hoygashekoyinka | Unsorted

Telegram-канал hoygashekoyinka - HOYGA SHEKOYINKA

13470

Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘 ✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️ 💫👉. Fadlan JOIN DHEH Owner👉 @Ina_Husein ³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹

Subscribe to a channel

HOYGA SHEKOYINKA

SHEEKO YARO GAABAN:

Nin ayaa caado u lahaa inuu siiyo tuugsade $1000 bil kasta. Wuxuu sidaas ku waday muddo dheer. Maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu siiyay tuugsadihii kaliya $750. Tuugsadihii wuu la yaabay, laakiin wuxuu isku yidhi, “$750 ayaa ka fiican wax la’aan.” Markaas ayuu iska tegay.

Bishii xigtay, ninkii wuxuu siiyay tuugsadihii kaliya $500. Tuugsadihii wuu fajacay! Wuxuu ninkii weydiiyay, “Waxaad i siin jirtay $1000, markaas ayey hoos ugu dhacday $750. Hadda $500, maxaa dhacay?”

Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Hore, dhammaan carruurtaydu way yaryarayeen, anigana waan ladnaa, sidaas darteed waxaan ku siin jiray $1000. Kadib gabadhayda wee weynaatay oo jaamacad ayey gashay, kharashkuna wuu kordhay, sidaas awgeed waxaan ku siiyay $750. Hadda, wiilkaygii labaad ayaa isna jaamacad galay, kharashkuna sii kordhay, saas ayaan ku siiyay $500.”

Tuugsadihii ayaa weydiiyay, “Imisa carruur ah ayaad leedahay?”
Ninkii wuxuu ku jawaabay, “Afar.”
Tuugsadihii ayaa yaabay oo ku yiri, “Dhammaantood ma aniga kharashkooda jaamacada bixinayaa?!”

Dadka qaar waxay u arkaan naxariistaada iyo wanaaggaaga xaq ay kugu leeyihiin, halkii ay ka aqoonsan lahaayeen inuu yahay deeq aad si naxariis leh u bixisay!

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii maahir

QAYBTA 7AAD


Ikhlaas markii ay tiri maahir ha boxo haddii ay dhici weeyso midaas aniga ayaa baxaayo habaryar. Weey xanaaqday, ikhlaas ayeeyna ku qeeylisay, banaanka ayeeyna ubixisay, waxaan iri hooyo waxaan waa ceeb. Gabadha banaanka maxaad ugu bixineeysaa aniga ayaa haboon in aan boxo waad ogtahy, iyaddu waa gabar mana wanaagsana inaan banaanka ubixino.

Waxeey, tiri habaryar marba haddii ay sidaas udhaqmeeyso agteeyda waxba kama ahan. Waxaan iri soow lagama yaabo xanuun ruuxiya inuu haayo sidaas daraadeed ay aniga idhibsatay, waxeey tiri waxaas majiraan kibir ayeey, ku gaartay, waxaan iri waayahaye gabadha guriga soo geli waxeey tiri waayahay, waxaan iri anigaa soo wadaayo.

Waxeey, fadhisay, ilbaabka guriga waxaan fariistay, agteeda markaas ayaan ku iri ikhlaas sidaan waa ceeb soo gal guriga jawaab iyaddoo aan isiin ayeey guriga gashay, qolkeeda ayeeyna sii gashay, mar haddii ay banaankii kasoo xarootay, anigu intaas ayaan doonaayay, habaryar casha ayeey, iikeentay, weeyna iska seexatay,

Casha waan awoodi waayay, inaan cuno waayo waxaa layaab igu noqday, hadalka ikhlaas waxaana iska seexday, qolkii fadhiga waliba anigoo xiran dharkii aan ku imaaday, waxaanba ka xishooday, guri leeygu yiri iiga tag inaan ku seexdo si raaxo leh hadana waxaa niyada ku dhistay, in gurigu yahay, mid aaney iyaddu gaar ulaheeyn.

Sidii aan ufikiraayay, ayeey, indhaheeygu is galeen waana yara seexday, cabaar kadib ayaan hurdadii ka kacay, markaan indhaha kala furay. Ayaan arkay qof shumaca fadhiso waan soo fariistay, markaas ayaan iri yaawaaye maadaama aan hurdo kasoo kacay, waan hubi waayay, qofka ay tahay,

Markaas ayeey, tiri aniga waaye waxaan ogaaday in ay ikhlaas tahay, kadib ayaan ku iri maxaa kugu dhacay oo saacadaan halkan ku fariisiyay, markaas ayeey tiri qalad ayaan kaa galay, waana awoodi waayay, inaan seexdo waxaan iri waxaas miyaa dhib leh orod hadda seexo waxaas ha isku mashquulin qalad dhacay, ayuu ahaa waxeey tiri lkn ma icafisay, waxaan iri maya

Kadib ayeey tiri sideen useexdaa adigoo aanan icafin waxaan iri hal mid kaliya ayaan kugu cafin karaa waxeey tiri waa maxay, iisheeg waxaan iri waa inaad iisheegtaa sababta aad iiga burineeyso gurigan iyo sababta kaa xanaajisay, adiga iyo qaladka aan kaa galay. Aniga waxeey tiri ma awoodo inaan midaas kuu sheego waayo waxba kama faaideeysid Ana waxba ka faaidi maayo marka waxaa haboon inaan iska daayo.

Waxaan iri maya wax waan ka faaidayaa ee bal iisheeg marka hore waxeey tiri waayahay, waan kuu sheegayaa balse cidna yaaney ogaan waxaan iri waan ogolahay, cidna ogeeysiin maaye iisheeg.

Waxeey tiri maahir aniga waan isku buuqay, haddalka aan kudhahaayo inta xun ha ii qaban waayo qalbiga ayaan xanuun ka dareemayaa oo culeeys ka weeyn ayaan saaray, qalbigeeyga waxaan iri caawa ma cidbaa nala joogto? Waxeey tiri maya waxaan iri wax walba iisheeg caawa.

Waxeey tiri waan isku dayayaa inaan wax walba kuu sheego waxaan iri iisheeg aad ayaan udhararsanaa in ay ikhlaas iisheegto waxa jira

Waxeey tiri lkn waankaala cabsanayaa runta maxaan sameeyaa waxaan iri ikhlaas naga daa aniga waxba ha iga cabsan waxeey tiri haye.

Waxeey tiri maahir aniga waanku jeclahay intaan ka badan kaama sii qarin karo ma ogtahay xanuunkeyga inaad sabab u tahay, adiga waayo waankuu maseeyraa aniga Mar walba oo aan arko adigoo gabar la hadlaayo qalbiga ayaan ka jabaa murugo ayaanan dareemaa marabin inaan kuu sheegto dareenkeeyga balse intaan ka badan waan is xakameeyn waayay!

Waxeey igu noqotay, lama filaan waayo ma fileeyn arintaan waxaan ugu jawaabo ayaan garan waayay, waxaan iri ikhlaas makaa dhabaa oo ma anigaad I jeceshahay? Waxeey tiri haa sow kuma jeclaan karo?

Waxaan iri Haa oo qalbi baad leedahay, lkn ma fileeyn midaan Waxeey tiri waan ogahay, in aadan fileeyn balse kaliya waxaan rabay, inaan culeeska iska kala yareeyo waxaan iri waa saxan tahay, lkn nin xun ayaad jeclaatay, waxeey tiri sabab maxaad ku xuntahay?

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii maahir

QAYBTA 6AAD


Sheekada Malala socdaa?

Aan aragno caawa inta sheekada lasocoto.


Waxeey tiri maxaad ii raali galineeysaa sidii ruux qalad iga galay, Markaas baan iri ma qalad kan ka weeyn oo aan kaa gali lahaa ayaa jira kadib ayeey tiri ma aaminsani midaas qaladna igama aadan galin ee guriga igeey markaas baan iri maya marabo inaan guriga ku geeyo adiga oo aanan faraxsaneeyn waxeey tiri waanba faraxsanahy ee ina wad waxaan iri waayahay, balse waxaan kaa codsanayaa in aad caadigaagi kusoo laabato oo aad noqoto ikhlaastii aan aqaanay,

Waxeey tiri waan rajeeynayaa balse waqti ayeey qaadaneeysaa midaas waan fahmi waayay waxa ay kala jeedo waxaana ku iri maxaad kawadaa? Waxeey tiri sow ima aadan dhihin ikhlaas taan aqaanay, noqo taas jawaabteeda ayaan ku siiyay, waxaan iri waayahay, waan sugayaa isbadalkaaga.

Waxaana geeyay, guriga waxaana joogtay. habaryar kaliya waxa ayna iweeydiisay, xalada ikhlaas waxaana ku iri aad beey ufiican tahay, ikhlaasna qolkeedi ayeey iska gashay, aniguna waan iskaga soo tagay, markii la gaaray, xili dambe waxaan iska soo aaday, gurigeeyga inta aanan seexan kahor waxaa isoo wacday, habaryar waxeeyna igu tiri hadda kadib gurigaan usoo hoyo waad ogtahay, cidkale nalama joogto waxaan iri waayahay, habaryar inkastoo aan jecleeysan inaan gurigaas uhoydo hadana waan aqbalay codsiga habaryar.

Waxaana habeenkii xigay, soo aaday, guriga habaryar waxaana imid habaryar oo qolka fadhiga joogto waan salaamay, waxaan weeydiiyay aaway, ikhlaas waxeeyna iisheegtay, in aaney habeenadaan qolka fadhigaba ka go.day oo aaney qolkaba kasoo bixin markaas baan iri hadda kadib qol magali doonto halkan ayaan wada joogeeynaa lkn maxaa ku dhacay, iyaddoo musal salaadka jecel ayaan ogaaye.

Waxeey tiri hadda Wixiiba weey nacday, waataa iska jiifto waxaan iri iisug waan soo wacayaa waxaana ugar garaacay guriga markaas beey tiri yaawaaye? Waxaan iri soo bax maxaa qolka ku galiyay wax loo imaado matihide.

Markaas beey tiri Alla maahir goormee imaaday, yaqey maba ogeeyne waxaan iri hadda ayaan imaaday, kadib ayeey soo baxday, waxaan iri maxaa qolka ku giliyay saacadaan banaanka maxaa ku nacday, kadib ayeey tiri hadda leeba guriga galay maahane banaanka leygama waayo.

Waxaan iri waan daalanahy, qolka ma iidiyaarisay, waxeey tiri haa waankuu diyaariyay, lkn sug casha ayaan kuu keenayaa waxaan iri hyh soo dhaqso weey baxday, habaryarna waxeey tiri waan seexanayaa ilbaabada soo xira waxaan iri waayahay,

Wax yar kadib ikhlaas waxa ay ii keentay, casho markaas beey tiri inta aad casheeyneyso iidhiib mobilekaaga waxaan iri waayahay, waana udhiibay, ikhlaas waxaan ka dareemay, fur furnaan iyo ineey faraxsan tahay, telfonkii ayaana udhiibay,

Waxeey iska daawataba waxaa isoo wacday, shamso markaas beey tiri hoo waalagu soo wacaye waanka qabtay, markaas ayeey tiri shamso iwrn maahir sidee tahay, waxaan iri waan fcnhy adigu sidee tahay, waxeey tiri waan fcnhy alxm markaas baan iri mashquul baan ahay, anaa kusoo wacaayo wax yar kadib waxeey tiri waayahay,

Markaas baan udhiibay, weey iga qaadatay, balse waxaan arkay, aanu xiiso ku haayn mobileka waxaana ka dareemay, qushuuc iyo in aay sidii hore aheeyn waxaan iri maxaa kugu dhacay, waxeey tiri hurdo ayaa iqabatay, waan seexanayaa kadib qolkeeda ayeey aaday, aniguna qolkeeygi ayaan iska galay, waanka helay, qaabka loo dhigay, iyo carafta kasoo kaceeysa waayo guriga aan kasoo tagay, cidna iima hagaajin jirin, Mar dhifa oo aan anigu xaaqdo mooyaane.

Inta aanan hurdin kahor waxaan wacay, shamso cabaar ayaana sheekeeysanay, subaxii ayaan kasoo kacay, markii aan tukaday, waan labistay, shaqadeeyda ayaana soo aaday,

Waxa uu waqtigu is guraba habeenkii shanaad ayaan usoo hoyday, guriga habaryar. Qolka fadhiga oo cidlaa ayaana imaaday, waxaana iska wacay, shamso maadaama aan aheeyn dad is sheeka fahma na isla kaftama balse maxaa dhacay.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii maahir

QAYBTA 5AAD


Waxaan is weeydiiyay sababta ay ikhlaas u diiday, ineey wax iisheegto balse waan iskaga aamusay, ilbaabka ayaana kasoo baxay, anigoo ka xumaaday, hadalada ikhlaas habayar ayaanan u imaaday, waxaana usheegay, wixii ikhlaas nakala gaaray, markaas beey igu tiri iska dhaafoo shaqadada iska aad waan arkeeynaa sideey wax noqdaan waxaan iri waayahay, ilasoo socodsii wixii dhaca waana kasoo tagay,

Waxaan tagay, dukaankii waxaana ku iri wiilkii joogay, caawa waa adiga dukaanka waxaana iska aaday, guri udhaw dukaanka oo aan daganaa anigoo aanan weli hurdin kana fikiraayo ikhlaas waxa ku dhacay, ayeey shamso friin iisoo dirtay, waxaan jecleeystay, inaan waco waana wacay, waxaan sheekeeysanay, cabaar waxaana dareemay, in uu xanaaqii iyo fikirkii iga yaraaday, markaas kadib waan iska seexday, si nabada ayaan ku seexday, anigoo iska ilaawayba ikhlaas xaaladeedi.

Waxaan kasoo kacay, subaxdii waxaana iska soo aaday, shaqadeeydi markii la gaaray, galabtii ayaan wacay, ikhlaas balse weey iga qaban weeysya, waxaana wacay, habaryar si aan ikhlaas xaladeeda uga wareeysto waxeeyna iisheegtay, ineey roon tahay, waxaan iri Allaha usiyaadiyo caafimaadka.

Markii la joogay, laba maalin ayaan go.aansaday, inaan xaafadii habaryar aado waxaana habaryar iyo ikhlaasba usoo gaday, dhar qurux badan iyo waxyaabo kale oo badan waxaana soo qaatay, gaarigeyga waxaana imaaday albaabka guriga si kadis ah waliba kadib waxaan gar garaacay, albaabka guriga waxaana iga furtay, ikhlaas markeey indhaha isaartay, waxeey u muuqatay, qof iga naxday, amaba aan ku farxin imaanshaheeyga.

Waan salaamay weeyna iga qaaday, salaanta kadib waxaan weeydiiyay, xaaladeeda waxeeyna iisheegtay, ineey fiican tahay waxaan iri hooyo ma joogtaa waxeeyna igu tiri haa qolka fadhiga ayeey joogtaa waxaan iri mahadsanid habaryar xageeda ayaana soo aaday,

Waxaana salaamay, habaryar waxaana ka wareeystay, xaalada ikhlaas markaas ayeey tiri maalinkii ay xanuunsatay, ilaa hadda guriga kama baxdo mana arkin iyaddoo faraxsan waxaan iri ma weeydiisay, waxa ku dhacay, waxeey tiri waxba iima sheegin

Waxaan iri midaas ayaa dhib ah balse waxaa wanaagsaneeyd in ay wax inoo sheegto waa hadii aan xaaladeeda wax ka qaban karno kadib ayeey tiri habaryar hadda ayaan u yeerayaa wax yar sug waxaan iri waayahay,

Waxeeyna soo waday, ikhlaas markaas beey tiri fariiso halkaan weeyna fariisatay kadib ayaan iri ikhlaasey maxaad naga qarineeysaa oo kugu dhacay, kadib ayeey tiri waxba iguma dhicin soow uma jeedaan inaan fiicanahay, waxaan iri waxaad u muuqataa qof dhib haaysto Waxeey tiri maya adiga ayaa moodo halkii ayeeyna ka istaagtay,

Waanka daba istaagay, waxeeyna u baxday, banaanka markaas baan iri kwrn hadaad magaalka ii raacdo oo aad jawiga soo badalato kadib ayeey tiri ma awoodo midaas

Waxaan iri lkn sabab kadib ayeey tiri marabo inaan baxo waxaan iri waa iga codsi galabta kaliya iraac waxaa macquul ah inaad caadi soo noqotid ee waxeey tiri waayahy waxaana udhiibay, dharkii waxaana iri soo xiro markaas bey tiri hyh hooyo ayaana usheegay, inaan ikhlaas wadaayo weeyna iga ogolaatay,

Waxaan wada raacnay, gaarigii waxaana tagnay, magaalka meelo badan oo qurux badan ayaana kusoo wareejiyay, ilaa hadda hadal kama haayo ikhlaas kadib ayaan weeydiiyay, sidee dareemeeysaa waxeey tiri qalbiga ayaan culeeys ka dareemayaa waxaan iri qalbigaaga waxba culeeys ha saarin ee iisheeg yaa wax kuu dhimay, waxeey tiri cidna wax iima dhimin.

Waxaan dareemay, in ikhlaas wax badan iga qarineeyso waxaana raadiyay, xal aan ku ogaan karo waxa ay iga qarineeyso ikhlaas waxaana go.aansaday, inaan su.aalo badan weeydiiyo.

Waxaana ku iri ikhlaasey wax badan oo aadan ogeeyn ayaa jiro soow ma ogid waxeey tiri iisheeg waa maxay, waxaas waxaan iri adigoo sidaan u murugeysan ma rabo inaan kuu sheego arintaan markaas beey tiri iisheeg caadi ayaan ahaye.

Markaas baan iri waan hubaa inaad ku farxeeyso arintaan waxeey tiri iisheeg waayahaye waxaan iri waxaa soo dhaw arooskeeyga mana kuu sheeggin waayo adiga ayaaba xaalad kale ku sugan.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii maahir

QAYBTA 4AAD


Aadan waa uu iga aamini waayay hadalkaas ilaa aan markii dambe ka dhaadhiciyay halkii ayuuna iigu hambalyeeyay, waa uuna igasoo tagay, waxaa noqday, qof Mar walba mashquulsan oo xitaa waxaan ka mashquulay, xaafadii inaan aado ilaa aan markii dambe heley wiil icaawiya waxaana xili galab ah soo aaday, guriga habar yar markii aan guriga tagay, ayaan salaamay habar yar waxaana weeydiiyay, ikhlaas halkeey jirto markaas beey iisheegtay, ikhlaas in ay jirto xaafad qaraabada ah waxaan iri dhib maleh halkii ayaana cabaar ku sheekeeysanay, anagoo wada fadhino ayeey soo wacday, ikhlaas kadib ayeey habar yar ku tiri waxaa ila joogo maahir.

Kadib ayeye tiri ikhlaas hooyo ma runaa Mar hore maxaa iigu sheegi weeysay, markaas ayeey tiri oo maxaan kaaga sheegayaa waa maahirkaad taqiinaye markaas ayaan iri iigu dhiib weeyna iigu dhiibtay,

Markaas baan iri ikhlaas iwrn maanta kadis ayaan ku imaaday nasiib adiguna waad maqan tahay, kadiba ayeey tiri caawa waad joogeeysaa soow maahan hadda ayaan soo baxaaye waxaan iri maya hadda ayaanba rabaa inaan baxo markaas ayeey tiri hyh dhib maleh hadalkiina weey gaabsatay, ikhlaas aniguna ma fahmin waxa ku dhacay, markaas ayaan iri caawa haddii aad imaado beri dukaankeyga iigu imoow kadiba ayeey tiri waayahay, beri ayaan kuu imaanayaa.

Kadib waan kasoo tagay, xaafadii waxaana imaaday, dukaankii waxaana isoo wacday shamso oo aanan waayahaan arag salaan iyo is wareeysi kadib waxeey iweeydiisay, halka aan joogo maadaama ay iga weeysay, dukaankii ay igu baratay, waxaana usheegay, inaan dukaan kale furtay, halkaas oo aan halkaas joogo markaas ayeey igu tiri beri ayaan kusoo marayaa ee ii tilmaam halka aad joogto waxaana utilmaamay, goobta aan joogo waana is macsalaameynay,

Waxaa la gaaray, subaxii xili duhur ah ayeey ii timid shamso salaan kadib sheeko ayaan galnay, wax yar markii aan sheekeeysanay, waxaa ilbaabka kasoo gashay, ikhlaas shamso weey aamustay, markaas baan salaamay, ikhlaas wxaana iri soodhowow kursi ayaana udhigay, markii ay fariisatay, ayeey shamso tiri gabadhaan walaashaa miyaa maahirow?

Markaas baan iri Haa waa walashey gabadhaan ikhlaas ayaa la yiraa iska baro kadib ayeey tiri shamso barsho wanaagsan abyo waxaa laga yaabaa inaan dumaashidaa noqdee si kaftan ah kadib ayeey tiri ikhlaas waa caadi abyo barasha wanaagsan markaas kadib shamso weey baxday, waxaana isku soo harnay, aniga iyo ikhlaas

markaas ayeey iweeydiisay gabadhaan cida ay tahay, waxaana iri kwrn sideey kula tahay, saaxiibo ayaa nahay, calaashan xiriir ayaa naga dhaxeeyo kadib ayeey tiri Haa waan gartay, waxeeyna iweeydiisay, biyo waxaan iri isug waan kuusoo qabanayaa markaan biyahii usoo qabtay, ayeey xaga u jeesatay wajiga ayeeyna iska dhaqday, markaas ayeey tiri waan sii baxayaa maahir ee bye kadib ayaan iri wayahay lkn wax yar isug waxaana usoo diyaariyay, shobing markaas ayaan ukeenay, markaas ayeey tiri maxaa isku dhibee waxaan dhan maxaa waye waxaan iri waanba kugu yareeyay, adigaa iska leh waxeey tiri mahadsanid weeyna baxday,

Waxaan is weeydiiyay, sababta aaney ufaraxsaneeyn ikhlaas hadane waxaan is iri iska daa kaliya weeykaa xishooneysaa oo kama aha xanaaq.

Balse fiidkii ayeey isoo wacday habar yar waxeeyna iisheegtay, in ay ikhlaas xanuunsan tahay, waxaan iri waan idiin imaanayaa dhaqtar ayaana geeyneynaa waxeey tiri wayahay ee soo dhaqso waxaan soo qaatay, gaarigeyga waxaana soo aaday, guriga waxaana ilbaabka iga furtay, habaryar waxaana weeydiiyay, ikhlaas waxa ku dhacay, iyo sida loo haayo.

Habaryar waxeey iisheegtay, in ay matag kala joojin weeysay, raashinkiina ay diiday, waxaan iri hooyo aan dhaqtar geeyno gabadha markaas beey tiri waayahay, waan utagayaa ii sug qolka ayeeyna ugu gashay, cabaar kadib ayeey soo laabatay, habaryar waxeeyna iisheegtay, in ay ikhlaas tiri marabo dhaqtar waxaan iri macquul ma ahan oo maxeey u diideeysaa inaan dhaqtar geeyno ma xanuunka ayaan ku fiirsanaa marka?

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii Maahir
QAYBTA 2AAD


Waxaan bilaabay, inaan useexdo dukaankii marka aan kasoo baxo schoolka waxaan soo mari jiray, ninka dukaanka leh oo lagu magacaabo aadan waxa uuna isoo siin jiray, 20tankii shiling waana kasoo qaadan jiray, waxaan bilaabay, inaan 5kun break ahaan u isticmaalo 15ta kasoo hartana meel aan dhigto waxaan guriga tagaa duhurkii waxaana kasoo tagaa fiidkii dukaanka ayaana seexdaa subaxiina schoolka baan ukalahaa.

Inkastoo habaryar aaney raali ka aheeyn inaan habeenkii dhaxo haddane anigu wixii ii Dan ah inaan joojiyo dhib ayeey igu noqotay, waxaan schoolka kasoo baxay, xili duhur ah waxaana soo maray, aadan sidii caadada aheeyd waxa uu isoo siiyay, lacagteeydi waana kasoo dhaqaajiyay, waxaan soo maray, nin meesha kulahaa dukaan waxaana udhiiban jiray lacagta aan rabo inaan aruursado isaguna santuuq gaar ah ayuu iisameeyay, si lacagteeydu ugu darsoomin tiisa.

Waxaana soo aaday, guriga oo aan usoo qada doontay, waxaana joogay, guriga habaryar iyo ikhlaas waxeeyna wada gadhiyeen qolka fadhiga dhinac ayaana kasoo fariistay, ikhlaas iyo habaryar hadalkiiba weey joojiyeen waan dareemay, in aaney dooneeyn iney agteeyda ku sheekeeystaan amaba sheekada aan dhinac kasoo galo.

Kadib ayaan damcay, inaan ka istaago meesha oo aan qolkeeyga iska galo balse waxaan u jeeday habaryar oo istaagtay, markaas ayaan iska fariistay, kadib ayeey ikhlaas igu tiri maahir hyh iska waran waxaan iri waan fcnhy abyo alxm.

Kadib ayeey tiri ikhlaas adiga Mar walba waad aamusan tahay waxaan kala garan waayay, inaad xanaaqsan tahay iyo inkale markaas ayaan iri abyo ma xanaaqsani ee guriga ayaaba cidlo iska ah adiga iyo hooya isla sheeko yaqaan anigu siduu axmed gurigan uga tagay, ma arkinba cid aan la sheekeeysto.

Kadib ayeey tiri ikhlaas Aniga ila sheekeeyso mise waad iga cabsanee iisheeg waxaan iri maya kaama cabsanaayo waxeey tiri haddaba kuma arki karo adigoo kaligaa aamusan sidaan iska badal OK

Waxaan iri waayahy abyo waxeey tiri hyh waxaan kuu keenayaa qado jikada ayeeyna aaday, waxeeyna keentay, qadadii waxaan iri adiga ma qadeeysay, markaas ayeey tiri maya waxaan iri hooyana? Waxeey tiri maya.

Waxaan iri hadaba aan wada qadeeyno ee inoogu wac hooyo waxeey tiri waan wacayaa lkn labadiina Lee qadeeya waxaan iri qof uun iigu wac waxeey tiri waayahay habaryar ayeeyna utagtay, balse weey diiday, habaryar inaan wada qadeeyno waxaa ii timid ikhlaas markaas ayeey tiri hooyo ma qadeeyn karo ayeey tiri ee iska qadeey waxaan iri waayahay, halkii ayaana iskaga qadeeyay,

Waxaana tagay, qolkeeyga wax yar markii aan nastay ayaan soo kacay, waxaana soo aruursaday, dharkeeyga si aan u dhaqdo markaas ayeey ikhlaas oo banaanka fadhisay, igu tiri iska dhaaf dharka anaa wada dhaqaayo ee kan hooyo kaagaba anaa dhaqaaye iska dhaaf booskii axmed ayaan ku galinayaa ee waxaan iri iska dhaaf waa uu kugu badanayaa adigaba naf ayaad leedahaye.

Markaas ayeey tiri dhib maleh waan dhaqi karaa kadib ayaan iri waayahay, dharkii ayaana agteeda iska dhigay, meel agteeda ah ayaana iska fariistay, ikhlaasna weey istaagtay, alaabtii ayeeyna soo diyaarsatay, waxeeyna dhaqid ku biloowday, dharkii iyaddoo u hormarisay, dharkeeygi maadaama aanan dhar badan laheeyn ee shaatiyal yar ay ahaayeen kadib ayeey bogtay, dharkeeygi markaas ayaan iri waxba ha istaagin aniga ayaa waraaye iska daa dharkii ayaana ka waray, kadib ayeey tiri maahirow inta aadan noo imaan dharka waalaguu dhaqi jiray, soow maahan yacnii hooyadaa ama walaalaha?

Kadib ayaan iri maya anigu ma jecli inaan qof dhibo Mar Mar sidaan oo kale weey dhacdaa oo qofu igu yiraahdo iska daa maahane weligey dharka haleey dhaqo ma dhihin

Kadib ayeey tiri lkn soow dhib kuma qabtid maadaama aad wiil tahay, waxaan iri wiil iyo gabar looma kala soocin hoowsha mana ahan gabdhaha oo kaliya in la yiraahdo dharka dhaqa alaabta dhaqa kariya raashiinka ee waa in qof walba oo markaas firaaqo ah uu qabtaa hoowsha waana sida kaliya ee la isku fahmi karo...

Lasoco part:3

#join dheh oo kamid noqo asxaabteyda mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Account horay waa layga xiray plz ka follow isodhaha 🙏

https://vm.tiktok.com/ZNeEDBUGk/

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

QISO JACAYL AH !!!
MURUGO JACAYL

Qisaadani waa Qisa dhab waxayna Ku dhacday Gabadh Soomaliyeed Waxayn Ku Bilowday Sheekada Sidan;

Waxan hay gabar da’yar oo 23 jir ah, waxaan jeclaaday wiil, Wiilkaasoo markii hore aan si kadis ah isku baranay balse caawinaad iyo garab qabasho aan markaas ugu baahnaa iga caawiyay xiriir walaaltinimo ayaa na dhex maray isagoo ahaa wiil aad U wanaagsan,

Muddo ka dib waxaan is arkay anigoo wiilkii sixad dhaaf ah Isku dhex Gelnay markaana wax walba isu sheegana sidoo kalena dareen gooni ah isu heyno, runtii jaceyl iyo kalgacal aan xad laheyn ayaan uqaaday wuuna iga kas baday,

Nasiib wanaag anigoo kala xishoonaya inaan jaceylkeyga u sheegto ayuuba isagu ii soo bandhigtay in uu i jecel yahay oo uu marar badan qarsanayay anigu isla markiiba waxaan u sheegay sida dhabta ah ee dareenkeygu ahaa,

Runtii waan isku faraxsaneyn jaceyl aan sawir laga bixin karin ayaana ina dhex maray Kalsoonida aan isku qabnay ayaase wax walba kasii weyneyd taasoo furaheeda koowaad uu ahaa ixtiraam balaaran oo inaga dhaxeeyay.

Marar badan ayuu iga dalbaday in uu kaamirada iga arko anigoon si wanaagsan u labisneyn si uu u arko quruxdeyda qarsoon balse xishood iyo cabsi ayaan marar badan uga diiday.

Markii danbe ayuu wuxuu cadaadis igu saaray inaan sawiro aan qaawanahay usoo diro maadaama aan kaamirada ka diiday, ayadana waan isku dayay inaan diido laakiin jaceylku waa balaayee, markii danbe anigoo raali ah ayaan is arkay waxaana u diray sawiro cowradeydu muuqato oo aanan dhar wanaagsan xirneyn,

Wuxuu iga balan qaaday inuu xifdin doono oo xitaa uu iigu dhaartay balse nasiib xumo marbaan isku dhacnay, arimo dhanka qoyska ah awgiis.

Waalidkey ayaana igula taliyay in aan wiilkaas iskaga haro oo aan faraha kala baxo ayagoo igu wargelinaya in noloshiisa hoose ay tahay mid qaribanoo ay jiraan wax yaabo badan oo uu iga qariyay. Waalidkey taladiisa ayaan qaatay maxaa yeelay talowaalid waa lama diidaan,

balse yarkii jeceylku inaga dhaxeeyay ayaa la soo baxay waji aanan marnaba ka filanayn Isagoo igu xujeeyay in aan guur qarsoodi ah ka aqbalo amaba aan halmar si xaaraan ah isugu tagno,Hadii kale ayuu iigu hanjabay waxaan dhexda kaadhigi doonaa fadeexad aadan waligaa kasoo kabsan, sawiradaada qaawan ayaana aduunyada ku faafin doona.

Runtii waji gabax iyo wadna xanuun ayey igu abuurtay ficil kaasi marnaba kama filaneyn,

Waxaan bilaabay inaan ooyo oo aan si walb isku dayay in baryo oo wax aan sameeyo si walbo waan isku dayay inaan isaga maslaxeeyo, balse waxa uu ka fuqi la’yahay wax walboo dhaco anigoo halmar ku dhadhamin malaga yaabo in aan kaa samro ama kaa haro.

Xitaa waan isku dayay inaan uga cabsiiyo Police-ka ayaan kugu dacweynayaa laakiin waxa uu taagan yahay, waxaad doontid keen sharaftaada ayaan wasaqeynayaa taas ayaana kadaran Police-ka aad sheegeyso. Runtii dhib aan la koobi karin ayaa i heystay iyo walwal muddo dheerna si wacan uma harsan umana hoyan.

Waxaan go'aan saday; inaan waji xumo iyo sharaf daro intaan u soo jiidi lahaa waalidgay Iyo walaalahayba, inaan u sameeyo wuxuu iga rabo, waana u sameeyay maalintaas wixii ka dambeeyay waan iskaga haray asigana wuu inab geliyay, waxaanba ku faraxsanahay inuuba sawiradii faafin maadaama uu dantuu lahaa iga gaadhay,

"gabar walba oo soomalyeed waxaan kula talin lahaa in aysan fududaysan wax yaabaha Sharaf darada u keeni kara Sida wixii igu dhacay Aniga

Teeda kale gabdhoow ragga Oo Dhan mawada xuma ee qaar damiir laawayaal ah Ayaa xumaynaya ragii fiicnaa Oo magaca Ugu dheelaya"

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolay, Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono.
DHACDADII LABAAD:

Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.

In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su’aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday. waxaan u soo anba baxay xamar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan hakaa ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar.

Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray ugurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.
waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go’aansaday in aan dib ug laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan.    Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.
Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:
Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay:     Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri “Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M”  Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

/channel/addlist/06CMXlKGCwphNTdk



Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. 😇

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼o 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻, 💙😘



▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ 
➦ SPONSORED BY
  ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿
↪️ @jaceylqore
↪️ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
↪️ @learn_english012
↪️ @Hagaajinaftaada
↪️ @Wadada_Guusha
↪️ @Arabic023
↪️ @taladaqoyska
↪️ @Caafimaad7
↪️ @Xikmadle
↪️ @kadisaqoon
↪️ @kalandarka_Hijriyada
↪️ @mustaqbal7
↪️ @Iibiye_online
╚═══════ - ════════╝

♧Guddoomiyaha kooxda♧
http://t.me/Wll_musab

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

SUBXANA ALLAH BAL DHAGAYSO WAXA KUDHACAY GABADHI YARAYD EE ARIGA RACAYSAY

https://www.tiktok.com/t/ZTYE3qw5E/

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Si walaltinima ah Fikirkaga kaso dhiibo gabadhan talo ayee kaga baahan thy 👇

https://vm.tiktok.com/ZMk5vPBva/

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

QISO JACEYL OO FAIDO LEH
Nolosheena waxee bilaabatay anagoon is aqoonin waxaan ku dhalanay meelo kala fag waligeen ismaanan arkin, balse awooda ALLAH ayaa aduunyada nagu kulmisay aragtideeda waa ku faraxday anigane sidoo kale aad baan ugu farxay, ka helitaan iyo jaceyl fara badan kadib waxaan go’aan ku gaarnay Inaan is guursano oo aan mid noqonaa, hadaba waxaa Muhiim noloshaas dhabta ah micnaheeda inaan wada garano Guurka kadib waxa imaan kara:

Waxaan u baahanahay waa inuusan fashilmin guurkeena iyo balanta aan ALLAH la galnay oo ah inaan isku baari noqonaa.


guurka maalinka uu dhacayo dadka wee faraxsanyihiin balse aniga waa murugsanahay oo waxaa La i saaray masuuliyad aad u weyn oo ah qof aniga nafsadeeda oo kale leh inaan u ahay U adeege “shaqaale” waxaa waajib igu ah inaan meel saaraa waxad xiran laheed waxaad cuni laheed iyo Wax walba oo farxadaada ku xirantahay Taasne aad ayee u adagtahay waana mida badanaa ee ku fashilmaan raga Qaar, waxaa ii furan hal wado oo ah inaan kaa dhigtaa xigaal sida Indhaheyga oo kale ah oo aan wax ku arko, midaas oo ka dhigan Inaan ahay Ruux an la’aantaa shaqeen karin sababtoo ah Indha la’aan lama shaqeen karo.

waxaa u baahanahay 4 waxyaabood inan helnaa 1.sabar 2.go’aan adag 3.Naxariis 4.xal (wax walba inan isla xalinaa)

1.sabar: waa inan kuu sabraa marka aad dhibaateesantahay sida marka aad uurka leedahay marka aad xanaaqsantaahy. adiga waa inaad sabartaa xiliyada aan murugsanahay ama xanaaqsanahay si dhexdeena uusan u imaanin khilaaf

2.go’aan: wa in uu Go’aankeenu ahaado Mid aanan ku burbureyn si fudud
go’aankeena wuxuu Noqon doonaa inaanan kala tagin ilaa geerida (dhimashada) nakala geysaa mooyee

3.Naxariis: waa inan isku naxariisana si ALLAH uu noogu Naxariisto qaasatan marka aad xanuunsantahy marka aan labadeena xaaladaha dhiban ku jirno waa inan is dareemsiina naxariis taasoo ka dhigan jaceyl aad u weyn inaan isku qabno

4.Xal: waa inaan xalina wax walba oo xumaan ah oo dhexdena ama familkeena soo dhex galo si wada jir ahan caqli ku dheehanyahay si aan u ilaashano Mustaqbalka ifaayo

waxaa Maalinkaas guurkeena ah kuu balan qaadaa inan kuu noqonayo sidii qeyb jirkaaga ka mid ah oo aan kaa maarmin adigane aadan ka maarmi karin.

nolosheena waxa muhiim inoo ah farxad iyo inan isku qanacsahay waxaa kaloo muhiim ah waalidka na dhalay ee Intaan nasoo gaarsiiyay waa inan ku dadaalnaa farxadooda oo daqiiqad walbaa madaxa ee noo saarnaadaan si aan u helno caruur baari ah. hooyadeey waa sida hooyadaa oo kale Waalidka waa inan u noqona sida Diinta islaamka ee na fartay waana hubaa inaan kasoo baxeeno oo aanan dayici doonin Insha allah

dhabtii hadafka Nolosha aad ka leedahay wa kugu garab istaaga si aad usoo taabato meesha aad hiigsaneesid anigane ma dhaqaaqi karo la’aantaa waa Inan gacmaha is qabsanaa si aan u jabinaa darbiga ku xeen daaban wadada mustaqbalkeena, waxaa ii muuqdo nolol iftiimeesa iyo guri aad u qurux oo hooyo aad qurxan dhex joogto iyo aabe aad bashaash u ah kuwaas oo gacmaha ka haayo caruur indhahaaga e la dhacaayaan afkooda aan kasoo baxeenin hadal xumaan ah ilaa wanaag ma ahane.

subixii salaada ayaan kuu kicin doonaa markaan tukanaa waxaa u cararayaa shaqada anigoo hamigeegu yahay inaan familkeyga taageero Inta aan shaqada ku jira hadii aan helaa fursad yar waan kusoo wici doonaa anigoo rabo inan xaalada gurigeyga ogaado marki aan shaqada ka imaadaa waa inan ku saacidaa sidii waxii loo baahanyahay aan u dhameestiraa.

Mudo kadib caruurta qurxda badan ee aan wada dhalnaa ee dhinac adiga kaaga eg dhinacne aniga iga eg ayaa u balan qaadi doonaa si wada jira inan tarbiyadooda iyo farxadooda ka shaqeenaa Labadeena qofki fursad u helaa carurtaas inuu ku dadaalo si berito aan u helnaa kuwa aan harsano.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko jaceyl: Hanad iyo hani

dhamaaad

(Abayo ama abowe intadan sheekada akhriskeda bilaabin follow io like isaar plz 🙏
https://vm.tiktok.com/ZMkfVoHmQ/
)

Hani waa la guursaday lakiin ma eeysan faraxsaneen, oo ninka guursaday ma eeysan jeclayn naftedana kuma qanacsanayn lakiin Amarka waalidka ka weyn Qanacsanaanteeda, way iskala noolayd ninkeeda farxad la'aan Dareen la'aan, oo maskaxda iyo maankaba waxay ku haysay Hanad.

Hanad oo niyad jab weyn kU dhacay oo fikiriyo murugo iska haysatay, oo shaqgadina iska dhaafay Noloshiisana eey noqotay mid caajis ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah Telkiisa soo wacay Number cusub uUsan aqoonin marka uu ka qabtay mobile ka mise waa Hani.

Hanad aad ayuuU farxay markuu maqlay codkii hani sidoo kale way ku faraxday inay mudo kadib dib u magasho codkiisa.

Xaladaha is waraysteen iyagoon Dareensanayn waqtiga ayay ku qaadatay waqti badan inay
sheekestan.

Sidii ayaa soo Nognoqotay, oo dad dib iskuUgu soo laabtay oo kale ayay maalin kasta isku SOo wacayeen, oo waqti isla qaadan jireen lakiin nasiib Xumo hani waxaa ogaaday ninkeeda inay maalin kasta saacado ay la hadasho nin kale oo ay waqti la qaadato, markey la hadlesana ay firfirconi iyo farxad ka muuqato.

Lakiin markay isaga la joogto ay caajis iyo xanuun sheegato, wUxUU kaloo ogaaday ineysan ku qanacsanen Noloshiisa iyo ineysan farxad kula noolen aad ayuU Ugu carooday arinkas.

WUxUuna isku dayay inuu si caro leh ula hadlo UU buuq ku furo lakiin murankii iyo doodii ayaa dheeratay Sheekadi Waxay gaartay in ninkii maseerka iyo xanaaga ka tan bato, Gacan inUU U qaado ayuuna gaaray.

Arintii way xumaatay hanina way carootay, o0 guriga way uga soo tagtay, guriga familykeeda ayayna soo aaday familyka markay rabeen iney kala dhex dhaxaadiyan ayaa aabaheed waxa Loo sheegay sheekada sida ay u dhacday lyo in Gabadhiisa iyadoo xaas ah ay la xiriirto nin kale ayna waqti la qaadato ninkeedana uusan farxad ku haysan.

Aabaheed ayaa aad uga xanaaqay arinkas markuu maqlay markas ayuu intuU Sİ XUN U garaacay hadana ka qaaday mobile kii kuna celiyay gurigeeda, hani nafsadeeda meelesan ku qanacsanayn ayaa lagu qasbayaa, Hanadna markuu is dhoho waad Guulaysatay ayuu hadana dib ugu laabtaa GUul daro.

Hani mobile ka in laga qaaday, oo gurigii ninkeeda lagu celiyo kaliya maloogu eekaysiin ee magaladii dhanaa laga guuriyay, oo waxaa La dajiyay meel baadiya ah cidlo mobile la'aan jaceylkii oo lumay nin aysan nafsadeda ku faraxsanayn meel aysan dad ka aqoon ayaa iskugU darsamay.

Nolosha waa imtixaan hanad wUU SUgayaa wax badan wuu raadiyay lakin wuu ka quustay Noloshiisa ayuu iska sii watay hanina waa quusatay oo Noloshii cariiriga ahayd ayay la qabsatay sidii ayayna lamaanihii ukala fogaadeen.

Lakiin isma iloobin oo midba midka kale niyada ayuu ku hayay hanad xaas ayuu yeeshay aabo ayuuna noqday hanina sidoo kale hooyo ayay noqotay.

Jaceyl dhab ah cadaw ma waayo.

Dhammaad


Si aad u fahanto NUxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii Hore ee aan soo dhigay.

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan oo #share u dheh mahadsanid.

#join dheh si aad u noqoto Qofka ugu Horeeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro ama ka mid Noqo #friendkayga mahadsanid.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Sheeko Jacayl: hanad iyo hani.

QAYBTA 4aad

Hanad iyo hani jaceyl ayaa ka dhex abuurmay,
wakhti fara badan ayay isla qaadan jireen sacad
sacad ayay iskula xiriiri jireen farxad iyo jaceyl
fara badan ayay wada qaateen.
Habeen habeenada ka mid ah hanad ayaa
jecleystay inuu la kulmo hani Kana codsaday inay
banaanka u soo baxdo wUXUUna kU yidhi
Waan KUU Xiisay Mudana Kuma Arkin Telka Waan
Ka Caajisay ee Si Wiji Ka Wiji Ma kugula Kulmi
Karaa.
Hani Wey Ka Ogolatay Banaanka Ayeeyna Usoo
Baxday Wey Wada Kulmeen Waqti Ayeeyna lIsla
Qaaten.
Lkn Ayago Darajin Wada Fadhiya oo
Sheekesanaya Ayaa Waxaa Arkay Walalked Ka
Weyn Wuuna Ka Carooday Arinka Eey Sameysay
Wishis iyo Xili Habeen Ah Iney Wil La Fadhisay
Meel Darajin ah Intuu Ku Qeyliyay Ayuu Guriga U
Kexeeyay Walashis.
Guriga Marku Geeyey Ayuu Qeylo lyo Caro Kala
Dul Dhacay Arinkii Waxaa Ogaaday Aabehed
o0 Ahaan Nin Aad U Adadag Sheekadi Wey
Halawday Telkii Ayaa Laga Qaaday Hani Guriga
Iney Ka Baxdana Waa L0o Diiday.

Hanad Aad ayuu Uga xumaday arintas ku dhacday
Hani Waliba asaga dartisa ugu dhacday Murug
ayaa soo wajahday Lamaanihi kaaga si darane
maalmo ayagon isla hadlin isna arkin Ayeey Hani
Fursad Ku Heshay Talefan Walashed Lehed Wexey
Wacday Hanad.
Hanad Ayaa Durbadiba Telka Ka Qabtay Marku
Maglay Codkeda Ayuu Farxad La ilmeyay iyana
sido kale lakiin Waxay U sheegtay Arin Xanuun
Badan Oo Uu Ka Naxay Hanad Waxayna Ku
Tidhi Hanad lsku Day Inaad iska kay iloowdo
00 niyadada iga saarto xiriirkena meeshano ku
dhamaday.
Aniga Adiga dartada lee gaaracay gurigana
leegu xabisay talefankina leega qaaday murugo
ayaan ku noola maalmaha kaa maqnaa lakin
anigo murugesan ayaa waxaa leegu sii daray in
Wil aan ilmo adeero nahay lee siiyay aabeheyna
wUXUU go,aansacday oo asaga iyo adeerkay isku
waafaqen inaa guUrsado ina adeerkay bishan
dhexdeeda ayuu dhacaa arooskaygu.
iska kee iloow hana ii murgin oo calafka iyo
qadarta nakala geesay aniga waan ku jeclahay
lakiin waalidkey amarkooda ma diidi karo Mana
jeclen inaa qalbigaga dhaawacu geesto wiligey
waan ku jeclan doona.
Hanad oo Xanuun murugo iyo Yaab iskugu darsan
yahay ayuu wax hadal ah dhihi waayi telkana wuu iska dami.
Maalinkaso Dhan wuu shaqeyn waayi Fasax
ayuuna shaqadi kasoo qaatay gurigisa ayuu iska
sOo aaday asago Xanuun fara badan ka mUUqdo
wax hadal ahna kasoo bixi la,ayahay Jecel Ma aha
Wax Sahlan Runt.
Hani Waa La Guursanaya Hanadna Murugo Ayaa
U Bilaabatay Kaftankii Bashaashnimadi lyo Wijigi
Furnaa Ee asxaabtiisa Ku Baratay Malaha Hada
WUxUU Nogday Qof Aamusan Fikiraya Mar mar
U Dhaqma Si Qof Maqan Macamisha Super
Marketka Ayagoo hor taagan oo la hadlaya ayuU
asagana iska maqnaa oo maskaxdisa buuq ayaa
ku furnaa
Mudo kadib shaqadi ayuuba iska dhaafay Hanina
waa la guursaday oo Lamanihi ls Jeclaa Calafka
Kala Geeyay.
Ma iskuU SOo laaban doonan ?
Hani Sidee Ku Noolan Doonta ?
Qof eeysan Dabecad Aqoonin Oo eeysan Jeclen
Ayaa Guursaday Sidee Gurigeda U Dhaqan
Doonta


-la soco Qeybta:5


Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib U akhriso Qormooyinkii Hore ee aan soo dhigay.

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Waxaan iri waxaan ahay, nin la jeclaaday, haddana fahmi waayay, midaas waanka xumahay, waxeey tiri midaas dhib uma arko waayo afkeeyga ayaanba kaaga sheegay,

Waxaan iri lkn haddii aad I jeceshahy maxaad iiga burineeysaa guriga waxeey tiri adiga ima fahmeeysid miyaa wax walba ma aniga ayaa kuu sharaxaayo.

Waxan iri iga raali noqo midaan kaliya iisheeg waxeey tiri Mar walba oo aad inoo timaadid waan farxaa hadana waxaan ku arkaa adigoo gabar la hadlaayo ma dareemi kartid sida aan dareemaayo waayo marabo in ay cidkale ku lahaato adiga.!

Lasoco QAYBTA 8AAD

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Waxaa qolka iigu soo gashay, ikhlaas waxeeyna dareentay, inaan mobile ku hadlaayo balse gees ayeey iska fariisatay, anigoo call kii ku jura ayaan salaamay, waxeey tiri fcn aniguna sheekadii ayaan usoo gaabiyay gabadhii waxaana ku iri macsalaama maadaama qof ila joogo waxaana usoo jeestay, ikhlaas.

Markaas baan iri iwrn abyo aaway hooyo markaas beey tiri hooyo weey jiiftaa waxaan iri Haa iwrn adiga jawiga makuu dagay, waxeey tiri markaan is irii jawigaagu wuu dagay, dhib kale ayaa dhaca midaas ayaana dhib igu noqotay, aniga.

Waxaan iri wax ifahansii waayo cida jawigaaga qalada midaas aniguba uma dulqaadan karo waxaan rabaa farxadaada. Waxeey tiri haddii aan kuu sheego sidaan rabo ma iisameeyneeysaa waxaan iri Haa waankuu sameeynayaa kaliya iisheeg.

Cabaar ayeey aamustay, waxaan iri ha iga cabsanin iisheeg runta waxeey, tiri waxaan rabaa in aad isaga tagto gurigaan oo aadan imaan bataatamba aad baan ula yaabay, hadalkaas waana ka xumaaday, waxaan iri maxaa kaa qaldan abyo iisheeg sidaan miyaad caadi ku tahay, ikhlaas waxeey, tiri haa waan fayoobahay,

Waxaan iri sideed adigoo fayoow sidaan iila hadli kartaa aniga mise caawa ma caafimaad qabtid. Fadhiga ayeey ka kacday, cod kor ah ayeeyna igu tiri iska bax waanku baryaa waxaan iri bal aamus oo fadhiiso wax iisheeg ayaan ku iri aniga iburi kuma aanan dhihin waxeey tiri nolosha ayaad igu cariisay, inta aaney erey kale dhihina weey ooysay,

Aad baan usii naxay, waxaana iri ikhlaas aamus waan sidaan xal maaha hooyo yaaney na maqlin ee aamus waxeey tiri ha na maqasho hadeey doonto ee iska bax hadda isla markii habaryar oo ordeeysaa nasoo gashay, waxeeyna aragtay, ikhlaas oo dhulka fadhiso oo haddana ooyneeyso habaryar weey xanaaqday, qeeylo ayeeyna igu bilaawday, waxaan iri habaryar wax hubso bal iweeydii sida ay wax udhaceen waxeey tiri ma gabadha xanuunsan ayaad caawa ka oohisay, iisheeg war maxaad gaabdha ku tiri iisheeg.

Wax yar kama ooysiin gabadhee waxaan iri bal iyadda weeydii waxa dhacay, markaas ayeey tiri ikhlaas hooyo maahir qaladka maleh aniga ayaana ku iri gurigeena isaga tag isaguna wuu iga diidan yahay, waxeey tiri habaryar maxeey tahay, sababta aad gurriga uga direeyso wiilka ma gurigaad ka xigtaa waxeey tiri waan dhibsanayaa aniga hadii uu bixi waayana anigaa baxaayo...

Lasoco QAYBTA 7AAD

#JOIN DHEH si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid



Sheekada Malala socdaa?

Aan aragno caawa inta sheekada lasocoto.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Intaas markaan afka kasoo bixiyay, ayeey ikhlaas ku cel celisay macquul ma ahan waad igu kaftameeysaa sow maahan maahir waxaan iri waa xaqiiq maxaa dhacay, been miyaad igu baratay, ikhlaas wajigeeda aad ayuu isku badalay, waxeeyna gacanta saartay buga iyaddoo aniga iska keey qarineeyso balse waan dareemay, markaas ayaan ku iri maxaa kugu dhacay, abayo iisheeg?

Markaan intaas iri ayeey igu soo eegtay, il naxariis leh hadana weey iga sii jeesatay, waxaan iri ila hadal maxaa kugu dhacay? Kadib ayeey tiri waxba kaliya guriga igeey waxaan iri iga raali noqo hadii aan ku iri ereyo ku dhaawacay adiga waxaan islahaa ka farxi balse ma moodeeyn inaan murugadaada sabab u noqonaayo. Kadib ayeey cod hoos ah igu tiri raali waankaa ahay, markasta. Runtii ereygaas qalbigeyga ayuu taabtay, waxaana ku iri Mar labaad iga raali noqo ikhlaas..

Lasoco QAYBTA 6AAD

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Kadib ayeey habaryar tiri orod adigu utagoo ka dhaadhici waxaan iri waayahay, waxaa ku garaacay, qolka waxaan ku iri masoo gali karaa markaas beey tiri haa soo gal kadib ayaan utagay waxaana weeydiiyay, sida loo haayo waxeeyna iigu jawaabtay, waan dhiman rabaa aad ayaan uga naxay, ereygaas

waxaana ku iri maya sidaas ha dhihin ee iisheeg mesha lagaa haayo dhaqtar ayaan ku geeynayaa isla hadda waxeey tiri maya dhaqtar marabo waxaan iri sabab ma waxaa ku haayo xanuun horay kuu qaban jiray, mise wax cusub kadib ayeey tiri intaan oo su.aal ah kama jawaabi karo maahir iska bax fadlan.

Lasoco QAYBTA 5AAD

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisaddii maahir

QAYBTA 4AAD


Kadib ayeey tiri ikhlaas midaas been ma ahan waa markii iigu horeeysay aan arko wiil sidaan u haldlaayo waan aamini la.ahay, waxaan iri oo maxaa dhacay, ma wax weeyn baan sheegay, kaliya waxaan ka hadlay xaqiiqada ma been baa?

Waxeey tiri maya runta ayaad ka hadashay balse wiil kasta waxa uu yiraahdaa howl la iiguma tala galin adigase fikirkaaga waa ka gaar midaas

Markaas waxaa guriga kasoo baxday, habaryar hadalkiina halkaas ayaan ku joojinay, aniguna qolkeeyga ayaan iska aaday, maadaama aan habaryar is leeyahay, armey dhibsataa gabadha aad la hadleeyso kadib habaryar waxeey soo ag istaagtay, ikhlaas markas beey weeydiisay, maahir dharka ma isagaa dhaqday? Markaas beey tiri maya hooyo anigaa ku iri iska daa waana u dhaqay, intaan yartaa kaliya waaye.

Kadib ayeey ka tagtay, waxeeyna iska aaday, magaalka aniguna waan soo baxay, waxaana aruursaday, dharkeeygii maadaama uu ii qalalay, waxaana la gaaray, galabtii waan labistay, waxaana rabay, inaan magaalka aado waxaan arkay, ikhlaas oo banaanka joogta markaas ayeey igu tiri waw galabta labiskaaga caadi ma ahan kadib ayaan iri kan labis lama dhihi karo ee dhibka iga daa markaas beey tiri maya runtii labiskaagu waa cajiib galabta waxaan iri mahadsanid.

Waana soo baxay, waxaan u imaaday, aadan oo ahaa ninka dukaanka leh kadib ayuu igu yiri war waa kheyr haddaa timid howl yar baa meel iiga xiran oo waan baxayaa ee dukaanka sii joog waxaan iri waayahay saaxib. Cabaar kadib waxaa dukaanka soo gashay, gabar waxeeyna iweeydiisay, alaab ay u baahneeyd waxaana u sheegay, qiimaha balse waxeey iisheegtay, inaan qaaliyeeyay, waxaana ka yareeyay lacagtii weeyna gadatay, ugu dambeeyn.

Cabaar ayaan wada kaftanay, gabadhii waxaana weeydiiyay, magaceeda waxeeyna igu tiri magaceeygu waa shamso waxaan iri barasha wanaagsan aniguna maahir waxeey igu tiri mid lamida weeyna iga tagtay,

Waxaan save gareeystay, lambarkeedi waxaana ku qortay, shamso oo waxaan haaystay, mobile yaro aan dhawaan gatay, waxaa la gaaray, habeenkii halkii ayaana iska seexday, inta aanan seexan kahor ayaan wacay, shamso cabaar ayaana sheekeysanay, oo aan wada kaftanay, waana is macsalaameeynay,

Subaxii waxaan iska aaday, schoolkeeygii markaan soo laabtay, sidii caadada aheeyd waxaan soo maray, aadan lacagtii ayaana kasoo qaatay, guriga ayaana imaaday, aad ayaan u daalanaa waxaana iska seexday, aniga oo anan qadeeynin daal ihaayay, dartiisa

waxeey sidii ahaataba waxaa noqday, nin weeyn waxaana aaday, ninkii aan lacagta ku aruursan jiray, waxaana weeydiiyay, bal lacagtii ineey badatay, iyo inkale ninkii ayaana iisheegay hadal aan ku farxay oo ah in ay lacagteeydii aad u badatay, waxaana go.aansaday, inaan lacagta ubadalo dollar waxaana kasoo dhigtay, dollar waxaana go.aansaday, dukaan yar inaan ku furto waana furtay, markii aan mudo laba sano ah ka shaqeeynaayay, ayaan balaariyay, dukaankii waxaana ka dhigay, mid aad u weeyn wax walbana laga heli karo.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa dukaanka igu soo booqday, aadan isagoo la yaabay, dukaankeeyga iyo qaabka aan ka dhigay, waxa uuna iweeydiiyay, cida I maal galisay, waxaana u usheegay, in aaney cidna garab isiin ilaa isaga mooyaane aadan ayaa igu yiri anigu garab kuma siine iisheeg cida ku maal galisay?

Waxaan iri saaxib mid haddii aan kuu sheego ma iga aamineeysaa markaas buu yiri waanku aaminayaa balse wax macquula iisheeg waxaan iri dukaankan aad u jeedid waxaan ku bilaabay, 20tankii shilin ee aad isiin jirtay sanadadii aan kula joogay,..

Lasoco QAYBTA 4AAD

#join dheh si aad ula socoto qeybta xigta mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qisadda maahir

QAYBTA 1AAD


Magaceygu waa maahir waxaan ahay 28 jir waxaan idinla wadaagayaa qisadeeyda .

Waxaan la noolaa hooyadeey oo markaas degdan meel baadiyo ah waxaana dhameeyay, dugsiga qur.aanka markaas waxaa jirtay habaryarteey la. Dhalatay, hooyo oo daganeeyd meel magaalo ah hooyana waxeey go.aan satay in ay ii dirto habaryar si aan wax uga soo barto halkaas aniguna waan ka ogolaaday, safarkii ayaana isku diyaariyay, waxaana soo raacay, gaari markii aan imaaday, magaaladii waxaa ii timid habar yar ina geeysay, gurigeeda qol ayeeyna idajisay, gooni ah waxaana leey geeyay, college waxeey sidii ahaataba waxaa isoo wajahday, daruuf daran waayo hooyadeey ma ahan qof wax haaysta oo lacagta wax barashada ayaaba ku adag waan fikiray, waxaana go.aansaday, inaan shaqa raadsado si aan isku dabaro subaxii ayaan aaday College kii markii aan kasoo laabtay, ayaan soo maray, nin dukaan weeyn kulahaa wadada waxaana weeydiiyay, qiimaha dharka iyo waxa uu gado

Ninkii ayaa igu yiri ma dhar baad rabtaa waxaan iri mya ee shaqa raadis baan ahay, ninkii ayaa igu yiri wll magaalkan malahan wax shaqo ah anigu tukaankaan baan har iyo habeen joogaa alxm nolosheeyda iyo tan qooyskeygaba waanka maareeyaa balse shaqoyin kale kama war haayo.

Markaas baan iri mahadsanid wll waana kasoo dhaqaaqay, ninkii ayaa ii yeeray, waana u laabtay, markaas ayuu iweeydiiyay, arday, ayaaba tahaye maxeey tahay, shaqada aad raadineeyso waxaan iri sxb dantaa keentay, midaas markaas ayuu yiri kwrn haddii aad dukaankan habeenkii ii seexato waxaana kusiinayaa waxaad break siisato waa haddii aad ubaahan tahay, waxaan iri meeqaad isiineeysa?

Kadib ayuu yiri kaliya habeenkii iiseexo waxaana subax walba kusiin doonaa 20 kun oo shiling soomaali ah waxaan iri wll waan ogolahay, waana seexanayaa isla caawaba waan kuu imaanayaa.

Kadib ayaan kasoo tagay, guriga ayaana imaaday, habar yar waxaa u joogay 2 caruur ah oo kala ah ikhlaas axmed waxaanna iska galay, qolkeeygi waxaa qado iikeentay, ikhlaas markii aan qadeeyay, ayaana iska seexday, waxaan kasoo toosay, galabtii waxaana magaalka timid habar yar waxaana usheegay, arintii

waxaana ku iri habeenkii meel kale baan seexanayaa kaliya maalintii ayaan idiin imaanayaa habar yar weey xanaaqday, weeyna iga diiday, inaan meel kale seexdo waxeeyna wacday, hooyadeey una sheegtay, arintii hooyana weey carootay,

aniga ayaana leeygu dhiibay, mobileka waxaan ula baxay, gaar waxaana ku iri hooyo meeshaas inaan seexdo waa ii Dan fadlan ha iga hor istaagin hooyo ugu dambeeyn weey iga ogolaatay, inaan seexdo dukaankii waana ku farxay, inkastoo ay habaryar ka xumeeyd haddane dhag jalaq uma siin..

Lasoco part:2

#Uwac qaar kamida asxaabtaada si ay kuula aqristaan sheekada

#share and like mahadsanid

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qaybta 4aad

https://vm.tiktok.com/ZMkQP1smp/

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay
C/kariin ayuu iga soo dhex galay isagoo igu yiri “Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd” isagoo sii daba dhigay su’aallo badan oo aan garan waayay,  si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su’aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.
Mudo kaddib ayaan ku iri “Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo”. Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.
Waxaana go’aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna tiri “Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya”.
Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani’aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.
Kaddib waxaan isu diyaariyey safar qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.
Durba ma nasan oo waxaan geeyey dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.
Waxaan deris la hay Jacaylkiisa isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan, Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani WAA JACAYKA DHABTA AH.
Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo keliya.




qofe jacyel waxkataqaana weyeh haday bay

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qiso Jaceyl Oo Murugo leh

qasadani waxay ku dhaccday gabadh soomaaliyeed iyadaana ka sheekaynaysa waxayna ku bilawday: -

Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay, Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo
dhacdada.   
Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.

Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.
Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.

Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigirka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:
Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy………..
A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.
Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ……
A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.
Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.  
Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.
Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.
Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu tiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiiyey:
A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..?  Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya  “Waad u qalantaa walaal waana aqbalay”.

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

وقل رب زدني علما


Linkiyadaa hoose ku dhufo 👇👇👇

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

/channel/addlist/GEbwy9wFelhkNjg0





Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. 😇

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼o 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻, 💙😘



▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ 
➦ SPONSORED BY
  ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿
↪️ @jaceylqore
↪️ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
↪️ @learn_english012
↪️ @Hagaajinaftaada
↪️ @Wadada_Guusha
↪️ @Arabic023
↪️ @taladaqoyska
↪️ @Caafimaad7
↪️ @Xikmadle
↪️ @kadisaqoon
↪️ @kalandarka_Hijriyada
↪️ @mustaqbal7
↪️ @Suuqgeynta
↪️ @Global_learning1
↪️ @Iibiye_online
↪️ @samow_techonolgy
↪️ @OGAANSHAHANOLASHA67
↪️ @Hamzaatii0845
↪️ @hadasamee
↪️ @wadnojacayl
↪️ @Balaashaan
↪️ @xadiith_maalinle
╚═══════ - ════════╝
↪️ KURULUS OSMAN
↪️ @Abdirizakthoughts1
@udhawoow_allaah
♧Guddoomiyaha kooxda♧
http://t.me/Wll_musab

New friends
╚═══════ - ════════╝
⭐️ @Balaashaan
⭐️ @Murti_iyo_gabayo
⭐️ @Ur_amaley
⭐️ @hoygaxikmada7

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

https://vm.tiktok.com/ZMk5vPBva/

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Qiso jacayl oo murugo leh

Qofkasta oo dunida guudkeeda ku nool waxa uu maalin kasta arkayaa arimo uu kufarxo naftii sana hididiilo galiya , rayn rayna kureeba iyo qaar uu kanoxo oo walaac, tiiraayo iyo beer loxowsi ku beera waana sune rabbaani ah in qofkastaahi uu lakulmo.

markan oo kale dadku isku maan, muruq iyo maskax ma aha, maaraynta ama latacaalida mushkiladahaa oo kalena kama sina .

Qisadaan soo socota oo ah mid aan casharo badan kabartay aqristow adna
aad kabaran dooto ayaa waxa ay dhexmartay wiil lagu magacabo c/rabi iyo inan somaliyeed oo lagu magacaabo najmo.

C/rabi ayaa iga waramay sida ay wax u dheceen waxa uuna yiri :-
” markii hore waxa aanu iska baranay aaladda facebook-ga xaqiiqdii aniga iyo najmo horay isuma aanan aqoon balse sawirada (photos) ka najmo oo qalbigayga taabtay aadna isoo jiitay ayaakeenay in aan kudarsado kana mid noqdo friends-ka najmo .

nasiib wanaag waqti yar kadib najmo way i aqbashay durbadiiba waxaan guda galay in aan salaan iyo nabdaadin layeesho kadibna waxa aan sii ambaqaadnay waraysigii .

najmo waxa ay iisheegtay in ay waqti dheer raadinaysay kuna raadjoogtay qof qanciya oo ay xariir lawadaagto , waxaa farxad weyn ii ahayd in aan noqonay dad isku magaalo jooga. aniga yaana noqday qofkii ugu horeeyay ee najmo xiirlayeesha ,.

aqristow waxaanu kala qoranay telfonada in badana ayaanu wada hadalay, codkeeda ayaa ahaa mid ay dhegtu aad ugu bogto qalbiguna uu aad ugu khushuuco mcnka iyo wanaaga darteed.

dhafar joogto ah waaga oo nagu baryi jiray iyo fariimo jacayl ah oo aan hawada isku
dhaaf sanayno ayaa sababay in jacalku dhidibo qota dheer ku istaago .

waxa ay iigu darayd habeen kii aan najmo idhahayga saaray waxaadba moodaa qof magaalada kucus waayo iyada oo kale intii aan somalia joga indhayga ma saarin.

message aan had iyo jeer najmo ku xasuusto qalbigaygana sina uga go’
iwaayay ayaa waxa u ahaa sidan :-

Boqorkii ragaad tahay
Baxan aan sugaayiyo
kaan beegsanaayay baad tahay

Bogaygaad kutaalaa
waax yaha jirkaygana
adigaa ku baahdoo beerkaygi baatahay

mcnow daraadaa
dareen baa isaaqoo
damiir kaygi taabtee
dibin daabyo iga dhow

dayax soo baxaayoo
mugdigi iyo madowgii
meeshaba kasaaroo
maqnaanayn nin baatahay

naftayduna hubaashii
adigay ku dooratay
kaa daali maysee mcne
adigaan ku daa imin .

Aqristow anga iyo najmo waxaanu ahay dad jacaylka ku xeel dheeraaday oo
aad u gu fogaaday .
14-03-2014 oo aniga ii ahayd habeen aad umadow ifiin meel dheer iga bidhaamaayayna uu iga damay oo aan xubin jirkayga kamid ah waayay ayaa waxa ay ahayad habeenki u najmo abeheed ku khasbay in u meher sado nin da’ ahaan aad uga waynaa ase lacag badan reer kooda kaga iib saday,

najmo ayaa iso wac day iyada oo aad u oynaysa waxayna iisheegtay arintaan……!!!
alah najmo…. !! miyad walatay see wax udheceen…
‘alah aduunyad dhib badanaa , imtiyaankedu adakaa , adigaana kuwaayo , aakhiraana majooge ,
alaahow alaahow alaahow sida khayr …!’ ayuu ahaa hadalkii ugu dameeyay oo najmo mcntaydi ay igu tiraahdo.
najmo telfonkii ayaaba loo diiray oo waxaa halkaas ku yaraaday xisihii iyo
galgacalkii noo dhexeeyay aniguna waxa aay ogaaday oo aan dib u xasuustay mahmaahdi ahayad ” wax aan calafkaaga ahayn lama cuno ama lama calmado”.

waxaana iiso baxday in jacaylka hortiisa uu yaalo calaf , waana mesha ay dad badina kasoo qaataan in jacalka dhabta ahi u yimaado ama lahelo marka ay labada qof is calfadaan oo ay is guursadaan . anga iyo najmo na waxaa isu kaaya diiday calaf ka ” .

Hadii Qisadan ka heshay Lawaadag asxbtaada Share dheh Hada nagu cusub waji furan kuso dhawaw

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Salaada hala ilaaliyo meelkasto aa jogtan😭💔

Читать полностью…

HOYGA SHEKOYINKA

Asxabey aniga badana waa mashqulsanahy yaa admin ka dhiga oo habeen walbo sheeko soo gelinayo

Читать полностью…
Subscribe to a channel