Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹
SHEEKO CUSUB: Dulmi iyo digasho
QAYBTA 4AAD 💔
Markii uu joojiyay gaariga ayuu igu yiri waa maxay waxaas oo maseeyr ah ?markaas ayaan iri su.aal ayaad i weeydiisay waana kaaga jawaabay. Ee gaariga maxaad u joojisayna wuxuu yiri waayahy markii uu cabaar na wadday waxaa la gaaray gurigeena kadib ayaan iri waa kan gurigeena ee i daji gaariga ayuu is taajiyay markaas ayaan ka dagay
Kadib ayaan iri wll mahadsanid wuxuu yiri waan isku leenahay lkn magacaa markaas ayaan iri salmo adiguna ? Kadib ayuu yiri qadar markaas ayaan iri wayahay Qadar barasho wanaagsan guriga ayaana iska galay
Waxaan arkay hooyo oo banaanka fadhiso xageeda ayaan u cararay maadaama aaney badanaa hooyo idilin markaas ayaan weeydiiyay hooyo Aabe makula socday ? Hooyo in ay codka sara u qaaday ayeey tiri Aabahaa iska daaye xageed ka timid saacadaan markaas ayaan iri hooyo waanku baryaa caawa aabe iga sasab balan waaye mar kale ma baxaayo qolkeyga ayaana galay
Waan soo baxay salaad ayaana galay markii aan tukaday ayeey igu tiri hooyo naya ma xiligaan ayaad maqrib tukaneeysaa waxaan iri hooyo meesha meel lagu tukan karo ma aheeyn waana kasoo tagay hooyo aad ayeey u yaabtay kadib ayeey tiri waxaad wadaba caawa ma meel aan salaad laga tukan baad aaday iisheeg halkaad aaday?
Kadib ayaan iri hooyo aroos ayaan aadnay ana waan kasoo tagay kadib ayeey tiri hooyo yaaaku wadday aroos iyo waxaas ma aadan aqoone waxaan iri hooyo gabadha deriska ee maryamo ayaan raacay markaas ayeey tiri yaa leh telfonka aad waddo waxaan iri waxaa iska leh maryamo waan waayay ana waan isaga soo tagay sidaas ayaana kusoo qaatay mobilekeeda
Hooyo markeey intaas maqashay ayeey soo is taagtay kadib ayeey tiri iidhiib mobile ka waxaan iri hooyo iska dhaaf hadda markii ay imaato ayaan siinayaa xoog ayeey iiga qaaday waxaan is lahaa malaha maryamo hooyadeed ayeey ugeeyneysaa balse hal mar ayeey dhulka ku dhufatay waan soo booday mobile kii ayaan soo qabtay balse waxan arkay telfonkii oo aanan rajo laheeyn shaashadii ayaa isku yaacday madow ayeeeyna noqotay
Waxaan ku shalaayay ma aheeyn inaad soo qaado mobile kan waxeey aheeyd inaad iska sugto maryamo adiga haba la iska kaa dilo ee markaas ayaan iri hooyo mobile ka islaameed maxaad iigu jabisayna waakane yaa iga bixinaayo kadib ayeey tiri markale haddii aan ku arko gurigeyga ogoow nafta ayaan ku dhaafinayaa
Waxaa ilbaabka kasoo galay Aabe markaas ayaan iri hooyo pls aabe arintan ha u sheegin markaas ayuu na salaamay aabe qolkiisa ayuuna aaday Aabe waa uu daalanaa durba waa uu iska seexday hooyana weey iga xarootay qof waliba qolkiisa ayuu si farxad leh ku galay balse aniga waxaan fariistay banaanka maryamo oo ordeeysa ayaa soo garaacday ilbaabka markii aan ka furay ayeey eed igu bilaawday waxaan iri saaxib iga raali noqo waan qaldamay
Kadib ayeey tiri waayahy dhib maleh ee isii telfoonka waan iska baxayaa markaas ayaan tusay mobile keedi markaas ayeey naxday waxeey salmo maxaa dhacay iyo qeeylo ayeey isku dartay markaas ayaan iri tartiib u hadal banaanka noo bixi wax walba waan kuu sheegayaa
Markii aan banaanka u baxnay waxaan indhaha saaray wiilkii i keenay oo weli halkiisii taagan waan yaabay markaas Ayaan iri saxib gaarigaas halkaas taagan waa kii aniga i keenay lkn maxaa halkiisii taagay weli maryamo waxeey ku mashquul san tahay mobile keeda weey aamini la.dahay in mobile keedi jabay
Waxaan aaday gaariga halkii uu taagnaa markaas ayaan fiiriyay waxaan arkay wiilkii oo dhex fadhiyo kadib ayaan iri maxaa kugu dhacay oo weli ku taagay halkaan markaas ayuu yiri adiga maxaa kugu dhacay waxaan iri waxba maxaad aragtay markaas ayuu yiri maxaad u aaday hooyadaa meel aaney kuu fasixin waxaan iri taas maxaa kaaga juro adiga
Markaas ayuu yiri aniga markii aad iga tagtay waxaan xasuustay in aanan qoranin telfon lambarkaaga waxaan kasoo dagay gaariga waxaan rabay inaan ilbaabka kugu soo garaaco si aad iiga furto balse markii aan ilbaabka imid waxaan maqlay adiga oo lagugu qeeylinaayo cabaar ayaan idin dhageeystay
SHEEKO CUSUB: Dulmi iyo digasho
QAYBTA 3AAD 💔
Waxeey tiri maryamo maxeey sidaas u leeyahiin haddii ay ku dhaleen markaas ayaan iri waxaan u maleeynayaa kaliya inaad aragtay waalid jecel caruurtiisa kadib ayeey tiri maryamo ma waxaad ula jeedaa waalidkeyga weey i neceb yahiin waxaan iri maya waalidkeyga weey i jecel yahiin waayo gabadhooda ayaan ahay haddalkaas xanaaq ayaa ka keenay
Maryamo weey iga tagtay waxaana noqday kaligeey waan fakaray waxaana go.aan saday in aan sameeyo kaliya waxeey waalidkeeyga jecel yahiin bal ineey i jeclaadaan ina amaanaan sida wiilasha
Waxaan soo galay halkii ay ku casheeynayeen gees ayaana iska fariistay markaas ayeey hooyo igu tiri naa orod ha iisoo fariisane howshaada qabso mar waliba maxaan kuu iraahdaa waxaas qabo
Waxaan rabay inaan casheeyo kadibna aan raadsado kaniini madax xanuun maadaama dharbaaxshadii iyo oohintiiba madax xanuun igu sababeen waaan ku daahay fikirkii waxaan ku war helay hooyo oo kab igu soo tuurtay hal haleel ayaana ku istaagay
Waan cararay jikada ayaana galay markale ayaan bilaabay inaan ooyo waxaan hagaajiyay jikadii howshii markii aan dhameeyay ayaan maqlay garaaca ilbaabka xagiisa ayaan aaday waana furay waxaa soo galay wiilkii iga weeynaa qolkiisa ayuuna aaday hooyo ayaa ii yeertay markii aan u tagay ayeey igu tiri ugeey wiilka yimid casho waa uu daalan yahay.
Waan soo baxay casho ayaana u diyaariyay wllkeey qolkiisa ayaana ugu geeyay markaas ayuu igu yiri salmo adigu ma casheeysay waxaan awoodi waayay inaan hadlo waan is dhibay markaas ayaan iri maya wuxuu yiri soo fariiso aan casheeynee saacadaan maxaa casha la.aan ku dhigay
Waan fariistay cashadii ayaan cunnay markaas ayaan iri Axmed ii dhiib mobile kaaga kadib ayuu ii dhiibay waxaana bilaabay inaan fiirsado axmedna wuu iska seexday waxaan arkay hooyo oo idul taagan waa naxay mobilekii ayaana damiyay si deg deg aha ayaana ku istaagay markaas ayeey igu tiri hooyo waxaan ku iri Axmed casha u geey ee ma waxaan ku iri telfon la fadhiiso waxaan iri hooyo iga raali noqo qolkeyga ayaana aaday.
Waxeey sidii ahaataba maalin maalmaha ka mid ah ayeey igu tiri saaxiibadeey maryamo Maanta ii raac aroos waxaan iri saaxiib ma waalan tahay aniga waligey aroos iyo xaflad toona kama qeeyb galin waana ka baqayaa kadib ayeey tiri maryamo waan ku fahamy waxaad ka baqeeysaa aabahaa iyo hooyo sow maahan?
Markaas ayaan iri midaasna weey jirtaa mana aqaan aroos aadoow waana ka cabsanayaa ee iska keey fasax abyo maryamo weey iga diiday labis qurux badan ayeeyna ii keentay hooyo iyo aabe waxeey ku maqnaayeen suuqa xili hore ayaana hoowshi iska bagay arooskii ayaana aadnay
Maryamo waa gabar furfuran asxaabteeda ayeeyna dhaxda ka gashay aniguna waxaan garan waayay meel aan talo ka bilaabo kursi ayaana isaga fariistay maryamo ayaa iisoo laabatay waxeeyna igu tiri saaxib dadka dhinac kasoo gal maxaad la fadhisaa kaligaa hareeraheeyga ayaan fiiriyay waxaan arkay inaan kaligeey fadhiyo kuraasta
Kadib ayaan iri saxib aniga buuq iyo bood bood toona ma jecli waanku adiga asxaabtada waqti iskala qaado markaas ayeey ii dhiibtay mobile keeda waxeeyna igu tiri isku mashquuli weeyna iga tagtay
Waxeey noqotay maqrib wal wal ayaan dareemay waayo hooyo iyo aabe xilgeey imaanayeen ayaa la gaaray waan soo is taagay waxaana raadiyay maryamo waan waayay maadaama ay dad badan dhaxda ka gashay waxaan go.aansaday inaan aado guriga wax walba ha dhacaane waxaana soo qaatay mobile kii maryamo waxaan soo qaaday waddo dheer anigoo socod boobsiinaayo
Waxaa agteyda soo maray gaari agteyda ayuuna is taajiyay markaas ayuu yiri xageed rabtaa markaas ayaan iri maxaad iga weeydiineeysaa ma taksi baa tahay? Kadib ayuu yiri maya ee waxaan rabaa inaan ku caawiyo ee halkeed rabtaa ?
Waxaan iri mahadsanid waana dhaqaaqay waxaan arkay gaarigii oo weli igarab socdo waxaan iri kuma raacaayo ayaanba kugu iriye gaarigaaga si xowliya maad u wadatid maxaad iila hadaafineeysaa
SHEEKO CUSUB: Dulmi iyo digasho
QAYBTA 2AAD 💔
Markii ay hooyadeey tiri anigaa dhalay waan duugayaa hadii aan doono waxaan mooday ineey leedahay waan dilayaa waxaan ku dhagay maamadii deriskeena aheeyd markaas ayaan iri eedo haddii aad baxdo sow maqli meeysid hooyadeey weey idileeysaa kadib ayeey tiri maamadii deriska iska dhaaf gabadhan yar oo ha dilin markaas beey tiri hooyadey waayahye orod guriga iidhaaf weeyna baxday maamadii.
Waxeey sidii ahaataba waxaan gaaray 16 sano waxaana noqday qof weyn caqligeeduna ku filan yahay weli gurigii ayaan joogaa meelna ugama bixin wiilashiina waxa ay dhigtaan school anigase guriga ayeey igu baraan wixii aan ubaahdo anigoo tuugaayo waxaan is iri markaan waad weeynaatay cidna kuma dili doonto hooyo iyo aabane weeyka xishoon doonaan dilkaaga
Maalin maalmaha ka mid ah ayeey ii timid gabar wax ayeey i weeydiisatay waan siiyay markaas ayaan iri xaafadahan kuguma arki jirin ee xageed ka timid kadib ayeey tiri gurigaas ayaan daganahy mar dhow ayaana soo dagnay
Markaas ayaan iri weey fiican tahay kwrn haddii aan saaxiibno kadib ayeey tiri gabadhii waa arin fiican ee magacaa markas ayaan iri salmo adiguna waxeey tiri maryamo halkii ayaana ku kala tagnay markii ay ilbaabka kasii baxeeysay ayuu soo galay aabaheey
Waxa uuna i weeydiiyay gabadha sii baxeeysay waayo markaas ayaan iri waa gabar deris keena ah aabe wax ayeeyna iga soo doonatay wuu iga aamusay qolkiisa ayuuna galay waxaan iri salma sow ma aragtid markaan free ayaad noqotay cidna kuma dhibi doonto oo waad weeynaatay.
Wax yar kadib waxaa magaalada ka yimid hooyadeey iyo wiilkii iga yaraa waxaan arkay in mobile loosoo gaday markaas ayaan iri hooyo anigana maxaad iisoo gaday kadib ayeey tiri waxba kuuma soo gadin ma ciyaal baa tahay?
waxaan iri hooyo aniguna waan rabaa mobile ee iisoo gad markaan kaliya aabe ayaa maqlay anigoo leh iisoo gad mobile banaanka ayuuna usoo baxay markaas ayuu si caro leh ii yiri waa maxay waxa afkaaga ka baxayo mobileka wiilkan wuu is taahilaa waa nin wax barto berina meel ayuu naga soo saarayaa adiga maxaad qaban kartaa beri nin ayaad guursaneeysaa isaga ayaadna ka sugeeysaa wax aad cunto iyo waxaad xirato
Indhaheyga waxaa buux dhaafiyay ilin markaas ayaan iri aabe ogoow aniga waaan rabaa inaan wax barto sida wllhey oo kale lkn adigaa iga reebay adiga ayaana maanta idhahaayo wiilkan wax buu bartaa adigu faaido malihid adigoo awooda inaad naga deeyso kala sareeysiinta
Fadlan aabe sida gabadhaada iila dhaqan oo naxariis ii muuji aniga sidaan ma rabo waxaan rabaa inaan wadda faraxno hadii aad sidaan iila dhaqmeeyso markii aan dhashay maxaad ii duugi weeysay?
Aabe aad ayuu u carooday dharbaaxsho ayuuna igu bilaabay waxaa noqday tiir aan naf laheeyn waxaan kala garan waayay in leey dilaayo iyo in kale maskaxdeydu meel kale ayeey ka fakareeysaa dilkuba iima muuqdo aabaheey aad buu iila yaabay markuu igu daalay ayuuna iga tagay anigu sidii ayaan meeshii u taaganahy
Anoo meeshii taagan ayaa ilbaabka lasoo garaacay xaga ilbaabka ayaan aaday waxaan arkay maryamo oo taagan ilbaabka waxaan awoodi waayay inaan iraahdo soo gal weey iska soo gashay waan iska soo hor kacay dhulka ayaana iska fariistay maryamo weey ila yaabtay markaas ayeey i weeydiisay salmo maxaa kugu dhacay maba ila hadleeysid dhulkana maxaa ku fariisiyay?
Markaas ayaan madaxa ka hadli waayay dharbaaxshadii ayaan hadda dareemay markaas ayaan iri madaxa ayaa i xanuunaayo ee maxaad u baahneed ee aan ku siiyaa maryamo waa iska daacad inteey oroday ayeey guriga ugu gashay reerkii oo casheeynayo
Markaas ayeey tiri eedo salmo dhulka ayeey fariisatay xanuun ayaa haayo ee kama war qabtiin miyaa maryamo waxeey fileeysay in ay soo kala carari doonaan reerka guriga balse waxaa loogu jawaabay wax xanuun ah ma haayaan weey kibir santahaye yaakaa furay ilbaabka
SHEEKO CUSUB: Dulmi iyo digasho
QAYBTA 1AAD 💔
Magaceygu waa salmo waxaan ahay gabar 16 jir ah waxaan la noolahay waalidkeyga hooyadeey iyo aabaheey waxeey dhaleen 6 wiil iyo aniga waxaa nahay todoba caruur ah
Markii aan gaarnay xiligii wax barashada ee canug walbaa uu gaaray 5 jir iyo ka badan ba waxaa dugsi la geeyay 6dii wiil ee ila dhashay balse aniga dugsigii qur.aanka leeyma geeyn waxaan u tagay aabaheey markaas ayaan ku iri aabe maxaad iiga reebtay wiilasha aniga waxaan rabaa inaan wax barto ee.
Kadib ayuu igu yiri aabaheey maya adigu guriga joog gabar baa tahaye hooyadaa caawi markaas ayaan iri aabe aniga dugsiga igeey kadib ayuu yiri wilasha ayaa waxii ay soo bartaan kusii bari doono ee gurigaan joog haddal kalana ha igu soo celin anigoo aad u careeysan ayaan kasoo tagay aabaheey
Waxaan u imaaday hooyadeey kadib ayaan iri hooyo aabe muxuu dugsiga iiga reebay markaas ayeey tiri aabahaa warkiisa maqal oo joog guriga waxaad ku tukato waalagu barayaa markii ay hooyadeey sidaas igu tiri waan is dajiyay waana iska joogay
Waxeey sidii ahaataba waxaan gaaray 9sano intaas wiilasha ayaa guriga igu bari jiray
qur aanka waxaana ku gaaray kala barka waayo aad ayaan u aqrin jiray maalin ayaan baxay waxaana leey diray adeeg waxaana leygu yiri wiilasha dugsi ayeey aadayaan adeega lasoo dhaqso quraacda maraq ugu sameey markaas ayaan arkay gabdha dugsi u socdo cabaar ayaan socday haddane waxaan arkay gabdho school u socda
Dukaankii aan adeega ka rabay ayaan tagay waxaan maqlay maamadii dukaanka oo gabdhaheedi schoolka u direeysa waan fiiriyay bal gabdhaha inta ay la eg yahiin waxaan arkay gabdho iga yar yar haddane wax barasho aadayaa waxaan ilaaway adeegii aan doonaayay gabdhihii ayaan fiiris u galay
markaas ayeey maamadii ila yaabtay sida aan u fiirinaayo gabdhaheeda kadib ayeey tiri maxaan ku siiyaa haddal intaan soo booday ayaan adeegii sheegtay oo aan soo qaatay markii aan guriga imid ayaan arkay wiilashii oo baxay banaanka kaliya waxa fadhiyo aabe iyo hooyo waan isku naxay waayo waan soo daahay'
Markaas ayuu aabe soo is taagay xageeyga ayuuna soo aaday hooyo xageeda ayaan u cararay kadib ayaan iri hooyo markale sooma daahaayo markaan kaliya iska keey cafiya kadib ayeey tiri wiilasheeydi ayaad baahi ku dirtay markaas ayaad ileedahay haleey cafiyo war garaac waa bilaa aqlaaqe
Waan yaabay oohin iyo baryo ayaana bilaabay balse aabo waxa uu igu bilaabay ul aad u xanuun badan waxaan ku calaacalay u noqon maayo markale intaan iigu ekeey dilka balse aabe war igama maqlin
ushii ayuu igu sii garaacay hal mar ayaan ka baxsaday balse hooyo ayaa ii qabatay mar labaad oo iyadoo lugteyda haayso ayuu haddane ushii igu bilaabay deriskii oo dhan ayaa maqlay oohinta iyo baryada iga baxeeyso gurigeena ilbaaabkiisa ayaana leesku soo wada cariiriyay waxaa ila dheeraatay inta dadku iga fujinaayo waxaan iri ma nooliye iga soo gaara mar kaliya
Islaan deriskeena ka mid aheeyd ayaa igusoo hor martay weeyna iga fujisay markaas ayeey tiri oo gabadhan yar miyaad isla dileeysiin malaha meel ayaad kasoo qaadeene maad isiisiin sidaan wax la dhalay lama yeelo ee.
Markaas ayaan iri eedo iska keey waddo haddii aadan iga fujin laheeyn Abaheey nafta ayuu iga saari lahaa hooyadeey baa soo booday dharbaaxtin ayeeyna dhulka ila galisay kadib ayeey tiri bal kusoo celi waxa aad tiri markaas bey tiri adiguna iiga bax guriga gabadheyda anaa dhalay haddii aan rabo waan duugayaa.
Lasoco QAYBTA 2AAD
Fadlan share gareeya like badana saara mahadsanidiin
Sheeko jaceyl: Is maan dhaaf
QAYBTA 8AAD 💍💘
Maxamed waxa uu yiri waan dareemayaa xanuunka aad soo martay, waadna ku mahadsan tahay, sabarkaaga aniguna waxàan kuu balan qaadayaa in aan ku ilaashan doono caawa laga bilaabo. Cidna kulama simi doono waa balan midaas.
Kadib ayeey tiri ramlo hooyo waxa aay sheegtay maku raacday, gurigeena miyaa la gaddi rabaa hadda. Markaas ayuu yiri maxamed hooyo waxa aay tiri waad maqleeysay, ee adiga maxaad igula talin laheeyd.
Waxeey tiri ramlo aniga marabo in aad naga gaddo gurieena balse hooyo haddii ay go.aansatay, sidaas ma aqaan wax aan ka dhaho aniga warna iigama furna waayo iyadduba igalama tashan hoowshan labadiina soo dhameeya.
Kadib ayuu yiri maxamed deeynta leeygu leeyahy, ayeey, rabtaa hooyo ineey iga guddo. Waayo wiilkeedi oo dhibaateeysan. Ma fiirsan karto kaliya waxeey, rabtaa ineey, iga baxdo deeyntaas maadaama ay deeyntu dhib badan tahay, balse waxaan filanayaa shaqo haddii aan helo shaqadaas waxaan leeyahay, hooyo iska dhaaf gurigan gaditaankiisa. Waana arkayaa haddii ay, aqbasho arintaas.
Waxaa la joogay, mudo isbuuc ah waxaa maxamed laga soo wacay, shaqadii uu sugaayay, waxaana loo sheegay, in la aqbalay, maxamed waa uu ku farxay, arintaas waxa uuna guda galay, shaqadiisii. Xili fiid ah ayuu soo maray, hooyadiis waxa uuna usheegay, inuu shaqa helay, ayna iska daayaan gadida guriga.
Maxamed hooyadiis weeyka ogolaatay, arintaas kadib ayeey weeydiisay, kwrn ramlo waxa uu yiri weey fiican tahay, markaas ayeey tiri maalin dhaweeyd waxaad laheeyd kama war haayo ee maxaa is badalay, kadib ayuu yiri maxamed wax badan ayaa is badalay, hooyo waana is fahanay, ramlo kaliya. is maan dhaaf ayaa inagu dhacay, oo qofba qofka kale ayuu qalad ka fahmay, markaas ayeey tiri maxamed hooyadiis. Waa khayr haddii aad Is fahan teen aniga lafteeydu qalad ayaan ka fahmay, ramlo waxaan is lahaa gabadhu ma waxeey wiilka ku naceeysaa shaqa la.aanta lasoo deris tay,
Kadib ayuu yiri maxamed hooyo waa caadi dhamaanteenba qalad ayaan iska fahanay, Mar haddii aan qaladkeena garanay, waa arin fiican waxaana rajeeynaa in aanu dhib kale dhicin.
Waa uu zoo baxay maxamed ramlo ayuuna usheegay, in Mar haddii uu shaqa. Helay iska daayeen gadida guriga hooyana ay ka ogolaatay arintaas.
Ramlo weey ku faraxday, arintaas waayo iyaddu ma jecleeyn in laga gaddo gurigooda waxeey tiri waan ku faraxsanahy, midaas waana filaayay,.
...........DH A M A A D.............Haddii aad la socotay sheekadaan ma jirtaa saameeyn ay kugu yeelatay?
EMOJI KALA NOOCA SAARA 🕊
"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.
Add me @Timow1
Sponsored ⬇️
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA
Sheeko jaceyl: Is maan dhaaf
QAYBTA 5AAD 💍💔
Ramlo weey la yaabtay ad adeeygan uu maxamed la yimid iyo siduu uga fogaaday iyadda. Waayo kama aysan fileeyn is badal noocaan ah kadib ayeey tiri waayahay dhib uma arko midaas waayo waxaa tahay qof aan damqasho iyo diir naxaaba ku oolin !
Maxamed aad ayuu u carooday waxa uuna yiri qof kuu diir naxaayo ayaa loo damqadaa adiguna maal adduun ayaad ka doorbiday farxadeeni . Intaas makugu filnaan weeysay maxeey tahay haddalkan aad iga dabo waddo !
Ramlo ma aysan fahmin ula jeedka haddalka maxamed kadib ayeey tiri waxaan fahmi waayay meesha aad igala jaan qaaday waxaad iila hadleeysaa sidii qof dhib kuu geeystay oo kale haddane caawa ma waxaad tiri maal adduun ayaad ka doorbiday farxadeeni.
Intaas waxaad ku raadsaneeysaa sabab aad iiga fogaato balse aniga kuma celinaayo waayo qof ku jecel ayaa la ceshtaa maxamed isagoon wax jawaaba siin ramla ayuu isaga baxay qolka isaggoo wareersan ayuu tagay qolka fadhiga maxamed waxaa ka tan badiyay fikirkii Madaxa ayuu qabsaday qalbiguna wuu gubanayaa isagoo ku fikiraayo noloshaadi waxeey gashay mugdi ramladi aad jecleed iyo gurigaagiba waad waayn rabtaa goor dhaw ayeey ramlo soo kacday waxeey aragtay maxamed oo haaysto madaxa waliba hoos fiirinaayo. Kana muuqato murugo fara badan.
Kadib ayeey ramlo fikirtay waxeeyna is weeydiisay xanaaqan iyo kala fogaanshahan meeshii uu ka biloowday, iyo sidii uu ku biloowday, iyo cidii qaladka laheeyd sababtay na in lakala fogaado mudada intaan la eg waliba iyaddoo aan qofna qofka kale weeydiin xaaladiisa iyo wixii la soo gudboonaaday,
Ramlo waxaa usoo baxday go.aansatayna ineey u tagto maxamed Mar labaad oo ay weeydiiso sababta keentay, xanaaqiisa iyo waxa uu ka tabanaayo iyadda maadaama aaney Horay u weeydiin iyo waxa uu ula jeeday maal baad ka doorbiday jaceeylkeeni !
Ramlo waxeey soo gashay qolka fadhiga waxeey fiirisay maxamed balse soo fiirin xitaa waxeey fariisatay agtiisa iyaddoo ka baqeeyso la haddalkiisa iyo jawaabta uu siin doono. Haddii ay la hadasho waxeey iska raadisay geesinimo kadib ayeey tiri maxamed maxaa kugu dhacay.?
Balse maxamed wax jawaab ah kama aysan helin Mar labaad ayeey ku celisay maxamed ila haddal maxaa kugu dhacay kadib ayuu kasii jeestay xageeda isaggoo ka qarinaayo wajigiisa ramlo weey istaagtay dhanka kale ayeeyna ka martay,
Waxeey ka fujisay gacmahii uu ku qarinaayay wajiga markaas ayeey fiirisay wajigiisa waxeey aragtay ilin dhabanadiisa sabeeyneyso iyo indhahiisi oo casaaday ! Ramlo naxtin ayeey is dhaqaajin weeysay Mar qura ayeey ilmeeysay ilaa markii dambe ay caadi u oysay ramlo.
Maxamed intuu is celin waayay ayuu ramlo laabta geliyay kadib ayuu yiri ramlo ima jeclid miyaa aniga maxaad ii dareemi la.dahay mise qalad ayaan kaa galay oo waad ii careeysan tahay aniga intaan ka badan kaama ahaan karo waayo maa markii iigu horeeysay ee aan ilmeeyo anigoo qof weeyn ah !!..
Lasoco part:6
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid EMOJI KALA DUWAN SAARA
🕊
Sheeko jaceyl: Is maan dhaaf
QAYBTA 3AAD 💍💔
Maxamed markii la gaaray subaxii ayuu soo kacay markii uu Tukaday kadib waa uu labistay isaggoo Isleh tag inta aaney ramla kicin waayo waxa uu diidayaa in ramlo ay is arkaanba maadaama ay tiri iga fogoow haddane waxa uu go.aansaday in uu salaada u kiciyo iyadda maadaama ay hurdeeyso.
Kadib ayuu dul yimid ramlo waxa uuna arkay ineey hurdeeyso waxa uu garan waayay qaab uu uga kiciyo maadaama ay yihiin laba qof oo is dagaalsan markaas ayuu kasoo laabtay banaanka ayuuna u baxay kadib ayuu soo wacay lambarka ramlo
Weey ka qabatay iyaddoo la yaaban wicitaanka xiligaan ah markii ay qabatay maxamed isagoo aan la hadlin ayuu jaray qadka waa uuna iska baxay, ramlo iyaddoo ka fikireeyso wicitaanka ayeey fiirisay saacada waxeeyna aragtay in waagii uu baryay, Maxamed waxa uu u yimid hooyadiis oo dagan meel aan ka fogeeyn guriga maxamed.
Kadib ayeey weeydiisay maxamed hooyadiis shaqa ma heshay markaas ayuu yiri maxamed maya hooyo shaqa ma helin waxeey tiri maxamed hooyadiis waxaas ha isku murjin hooyo waad heleeysaa shaqo insha Allah ee iiga warran ramlo maxamed markii uu maqlay ramlo kwrn waxa uu yiri kama waramo ! Maxamed hooyadiis weey yaabtay markaas ayeey tiri kama waramo maxeey tahay soo qofaad guri kuwadda nooshihiin maaha.
Kadib ayuu yiri maxamed hooyo ramlo sidaad ku ogeeyd maaha is baddal baa dhacay ! Maxamed hooyadiis waxaa kasoo haray yaab markaas beey tiri oo maxaa is badalay hooyo wuxuu yiri ramlo sidii shaqada leeyga buriyayba waxeey igu tiri iga fogoow oo ilama haddasho xitaa Ana waxaan ahay qof tiisu haaysato oo waan isaga aamusay,
Markaas ayeey tiri maxamed hooyadiis taasoo kale faaido maleh waxa ay isku badashay waxeey kugu jecleedba waa lacagta sow lacagtii aad siin jirtay lama waayin ! Maxamed oo yaaban ayaaa yiri oo hooyo sidaasba uma fahansaneeyn ee meel kale ayaanba islahaa armey wax ka jiraan haddii ay aniga lacag igu jecleed waala arkayaa ilbaabka ayuuna ka baxay,
Ramlo waxeey iska diyaarsatay quraac yaro fudud markaas ayeey is tiri ma waxaad naftaada u ciqaabeeysaa qof kaasii jeestay oo aan wax Dan ah kaa laheeyn ma ahan inaad baahi isku disho quraacdii ayeeyna isku dhibtay kadib ayeey iska seexatay waxeey maqashay garaaca ilbaabka kadib ayeey is tiri malaha waa deriska weey soo kacday markii ay ilbaabka furtay ayeey indhaha ku dhufatay maxamed hooyadiis oo taagan.
Markaas ayeey tiri soo gal hooyo soow ma fiicnid kedis ayaad iiga dhigtay imaanshaha kadib ayeey tiri waa caadi ma waxaad rabtay inaan fasax kaa weeydiisto imaanshaha wiilkeyga gurigiisa. Kadib ayeey tiri ramlo maya hooyo sidaas ma ahan ee casuumaad ayaan kuu sameeyn lahaa baan kala jeeday,
Waxeey tageen qolka fadhiga markaas ayeey tiri ramlo iisug hooyo cabitaan baan kuu keenayaa markaas ayeey tiri maya waxba ma rabbo ee addaan Dan kaa lahaa kadib ayeey tiri waayahy hooyo maxeey tahay danta iisheeg
Waxeey tiri maxamed waxaa lagu yeeshay lacag deeyn ah oo fara badan waxaana rabaa inaan gado gurigaan si aan deeyntaas isagga bixino ramlo weey yaabtay markaas ayeey tiri oo xageen dageynaa inaga la iskama dhaafi karo miyaana waxeey tiri maya isaggana haddaan wacayaa oo aan u sheegayaa gurigeeyga ayaana qol idinka siinayaa
Waxeey tiri ramlo waayahay maxamed hooyadiis weey wacday markaas ayeey tiri gurigaaga ayaan joogaahe iigu imoow haddii aadan mashquul saneeyn..
Lasoco part:4
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
SHEEKO CUSUB : Is maan dhaaf maxamed iyo ramlo
QAYBTA 1AAD 💍 💔Sheeko jaceyl
Maxamed iyo ramlo waa lamaane dhawaan nolosha ku midoobay, iskuna guursaday jaceyl sanado soo socday,
Maxamed ramlo waxa uu ujeclaa si xad la.aan ah ka hor inta aaney is guursan, balse guurka kadib waxeey ka dareentay is badal weeyn oo mashquuliyay maskaxdeeda.
Halka maxamed uu yahay qof aamusan oo aan la ogaan karin waxa uu damacsan yahay, waxa uu yimaadaa saq barka habeenimo. isagoo haddane laabta lixda subax nimo
Ramla weey fikirtay waxeeyna go.aansatay in aay iska yareeyso daneeynta maxamed maadaama uu isaguba ka aamusay iyaddoo u qaadatay in uu ka xiisa dhacay iyadda gabi ahaanba.
Ramlo waxeey joojisay gabi ahaanba. Daneeynta. iyo daryeelka maxamed iyadda oo qalbigeeda adkeeysatay inkastoo ay aad u jeceshahy maxamed haddane waxaa galay qof aanan ku rabin ha daba ordin oo haku daalin.
Waxeey aheeyd xili galab ah ramla waxeey diyaarsatay cashadeeda waxaa la gaaray habeenkii weli maxamed wuu maqan yahay ramla waxeey go.aansatay, ineey kaligeed casheeyso caawa maadaama uu maxamed habeena badan ku yiri baahi ima haayso ee casheey iyaddana intaas waxeey ku noqotay qalbi jab.
Markii ay cashaddii soo diyaarsatay oo ay miiska timid ramla waxeey soo xasuusatay markii ay maxamed wada casheeyn jireen waliba si farxad ku dheehan tahay, waxeey iska dabooshay cashadii jikada ayeeyna iska geeysay waxeey soo gashay qolka iyaddoo is leh nafta nasiino sii oo qalbiga dajiso.
Balse waxeey maqashay garaaca ilbaabka weey soo baxday ilbaabka ayeeyna ka furtay maxamed ramla weey aamustay oo weey joojisay ineey haddal ku biloowdo maxamed kadib ayuu yiri maxamed sidee tahay waxeey tiri waan fiicanahy,
Isagoo aanan haddal kale dhihin ayuu soo garab dhaafay ramla qalbigeeda waxaa ku shidmay holac waayo qofkii ay jecleed ayaa. Wajiga u badalay mana joogto meel ay ka laabato oo xiriir waalaga soo gudbay nolol ayaana la wadaagay.
Ramlo waxeey iska fariisatay qolka fadhiga iyaddoo diidan in ay maxamed hor tagto cabaar markii ay fadhisay ayeey is celin weeysay waxeeyna is tiri waxaa laga yaabaa inuu maxamed baahan yahay waayo qolka kama soo baxaayo waxaa macquul ah inuu daalan yahay ee casha u geey, iyaddoo iloowday go.aankeedi ahaa ha daneeyn maxamed.
Waxeey usoo diyaarisay casho iyo cabitaan kadib ayeey ugu gashay qolka waxeey aragtay maxamed oo fadhiyo kuna mashquulsan mobilekiisa ineey dul tagtay ayeey tiri waxaan kuu diyaariyay casho ee soo bax casheey,
Markaas ayuu yiri ma casheeyn karo adiga casheey haddii aad baahan tahay, ramla weey is celin weeysay markaas ayeey tiri habeen walba ma casheeyn karo ayaad igu tiraadaa iisheeg cidda aad kasoo casheeyso ee aad aniga iiga maarantay ?
Kadib ayuu yiri ma casheeyn karo haddii aan ku iri culeeys ayaanba kaa dul qaaday ee buuqa naga daa oo casheey haddii aad baahan tahay,!!
Lasoco part:2
Join dheh si aad ula socoto qeybta xigta.
EMOJI KALA DUWAN SAARA ❤️
Poll ka ku codeeya midkii loo bato sameena
Читать полностью…Qisaddii maahir
QAYBTA 15AAD
Markii aan guriga imaaday, waxaa cashadii iikeentay, habaryar waxaan weeydiiyay hooyo maxaa isku dhibtay, ikhlaas aaway caawa waxeey tiri weey qandhantahay, waxaan iri Haa Allaha caafiyo lkn anigaba waan soo guran karaa waayo waxaa la rabay, in aan adiga kuusoo guro waxeey tiri dhib uma arko casheey
hada kadib ikhlaas waala guursanayaa haddii aad gabar keeni weeydo aniga unbaa cashada kuusoo guri doono waxaan iri waxaan iri waala kheyrayaa hooyo weeyna igasii tagtay, waxaan rabay, in ay ikhlaas cashada ii keento sidaasna aan ugu sheego waxa jira una weeydiiyo waxa ayka ogtahay, arintaan balse ma dhicin midaas.
Wax yar kadib waxaa fariin iisoo dirtay, ikhlaas waxeeyna tiri maahir waankuu xiisay, waxaan iri anigaba waankuu xiisay, lkn maxaa kugu dhacay, xagee lagaa hayaa waxeey tiri meelna la igama haayo waxaan iri hyh banaanka usoo bax waxeey tiri hooya diiday,
Waan yaabay, waayo isma dhaheeyn midaas waxaan iri waayahay, waxaad sameeysaa markii ay hooyo hurudo soo bax ciyoon ayaad noqoneeysaa
Waxeey tiri hooyo weey I arkeeysaa arin ayeeyna iisheegtay.caawa waxaan iri maxeey kuu sheegtay? Waxeey tiri beri waxaa imaan rabo nin ay hooyo igu tiri waanku siiyay. Waxaan iri oo ma beri ayuuba imaanayaa waxeey tiri haa.
Waxaan iri hayh maxaa kuu qorsheeysan waxeey tiri waxba iima qorsheeysna waxaan iri marka ma ogolaatay, guurkiisa waxeey tiri mya balse hooya igu qasbeeyso waxaan iri waayahay, iska seexo waan arki doonaa waxa dhaca.
Waxeey tiri sidee dareemeeysaa waxaan iri maxaad kala jeedaa waxeey tiri iga raali noqo! Waxaan iri waa caadi ee ifahansii waxeey tiri yacnii arinta aan kuu sheegay, wax saameeyn ah kuguma yeelan miyaa waxaan iri taas kama hadli karo mobilekana waan iska damiyay.
Waxaan garan waayay waxaan sameeyo halkii aan fadhiyay ayaa cariiri igu noqotay, waayo ikhlaas waxaan ka dareemay, is badal iyo in ay macquul tahay oo ay ogolaatay, ninka lala rabo.
Hur iyo kuleyl ayaa igu shidmay, qalbiga ayaan xanuun ka dareemay, halkii aan fadhiyay ayaana ka dhaqaaqi waayay, halkii anoo Weli fadhiya ayeey ikhlaas ii timid waan isaga aamusay,
Kadib ayeey tiri maahir maxaa kugu dhacay, caawa maxaa useexan la.dahay waxaan iri hurdo ima haayso orod adiga seexo waxeey tiri waayahay, Marwalba waad iska keey fogeeyn jirtay, horaanba oo maba ogolid inaad xitaa hal su.aal iiga jawaabtid.
Waxaan iri haddii aan rabo inaad iga fogaato xanuunkan caawa ihayo ima uusan qabteen balse naxariistii haddii aad igala laabatay, dhib maleh waayo malaaygaba waxaa lagu dabaa hilib isagoo moodo in lasiin rabo balse ma oga kaliya in la rabo si gacanta loogu dhigo.
Aniguna waxaan ahay, nin aamusnaan badan dabeecadiisina aan la fahmi karin saas iyadoo ay tahay, shalay waxaad ii sheegatay, jaceeyl balse anigu kuma jecleeyn maalinkaas .
Lkn markaan arkay, naxariista faraha badan ee aad ii muujineeyso Mar walba qalbigeyga waxaa galay, naxariis iyo jaceeyl baaxad weeyn.
Waxeey lkn maahir anigaba waanku jeclahay waliba daqiiqad kaama ahaan karo waanku baryaa ha I calool xumeeynin waanku faraxsanahy In qalbigaaga aan hantay, caawa hadalkaaga qalbiga ayuu toos u aadayaa waxaan iri ikhlaas waanku baryayaa ninkaas ha iga raacin midaas uma adkeeysan karo..
Lasoco QAYBTA 16AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid EMOJI KALA NOOCA SAARA ❤️
Qisaddii maahir
QAYBTA 13AAD
Aad baan unaxay, markaas baan iri hooyo sow qalad ma aheeyn inaad garaacdo gabar weeyn waayo weeyn ogtahay wixii u san iyo wixii u xunba waxeey tiri taas weey dhacday, ee orod gabadha iisoo raadi.
Waxaan iri waayahay, waan raadinayaa haddii aan arkaayo waxaana soo qaatay, gaarigeyga waxaana wacay, lambarka ikhlaas balse waxaa leeygu yiri waa uu dansan yahay, meel aan talo ka bilaabo ayaan garan waayay, meel cidlo ah ayaan iska istaagay, daqiiqado kadib waxaa isoo wacday, habaryar waan ka qabtay, markaas ayeey igu tiri guriga Imaaw waxaan iri maxaa dhacay, habaryar waxeey tiri iska daa warkoo soo dhaqso waxaan iri waayahay, dib ayaana usoo laabtay,
Markan guriga ilbaabka kasoo galay, ayaan arkay ikhlaas oo joogto waxaan iri xageee aaday. Maxaase u murjineeysaa hooyo habaryar ayaa tiri maya maahir canaan dambe ha u celin ikhlaas dil iyo wax walba waan isugu daray,
Hadana weey iisoo laabatay, iyadoo iga fikireeyso aniga waxeeyna usoo laabatay, aniga darteey waayo waxeey ogtahay, inaan ka warwaraayo balse labadeenuba waan fahmi weeynay iyadda.
Waxaan iri hooyo waa runtaa markale gabadhaan gacantaada ha u qaadin waad u jeedaa waxa aad dhaawac ku dhigtay, waana ceeb gabdhaha faceed ayaa ku sheekeeysanayo iyagoo dhahaayo hooyadeed baa dishay waana ceeb midaas.
Waxeey su.aal weeydiisay habayar ikhlaas waxeeyna ku tiri hooyo iska keey cafi waan ogahay, inaad gabar wanaagsan tahay, balse adiguna waa inaad qaladkaaga garataa waxeey tiri waayahay, hooyo aniga ayaa hadlay, waxaana iri hooyo ikhlaas soow ma dooneeysid ineey farxad ku noolaato?
Waxeey tiri haa waan doonayaa waxaan iri haddii ay sidaas tahay waxaan rabaa ikhlaas ineey xaaskeyga noqoto ogoow iyaduna weeyku faraxsan tahay, midaas mar haddii ay iyada faraxdana waad ogtahay, guriga in uu iftiimaayo waxeey tiri haddii ay iyadu ku faraxsan tahay farxadeeda ma burburinaayo gabadheeyda waana iskugu kiin duceeynayaa.
Waxaan iri makaa dhabaa hooyo hadalkaan iga xaqiiji waxeey tiri waa dhab ee soo diyaar garoow waanku farxay, runtii waayo waxaan u batay, dhanka ikhlaas inkastoo aan ahaa nin ad adag hadana waxaan jeclaaday, ikhlaas kadib markaan arkay, jaceylka dhabta ah ee ay ii qabto iyadda.
Ikhlaas aad ayeey ugu faraxday, midaas habeenkii ayaana soo hoyday, waxaan hadyad u keenay, ikhlaas habaryarna kama reebin oo iyadana waan u keenay,
Ikhlaas ciyoon ayeey iska seexatay, cabaar kadib habaryar ayaa ii timid waxeeyna igu tiri Dan baan kaa leeyahay, ee banaanka iigu imoow waxaan iri hyh...
Lasoco QAYBTA 14AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid EMOJI KALA NOOCA SAARA ❤️
Qisaddii maahir
QAYBTA 12AAD
Run ahaantii ma fileeynin in ay sidaan dhaceeyso waayo isma aanan laheeyn hooyo saacan soo jeedo markii ay iga tagtay, ayaan qolkeeygi aaday fakar kale ayaana ii bilaawday, waayo ikhlaas balan ayaan ka qaaday, habaryar warkeedana madoonaayo in aan kasoo horjeesto. Waxeey sidii ahaataba habeeenkii xigay, ayaan guriga kusoo laabtay, waxaana imaaday, habaryar iyo ikhlaas oo wada joogo qolka fadhiga markii aan iska soo badalay, dharkii ayaan gees kasoo fariistay, fadhigii isla markii habaryar waxeey la hadashay ikhlaas waxeeyna ku tiri orodoo wiilka casha ukeen ikhlaas weey is taagtay, cashadii ayeeyna ii keentay,
Markii ay cashadii miiska iisaartay, ayeey fariisatay, balse habaryar ayaa la hadashay waxeeyna ku tiri orodoo seexo waxeey tiri ikhlaas waayahay, hooyo qolkeeda ayeeyna aaday, habaryarna weey iga tagtay, waxaana noqday, kaligeey.
Cabaar ayaan TVga daawaday, kadib ayaan iska damiyay waxaana rabay, inaan seexdo balse ilbaabka waxaa iiga hor timid ikhlaas markaas ayeey cod hoos ah igu tiri ma seexaneeysaa waxaan iri Haa waan daalanahay, markaas ayeey tiri aniga waan seexan waayay, waxaan iri maxaa kugu dhacay,
Waxeey tiri waxba iguma dhicin lkn anoo hurdo ihaayn ayeey hooyo seexo igu dhahday, Ana waxaan rabay, inaan kula joogo waxaan iri dhib maleh qolkaaga gal mobileka ayaan kaasoo wacaa.
Waxeey tiri maxaa kawadaa sidaas inta ayaan ku sheekeeysan karnaa mobile marabo waxaan iri bas aniga ima rabtid markaas iska seexo waana sii dhaafay, oo qolkeeyga ayaan galay, waana seexday,
Cabaar kadib ayeey fariin iisoo dhacday, mobilekii ayaan soo qabtay, fariintii ayaana furay, waxaana fariinta iisoo qortay, ikhlaas waxeeyna tiri..
Maahir haddii aad ogaan laheeyd si aan kugu ahay ama aan kuu jeclahy naxariis daradaan igulama aadan dhaqanteen mana iniyad jabiseen balse hadda ilbaabkaaga ayaan taaganahay, hal Mar soo bax. Waan yaabay, markeey tiri ilbaabkaaga ayaan taaganahay, waayo hooyo ayaa arki karto waan soo orday, ilbaabkii ayaana ka furay, markaas ayaan iri sidaan miyaad ku fiyoow dahay, ikhlaas.
Waxeey tiri maya ma fiyoobi waayo xanuun ayaan dareemayaa waxaan iri aniga soow balan kaama qaadin maxeey tahay kalsooni daradaan. Waxeey tiri maxaad si fiicn iila dhaqmi weeyday, haddii ay balantu dhab kaa aheeyd.
Waxaa hadalkeenii kusoo kacday, habaryar si dhaqsi ah ayeeyna banaanka ugu soo baxday, waxeeyna aragtay ikhlaas oo ilbaabkeeyga taagan. Habar yar aad beey u carootay, waxeeyna dharbaaxsho ku biloowday, ikhlaas waxaan iri iska daa hooyo gabadha maxaad udileeysaa Waxeey tiri isii daa qolkeeda ayeeyna la gashay, waanka daba galay, balse waxeey iisheegtay, in aaney dileeyn waxaan iri wayaahaye iska daa gabadha oo hadilin waana kasoo tagay,
Isla markii qolka ayeey hoos kasoo xirtay, waxaana maqlay, oohinta ikhlaas iyo iyadoo leh maahir kaalay hooyo iga celi aad baan u naxay mana ka celin karo oo ilbaabkii ayeey ku xiratay. Qalbiga ayaa aad ii xanuunay, waayo anigaa u sabab ahaa in ladilo ikhlaas inkastoo haddii aan lajoogaba dhib ka imaan lahaa.
Cabar markii ay ikhlaas ooyneeysay, ayeey aamustay, ilbaabkii ayaana ku garaacay, kadib ayeey furtay. Waxaan iri hooyo gabadha maxaad u dileeysaa ma dambi beey gashay hadii ay ila hadashay aniga?
Waxeey tiri waxaan dilay, ma jiraan ee orodoo seexo waxaan iri aan arko iyada balse weey ii diiday, inaan arko cabaar markii aan baryaayay ayeey tiri orod waa taase arag haddii aad wax ka faaideeyso.
Qolkii ayaana ugu galay. Waxaana tosh ku ifiyay wajigeeda waxaan arkay dhaawacyo fara badan oo wajigeeda ku yaalo iyo dhiig fara badan oo ka baxay, waxaan iri ikhlaas sideey wax kuu gaareen ikhlaas weey sii ooysay, iimana jawaabin.
Waxaan iri ikhlaas dhaawacaan ma waxaa laguu gaarsiiyay aniga daraadeey horay ayaan kuugu sheegay, aniga wax faaido ah kuuma lihi fadlan naftaada ciqaab ha u horseedin waxeey tiri maahir aniga ilaa aanka dhimanaayo waanku jeclaanayaa adiga sidaa doontid iila dhaqan hooyana ha iska keey disho waanku raali ahay midaas! Lkn waadna shalaayn doontaa midaan waadna ogaan doontaa xanuunka aad ii
Qisaddii maahir
QAYBTA 10AAD
Waxaana isku dhibay qadadii isla markii ayaana ka istaagay, halkii qolkeeyga ayaana galay, waxaana dul tagay, sariirteeydi waan fariistay, waxaana dareemay, in aan ku juro xaalada ikhlaas oo kale iyo inaan la yaabi Jiray, sababta ay Mar walba qolka ugu jurto waan fakaray, waxaana go.aan saday. Inaan caadi iska dhigo murugo iyo Jill jileecna iska daayo.
Go.aankeeygiina wuu shaqeeyay, waxaana kusoo laabtay, sideeydi maahirkii aan ahaa ayaana dib ugu laabtay, waana iska daayay, inaan gabar la saaxiibo amaba xitaa aan waco gooni socod ayaa noqday, dhanka kale ikhlaas waxeey noqotay, qof Mar waliba oo aan guriga imaado iga dhuumata wajigana iga dad bato midaasna weey ila qurxoonaan weeysay,
Galab iyaddoo jikada ku jurto ayaan ugu galay, si kadis ah waxaana arkay, ikhlaas oo ku hadleeyso call video aadna weey ufaraxsaneeyd markaan fiiriyay, qofka ay la hadleeyso waxaan arkay, inuu nin Yahay, si deg dega ayaana uga soo laabtay, anigoo dareemaayo is badal waxaan Is weeydiiyay,
Maxaad isla badashay, maxaase kugu dhacay, qolka ayaan galay, waana soo labistay, si aan ubaxo ikhlaas ayaana iga hortimid kadib ayeey igu tiri iyadoo ayka muuqato cabsi ama xishood maahir waanku raacayaa ha iga tagin waxaan iri xageed rabtaa markaas ayeey tiri suuqa ayaan shobing karabaa waxaan iri waayahay,
Ee isa soo diyaari waxeey tiri waayahay, markii ay isa soo diryaarisay, ayeey soo baxday, iguna tiri hadda nakeen waxaana raacnay, gaarigii intii aan dhax sii soconay, ayaan iri maanta waadba faraxsan tahaye maxaa maxaa jira kadib ayeey tiri oo ma waxaad rabtay, inaan Marwalba murugoodo waxaan iri maya sidaas ma ahan ee kaliya waanku weeydiiyay, markaas ayeey tiri OK hadan kuu sheegayaa waxaan iri iisheeg.
Kadib ayeey, tiri wiil ayaa lacag iisoo diray, xiriir ayuuna iga rabaa balse aniga marabo balse lacagta daraadeed waan iska aqbalaa waxaan iri ma waalan tahay, qof aadan jecleeyn sideed xiriir uga aqbaleeysaa lacagtiisana ku cuneeysaa adiga ma xishooneeysid miyaa.
Ikhlaas aad ayeye uxanaaqday, waxeeyna tiri marka qofkii aan jeclaa haddii aan waayay, ma iska dhintaa iisheeg adiga meel kasta maxaad iigu niyad jabineeysaa ma waxaa laguusoo diray, in aad nolosha cariiri igu galiso aniga si dhaba ayaan kuu jeclaaday, balse qalbiga ayaad iga jabisay, maantana ma waxaad ileedahay, qof aadan jecleeyn xiriir hala sameeyn. Xageen kaagga baxsadaa adiga.
Waxaan iri iga raali noqo qaladkeeyga waan ogahay, mana moogi poqol jeer iga raali noqo fasax ayaad utahay, cidaa doonto xiriir la sameey markale kuma dhaawacaayo markaan kaliya icafi.
Ikhlaas weey is badashay, kadib ayeey tiri raali galintaada ayaaba idhaawacday, markaad igu qeeylineeysay, gudaha farxad ayaan ka dareemaayay, xanaaqeeygu afka kaliya ayuu ahaa balse waanka naxay, markaad itiri xor ayaa tahay, adiga waxaad is leedahay, raali gali balse ma ogid inaad idhaawaceeyso.
Waxaan iri ikhlaas maxaan sameeyaa hee aniga markaan hadlaba waxaan ahay qof sababa dhaawacaaga waxaaba wanaagsan inaan iska aamuso waayo waxaan ahay qof aad uxun kadib ayeey tiri aniga xumaantaada iima muuqato balse waxaan is weeydiinayaa sababta aad iiga fogaaneeyso adiga xageen la ahay, nin walba muxuu ii damaaciyaa adiguna maxaad iiga sii fogaataa aniguse maxaan kuu daba socdaa ma waanan aheeyn ruux damiir leh ma waanan laheeyn qalbi wax fahma.
Waxaan iri ikhlaas waxaa tahay, aniga ayaa kuu sheegaayo. Waxaad leedahay, qalbi waasac ah nadiif ah waxaad leedahay, dabeecad aad u wanaagsan waxaana tahay gabar aad u qurux badan mudana in la daba cararo waan hubaa inaa tahay boqorad.
Ogoow aniguna waxaan ahay nasiib laawaha gabadha intaas oo sifooyin wanaagsan kulan satay, Marwalba u taagan inuu qalbi jabiyo.
Lasoco QAYBTA 11AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA 🔥
Qisaddii maahir
QAYBTA 8AAD
Run ahaantii waxaa dhacay, Wax aanan fileeyn hadana waxaan isku dayay, inaan ikhlaas farxad geliyo maadaama ay iisheegtay, in ay I jeceshahay, waxaan iri ikhlaas haddii aad qof jeclaato weey dhib badan tahay, waayo ma ogid waxa aad kala kulmi karto lkn ma adiga qalad ayaad sameeysay, waayo naftaada ayaad cariiri galisay, mana uqalntid midaas. Waxaad uqalantaa in adiga dartaa dhib loo maro balse ma waangsana inaad naftaada ciqaabto.
Kadib ayeey tiri ikhlaas hadalkaaga ma fahmin ilaa hadana jawaab waafiya ima aadan siinin waan ogahay, in aaney dhib yareeyn inaad qof jeclaato waliba qofkaas oo aan adiga kuusoo jeedin balse weey igu dhacday, midaan mana ahan wax aan raali ka ahaa marnaba lkn khadar dhacay, waaye.
Waxaan iri kwrn jawaabta aan kusiiyo haddii aadku qanci weeydo waxeey tiri maya waanku qancayaa runta kaliya iisheeg. Waxaan iri ikhlaas aniga ma jecli inaan xiriir kula sameeyo sxb waankuu noqon karaa balse jaceyl kuma siin karo waayo midaan marnaba kaama fileeyn ikhlaas waxaan jeclaan lahaa inaad naftaada xakameeyso oo aad uyeesho xad markaas noloshaada horay, ayeey usoconeeysaa waan hubaa.
Ikhlaas cabaar ayeey aamustay, weeyna ii jawaabi weeysay, kadib ayaan weeydiiyay, maxaa kugu dhacay, iijawaab markaas ayeey, igu tiri maahir hadii aan ogahay inaad sidaan iila hadleeysid waan kaa qarin lahaa dareenka jaceyl ee wadnaheeyga jeexay, iguna abuuray, warwarka igana dhigay, mid adiga kaliya kaa fikirta.
Waxaan iri anigu maxaa qalada oo aan ku leeyahay, midaas waayo aniga marnaba kuuma muujin jaceyl mid wlltinimo mooyaane balana kaagama aan bixin sidaas daraadeed. Midaan qalad kuma lihi aniga.
Waxeey tiri waa saxan tahay, maahir lkn mid ii balan qaad waxaan iri waa maxay, waxeey, tiri cidna ha ogeeysiin inaan ku jeclahay amaba aan kuu sheegtay, jaceeyl waayo sidaad iila yaabtay, ayeey dadku iila yaabayaan.
Waxaan iri aniga ayaanba ogoleeyn in la ogaado arintaan waa balan lkn qalbigaaga kasaar waxaas oo idil waxeey, tiri waayahay, weeyna istaagtay, qolkeeda ayeeyna aaday, waxaana la gaaray, subaxii banaanka anigoo fadhiya oo weeysa qaadanaayo ayeey ikhlaas banaanka usoo baxday, waan fiiriyay, mar qura ayeeyna indhaheenu is qabteen waxaan arkay, in ay indhaha said uga gaduudatay, wajigeeduna uu badalmay!
Isla markii wajigeeda dhulka ayeey, aadisay, qolka ayeeyna dib ugu laabatay, waxaan la yaabay, sababta ay indhaha uga gaduudatay, waxaan iska fariistay, qolka fadhiga maadaama ay maalin jumcaa tahay, kadib ikhlaas banaanka ayeey aaday, quraac ayeeyna soo sameeysay,
Habaryar ayaana iitimid halkii ayaana ku sheekeeysaneynay, ikhlaas weey is xilqaantay, wax kastaba haku qaadatee quraac iyo shaax ayeey inoo soo sameeysay, weeyna noo keentay,
Iyadoo hoos fiirineeyso ayeey aragtay, habaryar kadib ayeey gacanta, in ay soo qabatay, agteeda fariisisay, kadib ayeey weeydiisay, ma waxaad la xishooneysaa waxaad xalay, wiilka kusameeysay,
Ikhlaas hooyadeed ayeey hab siisay, iyadoo ilmeeyneeyso markaas ayeey tiri maya hooyo waan qaldamay, maahirna wuu icafiyay, adigana icafi kadib ayeey tiri. Waan ogahay, inaad baariyad tahay, waanku cafiyay, aniguna waxeey tiri mahadsanid hooyo...
Lasoco QAYBTA 9AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid.
Kadib ayuu yiri ha iga shakin ee soo raac waan fikiray waxaana go.aan saday inaan bisinka qabsado oo aan iska raaco gaarigan si guriga aan dhaqsiyo u tago markii aan raacay ayaan iri haddaba ogoow guriga waa inaad si toosa iigeysaa kaama yeelaayo dhax baan kugu dhigayaa
Markaas ayuu yiri ilaa halkaad ku eg tahay ayaan ku geeynayaa waxaan iri lkn gabdhaha dhan miyaad sidaan u daba gashaaa amaad ku hoowl seegtaa kadib ayuu yiri maya sidaas ma ihi waxa gabar magaalka joogo haddii aan midba mar qaado goormen nasanayaa
Waxaan iri waxaas ha iga dhaadhicin sidaan ayaad u daba gashaa gabdhaha ee iska daa howlahaaga ku mashuul kadib ayuu yiri gabar ado kale ah weey igu cusub tahay waxaan iri sabab markaas ayuu yiri waxaadba iigu maseereeysaa sidii inaa tahay saaxiibadeyda micnaha jaceylkeyga
Markaas ayaan iri waayahe waxaa doonto sameey aniga waan ku waaniyay kaliya haddii aad dhibsatayna iga raali noqo markaas ayuu yiri su.aal maku weeydiin karaa waxaan iri haa markaas ayuu yiri lacala haddii aan is guursano xaas labaad ma ii ogolaan laheeyd ?
Waxaanba mooday sheeko dhab ah markaas ayaan lasoo booday waanku dili lahaa !!
Hal mar ayuu gaarigii is taajiyay markaas ayuu yiri waadba yartahaye maseeyrkan waa maxay kadib ayaan iri su.aal ayaad i weeydiisay waana kaaga jawaabay..
Lasoco QAYBTA 4AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA 🕊
Markaas ayeey tiri iyada ayaa iga furtay hooyo ayaa soo booday waxeeyna ku tiri orod gurigaaga aad waa habeene xageed cidaha ugu dul meereysaneysaa maryama weey la yaabtay jawaabta rerku ay siiyeen kadib ayeey ii timid waxeeyna igu tiri abyo sidaas ayaa leeysoo yiri ee maxaa kugu dhacay hooyadaa iyo aabahaa ma ahan miyaa ?
Lasoco QAYBTA 3AAD
JOIN DHEH si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA 🕊
🌙 Ramadan Mubarak
Ilaahay SW ayaa ku mahadsan inaan soo gaarnay bishan khayrka badan ee Ramadan, kuwii ka faa'iidaysta Allah hannaga dhigo ee dambigooda la dhaafo, naxariista Eebbe helo, lagana xereeyo cadaabta.
Waxaan is xasuusinaynaa fursadda bishaan oo sanadkii mar na soo marto, walaalo badanoo aan jeclayn nasiib uma yeelan inay soo gaaraan bishan ilaahay ha u naxariisto, qof walba iyo anigaba aan u cibaadeysanno sida in bishan tahay Ramadaankii u dambeeyey.
Sheeko cusub
Waxaan bilaabayaa qisada salmo
Waana sheeko aad usaameyn badan
Fadlan ku casuun saaxiibadaa si ay kuula aqristaan #join dheh si aad uga mid noqotid asxbteyda mahadsanid
Sheeko Jacayl: Is maan dhaaf
QAYBTA 7AAD 💍💘
maxamed waa uu ku qancay haddalka ramlo markaas buu.yiri aniguna waan kasoo laabtay, qaladkeeyga jaceeylkii aan kuu qabay, na Iskama dhimin sidiisii. Balse waxaan arkaa siyaado. waxaadba. Moodaa in uu kasii. balaartay, sidii hore.
Kadib ayeey tiri ramlo xbbi farxadeeyda. Caawa ma qiyaasi karo. Waxaadba moodaa in aanan waligeey, murugoonin. Waliba anigoo saacado ka hor ilmeeynaayay,
Markaan arkay ilintaada. waxaan mooday in wadnaheeyga laga raray, goobtiisi maxamed marnaba isma aanan dhaheeynin wuu kuu ilmeeynayaa. Mana moodi jirin ineey ragga jaceyl la ilmeeyaan mana arag hortaa.
Kadib ayuu yiri maxamed ramlo aniga Marnaba. ma rabin inaan ilmeeyo. balse waxaan dareemay, in aad qaadatay furihii qalbigeeyga si kasta ee aan isku dabaaliyay, waan xakameeyn kari waayay, ilmadeeyda. Taas waxeey, kuu caddeeyneeysaa in. aan si dhaba kuu jeclahay adiga waliba aanu jaceeylkeeyga aheeyn mid xiiso ah ee uu yahay, mid aan abidkeey, ku jeclaan doono. !
Ramlo aad ayeey, ufaraxday, markaas ayeey, tiri maxamed ma xasuusataa habeenkii aad iigu timid ilbaabka. Aniga oo fadhiya oo aad igu tiri maxaa ku fadhiisiyay halkan kadibna aan kugu iri iga fogoow.
Markaas buu yiri maxamed Haa waan. xasuustaa. Waxeey tiri ramlo maxamed. habeenkaas... kadib ayuu yiri bas ramlo aniga ayaa dhameeys tiraayo. Kadib. Ayuu yiri habeenkaas. Ma mudneeyn inaan kaaga tago cidlada. Waliba adiga oo u baahan garabkeeyga iyo wehelkeeyga.
Balse waxeey, aheeyd. Inaan kuu muujiyo naxariis kuguna iraahdo haddalo dabacsan. Waayo waxaa dareemeeysay, qalbi jab waxaadna. Aad ugu baahneed. Garabkeeyga.
Gacaliso miyaan qaldanahay, iisheeg.? Markaas ayeey tiri ramlo waxaad ka hadashay, wixii ku juray, qalbigeeyga. Habeenkaas. Afka oo kaliya ayaan kaa iri iga fogoow
balse markii aad iga dhaqaaqday, waxaan ka xumaaday, inta aan ku sugaayay, iyo sida sahlan ee aad iiga tagtay, si saida ayaan u ooyay, kadib markii aan daalay, ayaan aamusay balse qalbigeeygu ma aheeyn mid joojiyay, xanuunka iyo inuu adiga kaa fikiro...
Lasoco part:8
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsani EMOJI KALA NOOCA SAARA 😍
Sheeko jaceyl: Is maan dhaaf
QAYBTA 6AAD 💍💘
Ramlo iyaddoo ilmeeyneyso ayeey tiri maxamed aniga qalad ayaad iga fahansan tahay adiga ayaa is badalay waxaadna sabab u noqotay, murugadeeyda waxaana garan waayay waxa aan kaa haleeyay aniga oo aad isku badashay,
Markaas ayuu maxamed yiri ramlo labadeenuba qalad ayaan iska fahanay, waayo aniga Is badalkeeygu ma aheeyn mid aan adiga kuugu Dan lahaa balse aniga ayaaba isku buuqsanaa lkn markii aad anigoo fikir ila soo dirsay,
Aad iigu dartay. Qeeylo iyo buuq waxaan aaminay inaadan wax Dana iga laheeyn adiga ! Balse adiga maxaad ku fikirtay, maxaase kugu dhaliyay, murugadan.?
Waxeey tiri ramlo kadib markii aan arkay, is badalkaaga iyo aamusnaantaada niyadeyda ayaan ka dhameeystay inaad iga xiiso dhacday, adiga murugadeeydana halkaas ayeey ka bilaabatay, balse waxaan ilaaway, inaan kaa wareeysto xaaladaada. Kadib aan qaato go.aanka balse waan kugu deg degay.
Kadib ayuu yiri maxamed ramlo waxaad ii sheegtaa maxaa kaloo kaa murjiyay, adiga ee aad igala kulantay aniga? Waxeey tiri ramlo waxaa iigu darneed markii aan kula sugay cashada waliba aniga oo baahan. Waxaana rabay inaad ila casheeyso adiga. Balse markii aad timid waan kuu imaaday waxaana kugu iri kaalay casheey xitaa kuma aanan dhihin aan casheeyno.
Waxaadna iigu jawaabtay casho uma baahni ee casheey haddii aad gaajoon tahay, qalbigeeyga waxaa ku shidmay dab waayo kaama fileeyn. ereygaas waan kaasoo tagay waxaana isku dayay, inaan kaligeey casheeyo balse waan awoodi waaayay sidii ayaana ku seexday, !
Maxamed aad ayuu uga xumaaday arintaas kadib ayuu yiri ramlo iska keey cafi waan ku dayacay sidii aan kuu balan qaadayna kuuma aanan ilaalin waxaa noqday balan laawe balse ogoow ku tala gal igama aysan aheeyn.
Markaas ayeey tiri ramlo gacaliye adiga oo kaliya qalad ma aadan galin ee anigaba waxaa noqday, qof xun waayo adiga oo xaaladaas ku sugan ayaan qeeylo kaala dul dhacay lkn qeeyladaas. Ha moodin inaan ku necbahay, balse waxaan diidayaa inaad iga fogaato mana udul qaadan karo midaas.
Kadib ayuu yiri. maxamed lkn ramlo qaladka ma waxaa lagu saxaa qeeylo mise si degan bal iisheeg? Waxeey, tiri ramlo qalad. Qeeylo laguma. Saxo waana ku qaldanaa.midaas waana sababta nakala geeysay,
labadeena haddii aan si degan. kuu wareeysan lahaa niyaddana kuu dajin. Lahaa intaan. oo dhib ah lama kulmi laheeyn balse weey dhacday midaaas waxeeyna inoo noqon doontaa. cashar aan ku cibra qaadano.
Lasoco part:7
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid EMOJI KALA NOOCA SAARA 🕊
Sheeko jaceyl: Is maan dhaaf
QAYBTA 4AAD 💍💔
Maxamed kadis ayeey ku noqotay arintaas si deg deg ah ayuuna kusoo baxay isagoo is leh ramlo ameey hooyadaa ula dhaqantaa sida ay adiga kuula dhaqantay oo kale kadib ayuu ilbaabka kasoo galay maxamed si deg deg ah ayuu ku yiri hooyo maxaa kugu dhacay ramlo weey la yaabtay ereygaas uu weeydiiyay maamada iyaddoo isleh ma waxa uu diidan yahay ineey ii imaado hooyadiis oo waa uu iga ilaalinayaa.
Kadib ayeey tiri maxamed hooyadiis waxba iguma dhicin ee waxaan rabaa in aan gadno gurigaan waad aragtay guriga aan daganahay siduu u weeyn yahay qol ayaan idinka siinayaa kanna deeynta ayaan isagga bixineeynaa markaas ayuu yiri hooyo amaa laga wanaagsan yahay arintaas oo aan iska deeysanaa gurigeena shaqo ayaan iska heli doonaa deeyntana anaa gudaayee
Maxamed hooyadiis weey diiday arintaas ugu dambeeyn waxaa leeysku raacay in la gaddo guriga lagana guuro maalinka xigga ramlo waxeey fadhisaa meel aan ka fogeeyn iyaga balse wax wara kuma darsan iyadda oo weey ka aamustay kadib ayeey tiri maxamed hooyadiis orodo cabitaankii aad sheegeeysay hadda noosoo sameey maxaa ku fadhiisiyay Walee garasho malihid.
Ramlo iyaddoo aan jawaab siin ayeey doontay cabitaankii markii ay ilbaabka usoo dhawaatay ayeey maqashay maxamed iyo hooyadiis oo sheekeeysanaayo iyaddoo wado cabitaankii ayeey istaagtay ilbaabka kadib ayeey maqashay hooyadii oo leh naagtan ma ahan mid ku anfaceeyso waalaga fiirsadaa waxaad ilmaahaga hooyo uga dhigeeyso bal fiiri waji macbuus nimadeeda.
Ramlo intaas markii ay maqashay weey adkeeysan weeysay waxeey garan weeysay meel ay ku sugan tahay waxeey ku war heshay iyadda iyo cabitaankii oo dhulka iskula dhacay maxamed iyo hooyadiisna dul taagan yihiin markaas ayuu maxamed yiri ramlo maxaa kugu dhacay iisheeg sideey wax kuu gaareen .
Ramlo weey hadli kari weeysay markaas ayeey tiri hooyadii malaha weey kuftaye istaaji oo qolkeeda geey markaas ayuu maxamed istaajiyay markii uu sariirta geeyay ramlo weey is iloowday maadama ay si bilaa xad ah u jeceshahy maxamed Mar qura hab siisay isagoo aan fileeynin markaas ayeey tiri maxamed maxaad igu nacday oo aad silican ii marsiineeysaa kuuma muuqato miyaa murugadeeyda.
Maxamed wax uu ku jawaabo ayuu garan waayay kadib ayuu yiri labadeena keebaa la dhaawacay maxeey tahay murugada kaligaa ku haayso qofka mudan in uu murugoodo waa aniga ma ahan adiga inaad is dhibto ramlo haddalka maxamed waxa uu ku noqday qalbi jab labaad waxeeyna ceshan kari weeysay ilinta
markaas ayuu yiri maxamed sidaad rabto waad heleeysaaa waxba ha is kurbeeynin kadib ayeey tiri ramlo xanuunka aan dareemaayo haddii aad ogaan laheeyd haddal ima aadan dhahdeen kaliya waxaad iga dalban laheeyd cafis
Maxamed oo ay ku qufulan tahay ramlo lacag daraadeed ayeey isku badashay ayaa yiri qalad aan cafis kaaga dalbado kaama galin.
Lasoco part:5
Join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid EMOJI KALA NOOCA SAARA
🕊
Sheeko jaceyl: Is maan dhaaf
QAYBTA 2AAD 💍💔
Ramlo aad ayeey uga xumaatay jawaabta maxamed waxeeyna ka ku shalaaysay, maxaad ula haddashay waxeey aheeyd inaadan la hadlin weey kasoo dhaqaaqday qolka fadhiga ayeeyna kusoo laabatay,
Ramlo waxaa u bilaabatay murugo darran iyaddoo ay la yaab ku noqotay aamusnaanta maxamed daqiiqado kadib maxamed waxaa soo wacay mid ka mida asxaabtiisa.
Oo ay balan sanaayeen. Isla markii maxamed waa uu labistay markii uu soo baxay ayuu soo galay qolka fadhiga waxa uu arkay ramlo oo fadhiso kaligeed waxa uu is yiri malaha mobile ayeey ku mashquulsaneed oo markaad soo gashay ayeey iska dhigtay,
Waxa uu fiiriyay tvga balse wuu dansan yahay kadib ayuu yiri halkan maxaad ka qabaneeysaa maa iska seexatid mobileka maalintii makugu filnaan kari waayay isticmaalkiisa ?
Markaas ayeey tiri ramlo mobile in aanan haayn waad u jeedaaye waxkale oo aad igu maagto miyaad weeysay kadib ayuu yiri maxamed kaliya waxaad xiligaan cidladan u fadhiso waa Dan ee gaar dantaada ilbaabka ayuuna ka baxay,
Ramlo ciil iyo Caro ayeey la aamustay ilaa heer ay adkeeysan weeysay weey soo istaagtay maxamed ayeeyna daba gashay weey fiirisay balse waxeey aragtay isagoo gaari sii raacaayo ramlo waxeey iska dhaadhicisay inuu maxamed baashaal u baxay ee uu gurigan iyo iyaddaba nacay, nolol cusubna sameeystay.
Ramlo waxaa soo food Saaray cariiri fara badan waxeey iska fariisatay ilbaabka guriga waxeey fadhisaba waxaa ilbaabka kasoo galay maxamed wuu yaabay waayo ilbaabka oo furan iyo ramlo oo iridkii guriga fadhiso waxa uu is yiri ma waxeey rabtaa ineey ku disho maxaa xiligan fadhiisayay iridka guriga ma waxeey isku badashay waardi.
Balse ramlo waxaas war uma haayso waxaa ka tan batay fikirki iyo gaajadii maadaama ay iska jartay quudkii ay cuneeysay murugana u dheertahay, ilbaabkii ayuu xiray markaas ayuu uyimid ramlo markaas ayuu yiri caawa meeshaan istaagaba waxaan ka baqayaa inaan lugta ku saaro ramlo weey fahmi weeysay ereygaas.
Kadib ayeey tiri maxaad ula jeedaa haddalkaas wuxuu yiri waxaan kala jeedaa meel walba waad fadhisaa ma garan karo waxa kaa qaldan waxeey tiri ramlo meeshaan doono aan fadhiisto kaliya iga fogoow adiga nolosha ayaad igu cariirisay mugdi ayaadna ii horseeday fadlan inabad geli
Maxamed waa uu ka Carooday haddalka ramlo isaggoo iska dhaadhiciyay ramlo wax jaceyl ah kuuma haayso ayuu yiri waanku nabad gelinayaa iga raali noqo qolkiisa ayuuna iska galay,
Markaas ayeey ramlo tiri Allow yaa u sheega maxamed iga fogoow inaan ula jeedo ha iga fogaanin inabad geli na inaan ula jeedo iraali gali oo sidaadi ii noqo balse haddii uu I jecel yahay wuu I dareemi lahaa isagga lkn meel kale ayaa u cad oo Dan igama laha aniga.
Maxamed markii uu qolka galay waxaa kusoo maaxday haddalkii ramlo oo ahaa iga fogoow markaas ayuu yiri ramlo is badal yar oo igu dhacay aawadiis ayeey intaan oo naceeyb ah iigu qaaday waliba iyadda oo aanan I weeydiin waxa igu dhacay anoo isku buuqsan intii ay madaxa ii dajin laheeyd oo ay naxariis ii muujin laheeyd ayeey caawa tiri iga fogoow ramlo haddii ay dhaawaceeyga dareemi weeysay majiro ruux kale oo idareemi karo aniga.
Maxamed waxa uu kasoo baxay qolka isagoo barkintiisa soo qaatay fadhiga ayuuna iska seexday maadaama ay tiri ramlo iga fogoow isaggoo leh qolka iyaddu ha seexato oo haka soo xarooto dhaxanta.
Ramlo weey soo baxday waxeeyna aragtay in aanu qolka ku jurin weey soo laabatay waxeeyna aragtay isagoo fadhiga jiifo weey iska soo laabatay qolka ayeeyna gashay ramlo weey awoodi weeysay ineey seexato waayo maalin iyo habeen waxba ma aysan cunin.
Balse iyaddu ma oga maxamed in dhibaato haaysato isagga oo is badalkuna yahay dhibaatadaas iyadduna ay fahmi weeysay waayo maxamed waxaa lagu yeeshay deeyn halka shaqadiina laga buriyay ee uu day dayaayo shaqa kale balse dhibtii maxamed haaysatay ramlo waxeey u qaadatay in maxamed iyadda nacay sidaasna uu isku badalay.
Iyaddoo aanan weeydiin waxa ku dhacay ayeey qaadatay go.aan deg deg ah.
Lasoco part:3
Join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid.
EMOJI KALA DUWAN SAARA ❤️
Maxaad wali u tahay iskaabulo ?
1. Qarash la'aan .
2. Safar
3. Waxbarasho
4. Dooq la'aan
5. Buufis
6. Caqli xumo
7. Cabsi
8. Jaceyl burburay
Hadaba adiga maxaa kaa hortaagan nala wadaag🤔
Qisaddii maahir
QAYBTA 16AAD
Waxeey tiri maahir waad ogtahay inaan ku jeclahay aniga cidna kaama raacaayo waayo shalay markaad idiideeysay ayaan kaa tagi lahaa oo aan kaa tashan lahaa hadda oo aad ileedahay ila joog sideen cidkale kaaga raacaa kaliya hooyo ayaan mari la ahay.
Waxaan iri hooyo hadal iigama furna aniga waayo Mar waxeey igu tiri ikhlaas waanku siiyay marna waxeey tiri gabadheeyda faraha iiga qaad mana aqaan wax aan sameeyo.
Waxeey tiri ikhlaas ninka markuu biri yimaado gaar ayaan ula baxayaa wax walibana waan usheegayaa waxaan iri iska daa waxba ha u sheegin waxeey tiri sabab waxaan iri wax walba sidii larabay, ineey noqdaan ayaan rajeeynayaa.
Waxaa la gaaray, subaxii waxaana guriga yimid wiilkii habar yar aad beey usoo dhaweeysay, marti qaad qurux badana weey u sameeysay, qolka fadhiga ayeeyna ku sheekeey sanayeen habaryar iyo wiilkii ikhlaas lala rabay,
Cabaar markii la wada sheekeeystay, ayuu wiilkii qolka iigu soo qaraacay, waxaan ku iri soo gal halkii ayuuna igu salaamay. Cabaar ayuu halkii iigu sheekeeyay, inkastoo anigu aaney sheeko igu Socon.
Subaxii dambe ayuu baxay, wiilkii waxa uuna soo laabtay. Isaga oo ay la socdaan laba odayaal ah iyo sheq aad baan umurugooday waxa ayna wada galeen qolkii fadhiga sidii caadada aheeyd aniguna waan xaqiiqsaday, in ikhlaas la mehrin rabo dhulka ayaana igu yaraaday,
Balse habaryar oo ordeeyso ayaa iisoo gashay, kadib ayeey I weeydiisay aawday, ikhlaas waxaan iri ma arkin ee maxaa dhacay, waxeey tiri guriga ma joogto waxaan iri oo xageey aaday,
Banaanka ayaan usoo baxay, dadkii dhamaa ayaana banaanka isugu yimid waxaana loo sheegay, gabdhii la mehrin rabay, ba ay dhuumatay, habaryar waxeey tiri qasab ku mehriya iyaddaa imaan doonto ee balse wiilkii ayaa diiday, isagoo ay Caro ka muuqato ayuu yiri sidaan inaad sameeyso maxaa kugu kalifaayo waxaad iiga dhigtay gabar raali ah balse sidaani waa maxay, ilbaabka ayeeyna ka baxeen.
Habaryar aad ayeey ugu xanaaqday, wiilkii waxeeyna tiri maahir waa markii ugu dambeeysay, ikhlaas adiga ayaan kuu guurinayaa waxaan iri habaryar maxaa kugu kalifaayo inaad is bahdisho bal fiiri siduu kuula hadlay ninkaad gabadhaada ku qasbeeysay,
Isla markii waxaa ilbaabka kasoo gashay, ikhlaas oo qosleeyso waxaan iri maxaad ku qosleeysaa soow uma jeedid in ay hooyo kaa careeysan tahay, waxeey tiri habaryar kama xanaaqsani balse aniga ayaa qaldan waxaan iri sidee.
Waxeey tiri iska daayoo saacaan laga bilaabo guri sameeysta labadiinu cidkalana idinma soo dhex gali karto waana iskugu kiin duceeyay...
DH M A M A A D
Jaceylka ha waaro miro dhala❤️
Qisaddii maahir
QAYBTA 14AAD
Waxaan ubaxnay, banaanka anigo niyada iska dhahaayo tolow maxeey ku dhihi rabtaa. Markaas ayeey tiri maahiroow horayna waankuula hadlay hadana waan kula hadlayaa gabadhaan wiil ayaa iweeydiistay, waa hore hadana dibada ayuu jiraa sanadkaan ayuuna imaanayaa ee ha I ceebeeynin oo ikhlaas faraha ka qaad. Waxaan iri hooyo shalay maxaad u laheeyd waan iskiin siiyay waayo ikhlaas aniga ayeey qalad iga fahmeeysaa waxaana macquul ah in ay Mar labaad naga tagto.
Waxeey tiri waxaas iska daa Mar ayaan gabadheeyda wiil siiyay mana u diidi karo hadda adiga haddii aad usoo hor mari laheeyd sidaan ayaan kuugu ilaalin lahaa. Waxaan iri lkn iyadda farxadeeda muhiim kuuma aha miyaa waayo iyaddu ma jecla wiilkaas aniga ayeeyna diyaar ii tahay.
Waxeey tiri war waan kuu dhameeyay afkaaga ka xiro gabadhaan weeyna iga tagtay. Waxaa ilasoo deristay, murugo waayo waxaan ka fikirayaa sidaan ikhlaas wax ugu sheegi lahaa mana u sheegi karo oo ma rabo in ay hooyaded xumaan uurka ugu qaado.
Waan iska seexday, habeenkii subaxii ayaan kasoo kacay, waxaan usoo baxay, banaanka ikhlaasna jikada ayeey ku jurtay, waxaan iska soo fariistay, qolka fadhiga.
Wax yar kadib waxaa ii timid ikhlaas waxeeyna ii keentay, quraac waxaan iri mahadsanid halkii ayaana ku quraacday, qolkeyga ayaan ku laabtay, waana soo labistay,
Waxaa ilbaabka guriga iiga hor timid ikhlaas oo aad u faraxsan markaas beey igu tiri ma baxeeysaa waxaan iri haa kadib ayeey tiri hadyada xalay ii keentay aad ayeey u qurux badneeyd waana ka helay,
Waxaan iri adiga ayaa ka qurux badan waadna mudan tahay markaas ayeey igusoo celisay ma tageeysaa waan layaabay, waxaan iri waankuu sheegay maxaa dhacay?
Waxeey tiri haa waad iisheegtay, lkn sidaan miyaad ku tageeysaa waxaan iri sabab maxaa iga qaldan waxeey tiri sidaan kama helin aniga waxaan iri sidee?
Waxeey tiri Mar walba aniga ayaa hadal kaa raadinaayo sidaan miyaan nolol ku wadaageeynaa maahir waxaan iri adiga ayaa qalad fahansan aniga sidaan ayaa iga dabeecad ah xumaan igama ahan waxeey tiri xitaa haddii aan afkaaga ka maqli lahaa hal erey oo naxariis leh shaki ima galeen.
waxaan iri hadana ha iga shakin hadana waan sii baxaa waxeey tiri waayahay, bye waana kasoo tagay,
Markii aan goobta shaqada imaaday, ayaan wacay, ikhlaas durba weey iga qabatay, waxaan iri sethy markaas ayeey tiri hada ayaadba iga soo tagtaye waxaan iri lkn wax walba ayaa dhici kara waxeey tiri sax waan fcnhy adiga seithy?
Waxaan iri waan ficnhy hal mid maku iraahdaa waxeey tiri waa maxay? Waxaan iri ma ufasaxanahay wixii qalbigeyga ku juro inaan kuu sheego iyo sida ay xaqiiqada tahay.
Waxeey tiri haa iisheeg wax walba runta ayaa ka wanaagsan waxaan iri mida koobaad ikhlaas waanku jeclahay, aniga waxaana dareemayaa in aan xagaaga noqday, balse dhibaato ayaa jirta.
Waxeey tiri anigaba waanku jeclahay ma ogtahay maanta dhan markii aan kulahaa sidaan miyaad ku tageeysaa waxa aan doonaayay, waxaan iri Haa waan ogahay waxaad rabtay, inaan kugu iraahdo waanku jeclahay balse waan kaala cabsaday,
Waxeey tiri marba haddii aad I dareentay, Intaas ayaa igu filan lkn dhibka jira muxuu yahay waxaan iri waxaa lagugu dari rabaa nin aanan aniga aheeyn ee malaguu sheegay, waxeey tiri maya waa maxay, ninka aniga waad ogahay, inaan adiga ku jeclahay.
Waxaan iri waan ogahay waliba saaid balse arintaas ayaa isoo gaartay. Ee waxba kama ogid miyaa waxeey tiri ma ogi waxaas aniga waxaan iri caawa markaan imaado ayaan kaaga sheekeeynayaa. Waxeey tiri hyh soo dhaqso...
Lasoco QAYBTA 15AAD
EMOJI KALA NOOCA SAARA ❤️
geeysaneyso inta uu la egyahay !
Waxaan iri waayahy ee seexo marka horana wajiga iska soo nadiifi oo naso waana kasoo tagay. Subaxii ayaan kasoo kacay, habaryar oo ooyneeyso waxaan iri hooyo maxaa dhacay, waxeey tiri ikhlaas ma joogto guriga xalay, jug ayaan madaxa ka gaarsiiyay, waxaan umaleeynayaa in ay gabadheeydi waalatay, waayo igama tagi laheeyn iyaddoo caafimaad qabto weligeedna igama tagin. Waan yaabay, waxaan iri laga yaabee ineey meel wax u doonatay, hooyo is daji balse maxaa dhacay..
Waxeey tiri habaryar ma waalan tahay. Xitaa shey keeda ah oo dhara kama aysan tagin boorsadeedi weey qaadatay,..
Lasoco QAYBTA 13AAD
#JOIN dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid EMOJI KALA NOOCA SAARA 🔥
Qisaddii maahir
QAYBTA 11AAD
Waxeey tiri ikhlaas nasiib laawe matihid walina waqti kaama tagin oo aniga weli waanku jeclahay mana aaminsani xitaa inaad in yar qaldan tahay kaliya aniga ayaa isla qaldan waayo qasab ma ahan jaceeylka aniguna waan garan waayay qofkan kuma jecla ee ha heclaan balse waxaan arkay anigoo ku jecel
Waxaan iri kwrn qofkaad jeceshahay isaguna hadduu ku jecel yahay maxaa dareemi laheeyd? Waxeey tiri farxad ayaan dareemi lahaa hal habeena ma aanan murugoodeen. Waxaan iri kwrn ikhlaas hadda anigu waanku jeclahay waxeey tiri beentaa waaye waan ogahay in aadan I jecleeyn waxaan iri maxaan kuugu cadeeyaa inaan ku jeclahay oo aad igu aamineeysaa waxeey tiri ikhlaas waxba ha ii cadeeynin waayo qalbigeyga waxa uu dareemayaa in aadan wax yar oo jaceyl aadan ii haayn marka ha is dhibin.
Waxaan iri maya waxaan rabaa farxadaada dhab ayeeyna iga tahay aniga aad ayaan kuu daneeynayaa hadda wixii hore kasoo tag hadda waankuu baahanahy aniga markale ku fogeeyn maayo farxad iyo jaceeylna waanku siinayaa waa haddii aad iga ogolaato midaas.
Waxeey tiri maahir hadda dhab miyeey kaa tahay waxaan iri Haa dhab ayeey iga tahay ikhlaas aad ayeey ufaraxday, wajigeedana waxaan ka dareemay farxad aad u weeyn iyadoo farxad aawadeed la ilmeeysay, waxaan iri waxba ha ooyin hadda kadib ilin farxadeed mooyaane mid murugo ah kama imaan doonto indhahaaga quruxda badan waxeey tiri waayahay, waxeeyna igu tiri wiilkan waan u celinayaa lacagtiisa waxaan iri u celi anaa kusiinaayo waxaa doonto waxeeyna lacagtii u celisay, wiilkii iyadoo usheegtay, in aaney diyaar u aheeyn xiriirkiisa oo ayna rabin in ay qiyaanto.
Markii ay soo adeegatay, ikhlaas iyaddoo faraxsan ayaan taksi soo saaray, guriga ayeeyna soo aaday, waxaan go.aansaday, inaan ikhlaas lasameeysto xiriir si aan shamso isaga ilaawo.
Habeenkii markii aan xaafada tagay, waxaan arkay, ikhlaas oo aad u qurux badnaatay, waxaana ogaaday, quruxda qofka in ay tahay, farxada run ahaantii quruxdeeda waxaan ku qiyaaso waan garan waayay, markii ay hooyo seexatay, ayeey qolka fadhiga iigu timid anigoo ciyaaro iska daawanaayo. Waxeeyna fariisatay, meel aanan iidheereeyn.
Markaas ayaan iri ikhlaas kale ayaad noqotay, caawa iisheeg sababta waxeey tiri kaliya waa farxad waxaan iri farxadaasuna ? Kadib ayeey tiri maanta markii aad igu tiri waanku jeclahay iina balan qaaday, jaceeyl iyo farxad Ana waxaan go.aansaday, inaan farxadaas ku noolaado sow ma saxni iisheeg waxaan iri Haa aad iyo aad waliba.
Waxeey tiri caawa waxba igama dhina uma maleyn jirin in jaceylku waxaan oo farxad ah uu wato waxaan iri jaceylka aad ii qabto maxaa ku qiyaasi laheeyd? Waxeey tiri maba qiyaasi karo kaliya waxaan ogahay, in aanan kaa maarmin waxaan iri intaas ayaa igu filan hadana iiseexo waxeey tiri mya cabaar ayaan kula joogayaa.
Markaas baan ku iri sow ma ogid in ay hooyo soo bixi karto waxeey tiri waa runtaa waan seexanayaa. Waxeeyna aaday, qolkeedi.. balse maxaa dhacay,
Isla markii waxaa iisoo gashay, habaryar waxeeyna soo fariisatay, agteeyda markaas ayaan ku iri hooyo xiligaan maxaa kusoo kiciyay tvga miyaan dheereeyay kadib ayeey tiri waxba nin daacada ha iskaga keey dhigin waan maqlaayay, waxaad ku wada hadleeyseen ikhlaas balse waxaan kuu sheegayaa caawa laga bilaabo in aadan la hadlin gabadheeyda arimahaas dambana idinkama maqli karo mana u sheegi kartid inaan kaala hadlay, arimahaan.
Waankuu digay, ka dheeraaw gabadhaan waxaan iri waayahay, hooyo...
Lasoco QAYBTA 12AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA 🔥
Qisaddii maahir
QAYBTA 9AAD
Ikhlaas isla markii qolkeeda ayeey ku laabatay, aniguna masii daneeyn markii aan quraacday, ayaan iska soo aaday, magaalka waxaana wacay, shamso intii aan wadada kusoo juray, waxaana ka codsaday, inaan kulano balse shamso weey iga diiday, aniguna waanku adkeeystay, inaan maanta kulano waayo jaanis ayaan haaystaa ugu dambeeyn shamso weey iga ogolaatay, waana kulanay,
Run ahaantii shamso waxaan dareemay, inaan saaid uga helay, iyadda waayo waxeey noqotay, qofka kaliya ee aan is sheeko fahano Mar walbana wada kaftano. Shamso ayaan su.aalay, shamsoy kwrn haddii aan maanta kugu iraahdo waanku jeclaaday, maxaad iigu jawaabi laheeyd. Shamso waxeey, tiri waankaa aqbali lahaa runtii ereygaas waanku farxay, kadib ayaan weeydiiyay, lkn adiga malaga yaabaa inaad iihaayso wax dareen jaceeyl ah oo ka baxsan saaxiib tinimadeena?
Markaas ayeey iigu jawaabtay, shamso been miyaan kuu sheegaa mise run? Waxaan iri runta oo kaliya iisheeg been maxeey iisoo kordhineeysaa waxeey tiri aniga waanku jeclahay kuma dhihi karo balse waxaa tahay, qof saaxiibtinimada ku fiican! Waxaan iri su.aal kale maku weeydiin karaa waxeey tiri iweeydii.
Markaas baanku iri lacala haddii aan iqtiyaarka adiga ku siin lahaa maxaad inoo doori laheeyd? Waxeey tiri aniga waxaan inoo doori lahaa walibana qurux badan saaxiib tinimada waayo aad ayeey qaali u tahay,
Waxaan iri kwrn haddii aanan dooneeyn saaxiibtinimo xalka kale muxuu yahay? Waxeey tiri aniga waankuu sheegay, sida ila wanaagsan waxaan iri waayahay, halkii ayaana kusoo kala tagnay, anigoo aad u qalbi jabsan ayaana gurriga kusoo laabtay,
Anigoo aanan cidna salaamin ayaan qolkeygii galay, hoos ayaana kasoo xirtay sariirtii ayaana dul tagay, balse qalbigeeyga waxaa kusoo dhacaayo daqiiqad kasta hadalkii ay shamso igu tiri qalbigeeyga waxaa koray, culeeys ka tan weeyn waxaana noqday, maqane jooge balse waan is adkeeyay, waana iska seexday,
Wax yar kadib ayaa ilbaabka la igu soo garaacay, waan soo istaagay, waana furay, ilbaabka sariirteydii ayaana kusii laabtay, Markaas baan maqlay, codka ikhlaas iyadoo igu leh hooyo ku leh kaalay, qadeey ee soo bax waxaan iri waayahay, anigaa imaanayee iska bax.
Kadib weey iska baxday, ikhlaas markaas ayaan soo baxay, anigoo dhibsanaayo kasoo bixida aan qolka kasoo baxay, waxaana imaaday, qolka fadhiga habaryar ayaana gees fadhisay, kadib ayeey ikhlaas wacday, iyadoo leh kaalay, ukeen wiilka qado wuu soo kacaye waxeey tiri waayahay hooyo.
Qadadii ayeeeyna iikeentay, balse waan cuni waayay, mana rabin in ay la iga dareemo qalbi jabka iyo Carada iga muuqato qadadii ayaan isku dhibay,..
Lasoco QAYBTA 10AAD
#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid
EMOJI KALA NOOCA SAARA 🔥
Kulmis part one
Hadii aad rabtid in chanalkaga laguugu daro la xidhidh ciwaankan .
👉👉@Abdirahmanmohamed1 @Abdirahmanmohamed1
Part one.