa loo yiri nimaan wax ogeeyn Alle ma cadaabo.!

Waxaa noqday, ruux habeen iyo maalin murugeeysan ilaa heer ay dadkii I yaqaanay, I aqoonsan waayeen iina maleeyeen inaan xanuunsanahy, waayo waxaa dhamaaday, jirkeeygii iyo dhamaan quruxdeeydii waan qayirmay, gabigeey,..

Lasoco part:9

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:6 💔

Feeysal markii uu maqnaa mudo ayuu ila soo hadlay, iguna yiri waxaan magaaladii ka helay, shaqo waxaan ku iri kwrn haddii aan halkaas wadda dagno maadaama ay halkan tuulo cml tahay? Waxa uu igu yiri waayahay, balse hadda maahan aan shaqeeyo. Xoogaa

Waxaan iri waayahay, caruurteeyda ayaana iska haaystay, nolosha aan ku jurana waanku qanacsanaa maadaama uu feeysal iga hagran wixii uu awoodo markaas waxeey sidii ahaataba feeysal waa uu isoo wacay, waxa uuna iisheegay, inuu guri wlaashiis leedahay, qolnaga siisay, waxaan iri waayahay, waan soo dageeynaa halkii ayaana uguurnay, waxaana dagnay, qolkii feysal shaqada uu helay, waxeey aheeyd mid aad u mushaar yar balse waan isaga qancay, waayo waxaan ogahay, nolosha aan kasoo baxay,

Waxeey sidii aahataba feeysal Mar labaad shaqadii waa uu ka fariistay, shaqa la.aan ayuuna noqday, waxaan waayay, wax aan caruurta caano uga bixiyo feeysal walaashiis waxaa qabo nin maal qabeeyn ah maalin maalmaha ka mid ah ayaan aamusin waayay, caruurta waayo ma garanayaan hooyadiin caano ma haayso.

Waxaan qolka uga galay, feeysal waalshiis waxaana iri abyo makaa helayaa caano ilmaha ayaa iga baahan caanihiina weey iga go.eene waxeey tiri maxeey tahay, ilmaha baahida la ooynaayo aaway, feeysal waxaan iri abyo shaqadii waad ogtahay, mudo gaaban ayeey iska aheeyd hadda ma shaqeeyo feeysal.

Kadib ayeey soo istaagtay, weel ayeeyna iigu soo shubtay, wax yar oo caano ah waan fiiriyay, balse koob shaaxa xitaa ma cadeeyaan waxaan iri abyo caanuhu makaa eberaa waxeey tiri maya waligeeyba caano igama go.in waan kasoo tagay,

Ilmaha kii u yaraa ayaana siiyay, caanihii magaalada waan ku cusub nahay, mana naqaano cid aan xitaa deeyn u doonano. Feeysal subaxii ayuu naga tagaa saq barkii ayuuna ilbaabka soo garaacaa aniguna waxaan ka murugsanahy, caruurteeyda wixii aan siin lahaa balse isagu kama muuqato ineey masuulid saaran tahay,

Maxaa ka xanuun adoo haayo caruur waxba aanan kala garan ee aadan uhaayn wax aay cunaan amaba xirtaan. Feysal walaashiis waxeey igu biloowday, dhaga haddal iyo aflagaado aan gambasho laheeyn. Galab casira ayaan caruurtii uhelay, shaax markii aan ukariyay, ee aan siiyay, weey iga aamuseen Barxada ayaan usoo dhigay, furaash

halkii ayeeyna fariisteen waxaan arkay caruurteeydi oo dhoola cadeeyneyso. Waan ku farxay, waxaana fiirsanaayay, farxadooda iyo dheeshooda anigoo ilaaway, marka ay baahdaan sida aan umurugoon doono. Feeysal walaashiis waxeey, iyadduna banaanka keensatay, caruurteedi waxeeyna usoo gurtay, raashiin banaanka ayeeyna kusiiisay,

Hal Mar ayeey caruurteeydi wadda ooyeen raashiinkii ayeeyna farta kuwada fiiqeen iyagoo ileh hooyo cunto waxaan sameeyo ayaan garan waayay, kadib ayeey tiri feeysal walaashiis caruurta soo sii cunto weey baahdeene maxaad ugu fiirsaneeysaa gaajada.!

Waan istaagay, caruurtii ayaana meesha kawaday, guriga ayaana gudaha ugaliyay, balse halkii waan ku celin waayay, ileen waa ilma baahane kaligeey ayaan iska ooyay, waxaan wacay, feysal waxaana usheegay, xaalada jirta balse haddal aan ku farxo iima sheegin ee waa uu is dabaaliyay,..

Lasoco part:7

#join dhej si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:4 💔

Isagga- waxaan kuu imaanayaa caawa is diyaari fiidkii.

Aniga- waayahay waan isku dayayaa insha Allah.

Markii la gaaray, fiidkii waxaan dhamaan reerka siiyay casho caruurtiina waan seexiyay, kadib markii uu aabo seexday, ayuu isoo wacay, waxaan iri diyaar baan ahay ii imoow.

Daqiiqado kadib ayuu ilbaabka soo istaagay waxaan iri soo gal banaanka ayaana kuraas dhiganay, sheekadaan ayaana na dhex martay,

Isagga- masha Allah waxaa tahay gabar wanagsan aniga ahaan waan kaa helay waadna isoo jiidatay, bal kwrn dhankaaga?

Aniga- sdkle aniguba waan kugu qancay,

Isagg- waa arin wanagsan mar haddii aad igu qanacday, aan iskaa baro magaceygu waa feysal waxaana doonayaa inaan is fahano ilaa xad noqotid na xaaskeeyga.

Aniga- waan soo dhaweeynayaa arintaas waana ku faraxsanahy,

Isagga- waxaan rabaa waqti badan in aanu naga bixin Mar haddii aad I aqbashay, kwrn haddii aan soo diyaar garoobo dhawaana ku guursado.

Aniga-waayahy soo diyaar garoow waanku sugayaa.

Isagga-waayahy macsalaama waa inoo kulanka xiga.

Markii uu ilbaabka ka baxay, waan farxay waxaana niyada iska iri maanta ayaa kuugu dambeeyso xukunka eedo iyo cabiida ay kugu haayso ninkaana waa nin wanaagsan si wanaagsan ayuu iila hadlay, kan waa kii aan murugada iyo dhibka uga bixi lahaa.

Habeenkii waxaan seexday aniga oo faraxsan waxaana qalbigeeyga siiyay ninkii feysal ahaa waayo waa ninkii iigu horeeyay ee aan la kulmo amaba aan la haasaawo. Isbuuc kadib eedo weey, timid waxeeyna aragtay, in mobilekeyga lasoo wacaayo. Weey iweeydiisay, balse waxaan ku iri waxba maaha ilaa markii dambe aan codka ka xiray, si aan eedo uga qariyo.

Xili galab ah waxaa isoo wacay, feeysal waanku farxay, kahor inta aanan qaban mobileka waanka qabtay waxa uuna iisheegay, in uu isoo doonaayo caawa waxaan iri waayahay, waliba aniga oo ku faraxsan. Maadaama aanka helay feysal

Waxaan damcay, inaan eedo la wadaago arintaan balse waan ka baqay, lkn si hoos ah ayaan gurigii u nadiifiyay, meel walbana waan hagaajiyay,

Markii la gaaray fiidkii waan daalay, waana iska hurday, waxaa ii timid eedo oo xanaaqsan dharbaaxsho ayeeyna. Igu kicisay, anoo naxsan ayaan iri eedo maxaa dhacay kadib ayeey, tiri naa nimanka ma adaa la balamay, waxaan iri Haa eedo

Waxeey tiri soo istaag waalaguu fadhiyaa aabahaa baa ku wacaayo ee. Waan soo istaagay, aabo ayaana iga hor yimid kadib ayuu iweeydiiyay, kalsoon ma adaa la heshiiyay, ninkan waxaan iri Haa aabo.

Aabo waxa uu yiri waayahay,
Halkii ayuuna ninkii igula mehriyay, waana lakala tagay, waxaan arkay boorso dhar ah oo leey keenay aniga waan furay waxaana arkay dhar qurux badan oo kujuro durba waxaan bilaabay, inaan xirto waxaan ugu farxay si waali ah.

Dharkii qeeyb waxan siiyay eedo qeybtii kalana anaa qaatay, waxaan galay maalmo farxad ah..

Lasoco part:5

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon

Qaybta 2aad 💔

Markii aan iska dhaqay wajiga eedo waxeey aragtay in uu dhaawac wajiga iga gaaray, waxeeyna igu tiri afkaaga kalama furi kartid marnaba yaanan kaa maqlin eedaa dhaawacan igu dhigtay, waxaan iri waayahay, wax yar kadib waxaa yimid aabo waxa uu arkay garaafadii wajiga iiga taalay, kadib ayuu I weeydiiyay kalsoon maxaa wajiga kaaga dhacay. Aabo waxaan iri aabo waan kufay sidaas ayeeyna garaafadan iisoo gaartay,

Markaas ayuu yiri aabo bal day dhaawacaan meeqaan kulahaa tartiib usoco fudeeydkaagi dhaawacan buu sabab unoqday hadda kadib iska fiiri meeshaad lugta dhigeeyso waxaan iri waayahay aabo.

Eedo meesha fadhisay ayuu yiri aabo dhaawacan goormu soo gaaray kalsoon xageedsa u dirtay, kadib ayeey tiri waxaan doontay adeeg waxaana u imaaday iyaddoo dhaawac ah malaha darbiyada ayeey kortaa canugaan uga tagay xitaa waxaan u imid isagoo dayac ah oo dhulka silac uyaalo !

Kadib ayuu yiri aabo gabadhan adigaa aqlaaqda uga dheelay ilmaha waala canaantaa wax ayaana loo sheegaa balse adigu waad sii deeysay, markaas ayeey tiri ilma aanan dhalin ma edbin karo waa intaas ay qalad iga fahmaan wixii ay qaban kartana ha qabato wixii kalena haka seexato.

Anigu waxaan taagahay agteeda waxaan la yaabay sida ay aabo beenta ugu sheegeeyso iyo sida ay qof wanaagsan isagga dhigeeyso waliba iyaddoo og maanta dhibka ay iigeeysatay, iyo wixii dhiig iga baxay,

Waan ciishooday, waxaana niyadda iska iri haddii ay noolaan laheeyd hooyadaa sidaan laguuma galeen waxaadna heli laheeyd naxariis hooyo nimo waxeey sidii ahaataba waxaa noqday qof weeyn ogna wixii u san iyo wixii u xun ba lkn eedo waxeey biloowday, ineey I controsho meel walba oo aan aadaayo waxeey igu tiri waa inaad iga fasax qaadataa.

Waa sax inaan ka fasax qaato maadaama aan nahay dad guri kuwada nool waalidna isku ah balse markii aan fasax weeydiisto waxeey keentay ineey igu tiraado meel aadi meeysid gurigan edeb ku joog.

Markii aan arkay cabiidiska ay igu haayso eedo waxaan go.aansaday in aan markale ka fasax qaadan iyadda waxeey sidii ahaataba galab anigoo qolkeyga ku jura ayeey iisoo gashay kadib ayeey igu tiri kaalay ii doon adeeg waxaan iri waayahay,

Markii aan adeegii doonay waxaan dukaanka isku aragnay laba gabdhood weey isalaameen waan sheekeeysanay, waxeey iisheegeen in an deris nahay waana isa soo raacnay, ilbaabkeeyga markii aan soo gaarnay ayaan iri waakan gurigeyga waxeey igu yiraahdeen waan kula galeeynaa balse waan ka diiday waayo waxaan ogahay in eedo qeeylo bilaabeeyso..

Lasoco part:3

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

Ama Soo Booqo 👇
OGAALBULSHO" rel="nofollow">http://www.youtube.com/@OGAALBULSHO

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko cusub ma idin bilaaba😁

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 19AAD 💘💍

Habaryar markii aay iga tagtay sariirteyda ayaan isaga laabtay qadadii ay ii keentay na waan cuni waayay waayo waqti aan wax cuno kuma juro xaldeyda ma ahan mid fiican waxaan la yaabay anigoo hadda isbital leeyga keenay in qol mugdiya bilaa mobile leey geeyo

Waxaan usoo baxay banaanka qolka fadhiga ayaana galay balse cidba ma joogto waxaan arkay mobile miiska saaran geesaha ayaan iska fiiriyay telfonkii ayaan soo qaatay qolkeyga ayaan lasoo galay

waxaan garaacday numberkii anas nasiib igama qaban waxaan wacay hooyo isla markii ayeey iga qabatay intaanan hadlin ayeey tiri abyo kwrn naciima waxaan ogaaday mobilkii habar yar inuu yahay

Kadib ayaan iri hooyo waa aniga ee mobilka maxaad iiga qaadatay meeshaan aniga ma joogi karo xanuun ayaan ku dareemayaa ee goormeed ii imaaneeysaa mise anaa iska soo baxo

Hooyo weey xanaaqday kadib ayeey tiri guriga habaryartaa miyaad leedahay waan dhibsaday mobileka dhaqtarkaa yiri ka qaada oo sidaas darteed ayaan kaaga qaaday weeyna igu jartay

Waxaa noqday qof sidii larabo laga yeesho hooyana haddal kuma celin karo waan iska ooyay mobilka ayaa soo dhacay isla markii ayaan fiiriyay anas ayuu noqday aad ayaan ufarxay waana ka qabtay

markuu anas hello igu yiri waxeey ila noqotay inuu qolka iga dhax wacaayo xanuunkeygi dhamaaa waan ilaaway waxaan iri anas waa naciima sethy markaas ayuu yiri anas alla naciima ma ii caafimaad qabtaa ma ogid sidaan ugu daalay raadintaada meel aanan kaa raadin majirto

Waxaan iri waxba sidaas ha iga dhihin isbitalka iiguma aadan imaan ma adigaaba iga naxaayo maxaad beenta iigu sheegeeysaa xageed iga raadisay

Kadib ayuu yiri anas naciima isbitalka waan imaaday qolba mar sidaan u galaayay ayaan arkay hooyadaa oo qol ilbaabka ka fadhiso waan utagay Kadib ayeey igu tiri xageed u socotaa naciima weey fiican tahay iska laabo

balse waan ka diiday waxaan ka codsaday inaan kuusoo galo lkn hooyo weey iga diiday banaanka ayeeyna iisoo bixisay sidaan ilbaabka ufadhiyay ayaan daalay mobile kaagana waa uu dansanaa

Maanta waxaan tagay gurigiina balse hooyada kaliya ayaan ku arkay waanku weeydiiyay waxaan iri hooyo hal.mar xitaa naciima aan la kulmo lkn waxeey igu tiri ma joogto naciima waa dareemi kartaa dhibka aan maraayo la.aantaa

Waan yaabay isma dhaheeynin anas ayaa isbitalka yimid markaas ayaan iri anas dhib maleh aniga waxaan ka murugooday imaansha la.aantaada haddii aad mar ii timid waan ku faraxsanahy

Kadib ayuu yiri anas hadda xageed joogtaa maxaase kaaga dhacay telfonkaagi waxaan iri hooyo ayaa iga qaadatay waxaana joogaa guri habarteyda leedahay qol ayaan kaligeey ku juraa raashinkii leey keenay wuu iga dagi waayay

Wuxuu yiri anas waa alxm xbbti lkn baahi ha isku dilin raashiinka cun haddane miyaad rabtaa inaad dhiig la.aan noqotid waxaan iri maya waxba ma cunaayo inta aan kaa arkaayo anas.

Kadib ayuu yiri waan kuu imaanayaa waliba isla hadda waxaan iri waayahy anigaa soo baxaayo helkii aan isku arki laheeyn ayaan u tilmaamay waxaan meeshiisi iska geeyay telfonkii dharkeygi ayaana xirtay

Anoo ordaayo ayaan guriga kasoo baxay habar yar adeeg ayeey ku maqneed waxaan soo socdaba halkii aan anas ku balamiyay ayaan usoo dhawaaday waxaan meel dheer ka arkay anas aad ayaan ufarxay wuxuu yiri naciima hadda sethy caafimaadkaaga waa sidee

Waxaan iri anas aniga cudur aan la.aantaa aheeyn ima haayo dhaqtarkeyga waa adiga adoo kaliya idaaweeyn karo

Wuxuu yiri anas ma intaas kaliya aniga wax walba diyaar ayaan kuula ahay aniga lee soow ima rabtid ogoow maanta adiga ayaa ileh haka wal walin gabar aan adiga aheeyn inaan nolol la qeybsado

Waxaan iri hyh anas waanku jeclahy waxaan faraxsanahy kaliya intaan ila joogtid wuxuu yiri anigaba waanku jeclahy ee na keen sow sidii uma baahnid waan soo qadeeyneynaa maqaaxid ayaan galnay halkii ayaan kusoo wadda qadeeynay markii aan kasoo baxnay qadadii ayaan ku iri xageen aadnaa

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Cabaar markaan joogay ayaan dareemay in hooyo mobilkeyga qaadatay waxaan mobile weeydiistay habar yar balse ima siin qol ayaa kaligeey leey galiyay

hoos intaan kasoo xirtay sidaan u ooynayay ayeey dhuuntii ixirman tay waayo anas inaan xanuunsanahay waan usheegay balse iima usaan imaan halkaas waxaa iiga cadaatay anas in uu ijecleeyn haddane waxaan la yaabay sababta aay hooyo mobileka iiga qaadatay gurigaana ii keentay waan walaacay waayo anas iyo hooyadeeyba mid mahaayo qol ayaan kusoo koobmay

Ilbaabka ayaa leeygu soo garaacay kadib ayaan iska tirtiray ilintii oo aan iska dhigay qof iska jiifay markaas ayaan furay waxa iiso gashay habar yar oo qaddo ii waddo

waxeey tiri qadeey ilbaabkana maxaad la xireeysaa cid kuuma soo galeeysee iska furo madaxa ayaan udhaq dhaqaajiyay waayo madaxa iyo dhuuntaba oohin ayeey ila barareen oo haddal.makaro..

Lasooco part:19

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️🕊

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Anas oo aad unaxsan ayaa yiri waxba kuma sameeyn hooyo maxaad aragtay anigu waxba kuma sameeyn gabadha kadib ayeey tiri hooyo iga bax marka hore idhaaf aniga waan isku naxay kadib ayaan iri hooyo iska dhaaf waxba iguma sameyn anas kaliya haddal um baan ka xanaaqay ee ka kaleexo hooyo weey iska baxday hooyo marba haddii aan iri waxba igama haleeyn anas markii aay ilbaabka ka baxday ayaan iri anas iska bax

Kadib ayuu yiri maya naciima ma waxaad rabtaa caawa inaad xanaaq ku seexato bls icafi marka hore waxaan iri kuma cafinaayo ee iisheeg waxa aay mama caasha kuu sheegtay kadib ayuu yiri hooyo halis ayeey ku sugan tahay dhiikar ayaana ku dhacay hadda ayaana laga soo sheegay soow lagama yaabo aniga darteey inuu ugu dhacay haddii aan kasii xanaajiyana weey ku bixi kartaa marka waxaan ku qasbanahy inaan hooyadeey dajiyo si aaney darteey ugu caroon

Waxaan iri sorry anas lkn haddalkaaga ma waxaad ka waddaa xiriirkaaga waan jarayaa oo hooyo ayaan amarkeeda qaadanaa hadda.ma sidaan ayaan ku kala go.eeynaa wuxuu yiri anas bisinka maya naciimo maxaa dhacay mcnto qalad ayaad fahansan tahay kaliya waan isku naxay sideen ugu fikiri karaa inaan adiga kaa fogaado balse waxaan ka shalaaynayaa inaan haddal xun ku iri waxaan kaa codsanayaa inaad icafiso..

Lasoco part:18

Fadlan share gareeya manta like badana saara si asxaab badan ugaaro join na naso dheh mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

Ama Soo Booqo 👇
OGAALBULSHO" rel="nofollow">http://www.youtube.com/@OGAALBULSHO

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Channel ka masocdo asxabtina ushare kareya 14k buuxiya 😭
__

Ma
tahay qof xiiseya aqrinta shekoyinka hdaba ku biir ░▒▓█►─ @hoygashekoyinka ─◄█▓▒░ kana hel shekoyin Taxana ku xiisa geliya😘

Adiga uunbaa inaga dhiman ee kaalay join dheh oo naguso biir

FG:Jointu waa lacag la'aan

Linkiga channelka
/channel/+2hiuMysiMxA4ZDdk




14k inaa gaaro inagu caawi


1. @Amaanjaceyl
😊soo dhawow.
↴  ↴   ↴    ↴

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 15AAD💘💍

Anas intaas markuu igu yiri waxaa idamqaday dhamaan dhaawacyaddii aan qalbiga ku qarsanaayay waxaan is celin waayay ilmo ilaa heer aan anas jawaab siin waayo

Cabaar markii aan aamusnaa ayuu anas dareemay inaan ooynayo kadib ayuu yiri naciima wax iisheeg waan dareemayaa adiga igama aadan fogaan ee iisheeg yaa iga kaa fogeeyay intaas kaliya ayaan rabaa inaan ogaado

Waxaan iska raadiyay haddal markaas ayaan ku iri anas waan ogahay inaan qalad kaa galay xanuun fara badana ku marsiiyay

balse ogoow xanuunka aad martay mid ka weeyn anaa maray waayo adiga aniga ayaa kaa fogaaday oo waad iwaaysay kawaran aniga anoo ku jecel kuna waayin oo aan ku arki karo codkaagana maqli karo ayaan isku qasbay inaanan dib kuu arkin sidaas oo aay tahay hbn ma joojin inaan kaa fikiro waxaan ka baqayaa inaan waasho fikir aawadiis

Anas aad ayuu iila yaabay waxa uuna yiri lkn maxeey tahay sababta aad intaas oo ciqaab ah naftaada u marsiineeysid maxeeyse yihiin waxa aad iga qarineeyso

Waxaan iri anas aniga intaan ka badan waxba kaama qarin karo maalintii ey hooyadaa ku dhaheysay naciima la hadlaa waxeey igu tiri anas anigaa dhalay oo kusoo dhibtooday waa wiilka kaliya aan dunida ka leeyahy waxaan rabaa inaad faraha iiga qaadid oo aad isaga fogaatid wiilkeyga ana waan kuu duceeynayaa

Kadib ayaan iri eeddo anas wax walba ayuu iga caawiyaa mana haaysto qofkle oo wax itara anoo is leh ka dhaadhici in aaney anas waxba idinka dhaxeeyn markaas ayeey tiri wax walba oo aad rabtid anigaa ku siinaayo lacag fara badana weey iidirtay

markii aan arkay mama caasha sida aay iigu kaa dhibsatay waxaan ka baqay in aan hooyadaa ku nacsiiyo oo aad isku xumaatiin waxaana go.aan saday inaan maama caasha farxadeeda usameeyo ana aan iska Samro waayo wiil hooyadiis sidaas kuu nacday waxba idinma dhex mari karaan anas

Wuxuu yiri anas naciima aniga waxaas war kama haaynin hooyana in aad heerkaas isla gaarteen ma ogeeyn waa runtaa hooyo la.aanteed wax soconaayo maleh mana fileeynin in aay hooyo anas ka har dartiis lacag ubixisay adna aad yeeshay

Waxaan iri anas aniga lacagta waan qaatay balse sababta aan u qaatay ima aadan weeydiin aniga waxa kaliya ee shaqaale nimo igu qasbay waa in aan hooyadeey wax utaro oo aan arko hooyadeey oo wixii aay rabto heli karto ee aanan cid waxba ka sugeeyn

si aan maama caasha iyo hooyadeey ba u farxad galiyo ayaan sidaas u sameeyay maanta hooyadeey weey faraxsan tahay oo waxaan dajiyay guri qurux badan dukaan weeyn ayaan uga furay cidna uma baahna maanta maama caashana weey faraxsan tahay oo wiilkeedi ayaan uga haray

Balse hooyadeey waxeey ila murugsan tahay aniga waayo waxeey imoodaa inaan xanuunsanahy shaqadeydi xitaa waan iska joojiyay waayo qof anan waxba cuneyn tabar ayuu noqonayaa

Maanta kaliya cida murugeeysan waa annaga illahey waxaan ka baryayaa sidaan waalidkeena u ixtiraamay oo aan qalbigooda u ilaaliyay ineey dareemaan oo waxaan rabno inoo sameeyaan

Wuxuu yiri anas naciima wax walba waan dareensanahay wax walba oo aad sameeysid waan ogahay wax aad ka fikirtay ineey yahiin maanta waxaan ku faraxsanahay inaad hooyadaa heerkii aad la rabtay gaarsiisay haddane waxaan ka xumahy inaad habeen uun murugo ku seexatay

Waxaan iri anas dhib maleh maadaama aan kasoo tagnay wixii hore aniga hadda maama caasha waan iskaga celinayaa lacagteedi Waxaan leeyahay balankii waan haayn kari waayay eeddo xitaa haddii aay diido inaan is guursano xiriir ayaan ku dhameeysaneeynaa nolosheena

Kadib ayuu yiri dhib maleh hooyo siii lacagteedi xitaa haddii aadan haayn anigaa kuusoo diraayo kaliya horteyda imaaw waxaan uxiiso qabaa codkaaga iyo muuqaaga oo isla socdo

hadda xitaa hooyo waxeey jirtaa safar haddii aadan inoo imaan karin guriga ii tilmaam aniga ayaa kuu imaanaayo muhiimada waa inaan ku arko

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

balse waligey cid uma baahan lkn maalinkaad iga tagtay ilaa hadda kaligeey ayaan ooyaa cidina ima dilin haddal xuna ima dhihin adoo kaliya ayaan kuu baahanahy

kuma fikirin naciima ayaa sidaan kuula hadli doonto balse waxaan dareemayaa inaad iga maarantay nolol qurux badan ayaan kuu rajeeynayaa lkn aan ku weeydiiyo ee maka maaran tay bini aadam oo ma isku filnaatay

Kadib ayaan iri haa waan shaqeeystaa alxm waana isku filnaaday

Kadib ayuu yiri waa kheyr midaas balse markii aad shaqa heshay maxaad ii gooysay waad ogeeyd aniga markii aan shaqo helay koow waxaan ka bilaabay farxadaada mise waad iloowday naciima....

Lasoco part:15

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Aniga waan carooday kadib ayaan ku iri anas maxaad ii tiri guriga sidii maahan maxeey tahay ilbaabka ayaaba caay leeyga hor keenay ilbaabka ayaana ka baxay anas ayaa iga soo daba baxay kadib ayuu yiri fiiri mcnto anaga idil uma imaan ee hooyo ayaan u imaanay welina isma arag maxaa dhacay qali

Maama caasha ayaa buuqa maqashay oo durba banaanka usoo baxday kadib ayeey tiri maxaa dhacay anas ayaa yiri arintaan ayaa dhacday maama caasha idil ayeey ku qeeylisay kadib ayeey igu tiri naciima soo gal anigaa kuu yeeray

Gudaha ayaan u galnay kadib ayeey igu tiri maama caasha naciima waxaan karaali galinayaa qaladkii shalay aan kaa galay

alxm waxaan dhalay wiil aad u caqli iyo naxariis badan intii iga maqana waxaan rajeeynayaa ineey asiga ku juraan qaladkii aan kaa galay na ku ilaaw geesiga aan dhalay ee aan la dhibtooday inaad ku ciil baxday anigaa ku xumeeyay haddane isla wiilkeygi ayaa garabkaaga noqday..

Lasoco part:14

Guys dulqaadka ka badiya idinkuma boodin oo habeenka wali ma dhamaanin ee mashqulkayga badan sheekadana waqti bee rabta igu qaata marka intina soojeeda wkasa inta dhimana waa inoo xiliga suxuurta

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:9 💔

Feysal waxa uu noqday qof aan Mar walba xiriiriyo aniga balse isagga iska keey indha tira waxeey sidii ahaataba waan xanuunsaday, waxaana u baahday, dhaqtar caafimaad waxaana wacay feysal kadib ayaan ku iri waan xanuunsanay, waxaan ubaahanay dhaqtar feeysal waxa uu iigu jawaabay, xanuunkan deg dega ah waa maxay, midaasna waxeey igu noqotay, niyad jab

Waxaan iri feysal ma waxaa kula tashanaayo xanuunka waad ogtahay haddii aan helaayo qofkle oo dhaqtar igeeyso in aanan kusoo waceen balse dantaa igu kaliftay midaas adigana waxba iima awoodid.

Kadib ayuu yiri haddii aan awoodi lahaa anba waan kusiin lahaa balse shiling mahaayo waxaan iri wayahay dhib maleh waala heli doonaa qadkana wuu igu jaray xitaa ima weeydiin halka leeyga haayo. Sida aan u xanuunsanahay,

Waxeey sidii ahaataba waxaan ka dhaqaaqi waayay lugaha oo ay itabar dhigeen waxaan ka dareemay bilaa dareemo ineey sii noqonayaan balse waan iska samray waxaana sugaayay, inta uu feysal iga soo wacaayo.ee iga leeyahay dhaqtar soo aad ama isagu ka imaanaayo.

Waxaan sidii ahaa mudo dheer intaasna feysal xitaa iima Usan dhihin xanuunkii seeka noqotay, Ana intaas waan sugayaa waayo waxaan ku ogaa shaqa la.aan waana usamraayay,

Galab galbaha kamid ah anigoo jikada jooga oo caruurta ukarsanayo casho ayuu mobilekeyga soo dhacay, waan fiiriyay waxaan arkay, inuu feysal yahay, waan farxay, waxaana is iri feysal malaha dhaqtar ayuu ku geeyn rabaa

Kadib ayuu yiri asc kalsoon
Waxaan iri wcs waxaan ka helay sida dagan ee uu iisalaamay feysal niyada ayaa ii dagtay, waxaan iri sethy? Waxa uu iigu jawaabay, waa nabad qabaa wax baan rabay, inaan kuu sheego.

Waxaan iri wax khayr leh Allaha ka dhigo ee bal ii sheeg waa maxay waxaas? Kadib ayuu yiri waxaan rajeeynayaa in aadan kasoo hor jeesan arintaan waayo waxaan ogahay in aad baariyad tahay !

Waxaan iri lkn dhaqsiyo iisheeg arinta jirta maanta waanba sugi la. ahy runtii cabaar ayuu aamusay.... kadib ayuu yiri waxaan rabaa inaan guursado waxaana rabay, inaan ku ogeeysiiyo !

Haddalkii ayaan ku sixday, jirka oo dhan ayuu dab ka baxay, ilma kulul ayaa isoo dhaaftay, waxaan kala garan waayaay, inuu igu yiri waan guursanayaa iyo inkale waxaan is iri Rabiyow riyo ka dhig balse waaba run !...

Lasoco part:10

#join and #like mahadsanid

Sheekada malala socdaa qaraabo🤔🙂

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:7 💔

Waxaa ii bilaabmay, maalmo yaro mugdi ah balse waan adkeeystay, feeysal waxa uu yimid habeenkii waxaan weeydiiyay, maxaad noo waddaa ilmaha baahi kuma seexan karaan waad ogtahay, kadib ayuu yiri anigu waxba mahaayo waad ogtahay, waakan mobilekyga qaad wixii ku juro caruurta caano uga soo bixi waxaan iri haddii aadba heli kartay, xoogaagan lacagta ah maanta maxaad noogu soo diri weeysay, markaas ayuu yiri buuqa iska daa orodoo caruurta xili hore caano usoo gad waan isaga aamusay, caanahii ayaana caruurta u keensaday, weeyna iga hurdeen balse ma aanan soo gadan wax casho ah waana iska seexday,

Feeysal waa uu iska seexday, isaguna subaxiina waa uu naga tagay, waxaa ii timid gabar aan qaraabo aheeyn iyaddoo booqasho iigu timid waliba si kadis ah balse guriga ma yaaliin wax la cuno iyo wax la cabo toona gabadhii waxaan u goglay, qeyb ka mida guriga waxaana utagay, feeysal walaashiis waxaan iri waxaa ii timid gabar marti ah mana haayo wax aan siiyo ee ma isiin kartaa xoogaa raashin ah oo aan usameeyo waxeey tiri maya raashinku waa uu iga go.ay, insha Allah caawa la keenayaa.

Waan kasoo tagay, gabadhii ayaana u imaaday, anigoo anan waxba usidin oo gacma maran waan iska ag fariistay, sheeko ayeeyna ii biloowday, gabadhii waxaan sheekeeysanaba waxaa la gaaray, xili dambe ilaa ay caruurtii baahi la ooyeen gabadhii weey dareentay, in uu dhib jiro su.aalo badan ayeeyna I weeydiisay,

Arinta jirta ayaana uga hadlay, markaas ayeey gabadhii ii tuurtay, lacag waxeeyna igu tiri abyo saan kuguma fiirsan karo lacagtaan qaado oo raashin kusoo gad inta kalana caruurta caano uga dhigo waxaan iri waayahy gabadhii waana u duceeyay,

Gabadhii weey baxday, kadib ayaan aniguna baxay, waxaana soo gatay, raashiin dhameeys tiran iyo caruurta caanahooda. Caruurtii ayaana caano siistay, oo aan seexsaday, feeysal walaashiis weeyka xanaaqday, inaan rashin soo gatay, waxeeyna dareentay, in gabadhii na caawisay, casho ayaan dabka iska saartay, feeysal ayaa ilbaabka kasoo galay, isla markii waxa u yeertay, walaashiis kadib ayeey ku tiri maxaa kugu dhacay, maalmahan caruurtaada waa loo tuugsadaahe markaas ayuu yiri ma kalsoon ayaa wax ku weeydiisatay,

Waxeey tiri maya aniga haddii ay I weeydiisato waa caadi oo cida baan ahay, balse naag maanta u timid beey ku calaacashay, oo ay lacag ka qaadatay, raashin ayeeyna kusoo gadatay, ku darso oo naagta waa reerkeeda wallee waad ceeboowday, haddaa lawada leeyahay, naagtiisi baa tuugsaneeysa !

Feeysal aad ayuu u carooday, aniguna cashadii ayaan diyaariyay, markaas buu banaanka dhigtay godol isaga oo aanan ila haddal aniguna waxaan usoo guray, casho markii aan dul imid ayaan ku yiri casheey agtiisa ayaana dhigay,

Cashadii ayuu darbo ku dhuftay, weeyna daadatay, waan yaabay, markaas ayaan iri kibir badanidaa maxaad raashinka udarbeeyneysaa? Intuu soo istaagay, ayuu igu yiri kibirkeeyga waxba kama sheegi kartid wax lasoo tuugsaday, na ma cuno orodoo ciida ka cun awalba waxaad aheeyd silic ku noole !

Aad baan unaxay, jirkoo idil ayaa idubaaxiyay, waxaan iri feeysal.ma anaad sidaas iila hadleeysaa waxa uu yiri iga hor dhaqaaq waxaan iri kaa hor dhaqaaqi maayo ilaa aad iiga sheegto waxaad igu maagtay,

Waxaan ku war helay dharbaaxsho xoog badan dhulka ayaan ku dhacay, inta aanan soo istaagin ayuu ul meesha taalay, iisoo qaatay, dhabarka ayuuna igala dhacay xanuun fara badan ayaan dareemay waana adkeeysan waayay, waxaana ga jabiyay, far markii uu xanuunsaday, ayuu iska keey daayay,

Anigana dhaawacyo fara badan ayaana isoo gaaray, feeysal walaashiis inta uu igaraacaayay, igama aysan qaban balse fartii ayuu meel uu geeyo waayay, ilaa waa far jaban ee isagii ayeey, na isbitaal la aaday, anigase su.aal ima aysan weeydiin...

Lasoco part:8

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:5 💔

Waxeey, sidii ahaataba feysal iyo aniga waan aqal galnay, oo hal guri ayaan wadda dagnay, feeysal waxa uu ii muujiyay, jaceeyl qalbigeeyga waxaa ku beer may, farxad iyo gal gacal fara badan ee aan u qaaday, feeysal maadaama uu iga soo saaray, dhibtii eedadeey, igu haaysay, iyo kontarolkii faraha badnaa.

Iyaddoo ay tahay xili fiid ah ayuu feysal iweeydiiyay, kwrn noloshaadi hore iyo tan maanta midee qaboow mideesa ku qanacsan tahay adiga oo aad farxad ka heshaa? Waxaan soo xasuustay, dhibkii leey marsiin jiray, kahor inta aanu feysal isoo doonan. Waxaan ka hadlay, qalbiga runta ayaana qeexay, anigoo ku iri feysal hortaa waxaan ku juray cariiri nololeed taas nolol kuma tilmaami karo waxeey, aheeyd xabsi.

Markaas ayuu yiri feeysal waanka xumahay, gacaliso ma anaan ogeeyn inuu dhib ku haaystay horteey, haddii aan ogaan lahaa in dhib lagugu haayo. Mar hore ayaan kusoo doonan lahaa.

Kadib ayaan iri dhib maleh haddaba waan kasoo gudbay, waxaana helay qof idaryeela ii damqada waana adiga feeysal !
Waxa uu yiri feeysal iska iloow dhibkii hore gacaliso markalana qof hala wadaagin waayo marabo inaad xasuusato dhibkii horay, kuusoo gaaray,

Waxaan iri wayaahy markle sheegi maayo kaliya adiga ayaan kuu sheegay, waayo adiga ma jiraan wax sir ah oo aan kaa qariyo.

Waxa uu yiri maba ahan inaad wax iga qariso. Aniga iyo adiga isku sir ayaa nahay, waxaan iri waayahy, feysal markii aan wada joognay, mudo yar waxa uu Alle nasiiyay, gabar qurux badan. Farxad ayeey, noo aheeyd maadaama aan aragnay, ilmihii ugu horeeyay, ee aan hooyo iyo aabo unoqonay,

Feysal markii aan is guursaneeynay, ma haaysan shaqo rasmi ah wax meel ku gaar ah mooyaane waxeey sidii ahaataba caruur kale ayuu Alle nasiiyay, oo caruurtii waxa ay, noqdeen 5 intaas feysal kaliya waxa uu noo awooday, xoogaa yar oo biil ah

mararka qaarna waxeey dantu nagu qasbeeysay, inaan qadno feeysal waxa uu aaday, magaalo kale waxa uuna igu yrii shaqa ayaan raadsanayaa. Waxaan iri waayahy, wax fiican Allaha kula kulmiyo..

Balse maxaa dhacay?

Lasoco part:6

#follow me si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii kalsoon part:3 💔

Gabdhihii waxaan iri iska baxa Ana waxaan soo galay guriga adeegii ayaana siiyay eedo qolkeyga ayaana ku laabtay, maadaama aan ahay qof u bartay cidlada ama kali nimada. Waxaan maqlay eedo I wacayso waan soo baxay waana u imid. Markaas beey tiri waan baxayaa beri waxaana aadayaa hoyadey oo xanuunsan ilmahaas adaan kaaga tagay dayac yaaney arkin.

Waxaan iri waayahy eedo waan ku farxay bixideeda waaayo joogisteedu waa cabiid socota subaxii markii la gaaray, ayeey is diyaarisay weeyna baxday, markii ay baxday kadib waxaa iga tagtay murugaddii waxaana noqday qof xor ah gabdhihii deriskana markii ay maqleen eedo safarkeedda waxeey bilaabeen ineey ii yimaadaan.

Maalintii ayeeyna ii imaan jireen xili galab ah ayeey ii timid gabar ka mid ah gabdhihii oo la yiraahdo raxmo waxeyna iweeydiisay inaan xiriir leeyahay iyo inkale Ana su.aal iska caadiya ayan u qaatay, waxaana ku iri maya saaxib afaarahaas weli ma galin.

In ay igu qososhay ayeey tiri maxaa kaa qaldan saaxiib waa inaad xiriir sameeysataa kadib na aad guursataa kontarolkan waad ka bixi laheeyd. Waxaan is iri gabadhan hadalkeeda waa sax waa inaad iska guursataaa dhib lama aad kulanteen markale waxaad noqon laheeyd marwo guri lahoo lagu soo hirtee.

Markaas baan iri saaxiib waa runtaaye wàa inaan sameystaa waxeey tiri waayhy sxb waan kàa sii tagayaa markii ay iga tagtay ee aan joogay saacado waxaa soo dhacay telfon lambarkeeyga waan soo qabtay waxaan arkay number aanan aqoon balse isoo wacaayo.

Waan qabtay sheekadan ayaana na dhex martay,

Isagga- asc abyo.

Aniga- wcs wll waa qofma?

Isagga-waa wiil la yiraahdo Feysal.

Aniga-lkn feysal ma garanaayo isku keey sheeg.

Isagga-waxaan rabaa inaan is barano isna fahano labadeena sideed u aragtaa?

Aniga- wax walba barashaa ka horeeyso.

Isagga- waxaan diyaar u ahay inaan kula kulmo.

Aniga- waa arin fiican aan kulano...

Lasoco part:4

##jon dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

QISO CUSUB ⚠️📢:

Qisaddii kalsoon

Qaybta 1aad 💔

Magaceeygu waa kalsoon waxaan ahay gabar la nool eedadeed hooyadeey anoo yar beey dhimatay kadib markii ay hooyadeey dhimatay aabaheey waxa uu ii keenay xaaskiisi kale si ay ii koriso

Waxaan noqday 7 jir eeedadeeyna waxeey dhashay markii ugu horeeysay wiil wiilkii waxa uu noqday sanad jir eedo ayaa iiwacday maalin waan u tagay kadib ayeey igu tiri kaalay wiilkan duudi adeeg ayaan doonayaa inta aan ka imaanaayo sii haay waxaan iri eedo dhulka ayaan ku haaynayàa oo ma duudinaayo.

Waxeey igu tiri waxaas iska daa canuga waa uu ooynayaa ee duudi intaan kaaga imaanaayo dhulka ha dhigin haddii uu ooyo hadhoow ayuu idhibayaahe waxaan iri waayahay eedo waana duudiyay, wiilkii sidii aan u duudsanaa una sugaayay goorta ay imaaneeyso ayaan ku daalay canugii waana iska furay, waxaana is iri ku dheelsii dhulka maadaama aan garabka ka daalay,

Isla markii aan furay, canugii waxa uu bilaabay oohin waxaana u doonay alaabo si uu ugu ciyaaro isla markii ayeey eeddo ilbaabka kasoo gashay, anigoo alaabtii usii sido ayeeyna I aragtay wiilkiina ooynaayo. Ee uu dhulka fadhiyo. Inteey xanaaqday ayeey tiri ma intaan kaaga imaanaayo ayaad canuga iisii haayn weeysay, waxaan iri eedo waan ku daalay canuga hadda ayaana dhulka fariisiyay,

Waxaana u doonay, alaabo kadib ayeey tiri ma waxaad iga dhaadhicineeysaa canugan yar baan ku daalay nayaa meeqa sano baad soo cuneeysay badar xoog dhabiilkan xageed kala timid yaabaye ma xiligan baad xoogaagi noo xisaabineeysaa.

Aad baan u baqay waana iska aamusay waxeey soo aaday xageeyga Ana siddaan usii sikanaayay baan darbiga ku tagay waxaan u orday canugii sinta ayaana saaray aniga oo is leh Mar haddii aad canuga qaado kuma dili doonto

Balse waxeey si xoog ah iiga qaaday, canugii dhulka ayeeyna fariisiyay, isagoo aad u ooynaayo. Waxaan iri eedo ulaaban maayo markle kaliya markaan iska keey cafi waxeey igu bilaawday, feer waliba waxeey iiga garaacday wajiga dhoowr Mar ayeey dharbaaxsho iiga dhufatay wajiga ilaa markii dambe dhiig kasoo ood koostay sankeeyga ilaa uu dhulka qooyay,

Markii aay aragtay dhiiga iga tubeeynaayo ayeey inteey ila oroday sariirta igeeysay ayeey dhabar dhabar ii seexisay suufka barkinta ayeeyna sanka iiga daarisay, waxaan dareemay xanuun aad u daran oo maskaxda ah madaxeeygi waxa uu ila noqday in biyo ku juraan oo waxaan dareemay isku dhex yaac daran.

Cabaar markii aan jiifay ayeey iga kicisay markaas ayeey igu tiri ogoow haddii aad. Aabahaa usheegto arinkaan waxaan kuu dili doona sidaan ka daran noolaana meeysid. Haddane istaag aabahaa baa soo socdee waxaan iri waayahay wajiga ayaana iska dhaqay, balse wajiga waxaa iga gaaray dhaawacyo la arki karo.

Lasoco part:2

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

EMOJI KALA NOOCA SAARA MAHADSANIDIIN ❤️

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Ciid Mubarak xppyaal😊😚

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Wuxuu yiri meel fog ayaan ku geeynayaa waxaan iri lkn sabab Kadib ayuu yiri soow dadka kuma dhibin meel aadan ka arkeeyn kana maqleeyn ayaan ku geeynayaa waxaan iri maya aniga hooyadeey weey ii wal waleeysaa ha iga fogeeynin

Waxaa soo dhacay telfonka anas kadib ayuu yiri waa numberkii aad iga soo waceeysay wuuna ka qabtay markaas Ayeey tiri habaryartey waryaa xageed u wadday gabadha iisoo celi gabadheeyda maxaa kudaba dhigay ma gabar la.aan baa jirto

Kadib ayuu yiri habaryar isdaji marka hore gabadha naf ayeey leedahay waa qof weeyn maxaad u ciqaabeeysiin maxeey idinka galabsatay aniguna maxaan qabaa waxaan iri anas waan iska laabanaa kuma raaci karo iga raali noqo

Kadib ayuu anas igu yiri maya midaas kaama yeelaayo isoo raac waxaan iri waayahay waana is raacnay

wuxuu na geeyay gurigoodi waan la yaabay waxaan iri anas maxaa kawadaa gurigiini ayaadba i keentay wuxuu yiri haa lkn sidii aad ku ogeeyd maahan anigoo cabsi fara badan igu jurto ayaan gurigii galnay

Waxaaan indhaha saaray anas aabihiis iyo hooyadiis oo isla fadhiyo gees ayaan fariisanay kadib ayuu anas aabihiis yiri aabe gabar qurux badan ayaaba maanta kula socotee markas ayuu yiri anas Haa aabbe labadeena darteen dadkii weey coloobeen

Kadib ayuu yiri anas aabihiis waa maxay sababta iisheeg wuxuu yiri anas aabbe gabadhaan waan jeclahy hadda xitaa waan lasoo baxsaday hooyadey iyo hooyadeed na ma ogola guurkeena

Wuxuu yiri anas aabahiis waxaas ma jiraan caasha ma diidi karto guurkiina gabadha hooyadeedna anigaa la hadlaayo waala dhameeynayaa aad ayaan ugu farxay naxariista anas aabahiis wuxuu yiri anas aabbe mahadsanid waan ogaa inaad gabarabkeyga noqoneeysid sidaas ayaana kuusoo aadnay aniga iyo naciima..

Lasoco part:20

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 20AAD💘💍

Runtii waan ku farxay haddalka anas aabahiis waxaan layaabay sababta aay maama caasha uhadli laadahay intii aan hadleeynay haddal naguma darsan

Anas aabahiis wuxuu yiri waan is raaceeynaa sadex deenuba waxaam aadeeynaa naciima hooyadeed waan dhahnay waayahy waan isa soo raacnay

anas aniga iyo anas aabahiis waxaan utagnay hooyo oo aad uxanaaqsan qeeylo ayeey igu bilaawday waxeey damacday ineeyba idisho balse anas aabahiis ayaa yiri gabdhaan iska dhaaf oo waxaan rabaa in aan labadeena wadda hadalno waxaan ahay anas aabahiis markaas ayeey gees iskula baxeen

Aniga iyo anas waxaan kuharnay meeshii waxaan ka warwarsannahay waxa kasoo bixi doono wadda hadalka waalidkeena daqiiqado kadib ayeey noo imaadeen iyagoo faraxsan

anaguna waan faraxnay weey soo fariisteen kadib ayeey tiri hooyadeey anas iyo naciima aniga xageeyga fasax ayaad ka tahiin waana iskiin siiyay runtii aad ayaan ufarxay anas na sdkle hooyo ayuu aad ugu mahad celiyay

Anas iyo aabahiis iyagoo faraxsan ayeey naga tageen hbnkii ayuu anas isoo wacay kadib ayaan weeydiiyay anas lkn maama caasha sideey u ogolaan doontaa guurkeena

wuxuu yiri anas hooyo mar hore ayeey ogolaatay aabbe ayaana ka dhaadhiciyay hadda weey
faraxsantahay

Waxaan iri waa kheyr mar haddii aaney maama caasha diideeyn guurkeena markaas ayuu yiri waxaan aqal galeeynaa isla isbuucaan maadaama uu aabbe naga tagi rabo wuxuu yiri inta aanan bixin ka dhiga guurka si aan farxada idiin la qeybsado

Waxaan ku iri waa arin fiican sidaas ayaan sameeyneynaa kadib ayuu yiri anas waayahy guriga ayaan sii diyaarinayaa adna isku diyaari guurkeena waxaan iri waayahy anas lkn rafaadkii an isla soo marnay kuma aanan qasaarin waatan maanta waan faraxsanahy labadeenuba

Kadib ayuu yiri anas waa runtaa qali ma ogtahy wax aanan lagu dhibtoon sahal laguma helo adigana waad mudan tahay wax loo rafaado in badan

waxaan iri sdkle marba haddii aan anas helaayo rafaad waxba igama dhibaayo gacaliye wuxuu yiri waayahay macsalaama markale ayaan kusoo wacayaa

Waxaan bilaabay inaan isku diyaariyo arooskeena anas na wuxuu soo diyaariyay guri aad u qurux badan waxaa la gaaray maalintii arooskeena

balse anigu waan diiday in aan hotel ku dhigano arooskeena midaas badalkeed in guriga lagu dhigo familka iyo asxaabta kaliya aan sawiro wadda galno

anas waa uu iga aqbalay codsigeeyga arooskiina waxaa lagu dhigay guriga hooyadeey halkii ayaa sawiro xasuus ah lagu wadda galay qof walba waxaad moodaa inuu wllkey yahay waayo aad ayeey iila farxeen famil iyo qaraabo

maqribkii ayaa leey galbiyay gurigeyga markii dhamaan aay dadkii iga tageen waxaa iisoo galay maama caasha iyo anas sariirta ayeey soo fariisteen

kadib ayeey tiri maama caasha naciima hooyo waxaan rajeeynayaa inaad iska iloowday wixii horay inoo dhax maray hadda waxaa tahay wiilkeyga marwadiisa taasna Alle ayaa ku mahadsan ana waan idiin duceeyay kuwii isku waara Allaha idinka dhigo

markaas ayaan iri aamiin hooyo waad ku mahadsan Tahay midaas ana xumaan kuuma haayo wanaag mooyaane

Waxeey tiri waayahay weeyna naga tagtay waxaa isku soo harnay labadeena kadib ayuy yiri naciima caawa waxaan ogaaday wax walba oo lagu dadaalo in lagu guuleeysto

markas ayaan iri waa runtaa xbbi isma laheeyn anas ayaad ooridiisa noqoneysaa mar uun caawana waan ahay nasiib ayaan leeyahay dadka wax aay aaminsanaayeen ayeey waayaan balse aniga wax aanan aaminsaneeyn ayuu Alle isiiyay

taas oo ah anoo islahaa anas iyo adiga wixiina xiriir ma dhaafaan ayaan haddane nolol wadaagnay

Kadib ayuu yiri anas waa runtaa gacaliso xad dhaaf ayaan kuu jeclahay waana ku jeclaan doonaa waxaan rajeeynayaa inaa noqono lamaaane lagu daydo ana intaan noolahay waxaan kuu balan qaadayaa jaceyl iyo naxariis joogto ah

Waxaan iri waayahay xbbi MAHADSANID waan ogahay inaan intaas iyo ka badanba kaa helaayo waana sababta aan kuu doortay anas🌼

Dhamaaad

Haddii aad la socotay sheekadaan ma jirtaa saameeyn ay kugu yeelatay?

EMOJI KALA NOOCA SAARA 🕊

#Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 18AAD💘💍

Waxaan ku iri waan ku cafiyay soow ma ogid inaan kaa caroon karin adiga wuxuu yiri waad iga caroon kartaa bini aadam ayaad tahay lkn waa balan markale haddal ku dhibaayo kuma dhihi doono gacaliso

waxaan ku iri waayahay hooyo Allaha caafiyo haddane iska bax kadib ayuu yiri hyh waan is macsalaameynay markuu baxay ayaan hooyo utagay balse waxaan arkay hooyo oo careeysan ma arki jirin hooyo oo xanaaq ka muuqdo aad ayaan unaxay

Waxaan ku iri hooyo maxaa kugu dhacay markaas ayeey tiri ninkaan markale ayaanan kugu daba arkin waxaan iri hooyo waa ku sidee wiilkaan waa anas jaceyl fara badan ayaana naga dhaxeeyo maama caasha hanoogu darmin hooyo pls waxeey tiri maya waxaan iri hooyo lkn sabab

Kadib ayeeytiri hooyo markaan fiirshay ninkaan ma ahan mid mustaqbal kaa rabo iskaga har tankle nin aad shaqaale u noqotay berri ayuu kugu caaynayaa waxaad heli kartaa nin Waxaas oo dhan ka banaan ee iskaga har anas

Run ahaantii hooyo sidaas kama fileeynin waxaan iri hooyo dhib maleh aniga aan iska dhinto majirto cid iinaxeeyso ama farxadeeyda ka talineeyso oo anan anas aheeyn isma dhaheeynin hooyo anas diidi doonto balse weey dhacday hooyo haddalkaaga ma diidi karo wixii dhib ah anigaa maraayo waana istaagay qolkeyga iska aaday

Sariirteyda markaan tagay qolkii ayaan ku nafisi waayay waxaan usoo baxay banaanka iridka ayaana iska fariistay waxaa isoo wacay anas waan ka qabtay baryo kadib ayuu anas dareemay in aan xanaaqsanahy

kadib ayuu igu yiri naciima maxaa kugu dhacay caawa waxaan iri maya waan fiicanahy wuxuu yiri ilaa goormeed wax iga qarineeysaa markaas

ayaan iri maya waxba kaama qarinaayo wuxuu yiri dhib maleh markii aan guriga tagay waxaan si kadis ah safar uga yimid aabbe oo mudo dheer maqnaa hooyana berri beey imaaneeysaa waxaan iri masha Allah waa beello abbe sow ma fiicna

Wuxuu yiri haa waa uu fiican yahay lkn adiga runta iisheeg ma fiican tahay kadib ayaan iri haa soow kuma dhihin markaas ayuu yiri iga raali noqo su.aalaha ayaan kugu badiyay

kaliya waxaan dareemayaa in aadan faraxsaneyn naciima taasna wal wal ayeey igu abuurtay hooyo miyaa wax qaldan ku tiri kadib ayaan iri maya ee anigaa kusoo wici doono waana jaray callka

Waxaan is iri istaag oo qolkaaga iskaga noqo maadaama aan meel walba dhibsanaayo markii aan istaagay waan wareeray dhulka ayaana ku dhacay walshey ayaa soo oroday hooyana u yeertay isbitaal ayeeyna iila carareen

jirkeeyga dhan waxa uu noqday meel kabaabyeysan oo kale haddalna waan kari waayay isbitalka markii leey geeyay leeyna seexiyay dhaqtarka waxa uu yiri gabadhaan waa dhiig la.aan wax kale ma hayaan waa in dhiig lagu shubaa

Hooyo aad beey unaxday waxeeyna tiri dhaqso dhiig la gaara dhiigii ayaana shubay iyaddoo weli dhiigii igu socdo ayaan anas wacay waxaana usheegay inaan isbital ku juro kadib ayuu yiri waan kuu imaanayaa isbitalkii ayaana usheegay wuxuu yiri hadda ayaan soo dhaqaaqayaa

hooyo waxeey dareentay in aan mobileka ku hadlaayo kadib ayeey iga qaaday weeyna damisay waan ka aamusay

Hbnkii oo dhan isbitalka ayaan jiifay anas ayaana sugaayay balse waan waayay wax ii yimaado qofkii ii soo galaba waxaan moodaa anas balse ma noqonaayo waan sii murugooday kadib ayaan intaan is ilaaway iri hooyo anas caawa dhan iima imaan miyaa

Kaidb ayeey tiri hooyo anas ma imaan muxuu kaa soo doonayaa soow taan kuu sheegay in aanu ninkaan ku jecleeyn maxeeyse tahay sababta dhiig la aanta kugu riday dhaqtarka wuxuu yiri gabadhaan jiro mahaayso ee fikirka ha iska yareeyso

Markaas ayaan iri hooyo intaan anas ka helaayo fikir ma daaynaayo aniga hooyo weey xanaaqday weeyna igu qeeylisay Kadib ayaan iskaga aamusay waxaan damcay inaan mobilka ka qaato balse weey iga diiday

7:0 subax nimo ayaan is bitalka kasoo baxnay hooyo gaari ayeey noo wacday waxeeyna tiri waxaan ku geeynayaa guriga habaryartaa meeshaas jawiga kusoo dajiso gurigii ayeeyna igeeysay kadib ayeey iga soo tagtay

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 17ÀAD 💘💍

Waxaan iri haa waan ogaa lkn sidaan dhan uma ogeeyn anas wuxuu dhinac kasoo fariistay sariirta ana waan is taagay kadib ayaan iri anas waan iska baxayaa wuxuu yiri anas ma aqaan waxa qaldan naciimoy sidii qof horay kuu xumeeyay ayaad iga dhigeeysaa si baad ufiigsantahay hadda iska fariiso istaaga ayaan kuugu sheekeeynayaa

Markaas ayaan iri maya sow ma ogid in aay wax walba dhici karaan gurigan dhuumashaal ayaan ku imaaday wanku baryaa iska keey fasax waan baxayaa kadib ayuu yiri anas lkn ma sidaan ayaad iiga tageeysaa aniga maba rabo inaad mar labaad iga tagto

Waxaan iri markaan kaama tagaayo ogoow wuxuu yiri anas waayahay ee xaafada aan kuu raaco hooyadaana isoo bar iyo guriga waxaan iri hyh ina keen waana israacnay waxaan tukaanka ugu tagnay hooyo iyo wlshey iga yar anas iyo hooyo aad beey isku barteen markaas ayeey tiri hooyo horay ayeey naciima iiga kaa sheekeeysay inaad wiil wanaagsan tahay

Kadib ayuu yiri mahadsanid eeddo waan israacnay aniga iyo anas waxaan tagnay fadhiga kadib ayaan iri anas gurigan majirto cid ina kala ilaalineeyso sidaan kuu Jeclahay oo kle ayaa lagaaga jecel yahay xbbi

Markaas ayuu yiri anas waan ku faraxsanahay midaas mcnto amaan iska joogaa halkan kadib ayaan iri maya macquul ma ahan maama caasha miyaad rabtaa ineey guriga nagu gubto wuxuu yiri maya hooyo guri aan ku juro ma gubeeyso wiil la.aan miyeey is dhigeeysaa isla markii mobilka anas ayaa soo dhacay kadib ayuu yiri iga raali noqo hooyo isoo waceeyso waxaan iri wayahay la haddal

Wax yar markuu la hadlay ayuu yiri hooyo is daji waanku baryayaa waxaad kajoog itiraahdo dambe sameeyn maayo kaliya hadda is daji aniga waan qaldamay

Aniga waan isku naxay waxaan dhararay inta aan weeydiinaayo Waxa hooyo ku dhacay anas naxtin fara badan ayaan ka dareemay haddalkiisi xitaa waa uu isku dardarsamay mobilkii ayuu dhulka dhigay madaxa ayuuna qabsaday

Waxaan is iri bal weeydii waxa anas ku dhacay markaas ayaan iri anas maxaa dhacay balse anas iima jawaabin shib ayuu iga yiri waan yaabay waxa anas durba badalay

Kadib ayaan is taagay halkii uu fadhiyay ayaan tagay markii aan kor is taagay ayaan mar labaad weeydiiyay maxaa dhacay haddane iima uusan jawaabin

Kadib waxaan fariistay jilbahiisa waxaan iri anas ila haddal ha iga nixin iisheeg waxa dhacay si kadis ah ayuu igu yiri waanku baryaa iga aamus maskaxda ayaad iga gashay hal.mar igama aamusi kartid miyaa!

Aad ayaan uga xumaaday jawaabta anas halkii ayaan isaga istaagay meesheydi ayaana fariistay runtii Anas inuu sidaas iila hadlay waan aamini waayay sidaan ahay ayaan garan waayay wlshey iga yar ayaa cabitaan inoo soo sameeysay markii aay cabitaanka keentay ayeey nala yaabtay labadeenaba sababta aan madaxeena hoos u geeynay kadib ayeey ii timid aniga waxeeyna igu tiri naciima maxaa kugu dhacay haddal waan kari wayaay waan is dhibay waxaana iri maya abyo iyaddoo yaaban ayeey naga laabatay

Cabaar markuu anas aamusna ayuu igu yiri naciima haddal xun ayaan ku iri sow maahan sidaas darteed ayaad iiga xanaaqday balse aniga uma jawaabin intuu soo kacay ayuu agteyda soo fariistay kadib ayuu igu yiri naciima waanku baryaa ila haddal anoo naxsan oo fikir igu furan yahay ayaad haddal igu soo celcelisay sidaas ayaan kuu iri iga aamus balse hadda waxaan ku leeyahay ila haddal iga raali noqo mcnto

Waxaan iri haddii aad xanaaqsan tahay aniga miyaad igu ciil fureeysaa dhib maleh haddii aad sidaas ii garatay balse kaama fileeyn midaas

Wuxuu yiri hal mar kaliya isoo fiiri waan ogahay inaan kaa qaldanahy waliba saaid naciima waanku baryayaa iska keey cafi naciima intaanan hadlin Waxaa ilbaabka kasoo galay hooyadeey waxeeyna soo istaagtay agteena waxeey aragtay inaan aniga xanaaqsnahay

Anas ayaa haddal ku bilaabay hooyo anna waan iska aamusay kadib ayeey tiri hooyo war gabadha maxaad ku sameeysay waa maxay sidaan gabadha iyaddoo faraxsan ayeey timid maxeey tahay sababta aad gabadha uga oohisay

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 16AAD 💘💍

Mar haddii aan maama caasha lacagteedi u diray waxaa iga dagay culees fara badan waxaana go.aan saday inaan anas xiriirkiisa soo ceshto maadaama aan kala maarmi waaynay waxaan joogay maalin kale balse anas ima uusan soo wicin kadib ayaan soo baxay

waxaana soo aaday guriga anas xiliga uu shaqada aadi jiray waxaan rabay kaliya inaan soo arko anas qolkiisa isagoo maqan si aan qalbiga ugu dhisto anas halkuu saakay ka tagay

Markii aan ilbaabka gargaraacay waxaa iga furtay idil oo faraxsan si fiican ayeey iisalaantay idil weeyna isoo dhaweeysay waxaan is dhahaayay idil haddal xun ayaad kala kulmi doontaa balse sidii aan mooday ma noqon xaalada

idil si wnaagsan ayeey iila hadashay kadib ayaan iri qolka anas ayaan wax karabaa waayahy ayeey igu tiri anna waxaan iska galay qolka anas waxaan tagay sariirtii anas waxeey ila noqotay inaan anas la kulmay

farxada aan dareemay kaliya waxaan iska ilaaway dhamaan intii aan murugo soo maray anas dartiis waxaan laapta gashtay barkintii anas waxaan kasoo qaaday inaan anas laapta galiyay

Anigoo sariirtii ku gadhiyo oo mobile keyga iska isticmaalayo ayaa ilbaabka leeygu soo furay waxaan is dhahay waa idil mana fiirin mobile keyga ayaan iskaga sii mashquulay cabaar kadib waxaan is iri qofka soo galay haddane aan kula hadleeyn waa maxay bal fiiri

Kadib ayaan madaxa kor usoo qaaday oo aan fiiriyay waxa qolka iigu soo galay hal mar ayaan indhaha ku dhuftay anas oo idul taagan waxeey ila noqotay indhaheyga aad ayaan iskugu naxay marna waan farxay halkii aan fadhiyay ayaan ka dhaqaaqi waayay indho kaliyaa iga soo haray

Markaas ayuu anas igu yiri isdaji maxaa kugu dhacay aniga bahal maan ahay waxaan iri hee lkn maxaa kusoo celiyay maanta xiligaan ma imaan jirin maxaad ilaawday

Kadib ayuu yiri waxa adiga saacaan ku keenay ayaa ana isoo celiyay ha ila yaabin marka markaas ayaan iri anas waanku faraxsanahay inaan dib ukulano maanta lama qiyaaso karo farxadeeeyda

Wuxuu yiri anas naciima lkn maxaad iiga qarisay imaan shahaaga mar dhow ayaan baxay hadda dhax ayaan kasoo laabtay waxaan iri lkn yaa kuu sheegay inaan imaaday wuxuu yiri idil ayaa isoo wacday oo iisheegtay ana isla markii waan soo laabtay

Kadib ayaan iri ii idil maba iikaa ogoleeyn maxaa is badalay wuxuu yiri anas wax badan ayaa is badalay waxaa macquul ah jaceylka xanuunkiisa ineey aragtay

Kadib ayaan ku iri waa beelo inta dhiman waxaan rajeeynayaa ineey ina fahmaan anas la.aantaada xanuun waaye kadib ayuu yiri anas insha Allah lkn inaad ila kulantid ma waxaad ka dooratay inaad qolkeyga la kulantid muxuuse kugu soo kordhin lahaa qolkan eberka ah

Markaas ayaan iri meel aad adiga maalin uun imaatay haddii aan heeysan lahaa xasuus ayaan ka dhigan lahaa adiga kuuma imaadeen

Kadib ayuu yiri waayahay aniga waan kaa tagayaa dibna kuugu imaan maayo bal qolkaan joog mana idhihi kartid waanku tabay waan kuu xiisay iwm

Waxaan iri maya anas waan kula kaftamayaa waad ogtahay in aanu qolkan kaliya waxba igu tareeyn waayo xitaa iima dhawaaqi karo

Wuxuu yiri anas waan ogahay anigaba mar hore ayaan dhiman lahaa lkn waxaan haaystay boorsadii dharkaaga ku juray ee aad ka tagtay ayaan inta keensaday lkn markii aan arko dharkaagi waan iska ooyn jiray adiga farxad miyaad ka heleeysaa aniga murug ayaanba ka qaadayaa adoo iga maqan meelna aan kugu ogeeyn dharkaaga

Waxaan iri anas iga raali noqo ma is dhaheeynin anas ayaa ooynaayo qof adag ayaan kugu ogaa oo farxad badan

wuxuu yiri naciima markii aan ahaa nin adag adiga ayaan ku haaystay balse markii aan ku waayay waxaa noqday qofka dunida ugu daciifsan sow ma ogid farxadeeyda inaan adiga kugu xiray..

Lasoco part:17

Join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Kadib ayaan jaray qadkii waxaana maama caasho udiray lacagteeda isla markii ayeey isoo wacday waxaana ku iri eeddo waa lacagtaadii balankii waan oofin waayay aniga markaas ayeey tiri waxaan filayaa inuu anas kusoo raadiyay ama aad adigu soo raadisay wiilkeyga waxbaa ka si ah inaan caaqil dhalay baan mooday balse waa nin aanan go.aan laheeyn ee Wanku salaamayaa

Maama caasha haddalkeeda carro fara badan ayaa ka dareemay waayo balankii ayaan oofin wayaay jaceylka ayaana iga dhigay balan laaway..

Lasoco part:16

Fadlan join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Allah Noo Danbi Dhaafo 🤲

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 14AAD💘💍

Kadib ayaan iri dhib maleh eeddo waxaas waan iska ilaaway aniga waana ku cafiyay wax xumaan ah qalbiga kuuguma haayo

Markaas ayeey tiri maama caasha anas adiga banaanka ubax naciimo ayaan rabaa inaan la hadlo anas wuxuu yiri haye hooyo banaanka ayuuna aaday

maama caasha agteyda ayeey soo fariisatay kadib ayeey tiri naciima maanta waxaan kaa rabaa hal mid inaad ii sameeyso waxaan iri ii sheeg waan kuu sameeynayaa haddii aan awoodo

Waxeey tiri maama caasha waxaan rabaa inaad anas kaliya faraha iiga qaado oo aad xiriirkiisa iska jarto waxaan rabaa inaad iiga fogaatid wiilkeyga

Aad ayaan iskugu naxay waxaan garan wayaay wax aan ugu jawaabo kama fileeynin maama caasha haddalkaan markaas ayaan iri eeddo aniga anas waa uu i caawiyaa kaliya haddii aan iskaga fogaado yaa icaawinaayo oo wax itaraayo

kadib ayeey tiri waxaad rabtid iweeydiiso oo lacag ah balse anas ii balan qaad inaad xiriirka u jareeysid waxaan iri diyaar waaye eeddo waan isaga fogaanayaa anas kaliya Waxaan rabbo iisameey si aan anas uga maarmo

Kadib ayeey tiri diyaar ayaan kuula ahay ee sheego meeqo lacag ah ayaa kugu filan waxaan iri waxaan aqaanaa henna iyo make up marka Waxaan rabaa meel inaan furto aan uga shaqeeysto kaliya lacagta iga bixi waxeey tiri waa fudeeyd waxeeyna iidirtay intii aan lacag weeydiistay kadib ayeey anas u wacday qolkiisa ayeeyna la aaday

Markuu anas soo baxay ayuu yiri soo bax gurigaagi ayaan ku geeynayaa markaas ayaan iri maya anas waxaan rabaa inaan aado hooyo gurigeeda magaalka ayeey dhinac ka joogtaa sidaas ula soco

Kadib ayuu yiri waa yahay nakeen waan ku geeynayaa balse waxaan diidayaa anas inuu guriga aan joogo barto waxaan iri maya bajaaj ayaan qabsanayaa markale ayaan ku barayaa xbbi

Anas inaan ka tago anigoo aanan ku faraxsaneyn ayaan baxay waxaana tagay guriga hooyo waxaana iska damiyay mobilka si aanu anas iisoo wicin waayo waxaan go.aan saday maama caasha iyo wiilkeeda inaanan isku dirin oo aan faraha ka qaado anas oo aan la aantiis noolaado

Markii la gaaray hbnkii ayaan hurdo seexan waayay anas la.aantiis waxaana ila soo diristay murugo hooyadeey ayaa ii yeertay si aan u casheeyo

balse casho weey iga dagi weeyday jiifkeygi ayaana isaga laabtay 2 maalin kadib ayaan magaalka aaday si aan goob aan ganacsigeyga uga furto uraadsado waxaan soo helay meel yar waana soo hagaajistay mudo kadib meeshii weey ii kala kacday alxm

Waxaan shitay anas lambarkii uu igu yaqiinay waxaad moodaa inuu ogaa xiliga aan shiday isla markii waxaa isoo wacay anas waxaan damcay inaan ku dhageeysto haddane waan awoodi waayay

Ugu dambeyn waan ka qabtay Kadib ayaan aamusay Wuxuu yiri anas isagoon isalaamin naciima ma nooshahay mise waad dhimatay uma maleeynaayo adigoo nool inaad intaan iga maqnaaneeyso waayo waxaan ogahay inaad ijeceshahy waliba inta aan ku jeclahy in ka badan 💘

Kadib ayaan iri qalbigeyga miyaad ka warantaa waxaan kuu haayo miyaad ogtahay wll markaas ayuu yiri maya naciima sidaan aniga ha iila hadlin macquul ma ahan inaad aniga sidaan iila hadasho mise jaceylkaagi been ayuu ahaa iisheeg naciima?

Anigoo qalbigeyga gubanaayo ayaan ku iri anas wax walba waa macquul wax badan ayaan is moognahy ima aadan ilaawin miyaa weli

Kadib ayuu yiri anas maya naciima iloow ayaad ka hadleeysaa lambarkaaga daqiiqad ma joojin inaan soo waco balse maalintaan iska keey reebeeysay ma waxaad rabtay si aad ii gooyso aniga hadda ayaan fahmay

Waxaan iri anas macquul ma ahan inaan nolol wadaagno marka iska keey iloow noloshaada dhan iga saar kasoo qaad gabar shalay shaqaale kuu aheeyd maantana la ceeyriyay inaan ahay

Anas wuxuu yiri naciima waad ogtahay aniga xageyga inaadan waxaas ka aheeyn hadda kuuma sheegaayo balse waxaan ogaaday qof aanan ii damqaneeyn inaan qalbigeyga u hibeeyay oo aan jeclaaday

Kadib ayaan iri wax walba weey dhamaadaan anas intaas ayaan isku laheeyn

Wuxuu yiri anas isaggoo aan dareemaayo inuu oynayo waayahay naciima aniga xoog kuguma lihi kumana qasbaayo noloshaada xor ayaad u tahay

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO:Jaariyad jaceyl galay

QAYBTA 13AAD 💘💍

Waxaan iri aniga maba is ogeeyn markaas mana xasuusto waxii aan ku dhahay kadib ayuu yiri anas waan dareemayaa lkn markaas hadda ayaa ka fiican balse waan kugu qaadanayaa waxaan sugayaa ilaa aad iska deyso cabsidan iyo xishoodkan faraha badan ee aad caadi wax walba ii dhaheyso

Markii uu ilbaabka ka baxay anas waxaa iisoo gashay fardowsa waxeey igu tiri adiga iyo anas maxaa idinka dhaxeeyo haddane guriga aroos camal.ayaad u dhigateene arimo uu anas iga qariyay maa jiro markaas Ayaan ku iri wax uu anas kaa qariyay ma jiraan gurigaana aniga kaliya ayuu iidhigay kaligey ayaana ku noolaanaayo anas si wlltinimo ah ayuu iigu caawiyay

Kadib ayeey tiri aniga waxaas ha iga dhaadhicin nin intaan wllnimo kuugu sameeynaayo majiro haddii aanu kuu sheegan xitaa dan buu kaa leeyahay ee maxaa iga qarin haaysiin

Kadib ayaan ku iri haddii uu dan iga leeyahay xitaa waa caadi meel la tuuro malahan anas waxeey tiri waayahay dhib ha ii qaadanin kaliya waxaan rabay inaan ogaado waxa idinka dhaxeeyo adiga iyo anas

Markii aay baxday ayaan soo qabsaday mobilkeyga waxaan arkay anas oo isoo wacay dhowr jeer kadib ayaan ku celiyay waxaan ku iri iga raali noqo isla markii aad iga soo tagtay gabadhii ayaa ii timid kadib ayuu yiri oo maxeey kugu tiri na waxaan iri waxba kaliya waan iska shekeysaneynay

Anas waxaan ka dareemay codkiisa is badal kadib ayaan ku iri maxaa kugu dhacay sidii aad iiga tagtay ma tihid markaas ayuu yiri waa runtaa guriga markaan tagay hooyo salaanta xitaa igama qaadin qeeylo ayeey dhagaha ii saartay ma aqaan waxeey dareensan tahay

Waxaan iri waxaa laga yabaa ineey fardowsa wacday una sheegtay inaad halkan i keentay marka xbbi waxba haka caroon hooyo caadi iska dhig markaas ayuu yiri mcnto aniga hooyadeey oo iga careeysan habeen ma seexan karo mana casheeyn karo maxaan sameeyaa oo aan hooyo ku raali galiyaa iisheeg waligey hooyo sidaan iigama caroon

Markaas ayaan ku iri hooyo weey u jilcan tahay caruurteeda utag oo la haddal waliba si dagan kadib ayuu yiri waa yahay hadda weey iwaceeysaa waan kuusoo laabanayaa

Kadib ayuu u tagay waxeey ku tiri waan maqlay inaad naciima guriga fardowsa geeysay ee maxaa ku daba dhigay gabdhaas ii sheeg sow dartaa gurigan ugama saarin sow kuma dhalin maxaan haddal kuugu kari waayay

Markaas ayuu yiri hooyo waa runtaa naciima gurigaas waan geeyay haddalkaaagana hooyo waan maqlaa ee kaliya ma gabadhaan aan caawiyay ayaad igu colaadineeysaa naciima waa gabar hooyo banaanka haddii aan iska saarno wax walba qabsan karo

shalay iyaddoo faraxsan ayeey noo timid maantana iyaddoo ooyeyso ayaad banaanka usaartay hooyo anaa wiilkaaga ah qaladkii aad gashana inaan saxo ayaan jeclahy gabadhii aad xumeeysay si aaney waxba kaaga taban ama aaney dartaa u murugoon ayaan sidaan u sameeyay

Maama caasha aad ayeey ula dhacday haddalka anas k

adib ayeey tiri anasow waa runtaa gabadhaas iyaddoo faraxsan waa inoo timid maantana laga yaabee ineeyba i habaareeyso waayo si xun ayaan ukala tuuray

mana fiirin daruufta haayso waadku mahadsan tahay inaad qaladkeyga i tusto waxaadna kalood ku mahadsan tahay inaad naciima meel aan garanaayo geeysay oo aan intaan u tago ama aan uwaco cafis uga dalban karo

Anas aad ayuu u faraxay kadib ayuu yiri hooyo adigaba waad mahadsan tahay maadaama aad ifahantay kadib ayeey tiri naciima beri ii keen si aan isku cafino

Anas ayaa igusoo celiyay callka arintii ayuuna iiga waramay markale ayaan anigana ku faraxay anas inuu farxad iigu soo laabatay hbnkii farxad ayaan ku seexanay

9:0 subaxnimo ayuu anas ilbaabka iisoo garaacay markii aan ka furay ayuu soo galay isagoo aad u faraxsan ana waanku farxay farxada iyo quruxda wajigiisa ka muuqato

Markaas ayuu igu yiri hyh waan baxeeynaaa soo labiso waan baxay waana soo labistay gaari ilbaabka u taagnaa ayaan soo raacnay waxaana imaanay guriga maama caasha ilbaabka waxaa naga furtay idil kadib ayeey inteey qososhay tiri oo maba quusaneeysid miyaa gurigii lagaa buriyay miyaad dib ugu soo laabatay

Читать полностью…
Subscribe to a channel